SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Madaxweynaha Uganda oo ka khudbad Talo iyo baraarujin ah ka hor jeediyay boqolaal Soomaali ah oo Uganda shir uga socodo.

Maarso 12, 2008: Madaxweynaha Wadanka Uganda Yoweri Kaguto Museveni ayaa caawa khudbad dheer oo talo iyo tusaaleba iskugu jirta ka soo jeediyay shirkii Jiheynta iyo raadinta Nabadda Soomaaliya ee maalmihii la soo dhaafay ka socday hoolka shirarka ee Hotelka Imperial Resort Beach ee degmada Intebbe ee magaaladda Kampala ee wadanka Uganda

Ka hor madaxweynaha intii uusan Madaxweynuhu billaabin khudbaddiisa ayaa warbixn guud waxaa madaxweynaha shirka ka siiyay agaasimaha guud ee Hey’adda Cilmi barista iyo Wada tashiga ee CRD Jibriil Ibraahim C/lle oo mahadcelin kaddib Madaxweynaha u sheegay in shirku uu ku saleysanyahay Jiheynta Nabadda iyo tit-tirista Qabiilka, iyadoo Madaxweynuhu uu aad ula dhacay arrintaas oo ay ka soo shaqeeyeen Ururadda Bulshada Rayidka iyo Hey’adda CRD ee wadaag la ah hey’adaha Inter Peace iyo Safer World.

Proff. Maxamed Sheekh Osman (Jawaari) oo ku hadlayay magaca ka soo qeyb galayaasha shirka ayaa si aad ah Madaxweynaha uga qosolsiiyay, kaddib markii uu hadilyad ahaan u guddoonsiiyay buuga IFTIIN’s English-Somali Reference Guide oo ah digshinari kala turjumaya luuqadaha Soomaliga iyo Ingiriiska, waxaana hadalkii uu jeediyay Mr Jawari uu dowladda Uganda uga mahadceliyay dadaalkeeda ku aadan la shaqeynta dadka Soomaaliyeed ee sidii nabad loo heli lahaa, iyadoo uu kudhbadiisa uu ku yiri “Uganda waa Soomaaliya, SOomaaliyana waa Uganda”, taas oo keentay in Madaxweynuhu uu codsado qoraal ahaan Afsoomaali loogu bedelo oo uu aad ula dhacay dareenka iyo ammaanta loo jeediyay, iyadoo dhinaca kalena Marwo Khadiijo Gurxan oo ku hadleysay magaca Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Uganda ay sheegtay in door muhiim ah ay ka ciyaareyso Uganda Nabadda SOomaaliya.

Khudbaddii Madaxweynaha oo kooban.

Mudanayaal iyo marwooyin, dadkiina Sooomaaliyeed aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aad maanta halkan Intebbe in aad shir Nabadda Soomaaliya aad ku qabsateen, ku soo dhawaada gacmo furan mar kale, Dadka Soomaaliyeed, Oromada, Suudaata iyo qabiil naga tirsan waxay ka soo wada jeedaan jinsiyadda Kushitiga.

Aad iyo aad ayaan uga xumahay dhibka ka socda Soomaaliya, runtiina waa arrin xanuun badan, Magaaladda Muqdisho waxaan tegay sanadkii 1992, xilligaas oo ay magaalada ay ka jirtay dhibaatooyin xoog leh haba ugu darneyd Qadkii Cagaarnaa, iyadoo ay ka socdeen dagaallo xun, waxaan la kulmay General Caydiid, sidaas oo waxaan la kulmay Cali Mahdi oo ay dirirtu ka dhexeysay, waxaana kala wada hadlay Nabadeynta iyo joojinya Dgaaladda socda.

Dhibaatadii xilligaas socotay ilaa maanta waa socotaa, bal eeg maalinkii aan Muqdisho tagay carruurkii dhashay hadda waa 16-jir xoog leh, welina dagaalkii waa socdaa, mana ahan wax cadaalad ah in dagaalku ilaa maanta uu socodo, ma isku dayi karnbaa in dhammaanteen aan helno xalka dadkiina dhibaateysan, waa arrin cadaaladda ka fog oo wax laga xumaado ah waxa ka dhacaya magaaladda Muqdisho.

Daneysteyaal ayaa jira mar kasta waxay ka fikiraa danitooda oo kaliya iyo waxa uu isagu u arko in ay dan u yihiin, Tusaale ahaan haddii uu galo hool ay ku badan yihiin raggu wuu taageraa, haddii dantiisa kaliya uu ka arkayo, isla markii hadana haddii uu soo galo hool kale oo haweenku ku badan yihin wuu is bedelaa, ileen waa daneystee, waxaana ii muuqata in Soomaaliya ay hadda noqotay meel sheybaar ah oo laga ogaan karo waxa uu rabbo, xumaantana lagu tijaabiyo, sidaas daraadeed waxaan idin kala talinayaa in daneyste meesha laga saaro, ileen waa daneystee, wuxuu rabana waa wax iska cad.

Waxaan aad ula yaabanahay dadka Soomaaliyeed waa isku Diin, dhammaantiin waxaad tihin Muslim, isku Af oo la iskama kiin turjumo, iku Midabna waad tihiin, sidaas daraadeed maxaa la isku heystaa, Muqdisho waa Soomaaliya, Hargeysa waa SOomaaliay, Puntland waa SOomaaliya, Soomaaliyana waa SOomaalia, side wax u jiraan?

Fikir ahaan aniga waxaan aaminsanahay in la kala saaro Diinta iyo Siyaasadda, waayo siyaasaddu waa dhismo wadan, ammaan qaran, shaqaaleysiin, warshado samey iyo hormarinta wadanka, waana wax ka qabashada arimaha markaas taagan oo qaran iyo dadkiisba ay u haaban yihiin, laakiin Diintu waa ku xirnaanshaha Ilaahey iyo ka janno dalbasho, waana xiriirka qofka iyo Ilaahey u dhexeeya oo Ilaahey qofkaas kaligiis la xisaabtamo, laakiin waa in isku ujeedo laga noqdaa Siyaasad wax tar leh.

Aniga Qabiilkeygu waa Miyankole, 200-milse ayay deegaan ahaan ka fogyihiin caasimadda, waana qabiil Lo’ley ah, wixii ka horeyay 17-sano ilaa 20 sano caanaha lo’dooda markii ay listaan iyaga ayaa dib u cabi jiray, laakin dadku waxay barteen is dhex gal iyo in ay caanahooda ku bedeshaan qabiil kale tacab sida galeyda oo kale ah ku jira, sida Bagandhada Kampala degan oo oo miro ama wax soo saar kale ay u soo baxaan, si loo helo is dhex gal ganacsi iyo isku xirnaasho bulshadeed, markaas waxaa meesha soo galaya danta joogtada ah ee isku xirnaanta ka wada shaqeynta Nabadda iyo ka fikirteeda, tusaale ahaa aniga Aabahey waa nool yahay, waa 90-jir, fikirkisa hadda waa mid ka duwan kii hore, wuxuu ka fikirayaa Magaaladda Kampala oo uu ka maqan yahay, waayo haddi wax yar ka dhacaan wuxuu ogyahay in Warshada caanaha lo’da ee deegaankiisa u soo safrisaahi ay istaageyso haddii qalalaase dhaco, wxuuna ka fikiraa isku xirnaanta guud ee dadka isku danta ah, marka waa in ay jiraan fikirro isku tagay.

Waxaa lagaa rabaa haddii aad warshad yar oo Mootada sameysa aad ka furto tusaale ahaan Kismayo waxaa lagaaga baahan yahay in aad ka fikirto sidii aad ganacsiga ku gaarsiin laheyd Hargeysa oo kale, kaddinna aad East Africa ugu soo gudbin lahey, laakiin haddii aad ku ekaato Kismaayo iyo deegaanka u dhow waxaad ahaaneysaa qof ka xir-xiran caalamka intiisa kale oo muhiimadiisu ay tahay inta yar oo kooban, arrinkaasna waa laga fiican yahay, waxaana keenaya hor’umar la’aanta Africa waa qabiil iyo deegaan yar oo aan laga fikirin qeybaha kale ee muhiimka ah iyo dadkii oo aan wax baran.

Isku xirka Ganacsigu aad iyo aad ayuu muhiim ugu yahay Nabadda iyo waaritaankeeda, eeg Wadamada Yurub qolo aan is dilini kuma jiro, waa la is laayay haddan waad arkeysaan hor’umarka ay gaareen, waana lagama maarmaan in doorkaas ay ciyaaraan ganacsatada Soomaaliyeed, laakiin ku shaqeysida la dhuumashada canshuuraadku waa mid laga fiican yahay.

Arrinta kale ee aan aadka ula yaabanahay, isla markaana aan talada ka bixinayaahi waxay tahay, waa maxay Sababta Soomaalidu uga daba wareegto Dowlada ku meel gaar ah? Mar kasta waxaa laga hadlaa KMG, maxaa la is ugu imaan la’yahay Dowlad weyn oo permanent, aniga arrinkaas waa iga degi la’yahay, Malaga fikiri karaa haddii ay dhammaato 18-ka bilood ee C/llaahi Yuusuf u harsan in la helo dowladda weyn oo shaqeysa, waa in Soomaaliya laga hir galiyaa dowlad nuucaas ah, mise Soomaaliya kale yaa jirta?, maya Somalia is one Nation, sidaas daraadeed Ururadda Bulshada Rayidka ah iyo qeybahah siyaasaddu waa in ay arrinkaas ka shaqeeyaan.

Inigu waxaan dagaalka ka soo billaabay duurka ama baadiyaha, waxaana markii aan dagaalka soo wadnay oo ku soo dhawonahay Kampala, sameysanay ugu yaraan 10 qodob oo hir gala marka magaaladdu gacanta noo soo gasho, sida qorshe sameyn, doorasho iyo tastuur qoris, waxaa jirta arrin aan kala hadlay Caydiid oo aheyd in aan xarunta dalka lagu dhex daalamin, runtiina ninkaas wuxuu ahaa nin aqli badan oo warka dhuuxa, haddii laakiin tusalaale ahaan adiga iyo xaaskaaga aad isku dagaashaan jikada dhexdeeda ma heleysaan wax aad cuntaan marka dagaalkiina dhammaado, laakiin haddii qeybaha kale ee guriga aad isku soo dishaan raashinka Jikada yaal waa diin bad-baadayaa, waayo waxaad cunto waad u bahana tahay, waxaana mar kasta haboon in dagaalka laga daayo magaalooyinka wadnaha ah sida muqdisho oo kale.

Waan ka qeyb qaadanayaa Nabada iyo wada hadalka SOomaalida, waan jeclahay in la dodo, tusaale ahaa Dagaaladii qaraaraa ee dhawaan Muqdisho ka dhacay waxaan hir galiyay wada hadallo dhex maray dad Soomaali ah oo ka damqaday dagaalkaas, sida Haweneydii uu ka geeriyooday General Maxamed Faarax Ceydiid, marwo KHadiijo Gurxan iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiay Meles Zanawi oo runtii KHadiijo ay la murantay Ra’isul Wasaaraha, iyadoo aaad uga xanaaqasneyd dagaalka ka socda wadanka, sidaas oo kale waxaan goob joog u ahaa wada hadal dhex maray C/llaahi Yuusuf iyo Khadiido, waxaan dareemayay maadaama ay luuqadooda ku wada hadlayeen in wada hadal wax lagu dhameyn karo, xilli kasta waxaan diyaar u ahay in aan nabadda ka wada shaqeyno.

Xaqiiqo ahaan Uganda waxay soo martay mar xalado kala duwan, waxaan soo marnay waqti doorasho la is qiyaanay, sida doorashadii 1962, laakiin waxaan ugu dambeyntii ku guuleysanay nabad waarta iyo doorasho xor ah oo cid la xaqiraahi aysan jirin oo ku dhisan dimoqradiyad, waloow dimoqraadiyadda aad u maleysay in Africa loogu talo galay, Tusaale ahaan Madaxweyne Buush markii uu Africa yimaado waxa ugu badan ee uu ka hadlaahi waa democracy iyo hir galinteeda, laakiin marka uu tago Bariga dhexe ama Sucuudiga oo kale wuxuu kala hadlaa arrinta Shidaadka, ma dhicin in weli uu kala hadlo dimoqraadiyad, waayo weligood qaliijku xitaa ma sameyn hal doorasho oo dowladaha hoose ah.

Ugu dambeystii Mudanayaal iyo Marwooyin, dadkiina Soomaaliyeed ee sharafta leh ee halkan iskugu soo aruuray aad iyo aad ayaan mar kale idiin kaga mahadcelinayaa imaatinkiina Uganda, ma jirto cid idinka xigta wadanka, xitaa xaq ayaad u leedihiin in aad codeysaan sida hore u dhacday, ma diidi karno mana diideyno qaxootigiina yimaad ilaalin ayay nagu leeyihiin, sidii aad rabtaan ugu noolaada wadankan, ogaada waa wadankii labaad.

Waxaa Turjumay: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email: farahblue_545@hotmail.com
Tel +256 775517089
Intebbe, Uganda


March 11, 2008: Warbixin dheer oo ku saabsan shirkii Hagista Nabadda Soomaaliya ee maanta ku furmay Wadanka Uganda.

Shirkii Nabadeynta Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Hotelka Imperial Resort Beach ee Intebbe-Kampala ee wadanka Uganda, waxaana shirkaas oo ay ka soo qeyn galeen ku dhawaad 150 xubnood oo kala socday qeybaha kala duwan ee Bulshada, gaar ahaan Ururadda Bulshada Rayidka ah, Ganacsatada, aqoonyahanno, qurbo-joog iyo goob joogayaal caalami ah.

Shirkan oo maanta [Talaada March 11, 2008) uu shir guddoon ka ahaa Mahamed Sheikh Osman (Jawari), isla markaana ay howsha doodad iyo fududeynta qodbada ay ka caawinayeen C/raxmaan Macallin Ibraahim (Baadiyow) oo ka socday Jaamacadda Mogadishu, C.raxmaan Cismaan Shuuke oo ah agaasimaha Puntland Research Development, Maxamed Jirda Xuseen oo Ganacsatada ka socday iyo Maryan Xuseen Owreeye oo ka socotay Xarunta Xaquuqada Aadanaha ee Ismail Jimcaale ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Xiriirka Bulshada Rayidka ah iyo dowladaha, taariikhda Ururada Bulshada iyo wax qabadkooda iyo doorka raadinta Nabadda iyo dhismaha dalka iyo sida ay uga qeyb qaadan karaan Ganacsatadu.

Furitaankii shirkaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay C.raxmaan Raage oo ka socday Hey’adda Inter Peace oo wax ka soo qaban qaabishirkan wuxuuna sheegay in u jeedada laga leeyahay qodobada ka soo baxa shirkan ay tahay sidii nabad iyo dib u heshiisiin loo heli lahaa , wuxuuna sheegay in beesha caalamku taagereyso qodobada ka soo baxa shirkan oo socon doona ilaa labada maalmood ee soo socta, wuxuuna sheegay dadka Soomaaliyed laga doonayo in ay ceebta ka taagan wadanka ka tir-tiraan isagoo yiri “Waxaan deganahay Kenya, waagii dhawaa ee qala-laasuhu uu ka dhacay waxaa tusaalaha dadka reer Kenya u soo qaadan jireen wadanka SOomaaliya, iyagoo leh {Aaan bed-baadsanno wadankeena aan jecelnahay, haddii kale sida SOomaaliya ayaan noqoneynaa.

Agaasimaha Hey’adda CRD Jabriil Ibraahim C/lle oo furitaankii shirkaas ka hadlay ayaa soo ban dhigay cilmibaaris ay ku sameeyeen xaaladduu guud ee dalka, wuxuna sheegay in dalka la wada leeyahay isla markaasna loo baahan yahay oo la wada bad-baadiyo, isagoo cadeeyayn in hadda meeshii ugu dameysay la marayo, wuxuuna sheegay in fakir ka yimaada bulshada rayidka ah uu yahay mid haddii dhinaca wanaagsan loo adeegsado wax badan taraya.

Weriyihii hore ee British Broadcasting Corporation Zusana Price oo hadda ah madaxa warbaahinta ee xaafiis siyaasadda ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya oo maanta ku soo gudbisay wakiilka xohayahay guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha SOomaaliya ayaa farriin ka socotay wakiilka oo ay ka aqrisay furitaankii shirakaas, waxayna sheegtay in Qaramada Midoobay diyaar u tahay dhiira galinta isku day kasta ee lagu halayo nabad xoog leh oo ka dhalata Soomaaliya, waxayna sheegtay in Ganacsatada iyo Suxufiyiintu ay door muhiim ah ka ciyaari karaan weji kale oo SOomaaliya laga dhaliyo.

“Anigoo hore u ahaan jiray Saxafiyadda Caalami ah, waxaan hadda taageerayaa saxafiyiinta, Soomaaliyeed si ay uga qeyn qaataan nabada iyo dib u heshiisiinta” ayay tiri Zusana Price“Waxaan la shaqeyn doonaa qeybaha jilicsan ee bulshada, sida haweenka Carruurta iyo bulshada inteeda kalaba, si loo hir galiyo is bedel kale oo muhiim ah”.

Maxamed Jirda Xuseen oo ka socday Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa yiri “1991, kaddib si fiican ayay u shaqeeyeen ganacsatadu, waxay fuliyeen adeegyo badan oo muhiim ah, waxaan ka shaqeynaa meel kasta, waan is aamminaa, waloow dhib kasta aan u nugulnahay, haddan hantideena, nafteena waan biimeynay si loo helo dhaqaaq aan loo darsan, waxaa nala saaraa canshuuraad xoog leh marka aan ka shaqeyneyno meelaha ay ka jiraan maamuladda, waayo nin qori heystaahi waa ka xoog badan yahay nin tukaan yar heysta, is afgarad iyo is fahan ayaan waa in aan sameynaa, dhulkuna waa naga badan yahay ee aan ka wada faa’iideysanno”

Maryan Xuseen Owreeye ayaa iyana ka hadashay xaaladda Xuquqda Aadana ee wadanku ku sugan yahay “Musiibadda ka jirta Soomaaliya waxay soo socotay 36-dii sano ee la soo dhaafay, wadanka markasta waxaa isku bedelayay dabley, khatar nabad la’aaneed oo xoog badan ayaa jirta, saacad iyo maalin kasta waxaa dhaca dil, xasuuq, dagaallo, afduub, xabsi, barakac, caafimaad la’aan, waxbarasha la’aan, dagaallo abaabulan , waxaan geysatay qolo kasta oo wadanka soo gasha, tusaale ahaa, UNISOM iyo Ciiimadama Itoobiya iyo qolo kasta oo xoog isku dayeysa, waxaa hadda haray hal wadiiqo oo ah in la hormariyo Dib u heshiisiinta iyo taxadirka Xaquuqada Aadanaha”

C.raxmaan Baadiyoow iyo C.raxmaan Shuuke oo labaduba ka hadlay doorka Ururada Bulshada Rayidka iyo hagista qaabdhismeed ayaa ku nuux-nuuxsaday in inkasta oo ay jiraan ururo magic u yaal ah haddana ay ururada kale shaqeeyaahi ay yihiin kuwa si daacad ah u shaqeeyan, dadkana uga faa’iideeya waxyaabaha haboon ee bushada anfacaya, waxayna sheegeen ururkii ugu horeeyay ee dowlad ka madax banana uu ahaa SYL, waloow markii dowlahadiihii hore ay lahaayeen Ururo ay iyagu maamulaan, waxaana ay sheegeen in wada shaqeynno ay wanaag leh ay dhex marto hadba maamulka ay isku dhowyihiin, laakiin ay jirto in maamul kastaahi uu ku fikiro inuu riixo Bulshada Rayidka ah.

“Bulshada waxaa ka dhexeeya sadex arrimood, Diinta, Dhulka iyo Dowladda, sidaas daraadeed mayaysan dhici Karin in aan ku kala tagin midkoo sadexaad arrimood ee aas-aasiga ah, runtii waa wax aan la kala diidi Karin haddii runta la isku sheego, majiro qof dhahaya diinta noo bedela, mana jiro qof kale oo dhahay dhulka gooni ayaan u leenahay marka laga reebo deegaaneynta, sidaas oo kale ma jiro qof dhahay dowlad xoog leh ma dooneyno ama aniga iyo qabiilekyga ayaa dowlad noqoneyna” ayuu yiri C.raxmaan Baadiyoow oo Jaamacadda Mogadishu.

Qurba joogta Soomaaliyeed ee shirka ka soo qeyb gashay eek ala yimid wadamada America, Canada iyo Yurub ayaa iyaguna fikiro talo ah ka soo jeediaya, waxayna sheegeen in ay taageero dhinac kasta ah la daba jooogayaan dadka gudaha ku nool haddii ay keenaan fikiro nadiif ah oo dhabta iyo xaqiiqada ku saleysan.

Ilaa maqribkii waxaa socday fadhiyo kala gooni-gooni ah oo ay qodobadooda ay ka mid ahaayeen Qaabeynta iyo ka fikiridda Nabadda, Doorka haweenku ay ku leeyihiin Nabadda Iyo dib u heshiisiinta, Dhismaha Qaab nabadeed oo macquul ah, Ganacsiga iyo Nabadda, Xusida Dowlad Nabadeedka iyo doorka Qurba joogta, iyadoo qodob kasta dadka aqoonta u leh ay ka hadlayeen, waloow fikiradii saliimka ahaa ee ka soo baxay fadhiyayaas ayan soo saarin weli oo laga sugayo.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Uganda Moseveni ayaa lagu wadaa inuu berri Arbacada uu ku soo biiro shirka is uu uga jeediyo hadalada ku haboon ee Nabadeynta SOomaaliya, wixi wararka ee ku soo kordhana waan idinla soo socodsin doonaa haddii Ilaahey ka dhigo.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email: farahblue_545@hotmail.com
Intebbe, Uganda


March 10, 2008: Shirkii None State Actors oo soo gaba-gaboobay iyo shirkii Jiheyta Nabadda Soomaaliyeed oo furmaya.

Waxaa galabta [March 10, 2008) Hoolka shirarka ee Hotel Imperial Resort Beach ee degmad Intebbe ee magaaladda Kampala ee wadanka Ugand ku soo gaba-gaboobay shirkii mudada sadexda maalmood ahaa uga socday Ururka None State Actors ee ay ku mideysan yihiin Ururada bulshada Rayidka ah ee NGOs, Privet sectors iyo xirfadlayasha, waxaana dood iyo watashi dheer oo dhexmaray 55 urur ee ka kala socday koofurta iyo bartamaha Soomaaliya ay guddoomiye u doorteen Axmed Nuur Cisman (Injineer Jalwa).

Injineer Jalwa oo ay la tartamayeen musharaxiinta kala ah Osman Muhyadin Moalim, Nuurto Sheekh iyo C.raxman Moalim Ahmed, waxaana la isla gaaray laba wareeg, iyadoo wareegii hore ay ku hareen labada musharax ee C.raxmaan Macallin iyo Osman Mohayadin oo heli waayay tira codeedkii loogu soo gudbi lahaa kala reebta, waxaana 24- cod guushu ku raacday Axmed Nuur Osman, halka Nuurto ay heshay 20 cod oo qura, iyadoo codka 50-aad uu la dhoofay C/qaadir Walaayo oo shirka joogay wax ka yar 24 saac gudahood.

Sawiro kale oo shirka Uganda: halkan...

codka doorashada oo ahaa mid qarsoodi ah ayaa dhinaca kale guddoomiye ku xigeenka None State Actors loo doortay C.qaadir Sheekh Cabdullaahi oo ka mid ah madaxda Urrada Bulshada ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Markiiu la doortay kaddib ayay guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisuba la hadleen dadkii ka soo qeyb galay xafladda caleemo saarka waxayna sheegeen in sidii loogu doortay hoggaanka ay shaqada u wadi doonaan, iska markaana tastuurka iyo shuruucda ay ilaalinayaan.

Shirkan oo y soo qaban qaabisay Hay'adda Cilmi baarita iyo wadatashiga ee CRD oo wadaag la ah hey'adda Safer World ayaa u jeeda laga lahaa ay aheyd in la helo hoggaan rasmi ah ee horkaca oo ka kala socda bulshada qeybaheeda kala duwan, kuwaas oo xirriiro ganacsi iyo wada shaqeyn xoogan la yeelanaya 77 dal oo Africa, Pasific iyo carebianka iyo 15 dal oo Yurub ah, kuwaas hirgaliya heshiiskii Cotounou Bennin ee oo is kaashi sal dhig uu yahay ganacsigu uu dhex mari doono, iaydoo faa'ida ugu badan ay ka heli doonaan Ganacsatada oo si toos ah wada shaqeyn ula yeelan doon dalkaas.

Agaasimaha Guud ee Hey'adda Cilmi baartista iyo wada tashiga ee CDR Jabriil Ibraahim C/lle ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsantahay habwanaagii ay doorashadani ku dhammaatay, isagoo sheegay in mudadii sadexda sano aheyd oo ay ka soo shaqeynayeen sidii ay ururada bulshada ay ku heli lahaayeen hogaan midyesan manta lagu guuleystay, wuxuuna sheegay in doorashooyin nuucan oo kale ay ka dhici doonaan Gobolada Baiga iyo kuwa wogooyi ee SOomaalia, si ururada goboladaas ka jira ay fursado nuucan oo kale ah u helaan.

Waxaa sidoo kale ka hadlay doorashada kaddib madaxa barnaamijyada Africa ee hey'adda Safer World Ivan Campbell, wuxuuna sheegay in doorasho wanaagsan nuucii ugu fiicnaa lagu kala baxay, isagoo sheegay in guusha ballaaran ee None State Actors ay tahay mid ay ku faani karaan Ururada aan dowliga ahey oo dhan, wuxuuna carabaabat in aysan dhib yareen in la sameeyo ururu nuucan oo kale, laakiin ay wanaagsan tahay hor u socodka iyo is fahamak, laakiin wuxuu cadeeyay in xoogaa yar oo is qab-qabis ah uu ka dhex dhacay qoboladda doorashada bixinta codka ee guddoomiya, hase ahaatee ay doorashadu ku dhammaatay sidii loogu talo galay.

Maalmaha soo socda ayay xunbaha None State Actors guddgooda fulinta oo ka kooban 17 xubnood waxay la kulmi doonaan dhigooda Uganda, is ay uga wada hadlaan iskaashi caalami ah oo dhex marar labada dal oo siyaasad ahaan is xiiseeya, laakiin dhinaca ganacsiga iyo iskaashiga kale ee urur ahaan uu hadda u billaaban doonno.

Iyadoo shirka Ururaka Nine State Octos uu soo idlaaday ayaa hadana xalay waxaa is wada jir ah hoolka cashada ee Hotelka Imperial Resort iskugu yimid wufuuda shirka berri furmay oo looga hadlayo xal u helista iyo nabad raadinta Soomaaliya oo ay ka qeyn galayaan Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Taageerayaasha Maxaakiimta iyo dowlada Kmg ah, ganacsato, madaxda Ururada Bulshada Rayidka ah, fanaaniinta iyo mas'uuliyiin ka kala socda midowga Yurub iyo diplomatsiyiin caalami ah oo daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale laga yabaa inuu ka soo qeyb galo shirka Madaxweynahay Uganda Yoweri Museveni iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda Uganda ah, waxaana ay dhiiro galin doonaan isku imaatinka Siyaasiyiinta is diidan iyo Nabad Sooamaliya laga hir galiyo, iyadoo dhinaca kale farriin ka timid Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen ay sheegeyso in Xukuumadda KMG ay qaadan doonta qodobada macquulka ah ee ka soo baxa shirka berri lagu ballan santahay.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email: farahblue_545@hotmail.com
Entebbe-Kampala, Uganda
march 10, 2008


March 9, 2008: Warbixin ku saabsan Shirar Wadanka Uganda uga socda Ururro iyo dad Soomaali ah oo kala yimid Caalamka.

March 9, 2008: Waxaa maanti 2-aad Hotelka Imberia Resort Beach ee degmada Entebbe ee Magaaladda Kampala ee Wadanka Uganda ka socda shir ay ka soo qeyn galeen ku dhawaa 150 qof oo ka kala socday Ururadda aan dowliga aheyn ee wadanka Somaaliya, waxaan shirkaas soo qaban qaabiyay Hey'adda Cilmi Baasita iyo Wada tashiga ee CDR oo kaa shaneysa hey'adaha Safer World iyo interprpeace.

Shirkan oo laba qeybood ah ayaa qeybtiisii hore wuxuu u furmay hey'adaha aan dowliga aheyn ee None State Actors oo ay ku wada jiraan Faaíido Doon iyo kuwa aan Faaíido doon aheyn iyo NGO's, waxayna dooraan doonaa maalinta Isninta ah guddi horkaca oo mideysan, iyadoo furitaankii shirkaas hadal uu ka jeediyay Agaasimaha Guud ee Haye'adda Cilibaarita iyo Wada Tashiga ee CRD Jabriil Ibraahim C/lle uu sheegay in muddo ku dhawaas 3 sano ay ay ku qaaday sidii ay iskugu keeni lahaayeen None State Actros oo ay u sameynsan lahaayeen hogaan xoog leh.

Shirkan ayaa qeyb ka ah heshiiskii Cotounou Benin, kaas oo ay wada saxiixdeen 77 dal oo Qaaradda Africa, wadamada Pasific iyo Carebian-ka iyo 15 wadann oo Yurub ah oo is kaashi xiriir iyo gacansi toos ah sameysanaya, waxaana haddii ay ku guuleystaan ururada aan dowliga aheyn in ay sameystaan hogaan u shaqeeya isla markaasna ay ku heshiiyaan Tastuurka ay ku wada dhaqamaan ay si cad ula xisaabtami doonaan dowladda KMG, iyagoo kual xisaabtami doona dhaqaalaha ay dowladaha deeqada bixiyaahi ay siiyaan dowladda.

Dhinaca kale waxaa magaaladda Kampala ee Uganda ku soo qul-qula wufuud Soomaali oo is kugu jira Taageerayaasha Maxakiimta, kuwa Dowladda KMG, Ganasato, Aqoonyahanno, Saxfiyiin iyo Fanaaniin iyo wufuud kale oo ajaabin ah oo kala socda oo kala heyádaha deeqad bixya iyo midowga Yurub, waxayna ka qeyn gali doonaan shirka taladada bilaabaya ee looga hadlayo jiheytan Nabadda Soomaaliya iyo hal u helista qilaafaadka 18-ka sano ka socda wadanka Soomaaliya.

Doodo kulul iyo is dhaafsiga fikirro macquul ah ayaa laga filanayaa in ay ka soo ifbaxaan shirkan oo ah mid ay rajo wanaagsan ka muujinayaan kas soo qeyb galayaasha shirka iyo qaban qaabiyaasha intaba, wuxuuna jidka u xaaqi doonaa is afgarada iyo talo ay SOomaaliyi iskugu timaado.'

Raíisul Wasaaraha Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa sheegay inuu taageerayo wixii ka soo baxa shirkaas, isagaoo sheega in ay tixgalinayaan wada hadallo Nabadeed oo ay wada yeeshaan dhinacyadda siyaasiyinta Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Xukuumadda KMG ah u taagan tahay Nabad helista iyo is afgarad dhex mara dadka Soomaalida ah.

Furitaanka shirka waxaa lagu casuumaya inuu ka hadlo Madaxweynaha wadankan Uganda Yoweri Kaguto Museveni maadaama martii loo yahay, isla markaana uu yahay Madaxweynaha kaliya ee u dhaq-dhaqa nabad ka timaada wadanka SOomaaliya, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciidanka DOwladda Uganda ay ku sugan yihiin Magaalada Mudisho.



Heyádda CDR ee soo qaban qaabisay Shirarkaas ayaa sheegtay ay fikradaha iyo talooyinka ka soo baxa shiraas ay ka diyaarinayaan Document loogau magac dari doono XAGEEN AADNAA, wuxuuna sheegay Agaasimaha CRD Jabriil Ibraahim C/lle in uu rajeynayo in dadku wixii hadda ka dambeeya ay hilmaami doonaan qabiil iyo qabyaalad oo ah waxa keenay isnicintaanka iyo kala fogaashaha qabaaílka SOomaalida.

Warbixin dheeraad ah hoos ka akhri:

W/D: Faarasx Maxamed Cali (Faarax Blue)
Email farahblue_545@hotmail.com
Intebbe, Uganda
March 9, 2008


Kullanka ay Sooomaalidu ku leeyihiin Ugandha...

Waxaa magaalada Entebbe ee waddanka Ugandha ka bilowday shir balaaran oo labo qaybood ka kooban. Shirkaan ayaa ah mid aan horay loo samanin, lana filayo in uu noqdo mid miro dhal ah. Shirkaan ayaa waxaa ka soo qayb gelay dad tiradoodu kor u dhaafeen 140 ruux oo ka kala socda hay'adaha sama falka, qurba jooga iyo hay'adaha caamiga ah. Sida oo kale waxaa ka soo qayb galaya hay'adaha caalamka ee deeq bixiyayaasha ah.

Shirka kowaad ayaa waxaa uu ku saabsan yahay sidii loo midayn lahaa hay'adaha sama falka ah ee Koonfurta iyo Bartamaha Somaliya. Hay'adaha isugu yimid magaalada Entebbe ee Somalida ah ayaa waxaa ay kor u dhaafayaan 20. Hay'adahaan ayaa marka ay dala samaysataan waxaa ay raadinayaan in ay hal dalad la samaystaan kuwa ka jira Puntland iyo Somaliland.

Shirkaan ayaa waxaa isuku soo dubaridey hay'ada Center for Research and Dialogue (CRD), iyo saaxiibadood Saferworld iyo Interpeace

Qaybta labaad ee shirka oo bilaamaysa 11 soconadoonta ilaa 13ka ayaa waxaa ka soo qab gelaya dad badan oo ka kala yimid Qurba jooga Somaliyeed oo ka kala socda US, Canada, England, Carabah, Bakistaan iyo Australia.

Australia wayaa waxaa qurba jooga matalaya Ciise Maxamud Dhollowaa iyo Cabdulahi Caaji oo labaduba ka yimid magaalada Melbourne oo Somalidu ugu badan tahay. Ciise Dhollowaa ayaa PHD-giisa ku samaynaya sida qurba joogu ay uga qayb qaadan lahaayeen dib u dhiska Somaliyeed. Dhanka kale Cabdulahi Xaaji ayaa wuxuu ka mid yahay dadka baayacmushtarka ah.


File Foto: qaar ka mid ah aqoonyahanada Australia

Qaybta labaad oo ah mida ugu weyn shirka auaa waxaa lagu fiiranayaa arimaha Somaliya, khaasatan arimaha nabada, dib u dhiska, iyo qaybta Qurba joogi ka ciyaari karo labadaas qayboodba.

Dhanka kale, bulshada rayadka ah ayaa waxaa ka jooga shirka cudud xoog leh oo aan la soo koobi karin.

Waxaa lagu talo jiraa in shirka yimaado madaxweynaha waddanka Ugandha Musafainin oo dadka somalida h ku boorindoona in ay waddankooda iyo dadkood wax u qabtaa.

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2008

Barack Obama oo Guul Kale ka soo Hooyey Tartanka Isreeb-reebka Madaxtinimada Maraykanka (Gobolka Wyoming)...

:::Booqo Bogga Sawirada (somalitalk.slide.com)

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com