-
Gacalcuna hadday maanso tahay, waa
gurracan weyne
-
Googgaale lagu tookhayiyo, garabsi beeleedka
-
Wax Islaamka kala geynayoo, hurin colaad
guun ah
-
Gooddiga walaal oo dhammaan, iyo
gummayntiisa
-
Galal dhiig ah, kumannaan go’iyo, qoysas
kala gaabta
-
Gowraca qaraabada sokiyo, gawinta
jaarkooda
-
Galaayuuska qaylado an damin, gablanka
waayeelka
-
Niman bay geddoodiiba tahay, guluf
colaadeede
-
Garangoorta malaxdaa kuwaa, maala godolkeede
-
Waraabuhu intuu giigi laa, wiilal ii garab
ah
-
Guba inaan horjoogsado dateed, yaan u soo
galaye.
-
-
Rag hadduu is galo oo murtida, la isku giigiijo
-
Akhiyaartu wa inay guddaa, kalana gaartaaye
-
Waa inay midkoodii
gardaran, gacanta laacaane
-
Waa inaan
caddaaladda la gabin, oon la gees marine
-
Abwaanada guntiga
dhuuqsadee, talada soo gooyay
-
Guuleed tixduu soo
tirshiyo, intii garoowshiin leh
-
Garnaq iyo Garsoor inaan ayido, waan u soo galaye.
-
-
Gantaalaha Bakaaraha ka yimid, ee Berbera gaaray
-
Gabayada la tuurtuurayee, gees walba u duulay
-
Gabadhaa xabsiga jiifta iyo, ceebtan soo gudubtay
-
Inkastoo indheergarad gurmaday, gaabis baa jiraye
-
Gacalkii Hargeysaad in aan, eray yar gaarsiiyo
-
Oon garashadaydii u faro, waan u soo galeye.
-
-
Maanso guud markeediyo intaas, gogoldhiggeedii dheh
-
Gundhiggii ujeeddada an rabo, gugac
billoowgii dheh
-
Gaashaandhiggii shacabka iyo, guushi
maatida dheh
-
Afmiishaarna geerida dishiyo, tii gagabin
layd dheh.
-
-
Aduunyadan gabaabsiga ahee, garac
horboodaayo
-
Adduunyadan garaad-dhimanka iyo gay ka
talinaayo
-
Adduunyadan midkii garasho laa, laga
guraayaaba
-
Addduunyadan wanaaggii galbaday, xumana
guulaystay
-
Adduunyadan gaddoonkeed dhowyoo, gebidhaclaynaysa
-
Gartood weeye doqomadu inay, gabay ku faanaane
-
Nin gabbanaya misna guudki iyo, gurada loo
jeedo
-
Oo garayski dumar jiidayoo, madax
ganbooleey leh
-
Garbasaarna xiranoo intuu, gacan ka
laafyoodo
-
Gaad is leh rag baa jira asaan, meelna gaarayne
-
midka gubaya reerkoow, adaan kuu golleeyahaye
-
Geesinnimo hadii adan karin, gole ka maansoodka
-
Garaadxumi adoon xeel ka dhigan, gorofna soo sheegan
-
Gabgab iyo adigoon noola iman, hadal gefoo liita
-
Amaan gacalo magaceed la bixin, Gaasiriyo Deeqa
-
Gariirkaa xubnaha iyo intaan, wadnuhu gowlaynin
-
Allaylehe inaad gaabsataa, way gudboonayde
-
Gottenburg ma Holland baa, miskiin gaabiyaad tahaye?!
-
Gaanays ma adigaa maxaa, sawirki kuu geeyay?!
-
Gobonnimo ma googgorad xiraa, galabta waa
yaabe?!
-
-
Inkastood gumburi liita tahay, gacalku
kuu diga'e
-
War hooy gaabso dhaaxaan ku niri, yaan ku
kala goyne
-
Haddiise aad gawaan tahay qofyahow, waano
gali wayday
-
Gardarraduna kuu caado tahay, gama'na
kuu diidday
-
Maatida gamaariba haddey, gelinkan kaa hayso
-
Shaydaan garaaddo leh hadduu, kuguba guuraayo
-
Baxar inad gashood waxan hubaa, eedday ginigiiye
-
Geesh heeganoo waxa ku helay, gurayay
raadkaaye
-
Guuldarraystoo foolxumaa, garabka kuu taalle
-
Waadigaa gidaarrada herdiyay, gudub hortaadaahe
-
Goobaad dhexdeed taagantahay, kuna go'doon tahaye
-
Gunufgunuf maxay tari adaa, gubay
naftaadiiye?!
-
-
Waxaad gaysatoo idil haddii, laysku wada
geeyo
-
Abaalkaadu waa gudin inay, luqunta
goysaaye
-
Ha yeeshee il galaclaad tahiyo, ruux
naftii gabaye
-
Wiilashaa sidii geenyadii, gurada kaa
fuula
-
Inkastooy guhaad badan qabaan, gelinka aan joogno
-
Gorof weeye iyo waxan ku oran, ruux Jin
soo galaye
-
Geesaha riyaha liyo isagu , wax isma
gooyaane
-
Marna waa maxbuus gaalshiriyo, laga
gol-roonaaye
-
Haddii uu Ilaah kuu gartoon, gacan laguu qaadin
-
Adoo sii gaggabi maalintaad, naga gaddoomayso
-
Kuwii sixirka kuu soo guntoo, gunno ku soo siiyay
-
Gaangiistaradi iyo haddaad, golihi-jaan gaarto
-
Farriintaan u gee tuugadii, oo ha kala gaabin.
-
-
Gudcur waxaan hullaabtoon saqdhexe, guure qabaxleeyo
-
Gaararka waxaan eega oon , orod
gucleeyaaba
-
Waxan gebidhacleeyoon kufoo, yara
gurguurtaaba
-
Gosha waxan mushaaxoon Gendiyo, Goodka
derisnaaba
-
Waxaan goolkii wuu dhalan rabaa, laabta
galiyaaba
-
Waxaan gaatamoon horu socdaba, gaaray
qoladii dheh
-
Gayigii la yiri ruuxna ma leh, goor
dambaan tagay dheh
-
Soomaali Gisi weeye iyo, guryanki beenoow
dheh
-
Gurxankii fardaha iyo ka naxay, gurdanki
kowdii dheh
-
Gaafmeerkaa ciidanki ahaa, yaan u goo iri
dheh
-
Goor hore ayaa lay arkoon, doorbinkii
galay dheh
-
Anna gaabni maankay is iri, amad gas
siisaa dheh
-
Gammuunnaa markaa laga lalmiyay, afarta
geesood dheh
-
Gaabsay ujeeddadu ahayd, maanse garanayn dheh
-
Gaaskiyo dabkii iyo markaa, howshi baan
galay dheh
-
Gubtii aan lahaa aqalladii, la iga soo
gaar dheh
-
Gadaal iyo waxaa layga maray, goonyahoo
idil dheh
-
Gafuurkiyo waxay iga jebsheen, goonka iyo
feer dheh
-
Ganihiyo waxaa hoos u dumay,
gows-dambeedyada dheh
-
Culimada afkii gaari jiray, wuu
garoonyahay dheh
-
Gufaacadi urkiiseey hadana, iga gufeeyeen
dheh.
-
-
Geed iyo waxaa laygu xiray, gole fagaaraa
dheh
-
War maxaa sidaan kuu galeey, igu garaaceen
dheh
-
Garan maayo iyo oohin baan, guray
asxaabeey dheh
-
Giiryaale fulay baan ahaye, gudbiyay
tiinnii dheh
-
Sirtii gaar u haay laygu yiri, sheegay gebigeed dheh
-
Golxob nuuri goortaan arkuu, guray dareenkii dheh
-
Gurboodkii dhexdoodaan markaa , kaadidii ganay dheh
-
Dumarkina gaddoonyoo sankeey, gacanta
saareen dheh
-
Xishoodkaba haddaan hore u gabin, waan go’i lahaa dheh
-
Nimmanyahow gunnimo soo hubsaday, suu rag
ii galay dheh.
-
-
Guutooyin baan soo arkiyo, gaasas xoog
badan dheh
-
Gal kitaab leh bay gacanta midig, gebi ku haysteen dheh
-
Bidixdana gantaalaha dhaciyo, gumuc rasaaseed dheh
-
Garbosimman ayaa loo safnaa , gaardi yaab badan dheh
-
Garmaamaynta xeeladaha iyo, gebi ka duulkooda
-
Sida gaaddaweynaha libaax, loogu gali waa dheh
-
Waxaan soo garoowsaday inaad goojin
laydeen dheh.
-
-
Inkastoo gumaystaha an nixin, dhaawac gaarsiiyay
-
Inkastoo ay gaalada kibrani, gooddi ku asqaysay
-
Inkastoo gujayn lagu waduu, darisku guulaayo
-
Inkastoo midkoodii wax gala, laga gabraaraayo
-
Inkastoo dhulkii gebi ahaan, ay fitnadu gaartay
-
Gargaarkii ilaah bay qabaan, galladna weeyaan dheh
-
Goldaloolladoodii haddeey, guddi u saareen dheh
-
Gaaxdeedi bay maalayaan, Diin guddoonsade dheh
-
Guubaabadii Sayidka iyo, gabayo taariikh leh
-
Geeraaradii Timacaddaa, goob walbaba yaal dheh
-
Barbaar gaylamaysaa dhulkii, soo garwaaxsaday dheh
-
Ma
goblamin imaamkii Guraye, Goroyocawl joog dheh!.
-
-
Xaqii gaabsanaan jiray hadduu, guudka soo mari dheh
-
Gadood iyo waxaa lagu ballamay, howlo gudo
wayn dheh
-
Afmiishaarraday goobayeen, ooy gurbinayeen
dheh
-
Dullaaladi gabaabseey noqdeen,
ganacyowayntii dheh
-
Gabgablaha sidaydoo kalaa, goonni loo saar
dheh
-
Kii qabyaalad kala gaysa wada, waabay
gubayeen dheh
-
Geeridu xaq weeyee jihaad, wow gurmanayeen
dheh.
-
-
Iyagoon Galbeed iyo u iman, qaar wax kala
geeya
-
Amaan I-GAD intay soo guraan, goofaf ku
xaraynin
-
Golayaal ikhyaar lagu gimgimay, garasho
dheertii ah
-
Gogol bay Insha-Allaahu dhigan, goor dhow
dabadeed dheh
-
Gocashada markaasuu ka hadal, kay wax
gaareen dheh
-
Gartii Ina-Sanwaynay markaa, guurtidii
niqi dheh
-
Waxay goynayaan idam-Ilaah, tii gudboonayd
dheh
-
Garowshiinyo iyo waxa immaan , qaar ganaax
bixin dheh
-
Guddoon bayna wada leeyihiin, saan
garaysanahay dheh
-
Raxmad aan gurayn baa u di'i , gugi barwaaqaad dheh
-
Gayaannaa markaa la isi siin, guurna wuu badan dheh.
-
Gablay iyo waxay tumanayaan, giblo
ciyaareed dheh
-
Kuwoodii Galaskoow dagiyo, Goolofkii
carabta
-
Gebigoodba way soo socdaan, goosankii
tagay dheh
-
Guryanoqosho iyo waxa imaan, guuritaan badan dheh.
-
-
Gayigii Jabuutiyo Burciyo, Xamar-cad geeskiisa
-
Godaydaa Tigruhu maamuliyo, Gobolka Moooyaale
-
Gacalkii la kala oodi jiray, waysku soo galay dheh
-
Gaashaanbuur waxay leeyihiin, geeshash xoog badan dheh
-
Gumaad kii u gaystiyo midkii, ganay halyaygooda
-
Iyo kii gardaadshoo wax taray, ama
gargaaraayay
-
Nin waliba wuxuu galabsadana, way ka
gudayaan dheh.
-
-
Dhaaxaad idinka oo galtiya, Qaran
gumayseene
-
Dhaaxaad amuuraadan geyin ,gebi ka tuurteene
-
Musuqmaasuq dhaaxaad gaddeen, ood gorgoriseene
-
Dhaaxaad markaad gaabisaan, sii galgalateenne
-
Gaadiid haddiibow tihiin, Xabashi guuraysa
-
Ganacsigi dadkiyo waxad waddeen, la isku soo gaar dheh
-
Talo waa gabnowdoo tolkiin, idin giriifeen
dheh
-
Gabaahiir ayaad yuururtaan, meel gabayraa
dheh
-
Gabbalkiin dhac oo tiinnu way, sii
gabaabsiday dheh
-
Wuxu balo kufrigu idinku guray, waa galoof
maran dheh
-
Gomboor iyo wax baas ood canteen, geeri
bay dhali dheh
-
Damaciinni isagoo gablamuu, sii galbanayaa
dheh
-
Adduunyada inkaar galabsatiyo, guuldarriyo
ciil dheh
-
Aakhirana halkii laydin gelin , Guullahaa garan dheh.
-
-
Gabbaadkii agoontiyo intaas, gurmadki suugaan dheh
-
Galiilyadi masaakiinta iyo, gocasho
reenkeey dheh
-
Fitna-wade gantaal lagu ridiyo, leeb an
soo ganay dheh
-
Damiin aan gudbayn abidki iyo, gorof
duruustii dheh
-
Gafanaha naloo naaxiyow, waa gadood dhaba
dheh
-
Nin walbow waxaad geysataad, galabsan doontaa dheh
-
In
kalena gelliin baan ahoo, waan gurmanayaaye
-
Gaarriyow abwaan geesiyoow, gacalkayoow heedhe:
-
-
Gugaagoo yaraa iyo haddood, guudka ka cirrowday
-
Xigmaddaadu way giigsanayd, loona wada guuxye
-
Iyadoo gigtiran bay dhammaan, gobolladeen taalle
-
Garabdaar ayaan kugu ogayn, gabbasho laaneede
-
Gardarradana maad qaadan jirin, goor kastooy tahaye
-
Gef nin aan mudnayn baad tahoo, garasho xeel-dheere
-
Annagaa garbaashkii ku filan, nacas gunuunucaye
-
Adna inaad gilgilataan rabnoon, howl ku gelinnaaye
-
Halka gogoshu kuu taallo iyo, golaha aad joogto
-
Gallayr baa berridan kuugu iman, sida
farriin gaare
-
U
geeraartayaa iyo mahmaah, gara u sheegtaaba
-
Adaa garan sidow gelin lahayd, Guulle idankiiye
-
Ehelkeenni gaarsii run waa, laga garaabaaye
-
-
"Garaadkaygu
wuu dhaafsanyahay, xaajo goboleede
-
Ummadyahay dib uma guuri karo", way gundheerayde
-
"Garbaduub waxaan ugu xirnahay, maan-guracaneede
-
Miyaan Geeddi-baaboow arladu, gelinna waayaynin"
-
Xigmaddii Gudgude lamaba garan, gocashadiisiiye
-
Gaandhi iyo Mandeelaba inuu, garasho sii dhaamo
-
Towxiidna gowskawgu jiro, kuma gargaartaane
-
Geesigii Hadraawaad dadyahow, geeska geliseeno
-
Waadna wada giriifteen dhammaan, garashodheertiiye.
-
-
Raaqiya waxay guuro iyo, duhur guclaynaysay
-
Dhagar-qabe waxay goobtay oo, galisay
diiwaanka
-
Tallaabada gurracantaa waxay, qalin ku
goobaysay
-
Gummaadkiyo halaaggii, waxay dunida
gaarsiisay
-
Maalintay galkeedii la timid ,ooy gar
filanaysay
-
Gooddiba inay mudato oo, nacas u guulguulo
-
Oo loo guduudiyo indhaha, giirna loo
kiciyo
-
Gobonnimdu ma hayn in ay, afxumo gaartaaye!
-
-
Qaryaqaannadeennii sharciga , kala gorfaynaayay
-
Iyagoon gabboodfalin ayaa, jeelka loo guraye
-
Jaamacaan xumaha goobi jirin, guulwadaa xiraye
-
Wadaaddada gujada lagu hayee , garabka loo
sheegtay
-
Garaaddadu u hooy yahay xabsigu, kama guhaaddaane
-
Goosasho kan sheegaba intii, loo gurbaan tumayay
-
Gabbaldaye sidiisii kuwii, u gadgaddoomaayay
-
Oo
gelinba meeshii irmaan, gaawahow culayay
-
Ee
maxasta gaadgaadi jiray, hele geddoodiiye
-
kuwii shalay na kala gaabiyiyo, Guduriyaashiiba
-
Waa kuwaa shirkii noo galoo, gaarigii wadaye
-
Muxuu goof midoon khayrku gelin, ina gayaysiiyay?!
-
-
Xariggii wanaag loo guntaba, qaar un baa goyne
-
Gabar aan garnayl iyo hub sidan, kolay garruun noqoto
-
Ninka yiri dhulkay ila geddiyi, ee bal naga gaara
-
Iyo kii garraarkeeda furay, ee
golqabateeyay
-
Oo gabbaati isagoon ka bixin, faraha
gaarsiiyay
-
Waa kuwan gayaan iyo aqoon, guur xalaaleede
-
Waa kuwaanan sharaftooda geyin, gaarida
haweene
-
Waa kuwo u naxariisteed gabay, gacalo hooyaade
-
Walaashood ilmada gobo' ka lihi, waa kuweey gubine
-
Waa kuwo gabannadeey dhaleen, beeri godobtoode
-
Waa kuwo ixsaankii gambiyay, oon gambow harine
-
Maxaa nala gudboon, talada waa la isku gaystaaye?!
-
-
Gacandhaaf ma qabin inu u haray, gubadki waagiiye
-
Godobtii horaa loo la'yahay, meel la
geliyaaye
-
Gudbin iyo intii aanan maqal, qolo kalow
geeya
-
Inta aan Gurayb lagu qufulin, godadki shaydaanka
-
Oon aan Guwaantama iyo, goof xun lagu tuurin
-
Waanada hadday gees maraan, lana gafuurtaago
-
Gabantaa agoonta ah, haddaanay aadin gurigeedi
-
Maangaabka taladiisa waa, laga gadoodaaye
-
Gacmahana kolaad ula tagtaan, geeshna faro saaro
-
Gurmadoo ka kaca yaan nabsigu, meel xun idin gayne.
-
-
Intaas gacal farriin loo diriyo, aaway
guurtidi dheh
-
Gar Ilaahay waa loo Islaame, gaara xaajada
dheh
-
Dulmantaa gashaantida ahiyo, Samsam
gargaarkeed dheh
-
Xummaantaan ninkii gaystayow, waa wax kaa
go'an dheh.
-
in
kalena Abshirki soo gabyow, gacalkayoow heedhe:
-
-
Garmaqaatennimo kuguma maqal, geesiyow abide
-
Gucumaale Aar baad ahayd, goortay khayr tahaye
-
Shiikh diinta garanaaya oo, gaamuraad tahaye
-
Garaaddaha ad leedahay ma rabo, inay wax
gaareene
-
Dhibka Inanta loo geystayuu, gabaygu
faalleeyay
-
Guubaabo inkastooy ahayd, oonan garanaayo
-
Misna erayo gaaraa jiriyo, gacantogaalayne
-
Geddaadiina maahoo walaal, ii garoowsanide
-
Adigoon difaac galin , anoo hadalka soo
gaabin
-
Mar haddii ay guradii tixdii, niman ku
guureenba
-
Mar haddii uu gaanneri gabyaa, gees kalow leexshay
-
Mar hadduu Iblays guuxayoo, sacab garaacaayo
-
Gufaacooyin baas iyo intaan, guluftan lays aadin
-
Oon Addis garsooraha ka yimid, fulin
go’aankiisu
-
Jannadii Ilaahay galyow, guul ayaad heliye
-
Soo gunaanad suugaantanoo , gabagabee
maanta .