SomaliTalk XAYAYSII


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK


  • Ciraaq oo Joojisey Qandaraasyadii dalalka Denmark iyo Norway
  • Lubnaan: Safaarada Denmark oo Dab la qabadsiiyey
  • Iiraan oo u Yeeratay Safiirkeedii Denmark:
  • Suuriya: Safaaradaha Denmark iyo Norway Dab Laqabadsiiyey:
  • Muslimiinta Denmark oo ka Digey Gubitaanka Kitaabka Quraanka
  • Halkan Ka Daawo Safaaradaha La Gubey (CBC)

Ciraaq oo Joojisey Qandaraasyadii dalalka Denmark iyo Norway

Wasiirka gaadiidka Ciraaq, Salam al-Malaki, ayaa Axadii Feb 5 ku dhawaaqay in dalka Ciraaq uu joojiyey qandaraasyadii iyo heshiisyadii ganacsiga ee uu la lahaa dalalalka Denmark iyo Norway taas oo dalka Ciraaq ku muujinayo cabashadooda aflagaadadii ay joornaalada dalalkaasi u geysteen Nebi Muxamed (NNKH).

"Go'aankaas waxaan u qaadanay si aan u muujino sida aan uga soo hor jeedno sawir gacmeedyadii, mana aqbalayeno wax lacag ah oo dib u dhis ah oo ka timaada dalalka Denmark iyo Norway" ayuu yiri wasiirka Gaadiidka ee Ciraaq.

Afhayeen u hadlayey Ciraaq ma uusan sheegin qiimaha qandaraasyadaas ay Ciraaq joojisey. Dalka Denmark waxaa Ciraaq ka jooga 500 oo askari.

Dalka Lubnaan waxaa Axadii Feb 5 is-casiley wasiirkii Arrimaha Gudaha ee dalkaas, Hassan Sabeh. Wasiirku markii uu is casilaada dhiibay waxa uu sheegay in uu diidey in ciidamada ammaanku ay rasaas ku ridaan dadkii mudaharaadayey ee gubey safaaradii Denmark ee Beyruut, waxana uu sheegay in uusan rabin in uu mas'uul kanoqdo xasuuq.

Dalka Turkiga waxaa Axadii Feb 5 lagu diley baadari u dhashay dalka Talyaaniga oo magaciisa la oran jirey Andrea Santoro oo 59-jir ahaa, waxaana la toogtey isagoo sii gelayey kaniisad ku taal magaalada Trabzon ee woqooyiga Turkiga, dilkaas oo sida ay werisey Aljazeera loo malaynayo in lagu xiriiriyey caradii ka dhalatay sawir gacmeedyadii aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed (NNKH). Warbaahinta Talyaaniga ee ANSA waxa ay sheegtay in qofkii dilkaa geystey uu ku dhawaaqayey "Allahu Akbar".

Wararkii Safaarada la gubey hoos ka akhri.

Lubnaan: Safaarada Denmark oo Dab la qabadsiiyey

Axad Feb 5, 2006


Safaarada Denmark ee Beyruut oo dab la qabadasiiyey

Lebanese protesters torch Danish EmbassyKumanaan Muslimiin ah oo ka caraysan sawir gacmeedyadii lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed (NNKH) ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee magaalada Beyruud ee dalka Lubnaan.

Ciidanka ammaanka ee dalkaasi ayaa isku deyey in ay Muslimiinta caraysan ka difaacaan dhismaha Safaarada Denmark, laakiin ciidanka ammaanka ayaa laga tiro batay, sidaasna dab lagu qabad siiyey safaarada Denmark ee Bayruut. Waxaa wararku tibaaxeen in dadka mudaharaadayey ay tiradoodu gaartey 20,000 oo qof.

Dawlada Denmark waxa ay sheegtay in ay muwaadiniinteeda ka daad-gureyneyso dalka Lubnaan.

Wararka ugu horeeya ee ka soo baxay Bayruut waxa ay tibaaxeen in 18 qof ay ku dhaawacmeen mudaharaadka Bayruut.

Meelo badan oo dunida ah waxaa Axadii ka sii socdey mudaharadaadka lagaga soo hor jeedo wargeysyada Yurub ee daabacay Aflagaadada Nebi Muxamed (NNKH). Meelaha mudaharaadyada laga dhigay Axadii waxaa kamid ah Dalka Afganistan.

MAALI: Muslimiin mudaharaad ka dhigay dalka Maali (Axad Feb 5) ayaa sheegay in ay tahay in qabanqaabada mudaharaadyadu sii cocdaan "ilaa laga ciqaabayo kuwii dembiga geytey".

GALKACYO, SOOMAALIYA: Axad Feb 5, waxaa magaalada Galkacyo ka dhacay mudaharaad ay dad weynuhu socod ku mareen wadooyinka waaweyn ee magaalada, iyagoo ka mudaharaadaya aflagaadada loo geytey Nebi Muxamed (NNKH). Socod dheer ka dib waxa ay dadweynuhu isugu yimaadeen garoonka kubbada cagta ee Gaalkacyo halkaas oo culim'aa'u diinku ay shacabka kula hadleen.


"Xeerka Yurub waxa uu mamnuuc kadhigay in la caayo wasiirada iyo saraakiisha, laakiin waxa uu ogolaanayaa ku jees-jeeska Nebiga ay qadariyaan malaayiin Muslimiin ah"
Abdelaziz Belkhadem.

ALJEERIYA: Wasiiru dowlaha Aljeeriya, Abdelaziz Belkhadem, oo u waramayey IslamOnline ayaa yiri "Waa in Qaramada Midoobey ay soo saarto sharci waajib ka dhigaya in dhammaan dalalka adduunku ay tixgeliyaan diimaha iyo calaamadaha diimaha, xeerkaas oo lamid ah kan xeerka loo yaqaan 'Anti-Semistism laws'".

Abdelaziz Belkhadem oo hadalkiisa sii wata waxa uu eedayn dusha uga tuuray madaxda reer Yurub oo ku tilmaamay laba wajilayn habkii ay u qaabileen caydii loo geystey Nebi Muxamed (NNKH). "Sharciga Yurub waxa uu mamnuucayaa in la caayo wasiirada iyo madaxda, laakiin waxa uu ogolaalayaa in lagu jees-jeeso rasulka qadarint amudan ee ay xushmeeyaan malaayiin Muslimiin ah", ayuu yiri Abdelaziz Belkhadem oo haan jirey wasiirk aarrimaha dibada ee Aljeeriya.

CANADA: Maalintii sabtidii waxaa Halifax mudaharaad ku dhigay qiyaastii 200 oo Muslimiin ah oo ka caraysan sawir gacmeedyada ay daabacday jariidad k asoo baxda Denmark. [Halifax waxa ay Soomaalidu ku xusuustaan in joornaalka Halifax Herald uu sannadkii 2000 sawirka ugu quruxda badan u doortay laba gabdhood oo walaalo ah oo Soomaali ah oo xijaaban... Eeg Halkan...]

DHAMBAALKII URURKA MUSLIMIINTA EE IUMS: Akhri Halkan... (English Version).

JOORDAN: Jimcadii Feb 3 ayey ahayd markii uu  boqorka Jordan, King Abdullah II, uu yiri Nebi Muxamed in la caayo waa "fal-dembiyeed aan marmarsiinyo looga dhigan karin xorriyatul Qowlka."

DENMARK: Daawo hadalkii uu Jeediyey Ra'iisul wasaaraha Dalka Denmark.. [VIDEO]

Iiraan oo u Yeeratay Safiirkeedii Denmark:

Wararka ka imanaya dalka Denmark ayaa sheegay in dalka Iiraan uu Axad Feb 5 u yeertay safiirkii u fadhiyey dalka Denmark, arrintaas oo jawaab u ah joornaalka Denmark ee daabacay sawirada aflagaadada ku ah Nebi Muxamed (NNKH).

Suuriya: Safaaradaha Denmark iyo Norway Dab Laqabadsiiyey

Sabti Feb 4, 2006


Safaarada Denmark ee Suuriya oo dab la qabadsiiyey

Muslimiin ka caraysan sawir gacmeedyadii aflagaada ku ahaa Nebi Muxamed (NNKH) ayaa Sabti Feb 4 waxay dab qabad siiyeen safaaradaha Denmark iyo Norway ay ku leeyihiin magaala madaxda Suuriya ee Dimishiq.

Kumanaal Muslimiin ah ee caraysan ee bannaanbaxa ka dhigay Suuriya waxa ay ka caraysan yihiin Joornaalka dalka Denmark ee daabacay sawirada aflagaadada ku ah Nebi Muxamed (NNKH), kaddibna ay Joornaalada Yurub dib u daabaceen sawiradaas.

Waxaa kale oo wararku tibaaxeen in dhismaha dabka la qabadsiiyey ay safarado ku leeyihiin dalal kale oo ah Sweden iyo Chili.


Jonas Gahr Stoere, Wasiirka arrimaha dibada Norway

Waxaa kale oo wararka Suuriya ka imanaya tibaaxeen in Muslimiinta caraysan ay isku dayeen in ay xoog ku galaan safaarada Dalka France uu dalkaas ku leeyahay, lakiin booliiska ay mudaharadadkaas hor istaageen.

Booliisku waxay adeegsadeen sunta dadka kaga ilmaysiisa si ay u kala cayriyaan dadka caraysan ee mudaharaadayey.

Warar ay Faafiyeen warbaahinta Norway ayaa sheegay in wasiirka arrimaha dibada ee Norway, Jonas Gahr Stoere, ayaa uu yiri waxaa Suuriya laga daadgurayn doonaa shaqaalaha safaarada Norway. Wasaarada arrimaha dibada ee Norway waxa ay muwaadiniintooda kula taliyeen in ay ka soo baxaan dalka Suuriya.

Warar kale ayaa tibaaxay in dadka u dhashay Denmark loogu baaqay in ay ka baxaan Suuriya.

IIRAAN: Wararka ka imanaya dalka iiraan ayaa sheegay in madaxweynaha dalkaas, Mahmoud Ahmadinejad, uu sheegay in ay tahay in dawladiisu ay gebi ahaanba baa'iso ama ka baxdo heshiisyada ganacsi ee wadamadii daabacay sawir gacmeedyada lagu aflagaadeeyey Nebi Muxamed (NNKH).


Dukaan ku yaala Suuriya oo uu dhexdiisa suran yahay tabeele weyn oo dadka ugu yeeraya in ay qaadacaan waxyaabaha laga keeno Denmark...

Mudaharaadyada ayaa Sabtidii ka sii codey meelo badan oo dunida kamid ah, sida Ciraaq, London, Pakistan, Qaza ee meelo kale.

Dhanka kale wararka ka imanaya dalka New Zealand ayaa sheegay in wareys ka soo baxa dalkaas oo dib u  daabacay sawiradaas, isagoo ku andacoonaya waa xorriyatul qowl.

Toddobaadkii hore ayey ahayd in Camar Muusa, madaxa ururka Carabta, oo ka hadlaya qadiyada sawiradan uu yiri: "Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa"

Isha: www.cbc.ca | english.aljazeera.net | norwaypost|  Feb 4, 2006



Dumar reer Flastiin ah oo mudaharaadaya oo kor u sida Kitaab Qur'aan ah.


Kumanaal Muslimiin reer Bangaladhesh ah oo magaalada caasimada oo k amudaharadaadaya aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed

Reer Siiriy aoo sii wada mudaharaadka

Reer Joordan oo k amudaharadaada sawir gacmeedka lagu aflagaadeeyey Rasuulka

Ciraaqiyiin ku timanaya calanka Denmark

Muslimiinta Indonesia oo gubya calanka Denmark
Young supporters of Islamic Felicity Party shout slogans in front of the Danish Embassy in Ankara, Wednesday, Feb. 1, 2006, to protest caricatures of the Prophet Muhammad published by a Danish newspaper, sparking outrage in Muslim countries, Protesters asked people to boycott Danish goods.(AP Photo/Burhan Ozbilici)
Muslimiin Arbacadii ku hor mudaharaadaya safaarada Denmak ee Ankara..
Washintonpost


Sawir gacmeedyadu waxay meel uga dheceen 1.3billion oo Muslim ah
Muslimiinta Denmark oo ka Digey Gubitaanka Kitaabka Quraanka

Sabti Feb 4, 2006

Hoggaamiyaha Muslimiinta Denmark ayaa Sabti (Febraayo 4) sheegay in cawaaqib aad u xun uu kadhalan doono haddii bannaanbaxa ay qorsheynayaan kuwa xag-jira ee reer Denmark oo ay ugu jawaabayaan Muslimiintii ka mudaharaday sawir gacmeedyadii aflagaadada ku ahaa Nebi Muxamed (NNKH).

"Masiibo ayaa dhici doonta haddii kuwa xag-jira ay gubaan Kitaabka Quraanka," sidaas waxaa yiri Raed Halil oo ah madaxa guddiga Yurub ee difaaca Nebi Muxamed, waxana uu sidaas telefoon ugu sheegay IslamOnline isagoo jooga caasimada Denmark ee Copenhagen.

"Xubin ka tirsan ururka qabiiliistaha ah ayaa baahisey dhambaalo ay ugu yeereyso in la gubo nuqulada Masxafka Quraanka," ayuu yiri.

Halil waxa uu yiri dhambaalkaasi waa mid kicinaya dhallinyarada Denmark si ay u gubaan Kitaabka Muqadaska ah ee Muslimiinta si ay ugaga aar goostaan Calanka Denmark ee ay Muslimiinta Caraysani ku gubeen daafaha dunida iyo joojinta iibsiga waxyaabaha ay soo saaraan Denmark.

Jariidad kasoo baxda Denmark ayey ahayd tii arrintaan bilowday kaddib markii ay daabacday 12 sawir gacmeed oo aflagaado iyo cay ku ah Nebi Muxamed (NNKH).


Abu Laban

"Dawladda Denmark waxa ay si qayaxan u sheegtay in gubitaanka Quraanku uu yahay fal-dembiyeed taas oo qofkii ku dhaqaaqa arrintaas uu mutaysan doon xabsi afar bilood ah," sidaas waxaa yiri Abdel Rahman Abu Laban oo ah Sheikh aad looga yaqaan dalka Denmark. Waxana uu intaas ku daray in dhallinyaro tiro badan oo Muslimiin ay kusiijeedeen goobta la sheegay in Kitaabka lagu gubayo si ay arrintaas uga difaacan kuwa xag-jira in ay gubaan Kitaabka Quraanka.

Bannaanbaxa ayaa lagu wadaa in uu dhago Sabti 2:00 galabnimo.

Abu Laban waxa uu intaas ku daray in aan in badan oo reer Denmark ah aysan weli fahmin waxa Muslimiinta ka caraysiiyey.

Dalka Denmark waxaa ku nool 180,000 oo Muslimiin ah.

MUDAHARAADKII DENMARK OO DHACAY: Wararka ugu horeeya ee ka soo baxaya Denmark ayaa sheegay in mudaharaadkii halkaas ka dhacay uu ahaa mid qaar reer Denmark ay kaga soo hor jeedeen Muslimiinta, qaar kalena ay Muslimiinta la jireen. Waxaana wararku tibaaxeen in Boolisku ay xirxireen 100 ilaa 150 qof oo dadkii mudaharaadayey ah. [Waxaan ala sheegay in aan la gubin Kitaabka Quraanka, sida ay weriyeen warbaahinta Denmark.]

Isha: Aljazeera | IslamOnline

Faafin: SomaliTalk.com | Feb 4, 2006

BARO SIIRADII NEBI MUXAMED (NNKH)


Dunida Islaamka oo Maalintii Jimcadii Muujiyey Jaceylka Nabi Muxamed (NNKH)
K
umanaan Muslimiin ah ayaa daafaha dunida ku dhigay mudaharaadyo ay kaga soo horjeedaan aflagaadadii wargeyka Denmark u geystey Rasuulka...  Warbixin iyo Faallo.. Akhri  Feb 4

HADDII NABIGII ALLE LOO GAFEY MAXAA KULA GUDBOON?
YURUB: OLOLAHA KU-XADGUDUBKA RASUULKA (scw) OO BALLAARTAY
iyo Baaq Gabay... Ka akhri halkan... Guji... Feb 3

KHUDBADAHA JUMCADA OO SI WEYN LOOGA HADLI DOONO AFLAGAADDADII LOO GAYSTAY RASUULKA (SCW)
»Jumcada maalinta Alle dartii loo caroonayo...
»TV-ga Al-Carabiya oo Waraystay Ra'iisulwasaaraha Denmark
iyo Warar dheeraad ah ka akhri halkan... Guji Feb 3

Dalada Culumada W/bari oo ugu Baaqday dowlada Kenya  in ay Denmarka laga soo laabato safiirkeeda
Warbixintii Mumtaz...
 Akhri.. Feb 3

XAALAD ADAG OO LA SOO GUDBOONAATAY DENMARK

  • Fatwada ka soo yeeray Muftiga Sacuudiga

  • Sacuudiga oo u yeeratay Safiirkeeda Denmark

  • Safaaradaha Kuweit iyo Libya oo albaabada loo laabay

  • Khasaaraha shirkadaha Denmark soo wajahay

  • Safiirka Denmark ee Sacuudiga oo dhaleeceeyay JP

  • Calankii Denmark oo la gubay

  • Dadka u dhashay waqooyiga yurub oo laga codsaday iney ka baxaan  Marinka Qaza 

  • Tafaftiriha wargeyskii aflagaadeyey Nabi Muxamed oo warqad furan u diray Sacuudi Careebiya

  • AKHRI HALKAN...


Jariidad Deenish ah oo Aflagaadeysay Nabiga s.c.w.  

CAWAAQIB XUMIDA UU LA KULMAYO QOFKII CAAYA RASUULKA (SCW)  

Sawirada: IslamOnline| Google News.

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
Allah Is Great

MUFTIGA SACUUDIGA SH. CABDIL CAZIIZAALA-SHEIKH


Dr.Yusuf Al-Qaradaawi

Carsten Juste, Madaxa Tifaftiraha wargayska Jyllands Posten

Ra'iisalwasaare Anders Fogh Rasmussen


"Maxay uga hadlaan dimoqraadiyad iyo xoriyad marka arrinta laga hadlayaa ay khuseyso Islaamka? haddii ay khuseyso diimaha kale xaqiiqadu waa is bedeleysaa" sidaas waxaa yiri Camar Muusa, madaxa ururka Arabta


JAWAABIHII AY CULUMADA MUSLIMIINTA KA BIXIYEEN AFLAGAADDADII AY WARGAYSKA JP U GAYSATAY RASUULKA (SCW)


Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  

 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD