
SHUKRAN MALAYSIA – 9 |
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
Maarso 29, 2006 |

Isha sawirka: Google images |
Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad |
Qaybtii 4aad | Qaybtii
5aad | Qaybtii 6aad |
Qaybtii 7aad | Qaybtii 8aad |
Raiisul wasaaraha Malaysia ee
Hadda jooga waxaa la yiraahdaa, Cabdalla Axmad Badawi, wuxuu kasoo jeedaa qoys
Caraba, oo weliba diinta ku lug lahaa, awoowihiis wuxuu ahaa nin shiikha oo
masjidkiisu ilaa hadda caan yahay. Badawi hadaladiisa waxaa laga dhadhaminayaa
inuu diinta wax ka yaqaan ama wax badan ka akhriyey.
Waxaad dareemeysaa nimankan
Malaysianka ah madaxdooda, iney Islaanimadooda ku faanayaan, meel kastana ka
sheeganayaan, xitaa Markey reer galbeedka meelohooda u caansan joogaan, wexey
afka ku ballaarinayaan, islaanimadooda iyo iney dhaqan iyo diin ka duwan reer
galbeedka leeyihiin. Taasi waa mid aan laga arag qaar badan oo madaxda
muslimiinta manta ah, kuwaasoo afka ka dhawra xitaa iney dad muslima matalaan,
ama diin islaam lagu shaabadeeyo, bal qaarkood wexey jecelyihiin, inaan laga
werin wax islaamka la xiriira, waana ayaan xumo.
Kitaabka la yiraahdo “
Islam Hadari”
oo uu lagu soo ururshey 12 khudbadood oo uu jeediyey Abdalla Axmad Badawi, si
kastaba ha ahaatee, waxaad ka dareemeysaa – hadalka keligiis – ficilku waa
meeshiise, masuuliyad, islaanimo, iyo wadaninimo. Waxaad ka dareemeysaa, sida
Madaxda dooneysa dalkeedu inuu adduunka wax ka noqdo ay u dhaqmaan, ama
aragtidoodu tahay.
Taasi wexey tiiraanyo ku
noqoneysaa qofka Soomaaligaa, markuu eegu, sida wadankiisu yahay, iyo meesha uu
yaal, iyo dadka taladiisa kala marooqsanaya, ee aan masuulka ahayn.
Muxuu yahay “Islam Hadaari” ga
uu wado Badawi? Waxaad Moodaa, hadal ahaan markuu mabaadidiisa usoo bandhigo,
inuu fiicanyahay, hase yeeshe marka ay dhaqan gelinayaan, xoogaa debcin iyo
waasicin – aad moodo – iney xadkeeda dhaafeyso ayey ku dabaqaan. Balse aan
fiirino siduu u dhigayo Badawi.
Wuxuu leeyahay Islam Hadariga
ujeedadiisu waa inuu gaadho 10 qodob oo ah:
1)
Iimaan iyo
Taqwo
2)
Dawlad
caadila oo lagu kalsoonaankaro
3)
Shacab
xora oo madax banana
4)
Raadinta
iyo tixgelinta cilmiga
5)
Horumar
dhaqaale oo dhamaystiran isuna dheeli tiran
6)
Shacabka
oo nolol wanaagsan hela
7)
Difaaca
xuquuqda dadka laga badan yahay iyo dumarka
8)
Aqoonta
iyo sharafta ruuxiga
9)
Ilaalinta
hantida dabiiciga ah ee dalka iyo biiadiisa
10)Awood lagu difaaco dalka
Hadaladiisa waxaa ka mida:
((Ardayda Muslimiintu waa iney
ogaadaan in muslimiintu cilmiga aduunka bilaabeen. Waa ineynu samayno qorshayaal
sare si aynu u soo saarno culimo Malaysian ah oo soo saari kara sancooyin
cusub).
Mashaakilka muslimiinta ee
dawladohooda badankood la dib dheceen wuxuu ku cilleeyey:
((Muslimiinta wadamadooda inta
badani waa faqri. Waxaa sabab weyn ka ah, maamul xumo, dhaqaalaha oo aan sidii
la rabay loo isticmaalin, khilaaf iyo dagaalo. Waxaa kaloo halbawlaha gooyey
musuqmaasuq. 133 wadan oo la baaray, wadanka muslimka ee ugu fiican wuxuu soo
galay booska 26aad. 4 wadan oo muslimana wexeyba ka mid noqdeen 10ka u
hooseeya)).
Badawi wuxuu leeyahay : ((
Maamul dawladeed oo wanaagsan, xisaabtan guud, iyo ladagaalan musuqmaasuq, ayey
Malaysia ku noqon kartaa tusaale ay ku daydaan dawladaha Muslimku)).
Waxaan filayaa inul uu
arrinkaas run ku sheegay, waayo dalalka islaamku wexey la dhaqaaqi la’yihiin,
waa maamul xumo, ama musuqmaasuq xididaystey oo laftiyo dhuuxa saaqay, ama
xisaabtan guud oo aan jirin oo aan masuuliyadda dadka haya aan la weydiin: Xagee
ka keentay?
Qaybta
xigta >>>>
Sh. Muxamad
Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 29,
2006
|