Dagaal Ka Dhacay Kaaraan oo Lagu Dilay Xildhibaan Eng.
Caddow
Dagaal xooggan oo galabnimadii Jimcada (June 19, 2009) ka
dhacay degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu
dilay Xildhibaan Eng. Maxamed Xuseen Caddow oo ka mid ahaa
xildhibaanadda DFKMG.
Wararka ugu horeeyey ee ka soo baxay ayaa sheegay in Eng.
Caddow uu ku dhintay dagaal aad u xoog weyn oo dhex maray
ciidamada DFKMG iyo xooggaga ka soo horjeeda.
Khamiistii ayay ahayd markii magaalada Baladwayne lagu dilay
Wasiirkii Amniga DFKMG Cumar Xaashi
Aadan iyo Safiirkii hore ee DFKMG u fadhiyay Ethiop[ia
Cabdikariim Faarax Laqanyo.
Arbacadiina (June 17) waxaa dagaalka Muqdisho lagu dilay
Taliyihii ciidanka Booliiska Gobolka
Banaadir Col. Cali Saciid.