- Shareecada Islaamku si cad oo aan mugdi ku jirin ayey u qeexday xukunka
sinada; waana laba nooc (1) in boqol karbaash (jaydal) lagu dhufto qofkii
sineysta oo aan horay guur xalaal ah usoo marin, iyo (2) in dhagax lagu dilo
qofkii sineysta oo horay guur xalaal ah u soo maray.
Xukunkii Dhagax-ku-dilka ahaa ee lagu fuliyey gabar Soomaaliyeed oo joogta
magaalada Kismaayo, sharci ahaan ma sax baa mise waa khalad?
Gabadha magaceeda la dhaho Caa’isha (Luul) Ibrahim Dhuxulow waa gabadhii lagu
fuliyey xukun dhagax-ku-dil ah oo ka dhacay magaalada Kismaayo taariikhdu markii
ay ahayd October 27, 2008.
Haddaba dhacdadaas oo warbaahinta Soomaaliyeed ay siyaabo is-khilaafsan uga
hadashay, waxaan jeclaystay in aan ummadda Soomaaliyeed la qaybsado (b) xog gaar
ahaaneed oo ku saabsan gabadha dhagaxa lagu dilay, (t) iyo shareecada Islaamku
waxa ay ka qabto fulinta xukunka sinada, inta aan ka ogahay, iyo (j) aragti &
talo soo jeedin.
Qoraalkan ujeeddadiisu waa in dib loogu noqdo xukunkii lagu fuliyey Caa’isha oo,
iyadoo la cuskanayo shareecada Islaamka, la caddeeyo qodobbadii loo cuskaday
xukunkaas, kaddibna culummada ku xeel-dheer shareecada Islaamka ay ka hadasho
ansaxsanaanta qodobbadaas. Dabcan gabadhii la dilay dib uma soo noolaanayso,
laakiin dad badan oo Soomaaliyeed oo gabadha waalidkeedna uu ka mid yahay baa
aaminsan in si aan caddaalad ahayn loogu fuliyey Caa’isha xukunkii
dhagax-ku-dilka ahaa ee ay ku fuliyeen mas’uuliyiinta al-Shabaab ee hadda
Kismaayo gacanta ku haya.
Waxaan si qoraal ah u soo bandhigayaa hadalladii is-khilaafsanaa ee warbaahinta
laga sheegay. Dhammaan hadalladan kala duwan ee aan xiganayo iyagoo cod ahaan u
duuban baan hayaa, waxaana maqal ahaan looga heli karaa idaacadihii warkaas
sheegay haddii tixraac ahaan loo baahdo. Sidoo kale, xiriirka waalidka gabadhii
la dilay, mas'uulkii ama hay'addii baaritaan ahaan ugu baahan waan siinayaa.
Hadalka Wariyeyaal Idaacadeed oo sheegay in ay goob-joog u ahaayeen xukunka
lagu fuliyey Caa’isha.
(1) Idaacadda VOA (Oct. 27, 2008) – Wariye Cabdullaahi Nuur Maxamed
(Kolombo) ayaa arrintaas ka waraystay Sahra Cabdi Axmed oo Kismayo joogta. Sahra
waxay tiri: “… gabar ayaa qudha looga jaray dhagax tan iyo inta ay ka
dhimaneysay taas oo lagu soo eedeeyey in ay gashay fal dembiyeed”. Markii wariye
Kolombo uu Sahra weydiiyey waxa uu ahaa fal dembiyeedku waxay ugu jawaabtay “…
inkastoo maamulku uusan si rasmi ah u sheegin, misna warar hoose waxay
sheegayaan in gabadhaasi la sheegay in ay gogol dhaaf samaysay; shareecada
Islaamka markii loo bandhigayna waxay sheegeen xubnaha maamulka ah in gabadhaasi
ay muteysatay in dhagax qudha looga jaro”. Kolombo ayaa weydiiyey Sahra in
gabadha magaceeda iyo da’deeda goobta laga sheegay, waxayna ugu jawaabtay
“…Goobta waxaa uun laga sheegay magaceeda oo waxaa lagu sheegay Caa’isha
Ibraahim Dhuxulow, hase ahaatee da’deeda lama sheegin … gabar yar ayey iigu
muuqatay”. Hadalka wariye Sahra intaas wuu ka badnaa laakiin nuxurka ayaan kasoo
qaatay.
(2) Idaacadda Radio Daljir (Oct. 28, 2008) – Waxay sii deysay hadal uu
dadkii goobjoogga u ahaa xukunka la fuliyey u jeediyey ku xigeenka garsooraha
maxkamadda Kismaayo; wuxuuna sheegay laba qodob oo sida muuqata loo cuskaday
fulinta xukunkaas oo kala ah (1) in gabadhu ay qiratay in ay sineysatay, iyo (2)
in ay guur xalaal ah soo martay. Hase ahaatee da’da gabadha ma sheegin. Wariyaha
Radio Daljir uga soo hadlay Kismayo wuxuu sheegay in maamulka al-Shabaab ee
Kismaayo ay diideen in wax sawir ah ama filim ah laga qaado goobta xukunka lagu
fuliyey.
(3) Idaacadda VOA (Oct. 27, 2008) – Waxaa laga sii daayey war rasmi ah oo
ku saabsan da’da gabadha dhagaxa lagu dilay; warkaas waxaa bixiyey mas’uul sare
oo u hadlayey maamulka Al-Shabaab ee magaalada Kismayo oo magaciisa la dhaho Sh.
Xasan Yacquub wuxuuna yiri: “… gabadhu 25 ilaa iyo 26 jir gabdhaha u dhexeeya
ayey ahayd; … sinada iyada ayaa qiratay; qiraalkeeda ayaana lagu xukumay… kaddib
markii ay qiratay su’aalo badan baa la weydiiyey in ay bal waalan tahay ama ay
xanuunsan tahay ama dhimirka looga jiro ama ay horay u soo waalan jirtay baa la
weydiiyey; intaba way beenisay; … ma waalni ayey tiri”.
Sida ku cad hadalka Sh. Xasan Yacquub waxaa muuqata in da’da gabadha la dilay
lagu saleeyey qiyaas iyo mala-awaal: “… gabadhu 25 ilaa iyo 26 jir gabdhaha u
dhexeeya ayey ahayd …” iyo in fayo-qabkeeda maskax ahaaneed caddayn looga dhigay
qiraalka gabadha la dilay: “… su’aalo badan baa la weydiiyey in ay bal waalan
tahay ama ay xanuunsan tahay ama dhimirka looga jiro ama ay horay u soo waalan
jirtay baa la weydiiyey; intaba way beenisay; … ma waalni ayey tiri”.
(4) Idaacadda VOA (Oct. 28, 2008) – Waxay waraysatay aabbaha Caa’isha
wuxuuna sheegay hadallo liddi ku ah warkii rasmiga ahaa ee kasoo baxay maamulka
Al-Shabaab.
Aabbuhu wuxuu caddeeyey:
(1) in Caa’isha ay ahayd gabar aan horay u guursan;
(2) in Caa’isha ay jirtay 13 sannadood (iyo bilooyin);
(3) in Caa’isha ay xeebta Kismayo ku kufsadeen saddex nin oo ay uga dacwootay
maamulka al-Shabaab ee Kismayo gacanta ku haya; iyo in saddexdaas nin laba ka
mid ah ay xabsi ku jiraan, kan saddexaadna uu fakaday.
(4) in xukunka Caa’isha ku dhacay ee dhagax-ku-dilka ah aysan jirin mas’uuliyiin
ka socda maamuka al-Shabaab oo kala soo xiriiray.
(5) in Caa’isha ay taleefoon u soo dirtay isaga maalintii dhagaxa lagu dilayey;
nin sida uu sheegay ahaa ilaaliye gabadha la joogay baa la soo xiriiriyey si
Caa’isha ay u macsalaamayso waalidkeed uguna sheegato lacag dhan 100 shilin
(Kenyan Money) oo dayn ahaan loogaga lahaa Xerada Qaxootiga ee Xagardheer,
Kenya, in uu aabbaheed ka bixiyo.
(6) in Caa'isha ay ahayd gabar fud-fudud.
Xog-warran qof ahaaneed
Anigu, waxaan shakhsi ahaan u garanayaa waalidka Caa’isha dhalay oo aan muddo
afar sannadood ah ku wada noolayn Xagardheer, Kenya. Sidoo kale gabadha dhagaxa
lagu dilay (Caa’isha) xilligi ay dhalatay goob joog baan u ahaa. Waxay ku
dhalatay Cisbitaalka Xagardheer ee Dhadhaab , Kenya . Dabcan si dhab ah uma
xusuusto maalinta iyo bisha ay dhalay, hase ahaatee dhalashadeedu waxay ku
beegan tahay inta u dhaxaysa bilihii u dambeeyey ee sannadkii 1994 iyo bilihii u
horreeyey sannadkii 1995; taas oo qiyaas ahaan da’deeda ka dhigeysa 14 sannadood
oo wax yar uun dhiman. Xilliga ay dhalatay waxaan ka mid ahaa shaqaalaha
cisbitaalka ay ku dhalatay oo markaas ay gacanta ku haysay hey’adda
dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ee MSF-Belgium.
Nasiib wanaag, taariikhda dhalashada ee Caa’isha oo saxan waxaa laga heli karaa
Hey’adda Qaxootiga ee UNHCR oo mar kasta laga diiwaan geliyo cunug kasta oo u
dhasha qaxootiga ku nool guud ahaan xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab (Xagardheer,
Ifo, iyo Dhagaxley).
Shareecada Islaamku maxay ka qabtaa falkaas?
Shareecada Islaamku si cad oo aan mugdi ku jirin ayey u qeexday xukunka sinada;
waana laba nooc (1) in boqol garbaash (jaydal) lagu dhufto qofkii sineysta oo
aan horay guur xalaal ah usoo marin, iyo (2) in dhagax lagu dilo qofkii sineysta
oo horay guur xalaal ah u soo maray.
Labadaas qaybood waxaa hoos imaanaya qof qaan-gaar ah, oo aan waalnayn oo qirta
in uu sineystay ee raba in laga oofiyo xadkaas; waxaase muhiim ah in in la
hubiyo: (1) haddii ay dumar tahay in ay uur leedahay; haddii ay uur leedahayna
xukunkeeda dib loo dhigo ilaa ay ka dhasho; (2) in ay qaangaar tahay; (3) in ay
maskax ahaan fayowdahay.
Qofka (ama dadka) aan qiran sinada balse lagu soo eedeeyey waxaa ku xiran
shuruud, waana in la helo afar qofood (oo sharci ahaan markhaati gal ah) oo ku
marag fura in qofka (ama dadka) sinaystay ay falkaas ku dheceen. Markhaatiyaduna
waa in ay ka marag furaan in ay indhahooda ku arkeen labada cawro ee dadka
sineystay oo isku jira.
Xukunka sinnada ma aha mid fudud oo si sahal ah loo fulin karo, wuxuuna ka mid
yahay xukunnada Islaamka ee loo baahan yahay markhaatiyo badan, hubsasho
baaritaan xeel-dheer iyo maxkamad si caddaalad ah xukunkaas u fulisa.
Haddaba haddii la eego caddaymaha laga helayo waalidka gabadha la dilay, waxaa
muuqata in xukunkii lagu fuliyey Caa’isha Ibraahim Dhuxulow uu ku dhacay si aan
waafaqsanayn shareecada Islaamka.
Waxaa habboonaan lahayd in xukunkaas dhagax-ku-dilka ah aan lagu deg-degin ee
baaritaanno badan la sameeyo. Kiiska gabadhana laga qayb-geliyo waalidkeed, iyo
dhakhaatiir kale oo gabadha ku sameeya baaritaan caafimaad iyo mid dhimir ahaan
intaba. Laakiin mar haddii xukunkii uu dhacay lana fuliyey, waxaan u soo
jeedinayaa guud ahaan Culummada ku xeer dheer Shareecada Islaamka gaar ahaan
wadaaddada xukunka fuliyey in xukunkaas dib loogu noqdo oo dhab ahaan loo
caddeeyo qodobbadii loo cuskaday xukunkaas iyo ansaxsanaanta qodobbadaas.
Gebagebadii, waxaan tacsi u dirayaa waalidka Caa’isha ee hadda ku nool
Xagardheer, Kenya. Culumada Soomaaliyeedna waxaan ka rejeynayaa in ay jawaab
waafi ah ka bixiyaan xukunka gabadhii la dily. Jawaabta Culummada waxay ka
hor-tag u noqon kartaa falkaas mid la mid ah in uu soo noqdo; sidoo kale waxay
qancin iyo samirsiin u noqoneysaa waalidka gabadhii la dilay.
C/fataax Maxamed Cabdulle
Ottawa, Ont. Canada
abdulfatah@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 1, 2008 |