Adigana cidhiidhiga annagana ceebta!!!
Amaana Alla
Ismail A. Awad
ijali2003@hotmail.com
Inanta Hargeysa lagu dulmiyay waxbadani
iigama banaana ka hadalka xaalkeeda waayo hortay baa aad arinkeeda looga
hadlay, waxaanse doonayaa inaan inyar ku darsado cadaalad darada
kugadaaman.
Wax kasta oo inanta socodkeedu markii
hore ahaa ceebta meesha ka dhacday maaha mid loo cudurdaari karayo.
Walaasheen waxay weyday ugu yaraan lix xuquuqood oo ay xaq ulahayd
waxayna kala yihiin:
1- Xuquuq caruurnimo. Inantu waa 16 jir
baa la yidhi, taa macanheedu waa caruur xitaa haddii laga shakiyay waxay
xaq ulahayd in loola dhaqmo sidii ilmo laga shakiyey;
2- xuquuq dumarnimo. Dumarku dhaqankeena iyo bulshadeena waxay
kuleeyihiin xurmo iyo qadarin, xitaa haddii laga shakiyay qaabka ay
guriga ku timi waxay xaq ulahayd inay hesho xuquuqdii dumar ee
dhaqankeenu siiyay;
3- xuquuq Soomaalilaanimo. Hadaanan khaldanayn inantu waa reer Badhameed
distuurkeenu xuquuqda muwaadinka aad buu udhawray
4- xuquuq Soomaalinimo. Waa gabadh Soomaaliyeed, waa la yaqaan inanta
Soomaaliyeed xaqa ay kuleedahay bulshada Soomaaliyeed ee ay dhex joogto,
distuurka Soomaalilandna aad buu u ilaaliyay xuquuqda shakhsiga;
5- xuquuq muslinimo. Walaasheena muslinka ahi xaqa ay inagu leedahay
diinteena xaniifka ah baa inoo sharaxday iyadoo safar ahna warkeedaba
daa.
6- xuquuq biniaadaminimo. Qofkastaa wuxuu leeyahay xuquuq illaahay
siiyay oo dhawran, cidina aanay ku xadgudbi karayn diinkasta ha
aaminsanaado, midabkasta halahaado, isirkasta haka soo jeedo.
maamulkasta iyo bulsho kasta waxaa ku waajiba dhawritaanka xuquuqda aas
aasiga ee shakhsiga.Distuurka soomaaliland na wuxuu aad udaryeelayaa
xuquuqda qofka.
Nasiib daro inantani lixdaa xuquuqood
midna looma dhawrin, waxna lama xeerin. In kastoo arinta Milgo qalbi
xanuun ku riday qofkasta oo reer Soomaaliland ah haddana waxaa aad ii
farxad gelisay sidii ay ugu gurmadeen afartii garyaqaan ee cadaaladda
raadinteeda loo xidhay, waxaa yididiilo iyo niyad wanaag igelisay sidii
ururka Somaliland forum, oo ay ku midoobeen waxgaradka reer Soomaaliland
ee qurbaha joogaa, uga hadleen arinta inanta. Waxaa xusid mudan sida
shicibka Soomaaliland dhamaan arinta uga murugaysan yahay. Waxaanse la
yaabanahay guusha dawlada soomaaliland ugu jirta leeleelinta ilmahan yar.
Waxaa arinta inanta iiga soo baxday
inaan shacabka Soomaaliland dawlada lahayn laakiin dawladu iyadu
shacabka leedahay waayo hadii dadku dawladu leeyihiin dawladu waxay
qadarin lahayd dhawaaqa dadka, distuurka qoran, dhaqanka dhowran, diinta
barakaysan iyo dadnimadda bini aadaminimo laakiin siday doonto dadka
ulamay macaamisheen.
Waxaan kaga baxayaa seddex erey oo aan
Milgo leeyahay:
1- Adna cidhiidhi inaad gasho annana
ceebi na raacdo waa arin xagga Alla laga qadaray
2- Waxaad ogaataa in shicibka soomaaliland kasoo horjeedaan dhibta iyo
xaqdaradda aad la kulantay, qalbi ahaana ay kula xidhan yihiin
3- Waxaad ku uursamataa inaad adigu tahay qofka guulaystay waayo waxaa
kula safan inta cadaalad- daradda neceb waxaanad astaan u tahay
cadaaladda.
Amaana Alla
Ismail A. Awad
ijali2003@hotmail.com
Waxa aan
doorbiday in aan arintan Samsam aanan wax ka odhan inta maxkamadda
Hargeisa,ee dhegaysanaysa dacwada lagu soo oogay inantan Samsam iyo
inankii gaadhiga kuwaday ee Cumar ay socoto. Mar haddiise la xidh xidhay
afartii garyaqaan ee iyagu difaacayay, waxay ila noqotay in ka war
dhawrista natiijada dacwadaa maxkamadaa ka socotaa noqonayn mid macno
weyn samaynaysa.
Waxa aan liqi waayay, iina cuntami wayday
dawladdeenii dhamayd ee Somaliland iyo Madaxweyne kuxigeenkii wadanka
ayaa inta ay maxkamad horyimaadaan odhanaya gabadh 17 jir ah, oo reer
Boosaaso ah, waligeedna aan hore u arag Somaliland ayaa reer Puntland
usoo diranayaan in ay basaasto madaxweyne ku xigeenka Somaliland. Horta
waa yaabe, maxaa laga basaasayaa madaxweyne kuxigeenka?
Mise waxa inantan laga raacay Riyadii Madaxweyne ku xigeenka ee la
sheegay in uu yidhi todabaad ka hor intii aanay inantani kasoo bixin
Boosaaso ayaa la igu tusay Riyo in gabadh reer Boosaaso ihi ay halkaa ka
imanayso si ay mu'aamarad iigu maleegto.
Waxaan dhagaystay waraysiyadii iyo
dacwadihii kala duwanaa ee ay xukuumadu ka bixisay arinatn Samsam, wali
waan la'ahay nasiib daro wax cadayn ah, ama ii cuntami kara oo aan qiil
uga dhigo xadhgan iyo eedayntan basaasnimada ku shuqulka leh, ee
gabadhan reer Boosaaso loo soo jeedshay.
Ka daran oo dibi dhal waxa intaba sii
yidhi, sida foosha xun ee Hay'adii sirdoonka Somaliland iyo Booliska
Somaliland ay labaduba u maareeyeen arinta gabadhan. Waabay dhici kartaa
in shaki yimaado, laakiin waxa aan la fahmi karin sababta ay ugu muuqan
wayday, in markii ay gabadhaa waraysteen ee ay arkeen in aanay ahayn qof
basaasada ama mu'aamarad kale maleegaysa, ay markaa isaga sii
daynwaayeen. Intii aanay talo faro ka haadin, arintuna sidan u sii
cakirmin, oo aanay shan bilood ku jirin jeelka.
Waxa aan shabakadaha wararka iyo
wergeysyada qaarka mida ku arkay shakhsiyaad iyagu difaacaya ama qiil u
samaynaya dawlada, kuwaas oo farta ku godaya Hay'adaha Xuquuqul Insaanka
ee Somaliland ka jira, oo ay leeyihiin arinkan way buunbuuniyeen.
Qolyahaas waxaan leeyahay, xukuumada Riyaale waxaa igaga filan markhaati
sidii ay ula dhaqantay labadii hablood ee ay ku jidh dileen xabsiga
Hargeisa, hablahaas oo waxa kaliya ee ay sameeyeen ahayd in ay ka qayb
qaateen mudaharaad ku muduciya madaxweyne Riyaale iyo xukuumadiisa.
Markaa ma askartii iyo NSS tii u nixi wayday hablahaa deegaan ahaan u
dhashay Hargeisa. Kuwaas oo sidii qoriga dabadiisa loola dhacayay ay
sababtay in ay soo gaadhaan dhaawacyo ay noqotay in dhakhtar loo dhigo,
maxaan ka fili in ay ula macaamilaan gabadhaa reer Boosaaso ?
Hadiibase iminka khalad yimid, ileen
bani aadam baynu nahay oo markasta ma saxsanaan karno, maxay xukumadeenu
u diidaysaa in ay qirato in arinta Samsam si xun u dhacday, imikana ay
isku dayayso in ay wax saxdo. Arintan Samsam ilaa maalintii sheekadeedu
soo baxday, ilaa maanta waxaan ceeb iyo magac xumo ahayn inoomay soo
jiidin. Waxa aynu ka war haynaa in xitaa ilaa Amnesty International ay
arinteeda ka hadasho, oo ay Somaliland ku canbaarayso sida ay gabadhaa
ula macaamishay.
Ceebtaas iyo calool xumadaasna waxa
inoo keenay, ee ay hoos imanaysaa waa Madaxweyne ku xigeenka iyo
Madaxweynaha, oo faalkii iyo fooxlaysigii la marayo iminka in ay
yidhaahdaan gabadh 17 jira oo reer Boosaaso ah, ayaa wax na yeelaysa.
Nimanyahow waxa aan idin leeyahay Somaliland rageeda madaxda ah waxa
lagu yiqiin geesiyaal aan libiqsan, oo xaq u dirir ah. Idinkuse
garanmaayo waxa aan idinku tilmaamo. Siyaad Bare, oo wuxuu dhagar galay
aynu ogayn sidan umuu baqan jirine, waa maxay baqdinta noocan ah, ee
aydun inantan 17 jirka ah, aydun leedihiin mu'aamarad bay waday.
Madaxweynaha waxaan leeyahay ilaalada
duubcasta xad dhaafka ah, ee argagaxisada ku rida dadka marka uu
socdaalayo ama uu joogo fagaarayaasha uu dadka kala hadlayo ha joojiyo.
Hana isku arko nin isku kalsoon oo dal kiisa jooga.
Madaxweyne
ku xigeenkana waxa aan leeyahay, Riyadaadii gabadh bay maleegatay,dal
dhana ceeb iyo sumcad xumaa ka raacday. Markaa inaga ilaali arimaha
fooxlaysiga marka aad masiirka ummadda wax saamayn ku leh ka talinaysid.
Midii
gabadhiyo tii irmaan dumarka,
Nin ka didey Hablihii iyo kuwii ubad jaqsiinaayey
Aqoonlaawe iyo hadii fooxle maanta talinaayo
Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye
ZamZam Jama
USA
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
ISHA: Somaliland.org | Dec 10, 2004