w w w . S o
m a l i T a l k . c o m
|
SOMALITALK
- SAMSAM
|
Caddaalad Darrada Lagu Sameeyey Samsam
“Intaan suursanaa baa, inaan
seexday lay filaye”
Qalinkii Yaasiin Jaamac (Suldaan)
aftahanc@hotmail.com
-
Duhur baa la joogaa
-
damal bay malkadu tahay
-
duqey baa isugu timi
-
degdeg buu shirku ahaa
-
anna daawashaan ahay
-
iyo weriye daah xidhan
[1]
Hordhac
Dhacdo
kastaana waxay ka marag kacdaa heerka bulsho iyo xadaaradda ay casrigaa
marayso, haddii uu yahay mid mugdi hadheeyey iyo haddii uu yahay mid aqoonni
ifisayba, dhigaaladeeda (duugreeb) iyo dhigganayaasheeda (duugyaal)
taariikheed ayaa laga dheehdaa ilbaxnimadeeda, xadaaradeeda, cadaalladeeda,
cadaallad-darradeeda, aqoonteeda iyo jaahilnimadeeda, horu-socodkeeda iyo
dibu-dhaceeda, oo tibaax xun iyo mid san hadba kii loo diiwaan geliyo laga
akhristaa.
-
Ma dahaa ma daayaa?
-
Shirwacowma dooxaa?
-
Dar Alle ma sheegaa
Waxaan
jeclaystay inaan qormadan kooban ku iftiimiyo kuna mudh-bixiyo mowduuc hor
leh oo “dulmi-diid ah” oo ku saabsan Gabadh yar oo dembi dhaqan, mid
diineed iyo mid dadnimoba laga galay. Kuna maxbuusan edeg yar oo ka mid ah
kuwii lagu xidhi jirey dulmanayaashii reer Hargeysa waagii uu waddanka ka
talin jirey xukunkii Kacaanku. “ninkii nool adduunkow maxaa aragti kuu
laaban”
[2] Samsam iyo saldhiga
In ku
dhaw sannad badhkii ayaa gabadh yar oo lagu magacaabo Samsam Axmed Ducaale
ku xidhnayd xabsi ku yaalla magaallada Hargeysa ee xarunta Somaliland, iyada
oo loo haysto inay maleegaysay shirqool ka dhan ah ummadda Somaliland, gaar
ahaanna madaxweyne-ku-xigeenka mudane Axmed Yuusuf Yaasiin, ka dib markii ay
Samsam Axmed Ducaale tagtay guriga madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland ee
magaallada Hargeysa. Waxay Samsam eeddaas iskaga difaacaysaa inay guriga ku
khaldantay oo ay u socotay nin ehelkeed ah oo deggan magaallada Hargeysa
kana tirsan xukuummadda Somaliland. Saxaafadda Soomaalida ayaa arrintan in
badan ka hadashay, oo faallo iyo warba ka qortay ha ugu sii badnaadeen
Somalitalk.com iyo Somaliland.org. Sidoo kale ururo xuquuqul insaan ah ayaa
arrintan wax badan ka iftimiyey, iyagoo qaarkood xadhig ku mustaystay ka
hadalka arrintan. Dad badan oo arrinta ka faallooday intooda badani si xad
dhaaf ah ayey u buun-buuniyeen arrinta, halka dadka qaarkii ay si ehelnimo
iyo qaraabanimo uga hadleen arrinta oo mar marka qaarkoodna ay si
caadifadaysan u soo bandhigayeen. Kuwo kale ayaa iyaguna sidoo kale arrintan
si fiican oo miisaan leh uga hadlay oo xaaladda si fiican u falanqeeyey.
Muddo dhawr bilood ah ayey indhaha dadka ku dhacaysay gabadh yar oo waddaad
ah (oo sida wajigeeda ka muuqata dadnimo iyo curdanimoba ka muuqato)
iyo mid ka mid ah madaxda ugu sarraysa maamulka Riyaale oo is dhinac yaal oo
aad mooddin inay doorasho u tartamayaan.
Si kastoo
ay tahayba Damiirka iyo dadnimadaa diidaya in laga aamuso dhacdo kasta oo
tan la mid ah, dareenka daacadnimadu ku jirto ayaan marnaba oggolaan karin
in laga afgobaadsado xaaladda gabadhan oo kale, oo sida ay wararku
tibaaxayaan badhtamihii bishii Waabariis (August, Shacbaan) xadhiga loo
jiiday kolkii ay yartu si kam’a ah u gashay guriga madaxweyne-ku-xigeenka
Somaliland. Si kasta oo ay wax u dhaceenba haddana waxay ahayd in yarta la
mariyo dariiq waafaqsan kan dhaqanka iyo diinta ummadda, taas oo sida ay
saxaafaddu qorayso ay baal martay xukuumadda iyo xaakimadda caddaaladuba,
laguna xadgudbay xuquuqdii gabadha iyo xeerkii waddankaba.
Gocashada xanuunka leh
Waxaan uga gon leeyahay
Godob aabbe faleybaa
Ubadkiisa gocondhiyo
Gumarshiga ku noqotoo
Gabi dheer ku dumisee
Ninka inan ma geyda
Golqaniin ku maalee
Guraac kaga daneystow
Waxaad gaax saneysiyo
Gashigaad cuneysiyo
Xumahaad galeysaa
Ruuxey ka go’an tahey
Gabadhaada weeyee
Gafka aad faleysiyo
Waxaad geysanasaa
Galabkale ka sheekeyn
Hablaha geeska- Hadraawi
[3] Caddaalad-darrada lagula
kacay gabadha
Caddaalladu waa gundhiga nolosha bani’aadamka iyo xadhkaha isku xidha wada
macaamilkiisa, caddaallad la’aanteeduna waa kala taggeeda.
Bulsho kasta waxa waajib ku ah ilaalinta
caddaaladdeeda iyo la dagaallanka dulmiga, haddii kale waxa ummaddaas ka
dhaqan gelaya
is-dullayn iyo isku gabbood-fal aad u fool xun oo dhegi maqashay ah.
Legdanka ka dhexeeya
caddaaladda iyo dulmiguna waa mid soo taxnaa tan iyo markii kowmka uu Rabbi
khalqay, meel
haddii ay cadaallad darro ka jaan-rogatana waxa lagu arkaa waxyaallo badan
oo dadnimada ka baxsan iyo caadooyin hor leh oo fajac iyo anfariir badan.
Ummad
kasta oo adduunkan ku nooli way soo martay caddaalad darro iyo dulmi xooggan
oo ay u geysteen dulmi-falayaal iyaga ka mid ah ama qaar ku soo duulay.
Intii aanu Gumaystihii Ingiriisku geyiga Soomaalida soo caga dhigan ummaddu
waxay lahayd xeerer iyo majlisyo loogu garqaado ciddii wax ka dhexeeyaan
iyaddoo si caddaalad iyo dhaqan ku dhisan loo mari jirey. Ka dib markii
Ingiriisku Somaliland qabsaday ayuu maxkamaddo iyo looyaro u samaystay
dadkii si ay isaga caddaalad iyo kala dambayn ugu soo doontaan. Waxa
xafiisyadaa gacan yare ka noqday looyarro calooshooda u shaqaystayaal ah oo
aan dhaqan iyo diintoona xeerin jirin, intooda baddana soomaali ahaayeen iyo
xaakimo gumaystayaal, danaystayaal ah oo laaluush qaatayaal ah. Duugyaalka
suugaaneed ayaa tibaax fiican kaa siinaya kolka aad dib u milicsatid.
Abwaankii la odhan jirey Gammuute ayaa arrintaas si fiican uga hadlay kolkii
uu magaalada Burco ugu kuur-galay siday xaakimada iyo looyaradu uga
baayac-mushtaraynayaan arrimaha ay dadku isku hayaan ee caddaaladda u
baahan, waakii lahaa.
Hadii laba qoloo amarsanaa eedi kala gaadho
Anafo iyo haddi laysku dilo Idil karuurkeeda
Asuusheennu waatii ahayd odayadaw geeye
iminkana irdaa gaaladay kula ordaayaane
Afarta Koodhka iyo Saajinkiyo Eyga daba jooga
Sida ay-Guluub? gaaladoo qolo abbaaraysa
Ama ururka weyn iyo Xajkoo iidda lagu baaqay
Eldhi-Roomka? waatii dorraad laga aguugnaaye
Hadba kii adduun badan baxshaa loo il-jebiyaaye
Waa duni arkaantiyo sharciga laga ordaayaaye
Gammuute
oo keliya ma ahayn abwaannada caddaalad darro ka gabyey, balse waxa kale oo
jiray abwaan tirshay tix ay beydeedii ka mid ahayd, “Dukaanaan xafiis
moodayaa laga danaysaaye”
isagoo
tilmaan ka bixinaya caddaalad darro lagula kacay iyadoo loo huwaday hugii
iyo sharafkii ummadda lana isticmaalayo xafiiskii dowladda. Abwaankii weynaa
ee Faarax Nuur ayaa isaguna ka hadlay caddaalad darrada oo tilmaamay in
xafiiskii dowladdii Ingiriiska iyo goobihii caddaaladda loo isticmaalay
dagaalkii qabaliga ahaa iyo xifaaltankii reeraha ka dhexeeyey, waxa uu
yidhi. “Xafiiskaa warmii loo goroo laysku xadayaaye”, beyd ka mid ah
tixihii Faarax Laanjeer ayuu isaguna ku caddeeyey waxa laga dhaxli karo
caddaalad-darrada “Rag cadaallad waayaa sidii cawshu diriraaye”
Dowladdii Maxamed Siyaad Barrena sidaas oo kale ayaa caddaalad darro iyo
dulmi loogu eeddayn jirey inay goobihii dowladdu noqotay meelihii ugu
dulmiga iyo caddaalad-darrada badnaa. Suugaantii ka curatayna halkan kuma
soo koobi karno balse waxa tusaale inoogaga filan beydadkan ku jiray tixdii
Dallaalimo ee Hadraawi
-
Qaranow
daryeelkaa
-
xorriyooy
u doodkaa
-
dulmiyow
tilmaantaa
-
duudsiyow
ka murankaa
-
xaqow
daafacaaddaa
-
danyareey
u hadalkaa
-
ummadyahay u
digiddaa
Haddaba
waxaan maanta qofka ka diimoonayn qaylo-dhaanta saxaafadu soo tebisay iyo
caddaalad darrada lagula kacay gabadha yar ee Samsam Axmed Ducaale, oo sida
saxaafaddu qortay ahayd ardayad suubban oo anshax islaamnimo iyo mid
soomaalinomba leh. Marka laga yimaado saxaafadda xorta ah ee maalin iyo
habbeenba si joogtaysan wax uga qoraysa xaaladda Samsam ayaan haddana waxaan
si gaar ah iigaga xog waramay aqoonyahan xadhig ku mustaystay kolkii uu si
dadban ugu hiiliyey nin waayeel ah oo loo xidhay arrintaas.
Haddaba,
innaga oo aan xukun ku ridayn dowladda Somaliland iyo
madaxweyne-ku-xigeenkeeda, kana hordhacayn go’aanka ay maxkamaddu ka dhaagi
doonto arrinta gabadhaas, ayey tahay cadaallad darro in gabadh yar oo caar
ah oo dhowr iyo toban jir ah loo xidho inay tagtay gurigii
madaxweyne-ku-xigeen iyagoo markaa ku eeddaynaya inay shirqool maleegaysay.
Waxa markhaati cad u ah in cadaallad darro lagu sameeyey gabadha, iyaddoo
lagula kacay fara-xumayn (kufsi) iyo garaacid isla jira oo sida ay la
jirayaasheedu ku doodayaan ay gabood-falkaas u geysteen ciidanka sirdoonka
Somaliland. (CID)
Wallee iyo Billaan maray
Iyo wacad Illaahay
Wershadaa saboolkiyo
Wadhatada la qaybsaday
Wiilay dhashaan ahay
Weeraarta hoosiyo
Waaheel rug sare furan
Marka laysu kala
waco
Ninka labada waaxood
Danyar weheshadaan ahay
Dadka
intiisa badan mad madow badan ayaa kaga jirey, arrintuna waxay ahayd mid
ugub ah oo dhegi maqashay ah, isla markaana waxa arrimo badan rumaysigoodii
sii kordhay kolkii lagu xidhxidhay u dooddayaashii xuquuqda aadamiga iyo
qaar ka mid ah xildhibaannada golaha guurtida Somaliland oo xadhig iyo
tukho-tukhayn ku mutaystay arrinta Samsam. Taas waxa ku lammaan oo iyana
arrinta cirka sii geeyey, kolkii si keddis ah lagu xidhay qareennadii
difaacayey gabadha, iyagoo lagu eedeeyey inay aflagaadoodeen, taas oo u
cuntami weyday dhegaha dadweynaha, isweydiinteediina ay sii korodhay. Marka
laga yimaado xidhxidhidii lagu sameeyey ururada xuquuqda aadamaha,
xildhibaanaddii guurtida, qareenaddii difaacayey gabadha iyo dad badan oo
arrinta gabadhaa danaynayeyba, waxa kale oo iyaguna qoraal dheer ka soo
saaray ururka Amnesty International oo xukuumadda Somaliland ku eedeeyey
inay meel ka dhac u geysatay xuquuqdii gabadha yar ee Samsam Axamed Ducaale
oo sida ay Amnesty sheegtay da’deedu ahayd 17 jir. Inkastoo ay jiraan
waxyaallo badan oo ka badbadin ahi haddana Samsam Ducaale waxa lagu sameeyey
cadaallad darro aan yarayn, oo ay ka mid tahay xadhig dheer, kufsi aan la
hubin, garaacid iyo jugo-jugayn (ina daaweyne ah), takoorid dadkii u
dooddayey oo dhan laga takooray, iyo arrimo badan oo runtii mid waliba
gaarkeeda cadaallad darro u tahay.
[4]
Bir ma geydo (birmo-geydo)
Dhaqanku
waa gaashaanka caddaaladda iyo xayndaabka xaqqa, waxaanu xakameeyaa
xeer-gudubka iyo xalaalaysiga dulmiga, haddii dhaqan-suul ummad ku dhacona
waxa uu wadada u xaadhaa xalaalaysiga xaq-darro badan iyo ka tegidda
waxyaallo badan oo ay xeerin jirtay, waxaanu unkama dhaqan cusub iyo
bahalnimo hor leh.
Adduunyadu xad bay leedihiyo xeerer
gooniyahe
Xurmo iyo xaq laawiyo gobaa loo xarbiyayaaye
Xurguf iyo xanuun baa dhexyiil tan iyo xaataaye
Xiligaa janjeedha iyo wakhtigan xaadirka ah maanta
Dulmi iyo xasuuq iyo dhacbaa loo xan toobsadaye
Xurto iyo xasaas iyo xan iyo xurugo waa taale
Xasadka iyo was-waaskiyo xinkaa lagu xur meeyaaye
Afartaasi waa xaal adduun xarakadiisii
Xaqiiq fakatay weeyoo beryaha igu xaraysnayde
Haddaba,
dhaqankii iyo xeerarkii ay soomaalidii hore tegsatay waxa ka mid ahaa “bir
ma geydo” oo ahaa dad aan la layn jirin, markay ay duullaan isku soo qaadaan,
kuwaas oo ammaan ka ahaa cid kasta oo soo duushay ama lagu soo duullay, waxa
la xeerin jiray birmo-geydada xaqooda iyo xeerkoodaba. Birmo-geydadu waxay
ahaayeen carruurta, haweenka, culimo-awdiinta, dhakhaatiirta, bukaanka,
abwaaniinta iyo waayeelka. Marka laga tago birmo-geydada soomaalida waxa
adduunweynuhu kala mid yahay birmo-geydada qaarkood, waxa ka mid ah
birmo-geydada caalamiga carruurta, haweenka, bukaanka iyo waayeelka
jilbo-jabsiga ah.
Birmo-geydadu waxay xaq u lahayd in aan la layn oo aan jidh-dil iyo
hagardaamo loo geysan, sidoo kale waxay xaq u lahayd inaan la fara-xumayn (kufsi)
iyo inaan la maskax dilin oo aan lagu tiiq-tiiqsan iy in aan la af-xumayn oo
lagu gabood falin. Wax kale oo ay xaq u lahaayeen inaan hantidooda laga
maroorsan oo aan dhuungooyo iyo dhagar toona loo geysan. Iyaga oo xeerkaa
wanaagsan leh ayaad moodaa in ay soomaalidu beryahan dambe si fudud uga
xuubsiibatay xeerarkii dhaqanka iyo dadnimada ku dhisnaa, oo ay u gudubtay
xeerkii laga dhaxlay xukunkii keli-talisnimada ahaa ee Maxamed Siyaad Barre,
kaas oo ku dhisnaa xoog-maroorsi, aargoosasho iyo ku adkaysi dulmi cad oo si
badheedh ah loo galo.
Haddaba,
waxa is weydiin leh, miyey xukuumadda Somaliland[1]
ku xadgudubtay xeerkii birmo-geydada? Jawaabtu waa “Haa”. Waayo Samsam waxay
soo gelaysaa xeerka haweenka (caar) iyo ka hablaha bikrada ah (oo isagu
sidiisaba ka sii xag jirsan, xeererka kale oo xaalmarin iyo xeer hoosaad
gooni u ah ka leh). Haddaba, sida la sheegayo falka lagula kacay Samsam
waa mid ugub oo ku cusub geyiga soomaalida degto dhammaantii, waana
gabood-fal foolxun iyo gef dhan ka ah caarka iyo hablaha soomaalida, oo aan
u aanoobin xifaaltan siyaasadeed iyo mid qabyaaladeed toona, waxaana inooga
marag ah beydadkan ku jiray tixdii Dhibaaxo jin.
Maanshaa-Allee, dumarku waa ma-hurtadeenniiye
Waa midho inoo wada dhexoon, cidi ka maarmeyne
Midda aad qabtiyo hooyadaa, laga mataalaaye
Maxaa cayda mooskaaga taal, magane kuu geeyey
macdantii xishoodkiyo maxaa, sharafti kaa maydhay
[5]
Gebo-gebo
-
Dad la urursho duul layska
xidho habar dubaar qaada
-
Afmiishaar la darajaynayiyo
duqay wax boobaysa
-
Dar Ilaahay waa waxaan ku
nacay dowladii hore’e
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Wixii jiraaba Cakaaruu iman” wax kasta oo
loo haystaba arrintu dhabtay tegi doontaa, xaqana Allaa diirka ka qaadi [insha
Allaah]. Sidaasi daraadeed qofkasta oo arrintan u hanqal taagaya waxa la
gudboon inuu sida ugu habboon uguna macquulsan ugu hawl geli lahaa, sidii
gabadhaa yar ee “dhibbanaha ah” loo sii dayn lahaa, xoriyadeedii
bani’aadamnimo, teedii islaamnimo, tii soomaalinimo iyo tii anshaxa
dhaqanimoba loo soo celiyo oo caddaaladda iyo garsoorka sida ugu habboon la
hor keeni lahaa, arrintana lagu dhameeyo si deggenaansho iyo xigmadi ku
dheehan tahay. Ummadda reer Somaliland-na waxaan si gaar ah xil uga saaran
yahay sidii cadaallad iyo xaqsoor loo marin lahaa gabadha yar ee Samsam, oo
aan magacooda iyo maamuuskooda loogu gabood falin birmo-geydada iyadoo
arrimo siyaasadeed looga faa’iidaysano. Waxaanan aaminsanahay inay xarbi
adag ugu jiraan arrintaas sidii ay waajibaadkeeda u marin lahaayeen, oo ay
xadhig iyo xurgufba ku mudaysteen. Waxa mahad u soo jeedinayaa ururada
waddaniga ah ee xuquuqul isnaanka u doodda ee ka falgala Somaliland iyo
kuwii lagu xidhxidhay arrinta gabadha oo hormuud ay ka yihiin looyaraddii u
difaacayey, xildhibaanaddii guurtida iyo shicib weynihii kale ee
taageerayeyba. Waxaas oo dhami waxay markhaati cad u yihiin in aanay ummaddu
marnaba yeeli karin in lagu xad gudbo birmo-geydada iyo caarka, iyo dhammaan
dadka aan waxba galabsan ee shicibka ah, weyna ku ammaanan yihiin. “nin
lagu seexdaw ha seexan”
Fiiro-gaar ah:
Markii aan qoraalka dhammeeyey oo aan damacsanahay inaan saxaafadda u
kala diro ayaan ogaaday in xukun lagu diray Samsam Axmed Ducaale.
Allaa mahad leh, nebi
Muxamad (SCW) ayaa eegashiyo raac leh
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
Email:
aftahanc@hotmail.com
[1] Xukuumadda Somaliland
marka laga hadlayo dadka badankiisa uma kala soocna xukuummad iyo
waddan. Sidaasi awgeed “xukuumad” waxa halkan looga jeedaa “cidda
waddanka taladdiisa haysa ee xukumaysa”
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com |
Dec 15, 2004
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|
©
www.SomaliTalk.com |
SEARCH |
|
Allah Is Great |
|
|
Waxaa
la soo ogaadey in Axmed Yassin -waa madexwyne ku xigeenkee- uu yahay
dadka lagu tilmaamo FOOXLAYAASHA, oo si wayn u neceb dadka ku dhegan
xijaabka, sidaas awgeedna uu ka argagaxay Samsam oo xijaabnayd sidaas
darteedna uu ugu dalbaday askar, askartiina ay Samsam fara-xumeeyeen
Oct 20, 2004
Maxamed
Cige Cilmi, Taliyaha Booliiska Somaliland ayaa yiri: "Horta gabadhu
Carruur ma ahan, waa naag xaas ah oo nin leh oo 20-jir iyo siyaado ah,
16-jir ma'ahan shaqona kuma laha... Dhakhtarka waa la geeyay waxna
waa laga soo waayey... Waa la i kufsaday ma ay dhehin.. Wasiirka
wasaarada dhallinyada iyo isboortiga ayaa abtigeed ah... Maxkamad sharci
ayaanu geyn..." waxana uusidaas sheegay waraysi uu la yeeshay Yuusuf
Garaad..
Oct 22, 2004
"Samsam
Axmed Ducaale waa ardayad 16-jir ah oo Dugsiga Sare ee Imaamu Nawawi,
Boosaaso, hargeysa waxay u aadey Abtigeed" sidas waxaa yiri Axmed
Maxamud Ducaale "Duuje"..
Nov 5, 2004
Gabar-ta yari
waxa ay si khalad ah ugu dagtay guriga Madaxweyne ku xigeenka Axmed
Yuusuf Yaasiin oo ay hareer joogan boolis tiro badan
Nov 18, 2004
Waxaan
kamid ahaa askartii Samsam ku ilaalin jirtey saldhigga Dhexe
magacayguna waa Xuseen Dalmar Ismaaciil, No. Askarnnimo waa 4483.
Nov 19, 2004
Looyarradii
Difaacayey Samsam ayaa Maxkamaddii Ay Uga Doodayeen Iyagii Ku Xukuntay
Midkiiba 3 Sanadood Oo Xadhig Ah, Xabsigana Loo Taxaabay...
Nov 24, 2004
Raaqiyo
Oomaar ayaa shaaca auu la yeeshay VOA ku cadaysay in "Samsam ay Sheegtay
in 6-nin oo ah Ciidanka nabad sugida ay Kufsadeen"
Nov 25, 2004
Amnesty
International oo aad uga Walaacsan Dacwada iyo Kufsiga Loo Geystey
Gabadha 16-jirka ah...
Nov 30, 2004 |
Qoraalada laga qoray arimaha
|
|