Xaamud Shabeele |
"DEBIN"
Gabaygan oo aan ugu magac daray "DEBIN"
- Qore: Xaamud Ismaaciil Xirsi (
Xaamud Shabeele )
hamudhersi@yahoo.com
Columbus, OHIO, U.S.A | January 25/05
Waxaan tiriyay kadib markii aan wax badan u
fiirsanaayay oo indhaha ku hayay arinta murugada, lamafilaanka ah iyo
dareenka xun ku abuurtay bulshada Soomaaliyeed & dad badan oo ajnebi ah oo
xuquuqul insanka u dooda.
Dhibaatada intaas le'eg oo loo geystay gabadha yare ee ardayada ah isla
markaasna ah agoon aan weli qaangaarin Sam sam Ahmed Ducaale oo mudo dhan 6
bilood sida foosha xun ee diin, dhaqan iyo bini-aadnimada kabaxsan loogu
ciqaabaayo magaalda Hargaysa. Taas oo dad badan oo Soomaali ahi
malaynaayeen in arintaas ay ka gedoon doonaan dad farabadan ee
Soomaali ah oo ku nool magaalada Hargaysa iyo gobolada waqooyi ee
Soomaaliya. Waxaa idaacadaha, Jaraa'idada iyo dhamaan qalabka warbaahintu
si'toos ah uga hadlaayeen mudo dheer. Inta lahubo waxaa laga waraystay
arinta Sam Sam madaxweynaha Somaliland, madaxweyne ku xigeenka, wasiirka
arimaha gudaha, w.warfaafinta, taliyaha ciidanka booliiska, taliyaha
ciidanka asluubta iyo kuwakale. Mid mid lawar'ahaana kumajirin ilaa
madaxweyne kuxigeenku yiri waxaa gabadha yarta ah laga kaxaystay ama xabsiga
looga taxaabay guriga caaqilka beeshayada oo lageeyay taasna waanu rumayn
weynay.
Hadaba waxaa meeshii kabaxay doorkii shacabka oo lagafilaayay kacdoon ay
kaga dhiidhiyan ceebta uga timi ficilkii xumaa ee madaxdi aydoorteen u
soojiideen.
Sidaa dartee aniga oo ka xun dhacdadaa foosha xun ee aan laqaadan Karin
ayaan dareenkayga abwaannimo gabaygan ku cabiray.
· Sam sam debinti loo qoolay baan laga dawoobayne
· Nin damiirleh baan fiirsan Karin daanadaan culuse
· Darxumay u liitaan gabdhihi dahabiga'ahaaye
· Daad xoor sidiis bay waddada dadab u yaaliine
· Dar Illaaheen maahayn in uu dilo walaalkoode
· Duqi fooxle ceebtuudhigaa daawan aadmiguye
· Si kastoo dagaal loogaloo diricya loolaayo
· Damiirkaygu imasiin ragbaa Deeqa weerarine
· Difaac niman u galay gabaryarbaan damac kunoolayne
· Dulibay mutaan qolo haday xumaha doonaane
· Dagaal laguhalaagmaa gabdhaha lagu daweyaaye
· Markii Dahabo lagusiiyo baa deriska dhowtaaye
· War Waatii lakaladoonijiray Duniya-Maandeeqe
· Kolkay diricya badan kuudhashaad dib u jeclaataaye
· Dadkeedi iyo reerkay katimaad derejosiisaaye
· Damiir malaha nimankii gabdhaha godobkadoonaaye
· Deyar ugub ah bay reerihii wada duljoogaane
· Duqawdii Hargaysiyo Berberi kama diqoodaane
· Damiirkuulahaa Buurmadaw waaladuutiyaye
· Wadkiibaa udiidee Cigaal umadulqaateene
· Doorkii kadhimay reerahaan daawada lahayne
· Derejaday lahaayeen ninbay duca'usiiyeene
· Siilanyo dalanbaabigii Daallo kor u dhaafye
· Dagaal nimaan aqoon baa waqiis dooxa maatada'e
· Dugsi gabar yar oo dhigatah baan gobi ku dusheene
· Dulli baad kadhaxasheen xilkii Daahir tooxsadaye
· Maah maah dewenbaajirtoo lagadabqaataaye
· Ninkii Aabihii dilaan cidkale nololladoonayne
· Doraadbay gubeen calanki oo dacas ku jiideene
· Duqii Adan iyo Timacadaa duugta hoosgalaye
· Diricyadi SYL haday debinta ruugaane
· Dar Illaay Somaliland dumise xeerkiiye
· Waxaa daahfurteen sheeka'aan dunida oolayne
· Dadku waxaykafaanaan ayaad dereja moodeene
· Meel aan waxlagadooninbaad doca docayseene
· Diinti iyo dhaqankeeni baad dalaw katuurteene
· Waxaaddoonin ceebtaad dhigtaan kuladabaashaaye
· Madulayno dumarkeena iyo Deeqa-Luul-Werisa
· Qabiilna kuma dabakho inamihii debeca fiicnaaye
· Intaan dadab u dhiganaan gabdhaha googol ku doonaaye
· Dulmina lagumafalo meesha aan degoh sidaadaase
· PUNTLAND dalkeenoodhanbaa laga daryeelaaye
· SOOMAALIDAA dayrisaa lagu daweeyaaye
· Dukumintis kuma soogalaan DUBAI sideediiye
· Leegadi diwaankay-qortaa lagadabqaataaye
· Maduloobe calankii kuwii daabacaan nahaye
· SYL ragii soodumoo daadah shaan nahaye
· Nimankii xornimadii dalbaday baan dirkoodnahaye
· Isticmaarka kuma diirsanee waa ladiriraaye
· Daraawiishti iyo Boqoradii daafacaan nahaye
· Ninkiise dayn amaahdaa marbuu dib'u shalaayaaye
· Taariikhda duuga'ahi waa dabagelaysaaye
· Ninkii xumaanta doormoodayow waa laguudigaye
· Ninkii xumaanta doormoodayow waa laguudigaye.
WT.
Xaamud Ismaaciil Xirsi ( Xaamud Shabeele )
hamudhersi@yahoo.com
Columbus, OHIO, U.S.A | January 25/05
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 5, 2005
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri
karaa qoraaga ku saxiixan
Shuruudaha
Gabayada Silsiladda Samsam
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|