Aga! Wax walba ma la is oran?!.
Cabdiwali
Sh. Maxamed
Ifaqoon@hotmail.com
Soomaalidu, waa ka mid ummadaha hadal quluud leh oo israacsan sheegi
kara, eray walbana meesha ku habboon dhigi yaqaan. Sidaa daraadeed qofka
soomaaliga ah hadduusan isyeel-yeelayn, waa ka ilaalin karaa hadalkiisa;
tiraab ama tix, miduu yahayba xanafta, turxaanta, dalabta, qadafka iyo
wax walba oo dhagta qofka hadlaya meel ka dhac ku ah.
Haddaba, baaca dheer oo, soomaalidu ku lee dahay karidda oraah quman
waxay aad u muuqataa kolkay isugu yimaadaan gole yaasha; garta, iyo
doodda. Xigmad, taariikh iyo murti, madaxa loo ruxo oo, xanaf iyo dalab
toona aan lahayn ayuu ruuxa soomaaliga ah oo hadalka u baxay, awoodaa
labada hoos oo geedka la fadhiyo in uusan kala goyn.
Ha yeeshee, baryahan dambe, say, noo soo galeen; Idaacadaha, Web
pegas-ka iyo baaltoogga inkaarta qaba, waa la isku dhex-yaacay oo, ruux
walba inta afka furtay ayuu wuxuu doono ku hadlay, wuxuu doonana ka
hadlay, siduu yahay “Ina-Igarre”[1]. Dadku afkay ningaxa ka jareen,
dabadeed codbaahiye warka meel dhaw iyo meel dheer ka tuura ayaa kuwo
ardaal ah la hoos carareen!.
Hadda, sheekadu waxay maraysaa in kas iyo maag, ruux aan gaal nimo
dooran la yiraahdo; “waa gaaloobay dhiigiisuna waa xalaal”. “Khayrka ha
loo tartamo”, ayaa wadaadadii hore dadka ku boorrin jireen. Nasiib
darro, maanta dardaaran iyo ficilba (wadaaddada qaarkood) waxay ka
dhigeen; “ha loo tartamo Idaacadaha British Broadcasting Corporation,
Codka Maraykanka (VOA) iyo Baaltoogga”. Kuwaa oo
fidnada afuufa. Web-pages-yadaa oo badankood; xaabada habaynki gurta[2]
af-qabiil iyo af-shaydaan wax aan ahayn kuma hadlaan. Warba warkuu ka
fidno hurin ogyahayna ayay doortaan.
Runtii, qarsoodi ma aha; in khilaaf ah; qaabka ugu fudud, ugu
khasaaro yar oo xabashi dalka looga saari karo in uu madaxda kala duwan
oo Muqaawamada ka dhex jiro. Ha yeeshee, sideedaba, dad fakaraya khilaaf
kama dhammaado. Dad yoolka heshiis ku ah, qaabkase ku kala aragti duwan
in ay isqabtaan wax la biciidsado ma aha, wax la isku gaalaysiiyana ka
fog.
Culimo badan oo waxgarad ah, khilaafka markay ka hadleen, waxay
yiraahdeen:" Khilaafku waa taagnaan inta dadka ay ku jiraan qaar qaatay
adkaynta Ibnu Cumar iyo qaar qaatay rukhsadaha Ibnu Cabaas. Sidoo kale,
inta ay jiraan qaar casarka jidka ku sii tukaday iyo qaar aan tukan ilaa
ay ka gaareen guryahaha Banuu Quraydha[3].
Lagama yaabo, inaad maqasho; Ismaaciil Abu Haniya oo Maxamuud Cabbaas
gaal ka dhigaya ama Maxamuud Cabbaas oo Ismasaciil Abuu Haniya gaal ku
tilmaamaya. Dhanka kale, qadiyadda Falastiin, waxay tirsataa 60-dan
sano, teeriyo maantana; “Yuhuud, dhulkayaga ha ka baxdo”; ruux
Falastiini ah hoos ugama dhicin, cid sidaa wax ka duwan oran kartana;
aabbe ma dhalin!.
Dadka, wanaagga jecel waxay isku raaceen laba qaacido oo kala ah,
Kow: “Waxaan ku heshiinno aan iska kaashanno, waxaan ku kal-duwanaanno,
midba mid kale ha u cududaaro (ha u qalleeyo). Labo: “Gafka
(meel-ka-dhaca), kiisa fudud ha la qaato (hadday gaf qaadasho lagama
maarmaan noqoto).
Haddaba, sida, culimo badan oo lagu kalsoonaan karo isku raaceen;
caado wanaagsan waxaa ah; “markay dhibi timaaddo in uur-nacayb (Xiqdi)
meesha laga saaro”. Sidaa awgeed, waa in la rumaystaa, khilaaf kasta tab
loo maareeyo, madal lagu galo, ammin laga hadlo iyo dad
wax-ka-dhihiddiisa ehel u ah in uu lee yahay, oo aan si hawtal-hamag ah
oo uur-nacayb ku salaysan loogu dhexdhicin. Sidoo hale, "Koore oogadood"
iyada oo la saaran yahay, khilaaf kala fur-fur keeni kara in la
farataysto, ma wanaagsana, wax caqliga fiyow ogolaan karana ma aha,
haddii aysan jirin xaalad fiyoobi dagdag ah mudan.
Haddii dhinacyada khilaafku, saacado gudohood, qalabka warbaahinta
(warfaafinta) oo sida wararka loo naax-naaxiyo, dabadeed, bari iyo bugux
loogu kala tuuro, isagoo rubuc-saran yaqaan, warar tuuryo ah oo dhan
walba laga soo riday la dhexdhigo, haddeed, ogaadoo warkaasi wax ma
dooriyo “Madfaca doqonka” ah oo xabashida?!. Ragga dhaqankaa silloon
doortay, iyagaa sababay marinka toosnaa in ay ka habaabaan,
cirib-xumadii timaadadana dusha u ritay.
Baryahan waxaa caado (Moodo - fashion) noqotay; in mar walba oo
khilaaf aragtida ah soo galo in qalabka warfaafinta loo kala dheereeyo
lagana dul tillabsado afar maahmaah oo kala ah;" Maan dad waa mudacyo
afkood", "Gacmo geel jire hoos ayaa loo dhaqaa", “Labada qaydka isku
haysata, hooyadood waa sida gacantaa” [4]. iyo "Waa la doogsane yaan la
dacaroon".
Tolow, wadaadadu, ma waysan aqoon; in qoraal (Muraasalah -
Correspondence) lagu dhammaysto khilaafkii faafin ka caagan?!.
“Findhicil ma xalaabaa, mise waa xaaraan?!. “Sheeg-sheeggisa ayaaba ka
xun”. Hadda, deg-deg haddaan Khilaaf sheeg-sheegga iyo middi middi ku
taagga looga waantoobin; ogaada, safka Muqaawamadu (iska-caabinta) waa
wiiqmi, cadowguna waa dhiirran. Dabadeed waxaa dhici; “salaan iyo kala
taga”. “Soomaaliya ha-noolaato” iyo kala yaacid[5]”!.
Dhagahaygu kolkay u dulqaadan kari waayeen, jirkuna ka jiriiricooday
hadallada la isu dawinayo, ayaan isku dayay in aan arrinta; RIDDADA IYO
TAWBADA oo sheekada baryahan socota ah wax ka ogaado. Waxaan soo qaatay
kitaabka "MAJMUUC ALFATAAWI" oo Alimaam Nawawi (Allaha-u-naxariisto) iyo
kitaab kale oo la yiraahdo; "FATAAWI MUCAASIRAH" oo uu qoray; Dr.Yuusuf
Alqardhaawi (Allaha dhawro), isku cel-celin, wixii iiga soo baxay
labadaa Kitaab oo uruursan, waxay noqdeen sidatan:
((Riddo waxay ka ansaxdaa: "ruux kasta oo qaan-gaar ah, caqli leh,
wax dooran kara. Canug yar (Sabi) iyo ruux waalan midna Riddadoodu ansax
ma aha". Nabigeenna suuban (NNKH) wuxuu yiri; "Qalinka waa laga
dulqaaday; canuga yar ilaa uu qaan-gaaro, ruuxa hurda ilaa uu ka soo
kaco, ruuxa waalan ilaa uu ka miyirsado.
Riddah; af-ahaan waa;"waxa oo qayrki (waxa ka duwan) loo laabto.
Wixii ayuu ku laabtay. Waa ka laabtay. Waana kufrinta ugu qallafsan.
Sida Imaam Shaafici (AUN) uu noo sheegay; Riddadu, waa laba nooc (Jaad)
Nabigeena (NNKH) ka dib; Qof Islaam nimo ka dib gaaloobay sida; Dhalxa,
Musaylama (Alkaddaab), Alcansi iyo qoom (qolo) Muslim nimadii ku
adkaystay sadaqooyin kiise diiday.
Kuwii Abuubakar (ALLAHA RAALLI KA NOQDEE) la dagaallamay waa Riddo,
af-ahaan iyo sharci-ahaan. Abuubakar, raggii Riddoobay kolkuu ka hadlay
wuxuu yiri: "Ilaah baan ku dhaartee, hadday ii diidaan waxar ama
dabarkeed ay siin jireen Rasuulka Alle (NNKH) waan la dagaalami".
Raggaa, dagaalkooda waxaa ka istaagay rag dhowr ah oo asxaabtii kuwa ugu
waawayn ka mid ah.
Cumar (AUN) oo arrinka si kale u arkay wuxuu yiri: "Maxaan u
dagaalaynaa, Rasuulkii Alle (NNKH) ayaaba yiri; “waxaa la ifaray in aan
dadka la dagaallamo ilaa ay ka yiraahdaan; Ilaaha (xaqa lagu caabudo)
mooyee Ilaah kale ma jiro, saas hadday yiraahdaan waa iiga hagoogteen
dhiigooda, maalkooda waxaan xaqeeda ahayn, la xisaab tankoodana Allaa
leh". Dabadeed, Cumar (ARN) wuxuu yiri; wixii qalbiga Abuubakar Alle ku
dajiyay, wax la mid ah ayaa qalbiga ii fariistay, waxaanna raacay
taladii Abuubakar (RAN)
Intaa dabadeed Muslimiintii waxay isku raaceen in lala dagaallamo,
raggii gaal nimada u noqday (Riddoobay). Muslin nimadu ma noqon wax hor
joogsada la dagaallanka raggaa, waayo waxay diideen xaq xuquuqda Alle ka
mid ah, oo ah; ZAKADA))...Haddaba, haddaan wax kale loo jeedin Riddo,
waa taa!. Meel kale oo la jiirsiiyana ma qaadi karto, khilaaf rag
dhexdiisa ahna ma gasho!.
Xabashi, ciddii soo raacday kama harin, ruux hore aan u raacinna
hadda raaci mayo, Riddana sidii loo fatwooday (Fasiray) noqon wayday.
Sidaa awgeed, aan iswaydiino, halkee joogaa qofka xabashi inta soo
raacay, raacideedi ka noqday, haddana mar labaad godkii xabashida u
noqday?!. Kuwii soo raacay sidii ayay xabashi ugu qabiran yihiin, kuwii
ka hor jeestayna sidii ayay uga hor jeedaan (isaga caabinayaan).
Allaylehe, xabashi; nooguma harin doqon ay u yeerato!. Waxeedina waa isu
qabtaa.
Dhanka kale,“Tawbada iyo Istiqfaar” waa laba camal oo qofka Muslimka
aha, Alle faray, ku celcelintoodana dambi-dhaaf lagu helo. Ha yeeshee,
qof muslim ah, markaad u khayr-miirayso, soo ma qumman marka hore in uu
dambi faraha la galo?, dabadeed, “Eebbe, uga towbad keen” aad tiraahdo!.
Mise, waa in aad marka hore; qofka gaalaysiiso!, dabadeedna aad
tiraahdo; “hebelow, towbad la imow, waad gaalowdaye"?!.
Towbadu, ma ruuxa wax gaalaysiiyay ayay waajib ku tahay?!, mise Alle
caabud la gaalaysiiyay?!. Xaqa waa la sheegaaye, "towbad, ruuxa laga
rabo; waa kan qof muslim ah afkiisa gaal ugu dhigay”!. Ruux caqligiisa;
carrada ku mara, ku maamusha, gaal nimo aan dooran, sidee loo aran
karaa, waa Riddoobay?!. Gaalaysiin guri-ku-samays ah (Home Made), qofna
gaal kuma noqdo. Hadalkaa oo kale. ruuxa afkiisa soo mariya, kama
duwana; Axad meel shir loo fadhiyo marada tuurtay!.
Xilli qallafsan, (jihaad ama halgan kaad doonto ku tilmaan) kolka la
marayo; waxaa habboon; ruuxii Alle iyo Rasuulki yaqaan inuu xadiithkan
"Gows-dambeedka" ku qabsado: Waa xadiithka ah: "Ruuxii rumeeyay Alle iyo
maalinka dambe khayr ha sheego ama ha aamuso". Alimaam Qasaali (AUN)
wuxuu tiriyay labaatan cudur oo uu ka mid yahay cudurka ah; "dadka oo
lagu jees-jeeso. Gaalaysiin iyo dhiig xalaalaysi aragtidayda; “waa
jees-jeesid aan geedna loogu soo gaban”. Ugu dambayn; Khayr sheeg waad
qaniimaysan -waad guulaysan. Sharra ka aamus waad nabad-gali.
Waxa-san Allaha na solonsiiyo.
[1]-Ina-igarre: waa ninkay ku baxday: "Iska hadlow In-igarre" .
Gaaladii la dagaalantay Daraawiish ayuu dhul-sahanshe iyo adeege u ahaa.
[2]-Xaabada habaynkii soo qurta: (Xaadhibuu Al-layl) Carabtu waxay u
taqaan; kuwa xaabada habaynkii soo gurta. Ruux mugdi qoryo ama xaabo
gurtay; quri xun, quri fiican, qori gaaban, qori dheer wixii gacantiisa
soo gala hore ayuu u qaadan. Kala-huf iyo kala-haadin shaqo u taal ma
aha..
[3]-Nabigeenna suuban (NNKH) kolkuu Muslimiinta faray “Banuu Qurayda”
oo Yuhuud ah in lagu doolo, wuxuu yiri; "Salaadda Casar waxaan ku
tukanaynaa guryaha Banuu Qurayda". Muslimiintii arrintaa waa isku
khilaafeen, qaar jidkay Casarkii ku tukadeen, qaarra waa sugeen ilaa ay
ka gaaraan “Banuu Qurayda”. Nabiga (NNKH) kolkii arrinta loo sheegay
qolana ma canaanan.
[4]-Xiilli arrad xoog leh arlada ka jiro ayaa laba wada dhalatay Qayd
(Maro yar oo jirka, qaybta hoose aan ka badnayn) isku qabsadeen. Iyagoo
kala jiidanaya qaydkii ayaa nin reerka yaqaan u yimid. Kolkuu, hooyadood
soo xuustay ayuu la yaabay Qaydka ay kala jiidanayaan, cawradii
hooyadood oo dibadda taal (aan asturrayn) dabadeed hadalkaa inta yiri
ayuu dhaqaajiyay. Yaab kaa la mid ah, waa soomaalida kursi (Meekhaan -
Jago) isku dilaysa iyada oo qaawan.
[5]Ciidan safan marka la kala dirayo ayaa horjooguhu
yiraahdaa;"Salaan iyo kala taga". Dabadeed ciidanka safan inta bidix u
jeesto ayuu mar qura ku dhawaaqaa; "Soomaaliya ha noolaato". waana kala
dareeraa". Hadda, “Soomaaliya ha noolaato” iyo kala dareerid qarka soo
looma saarra?!.
Cabdiwali Sh. Maxamed
ifaqoon@hotmail.com