Danmooge: maanso cusub

Inj.
Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com
Maansada Danmooge waxay soo baxday 05/09/2008 oo ku aaddan 5tii bisha
Ramadaan, sanadka 1429 ee Hijriyada. Maansadu waa digniin iyo waano ku
socota, kooxo iyo shaqsiyaad howl ka dhigtay in ay si xishood darri ah
xilalal iyo xoolo uga dhexbaarbaaraan, xinjiraha shacbiga ay cadowyadu
isku soo xulufeysteen, xasuuqa ba’anna lagu hayo.
Kooxahani, waxay sheeganayaan oo ay isku ekeysiinayaan: Siyaasiyiin,
aqoonyahanno ilbax ah, ganacsato, gargaarayaal, warbaahiyeyaal,
culimo-diineed, hoggaan-dhaqameed iwm. Waxay ku doodayaan in ay u
danleeyihiin badbaadada umaddaan musiibadu ku habsatay. Laakiin, dhab
ahaan kooxahaan damac-xumidu waashay, arrinkoodu waa mid sidaas wax
badan oo badan ka duwan. Waa kuwo aan laheyn qalbi damqada iyo damiir
xishooda. Diintii, dadkii iyo dalkiina waxay siisteen dufan yar oo lagu
dulleystay.
Waxaan Alle weyne ka baryaynaa inuu nagu garabgalo halganka aan ugu
jirno difaaca diinteenna iyo jiritaankeenna, nagana guuleeyo cadowyada
shisheeye ee isku soo ciidamiyay iyo calooshooda-u-shaqeysteyaasha
sokeeye ee lagu adeegto . Waxaanan Rabbi weydiisaneynaa inuu nagu
hanuuniyo dariiqa aan adduun iyo aakhiraba ku badbaadi karno.
Maansada Danmooge waxay ku bilaabaneysaa:
Danmooge
- Danmooge Danmooge
- Dannaa wax halleeyee
- Dardaarwerinteyda
- Dalqamid iyo sheeko
- Dacaayad ha moodin
- Inaan duro ruuxna
- Digasho uma jeedo
- How qaadan dabuubtu
- Qiimaad ka dudeyso
- Iney dahab joogto
- Dersigu lacag maahee
- Dulucda hadalkeyga
- Daqiiqad dhageyso
- Dulqaadna u yeelo.
- Danmooge Danmooge
- Daneyste addoonkii
- Duqowshaha baahan
- Dhallaan dubanaaye
- Hooyooyin la dooxay
- Duruucda ka siibte
- Dabbaabad cabbeysan
- Diyaarado miiga
- Danabka ololaaya
- Nacab aan dubnaxeynin
- Markuu ku duqeeyuu
- Ehelkii dabargooyo
- Siduu darajoobay
- Qabuuro degmoobay
- Dabbaaldeg korkooda
- Dunuub uga tookhe
- Damiirxumihiiyow
- Inaad tahay daallin
- Naftiis u darraadoo
- Dakane aan hareynin
- Deyn ay kula taallo
- Ku daabaco buugga.
- Danmooge danmooge
- Dambiilo walwaale
- Umadda darxumootoo
- Colaad dabadheer ah
- Diihaal iyo gaajo
- Daacuunka fidaaya
- Diiftoodu ku raagtay
- Bukaanka daboolan
- Dariiqyada meydka
- Hareeraha daadsan
- Asoon damqaneynin
- Sidii qof dalxiis ah
- Intuu filim duubto
- Ku raadsade doollar
- Deeqdii la yaboohee
- Darteed lagu keenay
- Iney danyar gaarto
- Haddaad ka duweysood
- Qasriyaad ku dakeyso
- Daar weyn ka sameysoo
- Ku diirso is leeday
- Habaarku ma daahee
- Nabsiga degdegaaya
- Inuu dubbihiisu
- Dhawaan ku dakhraayo
- Ku daabaco buugga.
- Danmooge Danmooge
- Xaaraanta ku diilme
- Daqiiqda hallowday
- Cuntooyin dikhoobay
- Dawooyin la tuuray
- Alaab wada duug ah
- Daas geerida iibshoo
- Dukaan magacii leh
- Ku soo daldalaaye
- Duunyadii la dhaqaayay
- Duurjoogtadi howdka
- Doollina ma hambeeyoo
- Doonyaha ku cabbeeye
- Daaqii iyo cowska
- Dhirtii dambaseeye
- Daruuriga quudka
- Dalagga bi’inaaye
- Daroogana beeroo
- Dhulkii sun ku duuge
- Damalku harsanaayay
- Abooryahow diirtay
- Haddaad doqonkiiyow
- Maatida dacdarreysan
- Qasnado dif ka siisoo
- Ku doogso is leeday
- Inaad dab tacbeyso
- Dambaaburo naara
- Oo aad holac daacsan
- Ku daabaco buugga.
- Danmooge Danmooge
- Diraaledireynta
- Digada hurinteeda
- Durbaanka colaadda
- Dig siinti ku noole
- Walaal diriraaya
- Dhiiggooda dullaaloo
- Duullaan u riyaaqe
- Duruusta naceybka
- Intii damman jaahil
- Dabaadi u meershe
- Duumoo idil faafshe
- Dabeylo wax qaada
- Duufaanta Sumaani
- Haddaad dalbaneysood
- Dabaashood jeclaatay
- Duqsaad la itaal tee
- Markuu hir dillaami
- Doxorow ku dharbaaxo
- Inaad dilif leedood
- Sidii dogob geed ah
- Fitnada ku dhex daadi
- Ku daabaco buugga.
- Danmooge Danmooge
- Diktoornimo sheegte
- Mid deel aan aqoonnin
- Damiinkuna dhaame
- Inuu wax dabiiboo
- Dhibaatada dayro
- Daryeel ma haweyste
- Daashkuu ku barbaaray
- Waayeelka daciifee
- Duruuftu ku haysoo
- Dhankiisa dayaaya
- Wuxuu taro daaye
- Dedkii aqalkiisa
- Derinta uu ku jiifoo
- Darfaha ka dhamaatay
- Daasadda mirirkaa iyo
- Go’iisa dafaaye
- Degaanno shisheeye
- Markaad laba deyrood
- Doolaalo ku raagto
- Dameerta sideedii
- Darmaanno la daaqdoo
- Dirkeedi ka faantay
- Haddaad kuba dooddo
- Inaad tahay doorsan
- Diirkaada saluugto
- Diintaada dhaliisho
- Adeys deldelaayee
- Da’aadda gabowga
- Kolkaad doqoshowdoo
- Adoo dalanbaabyi
- Darbiyo cuskaneyso
- Markuu dibjir qooqan
- Intuu ku darbeeyoo
- Yiraa kugu daalnee
- Hadmaad dib u laaban?
- Dawanka dhawaqiisa
- Dayaca wehel kuu ah
- Dayowgiyo ciilka
- Dugsiimo la’aanta
- Dareenka xusuusta
- Ilmaad dibiq siiso
- Ku daafici meysee
- Dabbaalnimadaadu
- Iney ku dileysood
- Dugaag isku loogtay
- ku daabaco buugga.
- Danmooge Danmooge
- Dushaa sare Muumin
- Duceysan jilaaye
- Direys culumoodle
- Hoostana dibindaabyo
- Duul kale u adeegga
- Jihaad docwareenka
- Dariishad banneyta
- Siraha dusintooda
- Guureynta ma daaye
- Markuu digsi soora
- Diinnaarro u jeedo
- Dhareerku ka daate
- Dorraatiyo dhaartii
- Dastuurka ma dhowre
- Dibnaha dhaqdhaqaaqa
- Inaad digrineysood
- Quraanka dareerin
- Xadiisyo daliishan
- Kii daacad u haysta
- Haddaad ku dabeysood
- Shacbiga ku dageyso
- Inuu Daa’in weyne
- Ku daalacanaayo
- Malaa’ig diyaar ah
- Iney dambigaada
- Diiwaanno ku keydin
- Ku daabaco buugga.
- Danmooge Danmooge
- Haddaan damacaadu
- Qalbiga daxaleynin
- Dhagaha lagu daarin
- Aragga dam la siinnood
- Dardaaran maqleyso
- Adoon waxba doobbin
- Bilaash digdigleynin
- Damoo bal su’aashan
- Jawaabna u doone
- Daaquudyadii jaanee
- Duqyaanka xaddhaafay
- Markuu duminaayay
- Dunida iney uumeen
- Darkood Rabbi sheegtay
- Xaggee u dambeysay?
- Danmooge Danmooge
- Qofkii dufan raacoo
- Xishood dabra waayaa
- Doofaar wax ma dhaamee
- Kuwii la dulleystee
- Dalkoodii khiyaamee
- Gumeysi dagaaga
- Uu daabbad ka yeeshay
- Duudkana ka raraayoo
- Si loo dallacsiiyo
- Da’dii ay dhaleeniyo
- Xitaa dumarkoodii
- Diyaafad u dhiibay
- Dayuusyadii waashoo
- Dacayga lagu jiidaa
- Ka dhaawacay daanka
- Xaggee u dambeysay?
- Danmooge Danmooge
- Dowdaryow la kireystoo
- Dalqadu ambineyso
- Ilaahey daraaddii
- Waan kuu digayaaye
- Adoon damdamleynin
- amaan dibguryaynin
- Intaan dadab iilka
- Duuduub lagu seexin
- Kuwii ku dufeeyiyo
- Shaydaanka wax duufsha
- Daraandarintoodu
- Waa dhaan Dabagaallee
- Ibleysyada dayri
- Dheh diiday shirqoolka
- Dirqinta ha ka yeelin
- Samaanna ka dooroo
- Dad waa khaldamaaye
- Dowgaad ku habowday
- Intaad dib u eegto
- Dalboo cafis raadso
- Khalqiga inta duusha
- Diinkiyo mid gurguurta
- Allaha dabbaraayee
- Darkii raxmaddiisa
- Nooluhu ka durduurtoo
- Degaan omosoobay
- Daruur barakeysan
- Xareed ka da’eysa
- Durdurro ku waraabshoo
- Durbaba ubax yaabloo
- Daa'uusku dhexjiifo
- Ka soo bixin doogga
- Docdiisa u jeeso
- Daahiri nafsaddaada
- Dadaalna la kaalay.
-----------------------------
Maxamed C. Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com