Galad Eebbe
Cali Maxamuud Xiirane |
Ugu hoorreeyntii waxaan u mahad celinayaa,
salaanna u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed intii xumaha la dirirta oo
wanaag iyo samo doon ah, gaar ahaan suxufiyiinta isku hawlay iney u adeegaan
ra’yiga xorta ah oo aan afduubka iyo aashuun ku addimidda oggolaaneynin iyo
suugaanleyda Soomaaliyeed ee inta san ummadda u tilmaanta.Tan labaad waxaan
u ergeeynayaa dhammaan intii wax garad ahi iney iska xilsaaraan ilaalinta
sharciga, anshaxa iyo dhaqanka wanaagsan ee soo jireenka ah, lana xaq dhawro
guud ahaan dumarka, gaar ahaanna gabadha miskiinta ah ee maxbuusadda ah in
si shuruud la’aan ah loo siiyo xorriyaddeeda, loona soo daayo sida ugu
dhaqsaha badan
Gabaygan la yiraahdo Galad Eebbe waxaa
tiriyey Cali Maxamuud Xiirane taariikhdu Markey ahayd 27/01/05 oo jooga
England, London, wuxuuna tilmaamayaa:
-
Sharaftiyo gobonimmadu iney ku jirto in
diinta islaamka la raaco
-
Inuu qaladku ama gafku mudanyahay qofkii
ama kooxdii geeysatay oo kaliya in lagu eeddeeyo oo ummad kale uusan
galaafanin
-
Inaanay u ekeyn Soomaali iney gobonimmo ku
naalooto ama ku faanto waqtigan la joogo sababaha gabaygu xusay awgood
-
Inaanay shacabka reer Hargeeysa mudneeyn
in dusha laga wada saaro eedeeynta xabsiga Sam-sam, ee ciddii wax
eedeeynaysaa aysan arrinta dhaafinin ciddii ay khuseeyso
-
Gabayada in loo xakameeyo si asluubeysan
oo aan loo adeegsan in ummad dhan sharafteed lagu dhaawaco ama shaqsi
wax loogu dhibo, si aan godob iyo isku xad gudbid uga dhalan
-
In nabadgelyada iyo danta guud la tix
geliyo
-
In la xasuusnaado in guud ahaan dadka
Soomaaliyeed ay dhibaatooyin caam ah haysataan meel kastooy joogaanba,
qaarna yaba gacan gumeeysi ku jiraanba.
Galad Eebbe
- Allaa gallad leh, guullaa hanti leh,
gacan Ilaah baa leh
- Gobannimo rasuulkuu ilaah, nagu
gargaaraa leh
- Gunnimana qofkii gees maroon,
garanin taasaa leh
- Gardarrana ninkii galabsadoo, gaar
u falay baa leh
- Cadaabkoo la galiyo godobaan harayn,
gacan ku dhiiglaa leh
- Gurmad iyo maslaxada gargaar,
qofkii garasho dheer baa leh
- Gardiidnimo gaasiraan wax garan,
nabadna geeyn baa leh
- Giyi abaariyo maydkoo la gagay,
guluf colaad baa leh
- Nin waliba wuxuu galay, wuxuu
geestiyo, gebidhacleyntiisa
- Diiwaanno loo gelinayaa jira oo,
garabka loo saarye
- Nin galadiyo Libaax waa yaqaan,
leebka kii ganaye
- Nabsigii gur-guurtaa mar buu,
guudka soo qabane
- Ragga inanta guul-guulayoow, goor
dambaad garane.
-
- Intaa garatay kana sii gudbayoo,
geeddigii raraye
- Xaq baa godlan run baan gaabineyn,
beenna wey guriye
- Gobalkaas Hargeeysaad, ma geyo wada
garaafeeyne
- Gurmad iyo hayaay bey wadeen,
taniyo goortiiye
- Gabantay u hiillinahayeen, gafkey
wada giriifeene
- Garsoorayaasheedii baa la xirayoo,
jeelka lala gaarye
- Guurti iyo ikhyaar baan ka harin,
iney galliimaane
- Gabdhaa guntiga dhuuqsadayoo,
qeeylo gees wada e
- Kuwo dulmi la gaardinahayaa, haba
guhaadsheene
- Nabaddoon halkuu gogosha dhigay,
waa guddoon wacane
- Siduu ugu garsooraan la dhacay,
labadii geesoode
- In gunuunac lagu soo fasiro, waa
gabood falide
- Markuu geel u heesaa rag kale
goroyo buubsheene
- Halka uu garneeyllada u wado, waan
la garaneyne
- Kuwo guudka ka ciireeystay, buu
garasho dhaamaaye
- Nabadduu u geedxaarayeey, gebi ka
tuureene
- Giraantii Guboo kale ayaa, gaawe
loo culaye
- Galalaati ayey ugu wadaan, golihii
sheeydaane
- Maah-maah gu’ weyn baa ahayd, wayla
garatiine
- Geesaha haddaan belo la qaban, kula
gudboonaata
- Markeey gudubto sii daba guclee,
waa gedaan jirine
- Ragga guba gurbaankeed watoow,
gaabsadaan iriye
-
- Intaa garatay kana sii gudbaye,
kacaliyoow heedhe
- Gardarrada markey taagantahay,
ragaan gaabsaneyn badane
- U gar-gaar ninkii xaqa yiraa, rag
baa guulayoo nacaye
- Anse nabaddan gaw laga ridaan, gaar
is leeyahaye
- Goolaaftan kama doonayiyo, faan aad
gooddiside
- Qabiil uma garbeeyee xaqaan, garab
istaagaaye
- Gadaal u joogsaan waxaan iraa,
ruuxa gaar mara e
- Balaayadu qofkii goobayeey,
gaba-gabeeysaaye
- Ragga guba u gacan haatiyoow,
saadambaad garane
-
- Intaa garatay kana sii gudbayoo,
geeddigii wadaye
- Gobannimada waan jecelnahaye, waan
la garaneyne
- Giddigeedna Soomaali, waa gacal
walaalaahe
- Gaalkii gumeeystaa ka dhigay,
wadarta gooboode
- Inaannu kala gadoodnaana, waa
gedduu rabaye
- Inta geeleennii dhalay rag kale,
gorof ku maalaayo
- Ooy goofaadhido harkii bar-baar,
goomanka u weeyni
- Ama ay gujeeyaan oos dhammaan, wada
galoofoobay
- Oo gabannadeennii raaci jiray,
cadaw gantaalleeyo
- Gobanimo inaan sheegannaa, nagu gaf
weeyaane
-
- Intaa garataye waxaan sii gelaa,
galab carroowgiiye
- Garaaddaha midkii aan u xiray,
intuu gubayo raaskeenna
- Oo gumuciyo rasaastaan u gaday,
nagu garaacaayo
- Oo ka gees iyo ka goor ehelkannaga,
la is gumaadaayo
- Oo gafkii iyo xumaantii la galay,
laysla wada giijo
- Oos darajo gaaraba ku helo, xumaha
kii geeysta
- Oo gaarhaye tigreeyihi intaas nagu
guraabaaso
- Oo go’aanka taladaan lahayn gacanta
loo saaray
- Oo culumo loo geeyo cadow, oo
ganacsi ay gaartay
- Gabannimo inaan sheegannaa, nagu
gaf weeyaane
-
- Gaarida haweenkii ahaa hadduu,
dunida gaaf meeray
- Ooy gablan ka joogaan raggiiyoos,
gabay daryeelkooda
- Oo gacanta hoorsiyo baryada, dani
ka geeyn weeyday
- Ooy taariikhda noo gashay warxumo,
laga galiilyoodo
- Oo afarteeda goonyood dunida,
ubadkii uu gaaray
- Oo laga guuray oo arladii, gobi ku
naafoowday
- Gobonimo ninkii sheegtayoow, waadan
garaneyne
-
- Intaa waan gorfeeyaye waxaan, garab
ka raacsiiyey
- Inta walaalkey good igu yahayoo,
gawda iga saaro
- Oo labadeyda gacmood oo gudboon,
tuba mid gaadeeyso
- Oo cilmaanigaa aan wax garan, nagu
galleyryeeyo
- Oo gabdhaheennu geyiga aaney, nabad
ku geeraarin
- Oo muqdishiyo Galbeed aan ammaan,
laysaga gooshin
- Oo xaqeennii oo weli gingiman,
nalaka geed saaray
- Oo diintii laga goojiyo, oo gaala
la addeecay
- Oo geesh ka xoogroon Jigjiga,
gubayo oo haysto
- Oo gabal jirkeennaa gubto, oo
gama’ii loo diiday
- Gobanimo inaan sheegannaa, nagu gaf
weeyaane
-
- Intaa garataye geeddigii furoo,
guurihii dhigaye
- Gobanimada aad jeceshihiin, waan la
garaneyne
- Nin walaalkiis gaawracaa ma galo,
geeday joogtaba e
- Is gar-gaasigey labo gacmood, guul
ku dhaliyaane
- Waxba gabaygu yuu ila galbane, waan
gunaanadiye
- Gargaarkii Ilaah waydin helin,
gooray noqotaaye
- Bal maruun guddoonsada, inaad gacal
ahaataanoo
- Bal maruun gantaaladays ka dhiga,
gulufka aashiinna
- Gobonnimo kolkaas baynu helin,
nabad gadaasheede
- Gur-gurshaagaan garqaadana halkaas,
caynkii kaga gooyey
Cali Maxamuud Xiirane
Xiirane2@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Feb 6, 2005
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lagal xiriiri
karaa qoraaga ku saxiixan
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|