SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SAMSAM
Daabaco Boggan | Print


Samsam Iyo Mustaqbalka aayaheeda (Xagga Cilmi Nafsiga)
Samsam Axmed Ducaale:
Taariikhda Dhalashada:
14 August, 1988
Meesha Dhalashada:
Dhahar, Soomaaliya
Magaca Hooyadeed:
Nadiifo Jibriil Axmed
Shaqada:
Ardayad, dhigan jirtey Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, waaan goon..
Laxiray:
15 August 2004, lagana xiray Guriga  Fooxle Axmed Yuusuf Yaasiin, madaxweyne ku xigeenka somaliland, oo ay ku khaldantay.
Lagu eedeeyey:
Basaasnimo iyo shirqool madaxweyne kuxigeenka
Falalka lagula kacay:
Kufsi, jir-dil, ciqaab maskaxeed, khasab ku haysasho, kujirid xabsi dad-waaweyn, weydiin su'aalo ka tan-weyn, daryeel la'aan, iwm....
lala xiray:
Dareewalkii guriga keenay [Cumar Jaamac Warsame]
Qareemadii u doodayey:
laxiray 24 November, 2004, lana soo daayey 11 Decemeber 2004.

 

AGOON CAAWINAAD U BAAHAN:::

Baaritaan ay sameeyeen Culimada ku xeel dheer arrimaha Bulshada, waxay caddeeyeen in la ogaaday dadka ugu xanaaqa badan bulshada inay yihiin: Qofka hal-abuuraha ee curiya qaybaha kala gedisan ee Suugaanta iyo qofka wax-qora nooc kasta ha ahaatee

 
Qofka hal abuuraha ahi markuu arko wax damiirkiisu qaadan waayo waxuu naftiisa u biimeeyaa inuu waxa ilaahay hibada u siiyay ugu gudbiyo dareenkiisa, waana taas marar badan aynu aragno suugaanyahanno badan oo la dilay amase xabsiyo ku jira daafaha dunida dacaladeeda; sidoo kale Qoraagu markuu arko wax uu dhibsado oo u cuntami waaya si bilaa xad-dhaaf ah ayuu qalinkiisa iyo waraaqdiisa usoo qaataa halkaasoo isagoon is ogayn ku soo gudbiyo wax ka xanaajiya kuwa uu markaas ficiladooda uuna jeclaysan, waana taas marar badan aannu u aragno in wariye amase qoraayo caana loo dilo amase loo xiro, amase laga eryo shaqadooda ay biilka kala soo baxaan.
 
Qarnigaan aynu ku noolnahay Soomaalidu waxay isku raacsantahay in hal abuuraha wayn ee Maxamed Ibraahim "Xadraawi" uu yahay ninka ugu  hodansan Soomaalida maanta qaybaheeda kala gedisan Suugaamaha. Haddaad Hadraawi wax yar nasiib u heshid inaad la sheekaysatid, waxaan shaki ku jirin inaad nafsadaada helayso waqti ka mid ah waqtiyada ugu qaalisan. Markii iigu dambaysay Abwaan Hadraawi ku dhawaad labo sano ka hor, waxaa iiga kordhay inuu si aan la koobi karin u xanaaqo markuu arko waxa bulshada aan ku haboonayn, tusaale oraahda quursiga qabiilka, kala qoqobidda dadka iyo buuqa iyo qaylada soomaalidu u badan tahay  si aan la koobi karin ayuu uga xanaaqaa, markuu arko hooyo Soomaaliyeed oo suuqa shaah amase qaad ku gadaysa dhabarkana ku sidato ilmo, waxaad abwaanka ka dareemaysaa qiiro wayn oo u qabo hooyadaas nolosha ay ku jirto iyo sida uu jeclaa inay ku noolaato hooyadaas darxumaysan
 
Sheekooyinka Hadraawi waxaan ka xusi karaa maalmihii uu ku jiray Xabsigii Qansaxdheere horaantii 70taneeyadii, farxadii soo martay waxaa ka mida ahaa maalin maalmaha ka mid ah isagoo ku jira salaadii Duhurnimo ayaa nin ka mid ahaa waardiyaashii ilaalinayay Jeelkii uu ku jiray ,waxuu usoo saaray miiskii Buug ka sheekaynayaa Taariikhdii daraawishta, sida uu u farxay maalintaa Abwaan Hadraawi, waxay ilowsiisay waqtigii dheeraa ee ku jiray xabsigii lagu soo marmarsiiyooday waxii damiirkiisu siiyay oo uu arkay inayan meesha qaban.

QuraanWaxaan shaki ku jirin geesigaas abwaanka u keenay hadiyadda Buugaas ah inuu xagga bulshada waayo aragnimo u lahaa.Maanta haduu kaas joogi lahaa xabsiga ay ku jirto Samsam Axmed Ducaale, waxaa shaki ku jireen inuu Samsam u keeni lahaa oo usoo qarin lahaa Buugag manaahijta Dugigeeda ah iyo dabcan kitaab quraan ah, laakiin curdinkaasi yare waxay nasiib u heshay alabakhadii Hargaysa.

 
Haddaad dib ugu noqono Arrimaha Bulshada iyo qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay, waayo aragnimo badan waxaa lagu ogaaday in dadka loo kala saaro, noocyo badan sida Jinsiga (Lab amase Dhedig), da'da, deegaanka qofku ka yimmid, aqoontiisa, iyo wixii la mid ah.
 
Metelan dadka ka yar da,da 18aad waxaa la ogaaday weli garaadkiisu inuuna bislayn, oo dambiyada ay galaan waxaa loo sameeyay meel laga dhaqan celiyo (Juvenile Detention) oo sida dadka waaweyn ciqaab xabsi lama geeyo, ee caqli celin iyo saabosaabo ayaa lagu dayaa.

Waxaa kaloo qolyaha ku takhasusay bulshada u ogaaday ragga iyo dumarku inaan isku si loo baari karin, tusaale reer Galbeedku markii ay shakiyeen oo ay yiraahdeen waxaan iska jiraynaa qolyaha argagaxisada waxay diiradda saareen ragga da,doodu dhaxayso 18 ilaa 33, ee dumarka celcelis ahaan waxay heleen khatartoodu inay aad iyo aad u yartahay ,sidoo kale da,ada wixii ka yar 18 ka wayna 33 in khatartoodu ka yartahay kuwa da'daas udhrxeeya.

Deegaanaada qudhooda qayb bay ku yeeshaan saadaalinta baqdinta qofka laga qabi karo, tusaale gabadha ku dhalatay falstiin iyo tan ku dhalatay geeska Afrika isku si looma cabiri karo, waayo duruufaha ay kusoo kala barbaareen ayaa kala gedisan.

 
Haddaba Samsan Axmed Ducaale oo dhammaan hoos tagaysa sifaha kor ku xusan, waxaa nasiib dara ah iska daa inay hesho wixii ku saabsanaa da'deeda, dhedignimadeeda, deegaanimadeba, balse waxaa bedelkeedii ay heshay jirdil, kufis ciqaab, su'aalo ayna taag u ahayn, odayaal waawayn oo askar ah ayna waligeed arag labisan oo subax walba kusoo jarmaadaya, nadaafad xumo, cuno xumo, caafimaad xumo, qol mugdiya, hanjabaad iyo nolosheeda aragtay waxayna khibrad u lahayn ee ah YAA TAHAY? Qoloma?.

Sidaa awgeed Mustaqabalka aayaheda xagga Cilmi nafsiga waxay khatar u tahay in maskaxdeeda wax gaaraan, oo haddayna helin gurmad degdega oo dejiya neerfaheeda ay xaaladeedu khatar ku jirto, Sidaas awgeed haddii Damqashu jirto waa in waajibaadka innaga saaran gabadhaas soomaaliyeed ee naxariis daradu ku haysato Hargaysa wax laga qabtaa oo si degdega loola tacaalaa nolosheeda.

 
Tan iyo qaran jabkii Soomaaliaya muddo ku dhow 14 sano, waxaan ku sugnaa Muqdisho oo lagu tilmaamo meelaha Soomaaliya ugu tacadiga badan, mooryaan amase tuugo tacadi xad dhaafa gaysatay waa badan tahay laakiin wali ma arag meel dad masuula isku raaceen in dad si gooniya loola dhaqmo, arrinta Samsam oo gacanta u gashay Fooxle Axmed Yuusuf Yaasiin, waxay talo ka baxday markii la qarin kari waayay tacadigii loo gaystay oo jirkeeda qaybo ka mid ah ka muqdo dabkii lagu gubay sida korantada. Waana taas ilaa iyo immika loogu haysto jeelka naxariista daran ee ay maamulaan Axmed Yuusuf Yaasiin iyo Odayga Booliska horjooga u ah ee ina Cige.
 
Tan iyo intii somalitalk ay qalinka u qaadatay hiilada khadka waxaa si isdaba jooga noogu soo dhacayay Emailo U badan Mahdnaq, waxaana u balan qaadaynaa inaanu caradayada liqin ee qalinka wadno.
 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 11, 2004

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
 
Waxaa la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004

Maxamed Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah, 16-jir ma'ahan shaqona kuma laha...  Dhakhtarka waa la geeyay waxna waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi, Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri  Axmed Maxamud Ducaale "Duuje"..  
Nov 5, 2004

Gabar-ta yari waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004


Waxaan kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe  magacayguna waa  Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004

Qoraalada laga qoray arimaha





HTML CD