SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

GOBANIMO DAGAALAMA
Tirin: Maxamed Xirsi Guuleed
abdibashir@hotmail.com

Gabaygan wuxuu soo baxay 17-04-2007 waxaanu ku saabsanyahay xaaladda coladeed ee ka oogaan geeska afrika gaar ahaan Soomaaliya/Muqdisho ee u dhexeeysa  gumaystayaasha isbahaystay iyo gobanimo u dirirka Soomaaliyeed ee culimadu horkacayso. Wuxu yidhi: 

  1. Gabay Maxamed Caliyoow beryahan wayga gaagaxaye (Eng Maxamed Cali Cibaar)

  2. Sidii geel irmaan oo libaax, gaadaya ujeeda

  3. Ma gudhine wuxuunbayga tegay godolkii maanseede

  4. Sidii loo gembiyey dawladdii guusha badan keentay

  5. Gooh iyo waxay ii ahayd gibil madoobaade

  1. Gobolladay fadhiday dawladdii looga wada guuxay

  2. Ee gebiga soomaaliyeed gacal walaalaysay

  3. Ee nabaddii loo gaajo qabay gaar dadka u siisay

  4. Rag uunbaa guddoonsaday inay guluf ku qaadaane

  1. Gefna laguma haynine, samaan Geeska loo rabine

  2. Guulaha islaam lagu helaa, reer galbeed dhibaye

  3. Gaadaha colaaduhu markuu gubayey ciiddeena

  4. Gurmad nooma keenine dabkay gees ka shidayeene

  5. Wuxuu gaalku wayraxay markaan gaadhnay nabaddiiye

  6. Gama’ kalena may ledin illaa maydku geyllamaye

  1. Geeridii Cadaado iyo Mudug, shicibka loo geystay

  2. Aheey gobolka Hiiraana markii guudka laga toogtay

  3. Gudaha Bay, gadaal Buurxakaba, godanka Iidaale

  4. Gobollada jubbada hoose iyo Gedo xuduudkeeda

  5. Raggii Gaasta lagu buufiyee goobta lagu dhaafay

  6. Gadhacasta wayday meel ay galaan dunida guudkeeda

  7. Culimadii la gawracay ayaan laga geyoonayne

  1. Maantana gumaadkaa dhaacaan giida la hayaaye

  2. Raqda xamar goglani may ahayn guuto weerara eh

  3. Wax-ma-galabsatiyo waa haween Gaal ku xoogsadaye

  4. Guryaa dumay gidaarrada burburay, qaxiyo guurguurka

  5. Gabdhaa ay kufsanayaan ragga Goondhar laga keenay

  6. Waa sida gumaystuhu, halkuu galo ka yeelaaye

  7. Geddii weeye ay kula tageen gobolladeeniiye

  8. Bal garoo marbay HERER ahayd guri islaameede

  9. Gacmadheere, Diinaari iyo geeljir Cali Jeelle

  10. Iyo Geeddi waxan ay faleen, garanba mayaane

  11. Godobtaase lama saamaxee geliya diiwaanka

  1. Gurigiisa nimuu mayd u yaal gamasna loo haysto

  2. Oo loogu gooddiyey inaan sina gar loo siinin

  3. Ninka gogosha ugu baaqayoow geed xun baad tahay

  4. Gardarrada nin taageerayoo gees jiraad tahay

  5. Garbaduub inaad maagantahay garannay xeeshaase

  6. Gaashaandhiggii iyo intuu Xamarba gaal joogo

  7. Ee gobollo Soomaaliyeed Xabashi gooshaayo

  8. Waa kuu garaad li’i inaad shirar u guuxdaaye

  9. Golaa IGAD, gumaysiga madow, Yurub gargaaraysa

  10. Iyo kii gantaallada la dhacay geel cidla u foofay

  11. Guryahoodi waa nabad kuwaa geystay eedaha eh

  12. Godobtaase lama saamexee geliya diiwaanka

  1. Al-shabaabka soo giirtay iyo geesiyada dhaartay

  2. Culimada go’aansaday in aan gaadhka laga reebin

  3. Ee cadowga dhuunta u galoow gaar idiin ogine

  4. Haddaad geeriyootaan jannaad boos ka gadateene

  5. Haddaad guusha hanataanna waad, laba gar daaqdeene

  6. Gama’ yaanay abidkood ku ledin, goxoshka soo duulay!

  7. Soomaali gebigeedu waa gacallayaashiine

  8. Isu geynta Daarood, xattaa gobol Majeerteena

  9. Gelimays kol ay tahay kuwaa Godey ka hooseeya

  10. Hawiyaha gadoodiyo Jareer, geeshash Raxanweyna

  11. Gabooyiyo tumaaliyo ashraaf, ganaya liishaanka

  12. Garre iyo Ajuuraanka iyo gibilcad dhawr jaad ah

  13. Dirka goob kastaba yaalla iyo gacalka qiiraysan

  14. Gobta reer Isaaq, Ciise iyo beesha Gudabiirsi

  15. Gurgure iyo jaarsiyo qolyaha dega galbeedoo dhan

  16. Intaan gees maree badan dhammaan gebiga Soomaali

  17. Giddogood waxay doonayaan guul aad dhalisaane

  18. Gurmadkiina way jecelyihiin gacani waa toose

  19. gabdhihina ducuunbay intaa gawda ku hayaane

  20. Gaaliyo waxay diidanyihiin Geeddi iyo yey eh

  21. Gobanimo dagaalama is dhiib, waa gunnimo weyne

Maxamed Xirsi Guuleed (abdibashir)
abdibashir@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Himilo : Allahayow waxaan haybinnaba kii hayaad tahaye: Gabaygu, wuxuu jawaab u yahay farriin culus oo.. Akhri

Faafin: SomaliTalk.com | April 19, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com