SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

DIINTA ISLAAMKA MAXAY QABTAA IN QOF MUSLIM AH LA GAALEEYSO

(Fatwo lagu naqdinayo hadalkii ka soo yeeray Sh. Xasan Turki)

Muxaadaro Diini ah Sheekh Axmed C/laahi Xuseen (Sheekh Fanax)

(XOGHAYAHA DIB-U-HESHIINTA EE ISBAHAYSIGA DIB-U-XOREYNTA SOOMAALIYA

Arinta ku saabsan in qof Muslim ah la gaaleysiiyo oo islaamnimada looga saaro ma aha arin sahlan, waayo wuxuu allaah ku xiray Muslimnimada iyo gaal nimada, wanaaga iyo xumaanta, inay yihiin kuwa ay ka dhalaneyso abaal marin, sida Janno iyo Naar, kolba wuxuu muteysto qofkaasi.

Sidaa darteed waxaa in badan ka hadlay arintaan culimada dunida muslimka ee ku caambaxay cilmi iyo Alle ka cabsiba, waxaana ka mid ah Imaam Albaani ama sheekha Soomaaliga ee aad wada garaneysaan sheikh shariif C/nuur waxayna ku tilmaameen inay tahay arintan fidno.

Waxaan wada ognahay in beryahan dambe ay soo baxeyso dagaal xaga fikirka ah oo lagu gaalnimo xukminaayo culimada ama madaxdii shacabka Soomaaliyeed ee horseedka ugu aheyd xal u raadinta arinta murugsan ee shacabka soomaaliyeed oo ay dhibaato baaxad weyni ku habsatay labaatankii sano ee u dambeeyey .Culimada lagaaleysiiyey ayaa waxaana ka mid ah sida lagu sheeegay webside loogu magac daro waaga cusub, islamarkaana aan soo dhageystay war aad u naxdin badan oo uu jeedinaayo sheekh almujaahid Xasan turki.

Warkaasi nuxurkiisa ayaa waxaa uu yahay inuu Sheekh shariif ridoobay, Xasan daahirna qarka u saaran yahay inuu ridoobo, hadaba arinkaasi ayaan doonayaa inaan wax ka iraahdo Allana aan ugu dhawaado, waa laba qof oo muslim ah oo aan ilaahay dartiis u jeclahay ,waxaana jecleystay inaan halkan ku sheego wixii jira.

Waxaad ogaantaan marka hore inaaney u banaaney qof Allaah iyo Maalinta Aakhiro rumeysan inuu islaammnimada uu ka saaro gaalnimana uu ku xukmiyo qof kale oo walaalkiisa muslim ah, inuu u hayo mooyaane daliil sida qoraxda u cad, waayo waxaa uu Rasuulka (CSW) uu yiri in badan oo saxaabadana ka mid ah laga wariyey

الأحاديث الصحيحة المروية عن جماعة من الصحابة أن من قال لأخيه يا كافر فقد باء بها أحدهما)) (2) السيل الجرار 4/578.

(( qofkii walaalkiis ku yiraadha (Yaa Kaafir) Gaal yahow,labadooda midkood ayuu ereygaasi ku noqonayaa))

Sidaa darteed waa kuma qofka ku dhiiran kara xadiiskan iyo axaadiista la midka ah.

Sidoo kale waxaa aad looga digay in qof muslim ah la gaaleysiiyo, iyadoo wax xujo cad ah aan loo haynin.

Waxaa ka hadlay Sheekh Maxamed Bin C/wahaab Waxaana hadalkiisa ka mid ahaa inuu yiri sidan

فيجب على من نصح نفسه ألاَُ يتكلم في هذه المسألة إلاّ بعلم وبرهان من الله، وليحذر من إخراج رجل من الإسلام بمجرد فهمه واستحسان عقله، فإن إخراج رجل من الإسلام، أو إدخاله فيه من أعظم أمور الدين.. وقد استزل الشيطان أكثر الناس في هذه المسألة،) الدرر السنية 8/217

((waxaa waajib ku ah qofkii u naxaaya naftiisa inaanu ku hadlin arintan gaaleysiinta inuu u hayo moooyee aqoon iyo xujo cad oo allaah xagiisa ka timid , haka digtoonaado qofka noocaas ah inuu dadka diinta kaga saaro fahamkiisa iyo wax uu ismoodsiiyey ama la qurxoonaaday, in qof laga saaro Islaamnimada lana gelyo gaalnimo waa waxyaabaha islaamka ugu waaweyn mana aha wax sahlan, in badan oo dadka ka mid ahna shaydaanka ayaa ku marin habaabiya arintan gaaleysiinta))

Qofka lagu gaalnimo xuklminaayo waxaa uu ay u baahan tahay in loo maro dariiqii ay culimada islaamka ay u mari jireen, waxaana jira shuruudo iyo qaacidooyin loo adeegsado qofka Diinta looga saaraayo ee dhiigiisa la baneysanaayo saxna ma aha in muxaadaro dusheedo su aalo la iska weydiiyo si waliba caadhifo ay ka muuqato iyo hadalo iska hor imaanaaya lagu gaalnimo xukmiyo Qofmuslim oo magac weyn ku leh bushada dhexdeena waa mid aanay ka suurta galeynin qof naftiisa ooga baqaaya cadabka alle. Sh shriif ma ahan qof ee waa qaran Soomaaliyeed.

Waxaan jeclahay inaan xuso qawaacida looga baahan yahay in lamaro marka arintan oo kale ay timaado

1-waa in la helaa cadeymo buuxda oo loo cuskana dambiga qofkan lagu eedeynayo akhri xadiiskan

وقد جاء فيه الوعيد كما صح عن النبي صلى الله عليه وسلم: (إذا قال الرجل لأخيه: يا

كافر، فقد باء به أحدهما) أخرجه البخاري في الصحيح .

Waxaa la gudboon inuu qofka iska ilaaliyo inuu si sahlan uu ku gaaloobo ama uu ku gaalnimo xukmiyo wlaalkiis Muslimka ah, iskana riixo intuu awoodaba inuu gaalnimo ku dhaco Ilaah ayaan ka magan galnay.

Fadiilatu sheekh Claahi Ibnu jabriin aa kal hadlaaya arintan gaaleysiinta ayaa waxaa uu yiri sidan

فضيلة الشيخ عبدالله بن جبرين حفظه الله: ".... وإذا كانت الحدود تدرأ بالشبهات فأولى ثم أولى أمر التكفير ولذلك كان الإمام مالك رحمه الله يقول: "لو احتمل المرء الكفر من تسعة وتسعين وجهاً واحتمل الإيمان من وجه لحملته على الإيمان تحسينا للظن بالمسلم"

((Hadii xuduuda la yiri ku celiya shubhada waxaa ka mudnaan badan mida gaaleysiinta)) wuxuu sheekha ooga jeedaa hadalkiisan waxaa jira xadiis uu nabiga scw uu ku yiri qofka xad in laga oogaa rabo haddii ay soo baxdo waxyaabo shaki keeni kara inuu waxaasi sameeyey iyo inaanu sameynin arinta shakiga hala xoojiyo xadkana hala baajiyo o qofkaasi yaan sharafkiisa meel loga dhicin.

Wuxuuna sheekha soo daliishaday hadal uu yiri Imamu ahlu sunna waljamaaca Axmed ibnu xambal oo yiri ((

لو احتمل المرء الكفر من تسعة وتسعين وجهاً واحتمل الإيمان من وجه لحملته على الإيمان تحسينا للظن بالمسلم

(( haddiiba ay suurta gal noqoto in qof muslim ah loo helaayo in lagu gaalnimo xukmiyo lona helaayo adilo gaareysaa 99%,isla markaana ay garab taalo 1% daliil sheegaaya inuu qofkaani uu yahay Muslim waxaa la qaadanaya 1% daliilka sheegaaya inuu Muslim yahay iyadoo niyadana loo wanaajinaayo.

Runtii waa hadal cajiib badan oo u baahan inaan si gaar ah aan isu dul taagno imisaa adilo ayaa xasan turki u helay inuu sh shariif ku gaalnimo xukmiyo mase jiraan wax uun adilo ah oo uu u og yahay inuu sh shriif yahay qof muslim ah waxaan lee yahay waa mas alo u baahan inuu sh xasan turki arintaasi ilaahay ooga baqo kana towba keeno intuu xusulkiisa xabaal ka sareeyo.

2-qofna laguma gaalnimo xukmi karo ilaa laga baabi'yo wax walbaa oo keeni kara shaki iyo inay xujada ku soo oogaan dadka ehelka u ah ee diinta islaamka aqoonteeda leh.

Dhacdadan u fiirso, waxaa safar kasoo galay Mucaad ibnu jabal markii uu rasuulka csw uu u yimid ayaa mucaad uu rasuulka csw uu u sujuuday.Mucaad maxaa lagu yiri, ma waxaa la yiri waad ridowday mise waa loo naseexeeyey.akhri xadiiskan

Nabiga wuxuu yiri sidan

(فلا تفعل؛ فإني لو كنت آمراً أحداً ليسجد لغير الله لأمرت المرأة أن تسجد لزوجها).

Mardambe ha u noqonin haddii aan qof amraayo inuu qof kale u sujuudo waxaan amri lahaa in ay haweydeyda la qabo ay rageeda u sujuudo)

Guntii iyo gebo gabadii waxaan Cu,imada u soo jeedinayaan inay ka hortagaan waxyaabaha soo baxaya ee keeni kara inuu markale dalka Soomaaliya ka qarxo dagaal fikir ku dhisan oo ay Mujaahidiinta dhexdeeda kala saftaan waan mida ay gaalad nala raadineyso ee la doonaayo inaan ka gaashaamano waxaan u tacasiyeynayaa qof walbaa oo ka xumaadayn hadalka gefka ah ee loo geystay sh shariif sh axmed oo ah maanta Hogaamiyaha isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.

xanokiin@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 3, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS