Hasha
Geela Cuntoo Cabaada
-
Arintan hadda taagaan ee Zamzam Axmad Ducaale, oo
xaqiiqadeedu soo bixi doonto, martina ku ahayd
Hargeysa, ahna gabadh yar oo agoon ah
kana soo jeeda degaankii hore loo odhan jiray
British Somaliland in kasta oo ayna reer Hargeysa
isir la wadaagin.
Waxaan cidina qiil u raadin karin dhibaatooyinkii
xukuumaddii hore u geysatay dadka waqooyiga Soomaaliya
ku dhaqan. Laakiin waxaan loo cudurdaari karin
cadaawadda ay arintaas dadka reer waqooyi ugu reebtay
Soomaalida kale. Qabiil, koox iyo shakhsi kastoo tusay
ka xumaansho arintaas ah, loogama qaadan wanaag ama
niyad sami laakiin waxaa moodaa in loo qaatay wiirsi.
Waxay
cadaawaddu gaadhsiisey oo ku xambaartay in dadka aan
isir la wadaagin da’ kasta ama aqoon kasta iyo meel
kasta oo ay ku nool yihiin ay arintan qayb ka ahaayeen.
Waxaa kaloo lagu dhaqmay qaacido ah in si kasta oo looga
aar gudan karo looga aar gudo, iyadoo aan loo eegin xeer
iyo xasabiyad midna.
Waxaa
saldhig laga duulo, dad iyo dowladba laga dhigtay in
wanaaga dadka reer waqooyi iyo horumarkiisu ku jiro
dhibta inta kale (kuwa koonfureed). Waxaa hoosta laga
xariiqay in hagaaga koonfurta Soomaaliya gaar ahaan
Xamar ay tahay halaag dadka waqooyi iyo dowladooda
labadaba. Arintaas waxaa si wanaagsan u maareeyey
Allaah ha u naxariistee Maxamad Ibraahim Cigaal, hase
yeeshee, dhimashadiisa ka dibna karkaarada ayey jabsatay.
Waxaa
dulucdaas kore markhaanti u ah arimahan soo socda:
-
Shirkii Jabuuti ee Soomaalidu gacanta ku haysey,
dadkii martida ahaa ee shirka ka qaybgelayey intii
aan Carta loo rarin dadka, dowlada Jabuuti waxay u
kala qaybisay xaafadaha maqaalada iyo hudheelada (sida
ciyaarihii gobalada ee Soomaaliya). Dadkii martida
ahaa ee hudheelada ay leeyihiin dad asal ahaan ka
soo jeeda waqooyi oo reer Jabuuti ah lagu qoray
waxaa dhacday in boorsooyinkoodii debada loo soo
dhigay. In kastoo dowlada Jabuuti raggii
hudheeladaa lahaa shaqo ka qabtay cashuuro aan
maskax geli karina lagu soo rogay oo qaybtood ku
qasabtay sulufaat (bankruptcy.), dad badan oo reer
Jabuuti ah oo Soomaalinamada ka faani jirayna ay
wadaniyad ku abuurtay. Haddana uur-ku-taalo waxa la
heli doono awgeed lagu liqay ayey dad ku reebtay.
-
Dowladdii Jabuuti waxay ku soo rogtay isla waqtigii
shirka Soomaalida ee Jabuuti in dhamaan masaajidda
xaafadaha laga quunuudo oo loo duceeyo Soomaalida in
Allaah dhibka ka qaado. Waxaa jirtay masaajiddii ku
tiilay xaafaha dadka reer waqooyi in arintaa laga
diiday welibana rag imaamo ah lagu budheeyey. Iyana
waa mahadho taariikheed.
-
Waxaa loo bareeray in rag qadiyad Soomaaliyeed u
taagan ama gumeysi ay gacanta ugu jiraan iska
caabieyey inta la aruursho cadowgoodii gacanta loo
geliyo, rag kale oo cid ahaan la wadaagana isla
wadadaas la mariyo sabab la’aan.
-
Waxaa ku xigtay in dad Soomaaliyeed oo nabad gelyo
ugu soo cararay waqooyiga, cadow dhulkoodii
aafeeyeyna is yidhi meesha kaga dhuunta inta wax is
bedelayaan in la raafo, in badan oo iyaga ka mid
ahna ay u dhinteen rafaadkii arintaas kala soo
gudboonaadey. Waa taariikh madow oo buugga u gashay
Waqooyiga Soomaaliya.
-
Arintan hadda taagaan ee Zamzam Axmad Ducaale, oo
xaqiiqadeedu soo bixi doonto, martina ku ahayd
Hargeysa, ahna gabadh yar oo agoon ah
kana soo jeeda degaankii hore loo odhan jiray
British Somaliland in kasta oo ayna reer Hargeysa
isir la wadaagin.
Qodobadana kore iyo kuwa kale oo badan ayaa Soomaalida
ku xambaarayo in arimahan iyo dadka saameynta ku lehba
mudnaantooda la marsiiyo, arinta Soomaaliya iyo
“Soomaaliland”na meel cad looga soo haro.
Qiil
uma noqoneyso in lagu daafaco arimahaas oo la yidhaa
waxay gaadh u yihiin reer Galbeed ee anagu haddaanu
nahay reer Bari magacuun baa naga dhexeeya. Soomaali
waxay diyaar u tahay in dhaqso looga faraxasho arimahan
ujeedada loo murgiyey, marka waxaan laga maarmeyn in la
is hor fadhiisto Soomaalina diyaarsatay sidii ay idiin
qaabili lahayd. Marka waxaa u soo jeedin dowlada
Hargeysa arimahan inay ku soo talo galaan:
1.
In dirta
reer waqooyi talo ay ku mideysan yihiin la yimaadaan oo
dhinaca go’ida ah, khariidad ay isku raacsan yihiin,
waayo, khariidadii british Somaliland waxay ku ekayd
xilligii gumeysiga.
2.
In aaney ku
soo talo gelin Sool, Sanaag Bari iyo Cayn (Buuhoodle) ka
hadalkeed, arin cad ayey qaateen oo ah dhinaca go’ida.
3.
Arintii
sadburinta ee lagu ixtiraamayey walaalaha midowga
Soomaaliyeed jecel waqtigeedii waa dhamaaday waayo,
midho dhal sidaa u buudhan maleh, Soomaalina ijiid aan
ku jiidee dani uguma jirto. Ragga gorgortan idinku
sugayaa waa kuwo quusnimo ka dhowdahay, xagga
gorgortanka, waana kuwa og arimahan kore oo dhan.
Hadaad ina Cali Waraabe soo dirsataan waxaa u diyaar ah
kuwa la mid ah.
4.
Haddii intaa
iyo kuwo kale oo macquul ah la waayo, arintu waxayna
hureyn in la yidhaa war colka waraf malagu dayey.
Waxaa
la joogaa waqtigii la xisaabtami lahaa oo nin waliba
jihadii la gudboonta ku dhaqaaqi lahaa. Waxaad
tirsaneysaan miiska la imaada Soomaaliduna sidaas si
le’eg, anigaa wax I gaareen dhibka weyna geystay, waxay
noqoneysaa hashii geela cunaysay oo haddana caabaadeysey,
laguma qanci karo.
Bashir Salah
bashiris@hotmail.com