Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
CALOOL XUMO - 3 April 1, 2006 |
CALOOL XUMO:
1 | 2 |
3
Jawladii aynu kusoo marnay muqdisho, waxaan soo gaaray
dugisigi booliska (schola polizia). Meeshani waa meeshii maalin qudha 10 culima
ah lagu toogtay. Miyaad joogtey, muqdishu berigaa, mise maa aadan dhan, mise
cunug yar ayaad ahayd? Maalinta arrinkaasi dhacay waxaan joogay magaalada joohar
– (jooharta hadda iska ba'day) anoo ka mid ahaa ardadii kacaanku baadiyayaasha u
diray si ay ololaha baridda afka soomaaliga uga qayb qaataan. Waxaanan ku
qornaa oo ka shaqaynayey degaanka jameeco- iyo domcadi, oo tuulooyinka jawhar
ilaa baadiyeheeda ka mida, waxaana dega beesha moobleen. Maalintaa culimada la
diley sidaad xusuusataan dadkiini joogey waxaa xamar ka dhacay shil laba
diyaaradood oo Markey hawada galeen isku dhacay, xaafad dhanna gubey. Cirkana
roob shuux ah ayaa ka soo duulay ood moodo inuu ilmaynayo. Dadka reer Muqdisho
qaar ayaa usoo daawasho tegey goobta jariimadu ka dheceysey, sidii caadada ahayd.
Maanta waakan (schola polizia) bisaduhuna ma galaan!! Isaga iskaba daaye horay
haddaad wax yar usii socoto waxaad gaareysaa iridkii xeradii (afisyoone) la oran
jirey, ee mar madaxweynuhu ku noolaan jirey, haddana wexey u egtahay meel aan
weligeed la deign. Subxaanallaahiyi, midigta haddaan jalleecay markan afisyoone
iridkiisa marayey, waxaa ii muuqda buushash, iyo dameero, iyo dad, iyo caws, iyo
wax isku dhex daadsan.. Waryaara: meeshan miyaaney ahayn jidkii waaberi dhex
qaadi jirey, oo waagii aduunku waa ahaa, unicef sii hor mari jirey, ilaa uu ceel
gab ku dhamaado.? Haa wa isagi. Oo magician jiryaye, meeyey jidkii, maye
daarihii quruxda badnaa, maye dukaamadii? Xaaji waxaas waa horaa daadku qaaday,
hadda waa sidaad u jeedo.
Taas waxaaba iiga naxdin badnayd, markaan jidkii (baar 900)
iyo ceelkii bansiinka ee agtiisa ku yaaley aan marayey, oon garan waayey meeshu
wexey tahay, waayo meeshii jidka ahaan jirtey hadda waaba wada buushash iyo
tabaakaayooyin shah. Horay haddaad u socotidna duur ayaadba geleysaa, in bahala
kugu cunaana u dhow!
Haddaad xamar 15kii sano ee u dambeeyey joogtey, oo
ilaahay inta uu dagaaladii ka sabata bixiyey aad ku jirto, waxaa laga yaabaa
arrinku inuu caadi kuu noqdo. Laakiin haddaad xamar waa arki jirtey, oo haddana
adduun dawlado iyo nidaam leh aad ka timi, waxaan shaki ku jirin, inaad
galiilyooneyso, wadnuhuna ku ruxanayo, aadna is weydiineyso:
Mexeynu nahay? Ummad jirta ma nahay? Ummad dalkeedi inta
saa u gasho hadddana aan dani ka hayn oo ka xanuunsanayni mexey tahay? Ummadda
aan is oran war sedan kuma jiri karnee aan tashano, tani nolol maahee aan
ilaahay barino. La dagaalankii kitaabka iyo sunnada oo aan ku taageernay kuwii
dagaalka wadey ayaa cuquubadeedi inna haysaaye aan diinta u noqono…Ilaa hadda
intaas soomaaliweyn wey garan la'dahay..
Dhibka iyo darxumada iyo silica iyo saxariirka umadeena iyo
dalkeena haysta kama bixi kareyno, haddeeynaan runta isu sheegin.
Haddeeyno dadka khiyaami karno maalmo, ilaahay ma khiyaami
karno. Diin aynaan daacad ka ahayn ku dhaqankeedana afka inaan ka sheegno wax
tari mayso.
Haddii ku dhaqanka diintu ay daacad naga tahay, wallaan
xaalku usoo dhowaadeen ee mar horaa lagu kala bixi lahaa..
Arrimaha calool xanuunka leh ee muqdisha markaan tegey aan
ku arkay, waa mid jid walba iyo xaafad walba iyo koone walba kaaga hor imaaneysa.
Laakiin qalbi nool oo keliya ayaa dareemi kara.
Haddii la rabo in dhibkan eynu ka baxno, ugu horrayn waa
ineynu tawbad keenna. Marka ku xigana waa ineynu diyaar u noqonaa ku dhaqanka
kitaabka iyo sunnada. Marka saddexaadna waa ineynu heshiinaa oo wixii inna dhex
maray kitaabka iyo sunnada u celinaa si caddaaladi u dhacdo. Marka xigana waa
ineynu soomaali dhexdeed heshiisku noqdaa oo aan cidi soo fara gelin, aan ka
ahayn haddii ay yimaadan dad walaalo oo muslimiina oo aan ujeedo gaara meesha ka
lahayn, ama belaaya kale ka wakiil ahayn, weliba cidna kharashka shirarkeena ka
rabnee innagu waa ineynu iska qaadnaa. Marka xigana waa ineynu dadka amaano,
aqoon, iyo Alla ka cabsi leh talada u dhiibanaa. Cidii doonta iney xoog wax ku
jajuubatana shacab 10 milyan ah ayaan nahay, hadduu doonayo nolol wanaagsan iyo
sharaf iyo qaranimo, wuu iska celin karaa. Laakiin, ddanayste kastaa hadduu inta
beel dabada galo, dabka ku sho, dantiisa inuu ku gaaro rabo, iyana waa wiilkeeni
u daba socoto, mindhaa soomaaliyi duliga ay ku jirto kama baxdo.
Haddaan qabiil kasta kuwa ku adeeganaya, ee buundada ay
danohooda ugu gudbayaan ka dhiganaya, iska qaban, oo ku oran: war meel fariiso,
ardaalyohow, reerna wax ma aadan tarin, umadna wax uma qabane, wallaan wiil yari
kuu raacayn, annaga dab nagu shubi meysid, aakhiro iyo adduuna na seejin meysid,
dad muslima oo tukada, oo nolol wanaagsan doonaya, oo dalkooda iyo dadkooda iney
dhistaan doonaya ayaanu nahay, meel fariiso. Wallaahi inaan tuugna nagu
shaqaysteen, laakiin anagaan ummad ahayn, annagaan buusho iyo xaabo laysu
ururiyey noqonay, markaasaa, dad aan haddii mujtamaca la miisaamo, waxar jaban
lagu aamineen baa gobollo iyo beela dhan sanka haysta. Ilaahow na caymi,
imtixaanka soomaali haystana ka saar, oo Ilaahow tusi iney garato kan dilaya ee debinka u
qoolaya eek u danaysanaya. Ilaahow ummad is jeclaata, oo diinta u noqota, oo
beel walbaa ardaaleeda xir xirta ilaahow ka dhig. Ilaahow, kuwa wanaagsan talada
noogu dhiib, kuwa xun xunna haddaadan tawbad u qorin, Ilaahow naga qabo.
Sh. Muxamad
Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | April 1,
2006
Allahayow
ummadayda!
- Allahayow Ummadayda,oo
- Caqligii ku yaraaday, oo dagaalkii ku
abaaday,
- Dhiig daadinta sharaf moodey, oo adduun
iyo aakhiro seegtay,
- Ubadkeedii dubaneysa,
- Dalkeedi dumineysa,
- Asaageed ka haraysa,
- Allahayow tubta toosan iyo
- Tawbadaada ku aadi.
-
- Ummadaan is cuneysa,
- Ummadaan is dileysa,
- Ummadaan lala yaabay, oo
- Amankaaaaag laga joogo.
-
- Dagaal laysku dhamaado,
- Rasaas laysku afuufo,
- Madaafiic laysku garaaco,
- Rayidkii deganaa,
- Dumarkii jirranaa,
- Shacabkii dulmanaa,
- Daarihii dunsanaa,
- Oo darandoori rasaasta
- Dusha loogaga daadsho
-
- Kumanyaal dhimanayaa,
- Daarahaas burburaaya,
- Shacbigaas cararaaya,
- Ilmahaa salalaaya,
- Waxa qiima u dhaama,
- Oo agtooda ku weyn,
- Teknikaa la haleeelay!
-
- Ummadan aan kala saarin,
- Midka uurka ka dooxa,
- Iyo Midka daawada siiya,
- Midka dana gaara wata, iyo
- Kan danohooda u taagan,
- Midka diinta islaamka,
- Suubanihii sunadiisa,
- salafkii wadooda,
- Soo raaca dhahaayoo,
- Sabir muujinaya, oo
- Sumuni aan ka dalbayn,
- Iyo xaaraan quutaha Naaxay,
- Sombobkiina dilaacay,
- Summadiisu caddaatay,oo
- Saliibiyiin u adeega.
-
- Allahayow ummadaas,
- Dagaal aan natiija lahayn
- Cidi aan u adkaan,
- Cidina aaney ku dhammaan,
- Layskuse aakhira seego,
- Soomaali uun isku saafto,
- Kuwa doolar la siiyey,
- Kuwa daango la quudshey,
- Kuwa ujeedda dagaal iyo
- Waxa laysku dilaayiyo,
- Docna aan garanayn.
- Laysku soo dabargooyo,
- Cadowgii dhabta ahaana,
- Jirjirkiisa u jiifo, oo
- Jillaato uu ka cunaayo.
- Labada gees ee isdileysana,
- Wixii dooxada data,
- Isku jimleeya yiraahdo.
- Allahayow ka badbaadi.
-
- Allahayow Ummadayda,
- Ku hagaaji wanaaga,
- Kana badbaadi xumaanta,
- Dagaal eey ku dhamaadeen,
- Oo dushooda ku raagey,
- Jaah wareer uun laga qaaday,
- Rabbiyow ka dul qaad.
-
- Iney diinta xasuustaan,
- Danohooda ogaadaan,
- Oo dalkooda dhistaan.
- Dulmigii kala gaareyna,
- Daacad ay ka noqdaan, oo
- Sharcigu uu ka iftoodo.
- Allahayow ku hanuuni.
MALAYSIYA: Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad |
Qaybtii 4aad | Qaybtii
5aad | Qaybtii 6aad |
Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad |
Qaybtii 9aad |
|