SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Gabay: Go’aan Qaran

Inj. Maxamed Cali Cibaar

Soomaali60@yahoo.com


Gabayga halkan ka dhegeyso.......

Gabaygaan la magacbaxay Go’aan qaran waxaa ciriyay  Inj. Maxamed Cali Cibaar, wuxuuna soo baxay 1dii May 2007. Gabaygu wuxuu jawaab u yahay gabaygii uu curiyay suugaanyahanka Maxamed Xirsi Guuleed ( Abdibashir) oo magaciisu ahaa Gobonnimo dagaallama isdhiib waa gunnimo weyne, gabaygaas oo si qotodheer uga hadlayay gumaadka iyo gardarrada lagu hayo shacabka aan waxba galabsan ee magaalada Muqdisho oo ay xasuuq u geysteen cadowyo isku soo bahaystay oo kala ujeeddo ahi.

Waa kan gabaygii Go'aan qaran ee akhris wanaagsan. ama halkan ka dhegeyso.......

  1. Gar Ilaahey waa loo islaam gaal kol ay tahaye
  2. Gaabaygaad Maxamadow dirteed dunida gaarsiisay
  3. Ilaahey gargaaryow runtaad gole ku faalleysay
  4. Guubaabadaadiyo xaqaad garabka siineysay
  5. Geesi waa ku diirsaday dullina waa gamuun helaye 
     
  6. Guryaha dumay gumaadkaa dhiciyo qaxiyo guurguurka
  7. Raqda Xamar dharaarahan goglane goob walbaba daadsan
  8. Muslinkaa gamaaraaya ee gaaska lagu buufin
  9. Wax ma galabsatiyo waxa miskiin qoorta la guduudin
  10. Saqiirrada la wada gowracee haaddu guraneyso 
     
  11. Culimada la garbaduubayee cadowga loo geeyo
  12. Walaalow haddey gogosha iyo gama’i  kuu diidday
  13. Haddii aad galiilyootayood la gadgaddoomeyso
  14. Qaar baa garaaddaba ku hela ehel gummaadkiise
  15. Qaar baa hooyooyinka gablami ganacsigood yahaye 
     
  16. Qaar baa garaacaaya sacab oo gurbaan tumiye 
  17. Gunnimadii haddey faan tahoo saaka laba goobi
  18. Gorgoriyo haddey joogto maal oo la  goyn waayay
  19. Waa gaddoon adduunyaad anigu saan garwaaqsadaye
  20. Allahayow na guulee waqtigu waa is gurayaaye 
     
  21. Gumeysiga na soo weeraree gulufka soo kiciyay
  22. Waligoodba way gaadayeen goor an dagannaaye
  23. Galdaloolladeenney Kufaar goobayeen abide
  24. Gurey iyo Daraawiishtii iyo ciidan laga goojin
  25. Gaar baa intaa laga hayoo wey gabbanayeene 
     
  26. Guuldarrooyinkoogii shalay gocanayaan weliye
  27. Goolashaan dorraad dhalinnay bey guda is leeyiine
  28. Gaashaanbuur dulmiga loo dhisay garabsanaayaane
  29. Inaan adiga ku gargaarsanney  nagu galaayaane
  30. Allahayow na guulee waqtigu waa is gurayaaye 
     
  31. Inkastoo aan gaabinnay beryahan oon gadaabownay
  32. Inkastoo midnimo laga gudbuu gobolba meel aaday
  33. Inkastoo uu garwadeenba yahay jaahil lagu guuro  
  34. Inkastoo gudimahaan na jaray geedkeen lagu daabay
  35. Oo wadajir wuxuu gooyo aan maanta garanweynay 
     
  36. Markii uu garruun nagu dhacoo dakhar na soo gaaray
  37. Ubad bilo an gaareyn markii gaajo loo laayay
  38. Oo gisida oo kale maalinba qaarkeen laga giigay
  39. Inta kalana isha galac ka siin oy wax geli weyday
  40. In dugaaggu hilibkeen gurtaa wow garleeyahaye
  41.  
     
  42. Gefkii dhacay waxbaa laga bartiyo gama’asanaantiiye
  43. Kala guurkii waan eednayoo nacab na googgooye
  44. Inaan gaari wada saarannahay garay kan miirraniye
  45. Naxariista gaanka adey Weynow kaa gurine
  46. Allahayow na guulee waqtigu waa is gurayaaye. 
     
  47. Soomaali Gabigeedu waa gacal walaalo ahe
  48. Waa ummad Ilaah uu galladoo galiyay Iimaane
  49. Waa ummad gumeysiga neceboon gunnimo yeeleyne
  50. Gacankii Tajoorriyo Cartiyo Awdal godankeeda
  51. Gabiley Hargeysiyo Burciyo buurta Shiikh gurada 
     
  52. Gidaarrada Taleex iyo dhulkey geenyadu ku foofto
  53. Ceerigaabo geeska Raascaseyr gegida Boosaaso
  54. Herertaa galbeed iyo Godey taniyo Gaashaamo
  55. Garoowiyo Nugaal Gaalkacyo Galdogobtaa hoose
  56. Galgaduud  ka gees iyo ka gees meel kastoo aad gaaro 
     
  57. Dhulkuu wabigu kala gooyo iyo Gobolka Hiiraan ah
  58. Jowhar iyo Garsaaliyo Cadale Balcad gadaasheeda
  59. Banaadiroo khalqigu uu gimgimay gooshitaankiisa
  60. Golweyn iyo Afgooyiyo Markada nimcadu gowriirto
  61. Guudka Buur gudaha Baydhabiyo gurisankii Waajid 
     
  62. Gosha Jilib geesaha Saakow iyo geriga hoygiisa
  63. Garbahaarrey  Baardheere iyo Gedo dhammaantiisa
  64. Goobtii Kismaanyiyo  illaa taniyo Buur-gaabo
  65. Gaarisa Wajeer iyo illaa Kiinya laga gaaro
  66. Gurigaad tagtaba waa rug ay gogoli kuu taalle. 
     
  67. Gucle horumar annagoo wadnoo gaawahow culannay
  68. Isgarabsi ha joogtee annagoon xume cid gaarsiinnin
  69. Gardarrada Tigruhu wado waxaa garabka loo siiyay
  70. Oo shacabka loo gumaadiyoo loo gataalleeyay
  71. Googaaleysan maynee dhabtii weysla garannaaye  
     
  72. Gaangis noo heshiiyoo raxmadi ay ka wada guurtay
  73. Dhaaxey gabgable khaa’iniyo noo shireen gumiye
  74. Dhaaxey guddiyo beena oo gallan abuureene
  75. Dhaaxey u goodgooddiyeen carab gariirtooye
  76. Dhaxey  Afrika gaabsatoy afka gufeeyeene 
     
  77. Dhaaxey golaha baadilka ah qodobbo geeyeene
  78. Dhaaxey gorfeeyeen shirqool geerideenna ahe
  79. Dhaaxey go’aan nagu khaldeen  ay na geliyeene
  80. Dhaaxey giniyo qaybiyeen laysku gadayaaye
  81. Dhaaxey mid gambo caabudiyo gaabis koriyeene 
     
  82. Dhaaxey mid sida Yey gabgabi soo xuleen gorofe
  83. Dhaaxey mid iimaan guriyo Geeddi keeneene
  84. Dhaaxey midkeennii wax gala gabawareen nacabe
  85. Dhaaxey gubeen maatiyoy gaabiyeen shacabe
  86. Dhaaxey geddii ay rabeen naga gujeysteene 
     
  87. Gabagabadii waan aragnayoo  waa gumaad taloye
  88. Waa geyiga qofba yuu ku harin gebi ahaantiise
  89. Ama gaalnimada qaata oo Guulle caasiyaye
  90. Mar haddii Gabriyo Tafase iyo Garaci qooqaayo
  91. Mar haddii gabdhihii sharafta laa tacaddi loo geystay 
     
  92. Taariikhdu waa kala gaddoon gelinkaan saaka ahe
  93. Fulay gaabshay Dayuus guuna iyo  doqon gafuur weyn leh
  94. Afmiishaar galley  lagu masliyo caqli gaweetoole
  95. Gun midoo damiirkuba gab yahay gafane yeelkoode
  96. War yaa goboo xumaan ka gilgishey galabta joogtaaye 
     
  97. Waa gadoode gurmadoo ka kacey galabta joogtaaye
  98. Gumeysiga  ha yeelina ayay galabta joogtaaye
  99. Dhaxalkeenna yaan la gambin bey galabta joogtaaye
  100. Garbo siman dagaallama ayay galabta joogtaaye
  101. Inaan diinta u gargaarno yay galabta joogtaaye 
     
  102. Gabooyaha inaan qaadanney galabta joogtaaye
  103. Gaalleef in lala soo saxey galabta joogtaaye
  104. Geyigeenna inaan daafacney galabta joogtaaye
  105. Gala gala dhufeysyada galey galabta joogtaaye
  106. Guba guba Woyaanaha gubey galabta joogtaaye
     
  107. Gabgab baa adduun lagu rogiyo gebi ka duul baase
  108. Kuwa maanta na guulguulayow reer garaadlaawe
  109. Abaal waxaan dadkiinna u galnoon gudid ka dhowraynay
  110. Haddaad goortaan baad naga rabtaan gibir inaan bixinno
  111. Waa garashadiinniyo hunguri aad ku go’eysaane  
     
  112. Gam haddaan dhaheynoo dhamaan geeri mudaneyono
  113. Gargaarkii ilaah iyo annagoo guulo filaneyna
  114. Oo diinta gaashaan ka dhigan gowsna ku adkeysan 
  115. Gayigeenna inaan daafacnaa waa go’aan qarane
  116. Gardarrada inaad eedeysaan waa go’aan  qarane 
     
  117. Mar haddaad giriifteen warhoy gaabsadoo jooga
  118. Gamaskaad fahmeysaan wixii uu gantaal qoraye
  119. Godobteennii Gondhor iyo Addis waa ta gudo taalle
  120. Gambellaa  illaa tagnoon  Wallo u sii gudubno
  121. Illaa Maqalle aan ku gaardinnoo kibirku uu gaabto 
     
  122. Garsoorkiyo caddaaladda illaa qaarkiin la hor geeyo
  123. Daallimiinta illaa aan gurbinnoon weyno gabigoodba
  124. Geeska afrikoo idil illaa nuurku wada gaaro
  125. Gu’ barwaaqo illaa uu curtoo galalka noo buuxsha
  126. Geeddiga xornimo inaan wadnaa waa go’aan qarane 
     
  127. Gaangiistarkaa Melles ahow gurracanow heedhe
  128. Si kastoon gargaar sharaf leh iyo gacanba kuu siinnay
  129. Si kastoon geeraarrada taliyo kuu gudbinnay waano
  130. Gawaan aan ku daalnaad tahoo aan wanaag geline
  131. Waxaad tahay Goroyo waalatoo gabbal u sii dumaye 
     
  132. Gudcur baad gudeysaa dhul uu good ku ladayaaye
  133. Gucumaale aar oo hurdaad ganbar u mooddaaye
  134. Ganaaxa iyo adigaa dalbaday dhiigga gobo’leyne
  135. Gacmahaada adigaa ku qodan iilkaad gali leyde
  136. Galbataye maxaan kuu galnaa weys gunaannadiye? 
     
  137. Kuu gooddin meynee runtaa  lagu guddoonsiinne
  138. Guureysayaa ama aroor hore u guurtaaba
  139. Sii gurguurataa ama sidii leeb u gamantaaba
  140. Gelinkaan tagtaa iyo beryahan sii galgalataaba
  141. Goror heensataa iyo bukaan go’a ka boobtaaba 
     
  142. Masaajidyo gubtaa ama waayeel kibir garaacdaaba
  143. Dugsi guratayaa ama kitaab galal ka jeexdaaba
  144. Waxaad geysatoo idil haddaan kaa gudeynaaye
  145. Adaa gumuc rasaaseed u qabay garow la ruugaaye
  146. Galbataye maxaan kuu galnaa weys gunaanadiye? 
     
  147. Garabdaar dhabaan heloo jab waa kula gudboonaanne
  148. Gabanney ahaayeen kuwaad ka gabbaneyseene
  149. Gurdankii fardaha iyo haddaan gaasas soo kicinne
  150. Guutooyinkii danab markaan goobta hore keenno
  151. Waxa aan gadaal maagannahay yaadan garaneyne 
     
  152. Gargar kugu habyaa ama Sheydaan godol ka nuugtaaba
  153. Jinni magan gashaa ama Ibleys gunno ku siiyaaba
  154. Ku gunuunucdaa janan amase gebigood laysaaba
  155. Garbaash inaan arlada kaa bixin ilmada oo gabax leh
  156. Ood garka na qaban waa hubaal goor dhow dabadeede
  157. Gagso gagso adaa gool yaxaas galay afkiisiiye
  158. Gagso gagso adaa gondaha daray godadkii naareede. 

Gabayga halkan ka dhegeyso.......


EHELKAAGA LACAG MA U XAWILEYSAA::: ADEEGSO XAWAALADDA DAHABSHIIL

------------------------------------------------------------

                      Dhamaad

Wixii falcelis ah ku soo hagaaji : Soomaali60@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 4, 2007


Sawiro laga qaaday dadka Dhaawaca ah ee ku jira cisbitaalka keysaney ee Muqdisho...

Waxaa soo tebiyey:
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com


SIPJ oo Reer Minnesota oo ugu Baaqay in si Nabad isu Hortaagaan Xafiiska Sen. Coleman...

English Version: Read Here....

SIPJ (Somali Institute for Peace and Justice Minneapolis, MN) waxay reer Minnesota ugu baaqayaan in ay u istaagaan nabad iyo caddaalad dhammaan, si taas loo muujiyona waxay dadweynaha ugu yeerayaan in ay yimaadaan xafiiska Sen. Coleman hortiisa oo ay si nabad ah isu hortaagaan xafiiska si ay u muujiyaan dareenkooda.... goorma: May 4, 2007. Waqtiga: @ 2:00pm... XEGGEE... EEG HALKAN...
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com