SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Amp:Shamsudiin Axmed Rooble oo ah Safiirka Ethopia ayaa ka hadley sababaha uu u tago shirka Soomaalida uga socda Jabuuti... Wareysi

safiirAkh-ristaha sharafta lahoow waxaa inoo suura gashey inaan halkaan idiinku soo gudbiyo wareysi aan hore ugu talagelin islamarkaana ahaa mid deg deg ah, mudnaana in wax badan ay ka ogaadaan akh-ristayaasha Amp:- Shamsudiin Axmed Rooble oo ah Safiirka Dowlada Ethopia u jooga dalka Jabuuti oo in badan aad ka akh-risateen qaybaha warbaahinta noocayadooda kala duwan ee dunida hadba si uga hadlayey markii la maqley in shir dibu heshiisiin uga socdo Caasimada dalka Jabuuti dhinacyada Soomaalida ARS iyo TFG, taasoo dadku in baddan ay is weydiinayaan sababaha inta badan farta loogu fiiqo in uu isagu qayb ka yahay hakadyada fara badan ee soo kala dhex gala dhinacyada iska soo horjeeda, taasoo qayb ka mid ah dhinacyada wadahadalada uga socda Jabuuti aysan ogoleyn in ay la fariistaan, fadhi uu ku jiro safiirka Ethopia.


Amp- Shamsudiin Axmed Rooble. xiligii uu ii waramayey oo ahayd Habeen.


Arintan oo noqotey mid soo noqnoqota, inta badan dadkuna ay is weydiinayaan mar hadii isaga laga soo horjeeda imaashiyihiisa oo uu arkey in ka badan laba jeer waxa isaga ku kalifaya inuu yimaada Safiirka Ethopia shirka ayaa, isagoo markaa shir uu yimid ay uga baxeen 20/09/2008-da Is-bahaysiga dibu xoreynta Soomaaliya, islamarkaana shirkii sidaas ku baqaadey, iyadoo sababo kalena ay jireen balse ay ka mid ahaayeen imaashiyihiisa ayaa waxaan wareysi kooban kula yeeshey 20/09/2008-da Hoteel Kempinski ee Caasimada dalka Jabuuti, isalmaarkaan aan wax ka weydiiyey sababaha marka uu yimaado shirka ay uga soo horjeestaan kooxaha ka soo horjeeda Dowlada, xiliga ay ka baxayaan ciidamadooda dalka Soomaaliya iyo sida uu u socdo shirka, ayaa isagoo arimahaasi ka hadlaya waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey


markii Safiirka Itoobiya shirka looga kala tegey


Shirka si fiican buu u socdaa, anagu waan soo dhaweyneynaa in Soomaalidu heshiiso, in dalkooda nabad ka keenaan, shirkuna aniga waan ka qaybgaley oo wad aragtaa, si fiican buu u socdaa

S:- marka aad adiga shirka timaado waxaad moodaa qaybaha ka soo horjeeda Dowlada way diidaan ee bal arinkaas, dunidu wax badan bay iska weydiisaaye?

J:-Koley iyagaa garanaya sababta, anigu Safiir baan ahay koley shaqadeyda weeyaan inaan shirka ka qaybgalo, shirkuna waxaa qaban qaabiyey Qaramada midoobey, maadaama aanu nahay dall ka tirsan Qaramada midoobey, xaq baan u leenahay shir walba oo ay qabato Qaramada midoobey inaan ka qayb galno, cid oroneysa meesha safiirka Ethopia jooga mageli karo sababta iyagaa garanaya ee anigu ma garankaro, anigu waxaan wax weyn ilama ah, inaan wax weyn ka dhigo ma aha, manadoonayo inaan sii weyneeyo arinta, waxaana loo baahan yahay in waxa muhiinka ah laga wadahadlo, layskana daayo waxa yar yar, Soomaali hadii waxa yar yar laga hadlo nabad ma gaaraan, waxaan filayaa in walaallaheen sidaan u dhaqma inay ka fikiraan arimaha waaweyn.


isagoo la fadhiya qaybo ka mid ah safiirada..

GAAJADA GUMEYSIGA ITOBIYA
Nin Soomaaliyeed
Itoobiya oo macaluul ku dileysa Soomaalida ay Gumeysato

S:- inta badan shirka aad timaado ee ma mid laguugu casuumeybaa mise waa mid aad adigu iska timaado.

J:-maya waa mid aniga laygu casuumey weeyaan warqad baan hayaa, anagu waxaan ka mid nahay Qaramada midoobey, waxaan keloo ka mid nahay Contact Group, shirkii Contact Groupna waan ka qaybgaley, kii horana dalkeygu waa ka qaybgaley, hade waa waxaan ku jirno weeyaan ma ahan sida aan anagu iska nimid ma aha ee casuumaad baan ku joognaa.

S:-Ciidamadiina jooga dalka Soomaaliya goorma ayey baxayaan?

J:-Arintaas aniga hay weydiin walaall dadka shaqada ku leh baa la weydiiyaa ee anigu taa hay weydiin.

S:-Ciidamadiinu dhibaatooyin badan bey geysteen ee arimahaasi maxaad kala socotaa?

J:-waan dhameeyey ma garatey, anigu taa hayweydiin, adeer halkaa uun baan doonayaa inaan ku joojiyo, arimaha shirka waan kuu sheegey.

S:- waxaa la sheegaa marka aad adigu shirka timaado in Soomaalidu ay xasaasiyad ka qabto arintaas sideed u aragtaa adigu?.

J:-waa khalad, weeyaan, ninku shaqo ayuu u yimid inuu shaqeeyo weeyaan, wixii kale waa inuu iska daayo, wixii kale ee aan awoodiisa ahayn inuu galo ma ahan.

S:-shirkaan qaabka uu u socdo sided u aragtaa?.

J:-koleey anigu sida aan u arko wey fiican tahay, si fiican bey u socotaa, wadahadal baa meeshii ka socda, waxaan filayaa wey heshiinayaan, waxaan rajeynayaa iyagoo wada shaqeeya inaan aragno ayaan dooneynaa anagu.


Amp- Shamsudiin Axmed Rooble.

S:- Ugu dambeyn mala dhihikaraa Soomaaliya inay degto raali kama tihiin ka dowlad ahaan?.

J:-Maya maya Soomaaliya inay degto, Ethopia wey rabtaa, wax kale oo aan anagu meesha ka rabno ma jiro, Soomaaliya oo degan baan dooneynaa, maadaamaa aan anagu jaar weyn nahay, wax dhibaato haalkaa hadii ay ka dhacdo anaguna wey na taabaneysaa, nabadooda wey na anfacdaa, kolkaa dee waxaan doonaynaa in Soomaali degto, anagey faa’iido noo tahay,

Australia: Cop in murder probe 'threat'...
Read More...

Dhamaad.

Maxamed Macallin Cismaan (All-man) Somalitalk Jabuuti.
fatxumaalik@hotmail.com, +253624079

Faafin: SomaliTalk.com |  Sept 22, 2008


axmadXoghayaha Dibu-heshiisiinta Is-bahaysiga Dibu-xoreynta Sheekh Axmed "mana ahan waxa ay Soomaalidu ka fileysey, in aduunku gacmaha ka laabto" wareysi Sept 7

BAARID | SEARCH


UNWakiilka Qaramada Midoobey oo Maamulka Puntland ku eedeeyey Burcad badeedda
iyo Heshiiskii Shirkii Jabuuti oo Jahwareer culus soo food saartey... Akhri... Sept 20

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22

Hayadda batroolka SoomaaliyaDFKMG oo Heshiis u Saxiixday Shirkadaha Batroolka ee Kuwait Energy iyo Medco Energi...
Maadaama shirkadahaasi jaal la ahaayeen Geeddi ma lagu macnayn karaa in la soo celinayo Geeddi Akhri


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS