SHUKRAN MALAYSIA – 8 |
Sh. Muxamed Idris Axmad
waxa uu halkan kusoo gudbin doonaa maqaal maalinle ah iyo mid asbuuci ah
oo Axadda kusoo bixi doona SomaliTalk.com, insha Allah, ee sidaas la
soco. Sh. Muxamed Idris waxa uu noqday madaxa golaha imaamyadana ee
Woqooyiga Ameerika, iyo Iimaamkii Masjidka Assunah ee Atlanta, Georgia
iyo Masjidka ibn taymiyah ee Columbus, Ohio. Waxaana lagala
xiriiri karaa Emailka:
dalyaqaan@yahoo.com |
Maarso 28, 2006 |
Isha sawirka: Google images |
Qaybtii 1aad
| Qaybtii 2aad | Qaybtii 3aad |
Qaybtii 4aad | Qaybtii
5aad | Qaybtii 6aad |
Qaybtii 7aad |
Waxaan ka codsanayaa, qolooyinka ku fekeraya
iney Soomaaliya ama qeyrkeedba tala ka qabtaan, haddeeyan u fekeri Karin sidaas
oo kale, iney iskaga haraan, oo meelahaas, iskaga shaqaystaan.
Waxaan qof kasta oo Soomaaliya oo hadalkan
akhrista u sheegi lahaa:
Haddii uu weli taageerayo in duruufteenu sedan
ahaato, dawladnima sedan aan ku jirno ku raadineyno, (Madaxweynayaal aan ardaaga
beesha caqli ka fog ku fekeri Karin, wasiiro iyo xil dhibaano qaadka Nairobi,
Jawhar iyo Baydhabo islaamaha deynta kaga dhamaystay, Raiisul wasaarayaal
saajinada Ethiopia iyo keenya iney amarka ka qaatan ka fog aan ku fekeri Karin,
dagaal oogayaal, la sasabo, oo maalinba mid cusubi soo boxo, inta xaafad rasaas
ku asqaysiiyo, yiraahdo anna waa ikan, beeshuna tiraahdo, waa halyeey, ) Haddaad
weli dadkaas oo kale taageereyso ogow in Qalbigaagu dhintay. Aadan noolayn,
waxna aadan arag !!
Akhristaa wuxuu yiri: Saaxiib Malaysia miyey ku
sixirtay? Waxaan iri: Lacajabidda sheyga lala cajabo waa nooc sixirka ka mida.
Sida aftahamada iyo hal abuurku u yahay nooc sixira. Waxaa I cajabiyey, oo aan
uga hadlayaa Malaysia, waa Tajribu u baahan in la dhigto, oo loo kuur galo, lana
miisaamo.
Dawlada Badan oo ka xoola badan Malaysia ayaan
gaarin una dhowayn heerkeeda.
Sacuudi Carabiya, Kuwait, Imaarat, iyo kuwa la
mida wey ka dhaqaale badan yihiin, Malaysia, maxaa sababay, iney dhaafto
boqolaal sano, iney noqdaan suuqyada wax quuta, iyana noqoto kuwa wax quudiya,
iney noqdaan kuwa wax iibsada keliya, iyana noqoto mid iibisa oo iibsata, iney
cilmiga ku hor marto iyana afar gaal oo xun xun mooyaane wax kale ayan kibis u
ogolayn!!
Waxaa sababay siduu Yiri Dr. Mahathir:
Malaysia Horumarkeedu ma noqonayo mid dhinac
walba kala mida UK, ama US ama Canada. Waa Horumar Malaysian ah, waxbuu ka
faiidaystaa dadkaas, laakiin mid isu ekaysiinaya maaha.
Waxaa sababay, maskax xora oo aan addoonsi
aqbalayn, adduun manta furfurmay, oo cilmigu meel kasta yaal haddii ay daacad
kaa tahay inaad soo raratana aad heli karto. Laakiin rabitaan, iyo shaqo u
baahan oo qudha.
Waxaa sababay in Malaysia ay ka xoroowdey iney
reer galbeedka hoos fadhido, marti u ahaato, daba ruclayso, laakiin wexey kula
dhaqantaa, hoo – isii.. (give and take). Wexey kula dhaqantaa xornimo, wexey
iska oran kartaa: YAC!!!
Waxa meesha yaal maaha malala dhaqmaa wadamada
shisheeya, ama wax Malaga qaataa, mid taasi laysku khilaafsan yahay maaha,
laakiin waxaa laysku khilaafsanyahay, sidee loola dhaqmayaa, side wax looga
qaadanayaa?
Japan Reer galbeedka wey ka qaadatay, laakiin
wexey ku fekereysey maaha iney (camiil – customer) u noqoto keliya, ee iney ka
kaaftoonto waqti yar ka dib, weeyna gaartey. Korea wey u baahnayd reer galbeedka
iyo Japan, laakiin wexey ku fekereysey iney ka kaaftoonto, waqti ka dib.
Malaysia sidoo Kale wey ka qaadatay welina wey ka qaadataa reer galbeedka iyo
bariga labadaba, laakiin wexey ku fekereysaa iney ka kaaftoonto ama iyaguba u
baahdaan waqti ka dib.
Dalalkan carabta muslimiinta ah, badanaaba
maskaxdaasu ma xukunto, waxaa xukuma iney (camiil- customer) ahaadaan, alaabta
loo iib geeyo, keliya.
Maalmihii dhoweyd ee Denmark la gooyey, waxaa
soo baxday sucuudigu inuu ka qaato bidaacooyin gaaraya 100 Bilyan sanadkii,
isuga 100 malyan xitaa ma gaaro waxa u u dhoofiyo oo patrol u badan.
Soomaaliya jirtoo iyadu xisaabta kuma jirto,
saa sucuudiga iyo qeyrkood dhulkooda ayey ku heshiiyaan oo wax ka dhistaan haba
u yaraatee, inagana waxaan weli taaganahay, (Haddaanu reer hebel nahay…..).
Muxuu yahay reer hebel marka adduunka la fiirsho?
Waa beel yaroo miskiina, oo caga cad, oo cayra,
oon dhul iyo dawlad midna haysan, caruurteedu wax ma barato, dadkeeda jiranna
cisbitaal ma leh, gabadha umushaana waa isku dhimataa, ninka wax noqdana Nairobi
iyo Dubai ayaa loola cararaa lacag kasta oo uu leeyahay? Mexey ku nooshahay oo
nolola?
Soomaaliyey I maqal: Haddaan wallaahi runta
laysu sheegin inaan wax la noqonayn dhibkana laga baxayn. Waxa afka laga
sheegayo haddaan uurka la geyn, haddaan la baran in la heshiiyo, lawada noolaado,
wax la wadaago, kuwa u qalma talada loo dhibo, wallaahi ineydaan ka bixi hayn
cadaabka aynu ku jirno, dhamaanteenna ina wada saaqay. Ilaahow ma gaarsiiye..
Qaybta Xigta... AKhri
>>>>
Sh. Muxamad
Idris Axmad
dalyaqaan@yahoo.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh
qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | March 28,
2006
|