SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - DIFAACA BADDA SOOMAALIYEED

Sheikh Shariif oo Noqday Madaxwaynihii ugu horeeyay Taariikhda Soomaalida oo Khilaaf Galiyay Badda Soomaaliyeed...

Madaxweynaha DFKMG: "baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira. Marka Khilaafkaasi in uu jiro in la muujiyo meesha ayay soo gashay,

  • SomaliTalk.com | April 29, 2009

Jimacdii (April 24, 2009) xilli uu weriye Raage Cusmaan oo ka tirsan warbaahinta ku soo baxda Afka Carabiga ee HornAfricOnline uu waraysi la yeelanayay Madaxweynaha DFKMG ayaa waxaa sidoo kale goobtii ku sugnaa weriye Mahad Carrabow oo ka tirsan TV Universal iyo laba weriye oo kale. Waxaana weriyaashii Sheikh Shariif waydiiyeen dhawr su'aalood.

Su'aashii ugu dambaysay ee uu waydiiyey weriyaha TV Universal Mahad Carrabow (oo uu duubay Raage Cusmaan maadaama uu goobta joogay) ayaa ahayd: "Waxaa jiray heshiis loo bixiyay is-afgarad islamarkaana xadaynaya badaha Soomaaliya, heshiiskaas waxaa dawladdaada u saxiixay Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka tirsan xukuumaddaada, sidee ayay kula tahay heshiiskaas oo ummadda Soomaaliyeed ay shaki badan ka qabaan oo aysan shacabka Soomaaliyeed u caddayn."

Madaxweynaha DFKMG ee Jamhuuriyaadda Soomaaliya, Sheikh Shariif Sheikh Axmed, waxa uu ku jawaabay:

"Waxaan horta marka ugu horaysa rabaa in aan idiin sheego ummadda Soomaaliyeed shaki ma qabtee dad raba in ay shaki abuuraan ayaa maalin walba qayliya, iyaga ayaana shakiga abuura, ee ummadda Soomaaliyeed shaki ay qabto ma jiro, kalsooni waxay ku qabaan wixii dawladdaan ay soo qabatay, tallaabooyinkii ay soo qaaday, dalkeena in aan khiyaanana wax naga suura gal ah ma aha, Ilaah ayaana ka magan galaynaa."

Isagoo hadalkiisii sii watay waxa uu yiri: "Waxa ka dhacay meeshana waxay ahaayeen dalbashada in la dalbado xeebaha dhulka Soomaaliya ay sheeganayso lagu celiyo, marxaladan ayaa loo baahnaa, haddii aan la samayna waxaa dhumaaya dhul Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in heshiiskaas la galo, annaga iyo Kenya isku si ayaan u dalbanaynaa."

Sheikh Shariif oo si qeexan khilaaf u galiyay badda Soomaaliya waxa uu yiri: "Annaga iyo Kenya maadaama XUDUUDDA DHULKA AAN LA ISKU WAAFAQSANAYN, baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira. Marka Khilaafkaasi in uu jiro in la muujiyo meesha ayay soo gashay, waxaadna ogtihiin in dhulka uu yahay dhul khayraad uu jiro loona baahan yahay tallaabo in ay qaado dawladdu. Marka heshiiskaasi waxa uu ahaa heshiis lagama maarmaan ah in la galo."

Madaxweynaah DFKMG waxa uu sheegay waxa ay Kenya la saxiixdeen aan la dhehi karin heshiis, balse uu yahay is-faham, isagoo taas ka hadlayey waxa uu yiri: "Heshiis lama dhehi karo laakiin is-fahamkaasi waxa uu ahaa is-faham horudhac u ah in DHULKA MAQAN EE SOOMAALIYEED la raadiyo, qasadka wax ku dhisnaayeena kaas ayuu ahaa, shacabka Soomaaliyeed waxaan rajaynayna in ay sidaas u fahmaan."

Hadalka Madaxwaynaha DFKMG waxaan kasoo qaadaynaa oo kaliya saddex arrimood oo muhiim ah inay Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeedba fahmaan:

1- Madaxwaynaha ayaa sheegay in heshiiskan baahi keentay hadalkiisiina wuxuu ahaa sidan; "Waxa ka dhacay meeshana waxay ahaayeen dalbashada in la dalbado xeebaha dhulka Soomaaliya ay sheeganayso lagu celiyo, marxaladan ayaa loo baahnaa, haddii aan la samayna waxaa dhumaaya dhul Soomaaliyeed, taas ayaana keentay in heshiiskaas la galo...........". Shariif wuxuu sheegay in dhul  Soomaaliyeed lasoo celinayo, hadaan sheshiiskan lagalin in dhul Soomaaliyeed dhumayo, wuxuuna hadalka u dhigay inay qasab tahay in saxiixan dhaco si arintaas looga hortago, waa siduu hadalka u dhigay'e! Haddaba su'aashu waxay tahay Madaxwayne dhul Soomaaliyeed oo maqan oo aad Soo celenaysaan heshiiska kuma taal (hadaadan ula jeedin niyad ahaan NFD). Xeerka Qarammada midoobay ee soo gudbinta xogaha badda ee Article 76 kuma taal inay qasab tahay in heshiis isfaham dhaco si xogta loo aqbalo. Sidoo kale qareennada sharciyada baddaha waxay cadeeyeen inaysan kamid ahayn soo gudbinta xogta  in heshiis lagalo, ee xagee xogtaan ka hesheen oo laga heli karaa, xeerkee dhigaya?

2- Arinta kale oo muhiimka ah ayaa waxay tahay Madaxwayne Shariif wuxuu noqonayaa Madaxwaynihii ugu horeeyey oo yiraahda xuduuda baddayda muran ayaa kujira, sidoo kale wuxuu noqonayaa madaxwaynihii ugu horeeyey ee aqbala dalabka Kenya ee (Muran baddeed- Dispute) in Kenya iyo Soomaaliya xuduuda baddooda murayn ku jiro. Wuxuuna hadalkiisii u dhigay sidan; "........... baddana waxaa waaye KHILAAF ayaa ka jira.  Marka Khilaafkaasi in uu jiro in la muujiyo meesha ayay soo gashay" - waxaa Qareenada sharciga baddaha iyo aqoon yahanka Soomaaliyeed waydiinayaan Madaxwaynaha goormuu khilaafka baddu dhacay? Xagee ku qoran tahay? Ma akhriday dowladihii kaa horeeyey jawaabahoodii? Mase haboontahay inaan ummada si sahlan Madaxwaynuhu mushkilad cusub qoorta ugu galin, waayo hadalka Shariif waxaa ka muuqata inuu difaacayo arrin qaran oo u baahan in wadanka oo dhan isugu tago sidii loo hor istaagi lahaa.


Mudaharaad Looga soo Horjeedo Heshiiska Kenya oo lagu dhigay London.. Guji..

3- Ugu danbayntii waxaa muhiima inaan aad u dhuuxno hadallada isku midka ah ee ay ku Jawaabayaan Shariif iyo Wasiiradiisa, waxay ummada u sawirayaan in dhul dhacmayo, ama in dhul maqan lasoo celinayo ama dhulkii badda ee Soomaaliya sharcigii ka dhacay oo dib loosoo cusboonaysiinayo, jawaabahaas oo dhana wax xiriira lama lahan arinta Qarammada midoobay uga baahan tahay wadammada baddaha leh. Arinta QM u baahan tahay waa in lakordhiyo aagga ganacsiga wixii ka durugsan (200 mayl badeed oo u dhiganta 370km) aagaas ayaa ladoonayaa in laga dhigo (350 mayl badeed- oo u dhiganta 650km) si aagaas loo kordhicayo waxaa loo baahan yahay wadankasta inuu cabirka Qalfoofka Baddiisa QM u gudbiyo inta ka horaysa May 13, 2009. Wadankii aan awoodin xiligaas inuu ku geeyo waxaa jira xeerar kale oo uu raaci karo una ogolaankara in mudda loo dheereeyo iwm.

Dad fara badan oo Soomaaliyeed ayaa Dowlada waydiinaya: haddii la cadeeyey in heshiiska (is-afgarad) aan loo baahnayn wax dan ahna aysan Soomaaliya ugu jirin, maxay dowladu u difaacaysaa heshiiskan oo ay uga fakari ladahay sidii ay u burin lahayd?

Cod dheer ayaa DFKMG loogu sheegay in heshiiskaasi aysan waxa dan ah ugu jirin ummadda Soomaaliyeed. Waxaa maanta (April 29, 2009) arrintaas codkooda ku biiriyey Xildhibaan Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka DFKMG oo sheegay arrintani ay horay u diidday dowladdii madaxweyne C/laahi Yuusuf, Kenya ay wax badan raadineysay arrintaan, balse ugu dambeyntii ay fursad u heshay in la siiyo wixii ay raadineysay waqti dheer. (Akhri/dhagaysi)

Sidoo kale Maxamed Xuseen Owliyo oo ah Afhayeenka Ahlu Suna wal Jameeca ee Yurub ayaa  ka codsaday baarlamanka Soomaliya iney muujiyaan waddaniyad oo ay cod aqlabiyad leh ku diidaan arrinta heshiiskan, oo sida uu sheegay luminaya dhul Soomaliyeed. (Akhri/dhagaysi).

Xildhibaan Xildhibaan Tarsan iyo Afhayeenka Ahlu suna wal jameeca ee Yurub oo difaacay Badda Soomaaliya

Sidoo kale Waraysigii HornAfricOnline Halkan ka akhri


Wasiirkii Heshiiska u Saxiixay Kenya oo Qiray in "Dawladda Kenya Kusoo Xad Gudubtay Qayb Kamida Badda Soomaaliyeed"...
C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa sheegay in heshiiska ay DFKMG la gashay Kenya in sida ugu dhaqsaha badan loo horgayn doono Baarlamaanka... Akhri...


shariiffarooleArigtada Shariifka iyo Faroole ee Heshiiska is Afgarad ee Kenya Lala Galay.
Sh. Shariif: kuwa ka soo horjeeda heshiiskan inay sinaba u akhrin
Dr. Faroole" (Maqabo) in ay cid xaq u leedahay wax dalka Soomaaliyeed qayb ka mid ah cid kale heshiis lagula geli karo
... Akhri.. Apr 27

Faafin: SomaliTalk.com | April 29, 2009

Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: