SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Aragtida Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay...

  • Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin
  • Dr. Faroole" (Maqabo) in ay cid xaq u leedahay wax dalka Soomaaliyeed qayb ka mid ah cid kale heshiis lagula geli karo

farooleWaraysiyo kala gooni ah oo lala yeeshay madaxweynaha DFKMG iyo madaxweynaha DGPL ayey ku cadeeyeen aragtiyahooda ku aadan heshiiska is afgarad ee DFKMG la gashay Kenya. Hoos ka akhri.


Sheikh Shariif: Xaalada waxaan ula soconaa si hoos ah uma ogolaanayno qofna inuu qaato qayb kamid ah biyaha Soomaaliya.

  • "waxaa jira kaliya heshiis isafgarad..."

Raage Cusman oo ka tirsan Wakalada Horna ayaa waraysi la yeeshay madaxweynaha DFKMG, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, April 24, 2009, xilli uu ku sugnaa magaalada Qaahira ee dalka Masar. Dhanka arinta hishiiska badda ayaa waxaa laga waydiiyay Su'aal oo jawaabtiisuna ay ahayd mid ku eg (Kuwa ka soo horjeeda hishiiska haba yaraatee maba ayan akhrin).

Honrafriconline.net Mudane Madaxwayne waxaan doonaynaa inaan ogaano ra'yigaaga ku aadan arrin xasaasi ah oo warbaahintu kala qaadanaysan, waa heshiiska badda ee Kenya lala saxiixday, ama Heshiiska is afgarad, maxaa yeelay dad badan waxay aaminsanyihiin in Kenya looga taanaasulay qayb kamid ah Biya Badda Soomaaliyeed, ama la dayacay. (la is moogaysiinayo)

Shariif: Waxaa dhab ah inay arintaas cadayn u tahay kuwa ka soo horjeeda heshiiskan haba yaraatee ma aysan akhrin, maxaa yeelay ma dhicin wax heshiis ah oo ku saabsan kala xadaynta badda ee Kenya lala galay, waxaa jira kaliya heshiis is-afgarad oo oronaya dowlad kasta waxay xaq u leedahay inay u gudbisato xogteeda la xiriirta xeebaheeda Qaramada midoobay, anaguna nama hayso wax duruuf ah oo nagu riixaysa inaan saxiixno mucaahado dayacaysa lahaansha xeebaha Soomaaliyeed .

Hornafriconline: Mudane Madaxwayne:Laakiin waxaase jirta inay leeyihiin majirto baahi keenaysa in heshiiskaas lagalo.

Shariif: Taasi sax ma’ahan

Hornafriconline.net: Mudane Madaxwayne : Laakiin khatartu waxay kujirtaa inay Kenya sheeganayso wax kamid ah biyaha ay Soomaaliya leedahay, heshiiskaana uu siinayo fursad ku haboon inay horay u dhaqaaqdo.

Shariif: Xaalada waxaan ula soconaa si hoos ah, uma ogolaanayno qofna inuu qaato qayb kamid ah biyaha Soomaaliya, wax kasta oo xujo laga dhigto, waxaan aaminsanahay qofkasta inuu xaq u leeyahay inuu walwal kamuujiyo, laakin Xukuumadu waxay diyaar u tahay inay arinta ka shaqayso iyadoo kaashanaysa khubaro iyo Soomaali takhasus u leh.

Hornafriconline.net : Mudane Madaxwayne: Shacabka Soomaaliyeed waxuu walwal ka qabaa in heshiiskan Kenya lala galay ku furay furimo cusub oo ay Kenya awoodi karto inay ka faa’iidaysato, sidee shacabka ku dajin kartaa. (ku canqinkartaa)

Shariif: Magaranayo meesha walwalku ka jiro? Waxaan leeyahay anagu kama aanaan tanaasulin hal-taako oo kamida xuduudeena, waxaan rajaynayaa inay intaas ku filantahay.

Madaxweynaha DGPL: Cidna Xaq uma leh in ay Dalka Soomaaliyeed Qayb ka mid ah cid kale heshiis lagula geli karo..

  • Dr. Faroole: "aniga maqabo sharciyadaasi in ay noqon karayaan kuwo hadhow lagu doodi karo dawlad baa noo saxiixday iyadoo dalkii uusan xasilooni buuxda ka jirin..."

Puntland sidee u aragtaa badda iyo dhulkeeda isku qoofalan ee Kenya loo saxiixay...

Barnaamijka Wicitaanka Dhagaystayaasha ee Idaacada Codka Maraykanka (VOA) oo ay Axad April 26, 2009 soo diyaarsiyay Fatxiya Maxamed Cabsiiye ayaa waxaa marti u ahaa Madaxwaynaha Dawlad-Goboleedka Soomeeliyeed ee Puntland Cabdiraxman Sheekh Maxamed Faroole, oo ay dadweynuhu su'aalo weydiinayeen.

Maxamuud Cabdi Nuur oo ka soo wacay magaalada Denver ee Gobolka Colorado (Maraykanka) ayaa madaxweynaha waxa uu waydiiyey su'aalo ay ka mid ahayd:

 Madaxweyne "Puntland sidee bay u aragtaa badda iyo dhulkeeda isku qoofalan ee la yiri Kenya ayaa loo saxiixay oo waa ay ku daysay"

Jawaabtii Madaxweynaha DGPL (hoos ka akhri) ama  Halkan ka dhegeyso ama soo rogo

"Arrintaasi waxa weeye, waanu aragnay qoraalka, annaga haddeer ma rabno inaan aad iyo aad tafaasiil dheeraad ah uga bixino. Waa shay u baahan aqoon-cilmiyan ah in looga jawaabo, rag badan ayaana ka hadlay. Laakiin waxaan idiin sheegayaa waxyaalaha khayraadka dabiiciga ah iyo xuduudyaha ku saabsan saxiixyadoodu ma aha wax lagu degdego. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa 'haddii aan cayaar wax ku jirin habeenkii maxaa loo tumaa'. Waa in dalka marka hore ammaankiisa iyo xasiloonidiisa gacanta lagu wada dhigaa, waa in markaas wixii laga shaqaynayo ama ummadda danaheeda ka dhexeeya, ama inagu aynu cid saddexaad la galo, waa in ay yihiin wax maslaxadda dalka waafaqsan. Xuduudka badaha iyo kuwa berrigu waa isku mid. Maqabo in cid xaq u leedahay - inkasta oo anagu waqooyiga aanu joogno haddana dalkii Soomaaliyeed ayaan ka mid nahay - (Maqabo) in ay cid xaq u leedahay wax dalka Soomaaliyeed iyo dadka Soomaaliyeed wax kaga maqan yihiin oo khayraadkiisa dabiiciga ah iyo dalkiisa qayb ka mid ah cid kale heshiis lagula geli karo iyadoo aan loo dhammayn, oo aan waadax ahayn (transparent), oo dad khibarad-layaal (profissional) ah waxa aysan ka doodin, oo aan la aqoon waxa looga jeedo, wadan-kiina hadda uusan gacanta ku jirin, oo golobadaas laftigooda xuduudka la leh aan weli xasiloonayn, oo dawladda gacanteedu aysan ku jirin, aniga maqabo sharciyadaasi in ay noqon karayaan kuwo hadhow lagu doodi karo dawlad baa noo saxiixday iyadoo dalkii uusan xasilooni buuxda ka jirin," ayuu yiri Dr. C/raxmaan Sh. Maxamed Faroole, madaxweynaha DGPL.

Halkan ka dhegeyso ama soo rogo

Waraysiga Sh. Shariif oo kuqoran luqadda carabiga ka akhri http://www.hornafricaonline.net/

Dhanka kale, Joornalka maalin laha ah ee Alquds Alarabi oo tafatiraha ka yahay Saxafiga caanka ah Abdilbary attwan oo kasoo baxa London ayaan kusoo qoray Maqaal looga hadlayo arinta badda iyo hishiiska Kenya ay la gashay, cadadkii April 24, 2009.. Halkan ka akhri (Carabi).

Heshiiskii Xadeynta Badda ee Kenya iyo Soomaaliya: Hagardaamo Halisteeda leh
 Axmed Cali Khayre oo ah Garyaqaan ku takhasusay qawaaniinta caalamiga ah, horeyna uga mid ahaa macalimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaliyeed, Kuliyaddii Waxbarashada Lafoole ayaa digniino culus iyo talooyin ka soo soo saaray heshiiskii is-afgaradka dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya Akhri....

Faafin: SomaliTalk.com | April 27, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: