Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
CALOOL XUMO - 2 |
CALOOL
XUMO: 1 | 2 |
3
Muqdisho
ayaad leedihiin. Waa muqdishadee, midaad ka hadlaysaan. Ma magic jiri jirey
ayaad sheegeysaan, mise magaalo.
Muxaadara aan ka
jeediyey booqashooyinkayga magaalada mid ka mida, ayaan ku sheegay: war
miyeynaan damiir dhaqaaqa lahayn, miyeynaan ummad nolol dooneysa ahayn,
miyeynaan ujeedin waxa aynu dhex fadhino. Walaalayaal magaala kuma noolin. Ee
wexeynu dhex jiifnaa: Kudaafad weyn!!
Mexey tareysaa,
inaad malaayiin doolar haysato, laakiin, aadan wada nabad u mari Karin, inaad
wadato labatan qorya ku heegeysan mooyee, mexey tareysaa aqal nadiifa ood kasoo
baxday, iyadoo gidaarkaaga qashinku buuraha leegyahay, jidadka aad mareysana
ciid iyo qashin qariyey, guryaha aad dhex mareysana mid dunsan, mid madaafiici
gubtey oo madow, iyo mid siduu u egyahay calooshu kaasoo dhacdo.?
Jidka Muqdisho iyo
Agooye isku xira, waa 30 km, waxaan ka badnayn. 20 jid gooyo ayaad maraysaa. Taa
kasokow waxaa naxdin leh, oo tusaale kuugu filan, meesha aan ummad ahaan iyo
hoggaan ahaanba mareyno:
Marka aad wax yar
lafoole soo dhaafto, ado xagga afgooye u jeeda, laamigii yaraa, oo awalba
miskiinka ahaa, oo mindhaa weligiis xitaa dawladii maxamad siyaad ayan dayactir
ku samayn, haddana wuu roonaa, wax yar markaad socotid godad waaweyn ayuu isu
bedelayaa, dabadeedna gaarigu waa inuu ka degaa laamiga (cafwan – meeshii
laamiga ahaan jirtey) oo wada ka jeexdaa dhiniciisa. Gaariga markaa si fiican u
qabso.
Waxaad u diyaar
garoobi sida hanta caanaha loogu ruxo, in laguu ruxo, wixii caloosha ku jiraana
bannaanka yimaadaan, waxaa kuu sii dheer boorka (cara guduuda) inaad ku hafato,
ilaa aad afgooye kala baydhkiisa ka gaarto. Haddaad xagga bali dooogle iyo
wanlaweyn u keceysid waad nasiib badan tahay, waayo wadado xoogaa caadi ayey ku
soo noqoneysaa. Hadaadse xagga marka iyo (airportiga cusub) ee # 50, aad u
leexaneysid ALLAHA KUU NAXARIISTO.!
Maalin walba
jidkaas waxaa mara, (madax!!!!) dagaal oogayaal!!!! Hogaamiye kooxeedyo!!!!
Dawlad lasoo dhisay sidii tii carta iyo kuwii ka horreeyey iyo kuwii ka
dambeeyey!!!!!!Ganacsato, kuwa hore iyo kuwii xiliga dagaalka soo baxay!!!!!Culimo
iyo shacab weyne badan!!!
Haddana waxaas 10
km oo naftu kaaga bexeyso, lama garan ilaa hadda ineyno samayn karno, oo si
fudud ku hagaajisan karno, waa danteenna, waa dawladnimo, waa wax qabsasho, waa
sadaqo, ajar ilaahay lagaga helo. Xitaa waa ganacsi, haddii inta la hagaajiyo,
lacag lagaaga qaado diyaar ayaad u noqon lahayd.
Inta dawlad
meeshaas kolonyo laan crusara ah ku marta maalintii, xisaab ma leh.
Ummadaas sidey u
noolaaneysaa, sidey dawladnimo ku keeneysaa?
Dawladaha ku
sheegyaalku ma garanwaayeen, ganacsatadu ma garan weydey, kuwa diyaaradaha leh
iyo kuwa airportiyada lihi, magaran waayeen, ineey maslaxadooda (Business) tahay,
oo haddeey wixii soo gala dhawr maalmood halkaas geliyaan, iney boqolaal jeer in
ka adani usoo noqoneyso.
Miyeynaan garanayn
mise weynaan rabin? Waxaan is leeyahay, dadka soomaaliyeed haddii la tuso, oo
loo bilaabo, oo la baro, wexey ka mid yihiin, umadaha ugu khayrka jecel, laakiin
maamul wanaagsan, iyo hogaan fiican toona ma helin, allaha usoo saaro…
Allahayow
ummadayda!
- Allahayow Ummadayda,oo
- Caqligii ku yaraaday, oo dagaalkii ku
abaaday,
- Dhiig daadinta sharaf moodey, oo adduun
iyo aakhiro seegtay,
- Ubadkeedii dubaneysa,
- Dalkeedi dumineysa,
- Asaageed ka haraysa,
- Allahayow tubta toosan iyo
- Tawbadaada ku aadi.
-
- Ummadaan is cuneysa,
- Ummadaan is dileysa,
- Ummadaan lala yaabay, oo
- Amankaaaaag laga joogo.
-
- Dagaal laysku dhamaado,
- Rasaas laysku afuufo,
- Madaafiic laysku garaaco,
- Rayidkii deganaa,
- Dumarkii jirranaa,
- Shacabkii dulmanaa,
- Daarihii dunsanaa,
- Oo darandoori rasaasta
- Dusha loogaga daadsho
-
- Kumanyaal dhimanayaa,
- Daarahaas burburaaya,
- Shacbigaas cararaaya,
- Ilmahaa salalaaya,
- Waxa qiima u dhaama,
- Oo agtooda ku weyn,
- Teknikaa la haleeelay!
-
- Ummadan aan kala saarin,
- Midka uurka ka dooxa,
- Iyo Midka daawada siiya,
- Midka dana gaara wata, iyo
- Kan danohooda u taagan,
- Midka diinta islaamka,
- Suubanihii sunadiisa,
- salafkii wadooda,
- Soo raaca dhahaayoo,
- Sabir muujinaya, oo
- Sumuni aan ka dalbayn,
- Iyo xaaraan quutaha Naaxay,
- Sombobkiina dilaacay,
- Summadiisu caddaatay,oo
- Saliibiyiin u adeega.
-
- Allahayow ummadaas,
- Dagaal aan natiija lahayn
- Cidi aan u adkaan,
- Cidina aaney ku dhammaan,
- Layskuse aakhira seego,
- Soomaali uun isku saafto,
- Kuwa doolar la siiyey,
- Kuwa daango la quudshey,
- Kuwa ujeedda dagaal iyo
- Waxa laysku dilaayiyo,
- Docna aan garanayn.
- Laysku soo dabargooyo,
- Cadowgii dhabta ahaana,
- Jirjirkiisa u jiifo, oo
- Jillaato uu ka cunaayo.
- Labada gees ee isdileysana,
- Wixii dooxada data,
- Isku jimleeya yiraahdo.
- Allahayow ka badbaadi.
-
- Allahayow Ummadayda,
- Ku hagaaji wanaaga,
- Kana badbaadi xumaanta,
- Dagaal eey ku dhamaadeen,
- Oo dushooda ku raagey,
- Jaah wareer uun laga qaaday,
- Rabbiyow ka dul qaad.
-
- Iney diinta xasuustaan,
- Danohooda ogaadaan,
- Oo dalkooda dhistaan.
- Dulmigii kala gaareyna,
- Daacad ay ka noqdaan, oo
- Sharcigu uu ka iftoodo.
- Allahayow ku hanuuni.
Qaybta Xigta...
Sh. Muxamad
Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 19,
2006
|