Ayidaad Fikradda Musharax Farjac, ee
Noqoshada Gobol gaar ah ee Boosaaso
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh
Allaah, naxariis iyo nabadgelyana Rasuulkeeni ayeey korkiisa
ahaatay. Kadibna dhammaan akhristayaasha sharafta lahow iga
gudooma salaanta islaamka ( A.C.W.W).
Intaas kadib Boosaaso sidi aan maqaaladeydii
hore uga hadlay maanta waxa ay mareysaa, oo ay gaartay horumar
dhinacyo baddan iska leh, oo baaxad ahaan iyo bulsho ahaanba
waxa ay sameysay koror aan caadi aheyn. Haddaba magaalo walba
marka ay gaarto heerka noocan oo kale ah, waxa la siiyaa mudnaan
gaar ah sidi loo maareyn lahaa isbadalkaa ku dhacay. Magaaladu
sida kaliya ee lagu ogaan karo kororka dadkeeda iyo adeegyadeeda
waa iyadoo, loo kala qeybiyaa deegaan, deegaan iyo degmo
degmoba, taasoo degmo walba ay heli karto, oo ay si fudud ku
ogaan karto hadba inta ay maamusho.
Sida uu Musharaxu ugu soo qaatay tusaalaha,
magaalada Muqudisho, waagii hore waxaa jiri jiray sideed gobol
Soomaaliya oo idil, kadib markii la arkay in gobolo kalo la
sameeyo, ayaa magaalada muqudisho oo markaas uu tirada dadkeedu
aad u kordhayay, sideeda gobol looga dhigay lana siiyay magacii
gobolka banaadir, waxeyna ka koobneyd markaas 13 degmo.
Haddaba maamulka puntland waxaan oran lahaa
fikirkaas ha qiimeeyo, oo ha u saaro bal guddi kasoo baaraan
dega arintaas suurto galnimadeeda. Runtii waa fursad ay heystaan
inay sumcadeeda qaataan qolyaha hadda majaraha u haya maamulka
Puntland. Sidoo kale waxgaradka gobolkana arintaas ha
dhiiragelyaan. Boosaaso waxaan aaminsanahay inay noqoto 8 -10
degmo, ee yaan la dayicin fursadaasi.
Waxa aan ayidayo waa fikirka musharaxa, ee
maaha inaan isaga si gaar ah u taskiyeeynayo, wallow uu yahay
nin u qalma jagadaa uu isu soo sharaxay. Sidoo kale waxaan
aaminsanahay raga sanadkan isa soo sharaxay baddankoodu inay
yihiin rag aad iyo aad u miisaan culus, oo isku darsaday Aqoon
iyo waayo aragnimoba iyo weliba allaah ka cabsi. Waxaana tusaale
u soo qaadan karaa
{ Shiiq Aadan Maxamed Ciise, Professor
Muxudiin Cali Yuusuf, Nuuradiin Diiriye, Janaraal Ilkojiir,
Engineer Faataxo iyo weliba Professor farjacba}.
Raggan isa soo sharaxay oo Runtii aan aheyn
rag kala dhaca, ayaan waxaan allaah ka baryayaa inuu talada
noogu dhiibo kii uu Puntland Kheyrka ugu jiro. Iyaguna waxaan
kula talinayaa inay ka dhaxeyso wadashaqeyn iyo xiriirba, ayna
la shaqeeyaan kii nasiibka u hela mustaqbalka inuu Puntland
madaxweyne ka noqdo.
Maamulka Madaxweyne Cadde waxaan ka
codsanaynaa, oo aynu kula talinaynaa inuu raggaas qiimaha leh,
ee isa soo sharaxay , soo dhaweeyo oo ka qeyb qaato sidi uu ugu
qaban lahaa doorasho xaq ah, oo isaguna uu ku qaato sumcad iyo
abaal raaga, laakiin hadduu noqdo ama u fekero sida lagu yiqiin
madaxdii Africa iyo gaar ahaan raga jabhadeeya ee Soomaalida
ogow, waxaa kala hoyanaysaa puntland taariikh mugdi ah, iyo
magac xumo raacda adiga iyo maamulkaagaba.
Dadweynaha reer Puntland waxaa kula talin
lahaa inay si cadaalad ku jirto u kala saaraan raggaas isa soo
sharaxay, oo ayan ogolaan inuu isa soo sharaxo nin danbe oo
faylkiisa uu guban yahay ama ku caan baxay wax isdaba marin.
Inshaa’allaah Puntland Guul..
Qalinkii:- Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com