 |
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
CALOOL XUMO - 1
Axad Maarso 19, 2006 |

Khariidada Degmadii Xamar weyne iyo
Shingani ee Muqdisho |
Isha Sawirka: www.swan.ac.uk

MUQDISHO SANNADKII 1905 | Isha
sawirka: www.swan.ac.uk
|
CALOOL XUMO:
1 | 2 |
3
Mahad OO dhan
Ilaahay baa leh, Nabad iyo Naxariisina Nebi Muxamad Korkiisa ha ahaato:
Markasta oo aan
dhex qaado magaalada Muqdisho, intii dagaaladii sokeeye ka dambeysey, waxaan
dareemaa jiriirico korkayga oo dhan saaqda.
Waxaan ku sigtaa in
calooshu iga soo dhacdo.
Markaan maro,
jidkii baar 900, ama jidkii xamar weyne (café nazionale) iyo jirde xuseen,
jidkii xaawa taako iyo theaterka, jidkii barlamaankii hore, mase jidkii dawladda
hoose, mise ceel gab iyo afar irdood, Alla maxaa magacya jooga macnohoodu
maqanyahay.
Balse xaggaas u
dhaqaaq iyo hotel curuba iyo matxafki iyo boostadii, ilaa aad kasoo wareegto
xeebta iyo cisbitaal martini meeshii ahaan jirtey, wax yar kusoo leexo (via roma)
meeshii la oran jirey,
Horay u soco ilaa
aad gaarto dekedii Muqdisho (halkii la oran jirey) haddaad horay u socotana
waxaad gaari iskuulkii la oran jirey Raage Ugaas, iyo xeryihii ciidamada
daraawisshta oo dhinac midig kaa qabanaya.
Kolba xoogaa
markaad jidadkaas camirnaan jirey marto, waxaad arkeysaa, biro taagtaagan, iyo
dad isku carjuumaysan, sidii hal kiish lagu cufay, oo dun dumo madow sideeda u
socda, wadada intii ay ciida iyo qashinku soo reebay. War waa maxay dun dumadaas
dilindilayneysa, oo dadka ah? Dee waa gaari (xaajiyad) ah, oo dad saaran yahay,
ayaa laguu gu jaawabi.!!
Subxaanallaahiye,
waxaan xusuustay gabagii abshir bacadle,
Dalkaba waxa ka
dhaqan buushash iyo gaari daxalaystey. Waxaan filayaa abshir gabagaa wuxuu soo
saaray bilawgii sagaashameeyadii. Maxaad maanta ka fili, intii oo wax ka naaqusa
mooyee aan wax ku siyaadin.
Horay isaga sii
soco saaxiib, wax yar haddaad jidkaa sii qaadid waxaad ku imaan meel la oran
jirey xarunta Booliska, ama (Iskoola polizia).!! War bal jooji gaariga, meeshan
ma taqaanaan? Schola polizia.!!
Dhalinyarada
sideetamaadkii iyo todobaatanaadka dhashay ee hadda odayaasha ahi ma yaqaanaan!!
Waxaa si fiican u yaqaan oo keliya, dadka kacaankii markuu dhashay, hana qaadka
dhawr iyo toban jirkaa ahaa, sidayda oo kale, macnaha waa dadkii dhashay, ilaa
1958 iyo wixii ka horreeyey.
War bal jooji, ma
meeshan baa meeshii,
Kolkii idaacaddda
laga maqlo heestii caanka ahayd:
Samadiidow debin
baa kuu dhigan,….. lagaranayey in tiirkeeda cid la keenayo.
War meeshan baa
meeshii 10 culimada ah, lagu toogtey barqa cad, iyadoo dadka, qaarkiis usoo
daawasho tagaan, dilka, bacaadkan iskuulka ka dambeeya?
Subxaanallaahi
waxaan xusuustay aayaddii quraanka ahayd
((فتلك بيوتهم خاوية بما ظلموا إن فى ذلك لآية لقوم يعلمون))
Maanta wey
madowdahay, wey burbursantahay, wey dulaysantahay, dulmigii ayaa kazoo baxay,
Alla dulmiga caaqibadiisu xumaa…
Akhri Qaybta Xigta... Guji
Sh. Muxamad
Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com
<<<... QORMADII HORE KA AKHRI HALKAN....
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 19,
2006
|