ARAGTIDA NUURUDDIIN
FAARAX IYO AFKAARTA XASAN DHOOYE (Abuu Xafso).

Qore: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).
ayaandhalad5@hotmail.com
Waxaan www.somalitak.com ka akhriyey maqaal naqdi-weerar ah
oo uu Xasan Dhooye qoray ciwaankiisuna yahay "Nuuruddiin
Faarax waa Salmaan Rushdi Saaxibkiis". Aad ulama yaabin
weerarka kulul ee qoraaga weyn ee Soomaaliyeed lala
beegsaday, waayoo maqaal-qoraha wuxuu aragtidiisa ku
saleeyey diinta Islaamka oon ognahay sida naloo faray
difaaceeda. Laakiin halbaa meesha iiga soo baxday, in qoraha
maqaalka iyo Nuuruddiin Faarax dhaqan ahaan kale fogyihiin
aragti ahaan iyo deegaan ahaanba.
Qoraaga maqaalka waxyaabaha
uu Nuuruddiin ku dhalliilay waxaa ka mid ah in gaalka Alle
caasiyey, Salmaan Rushdi, uu akhriyey buug ka mid ah
buugaagta qoraaga caanka ah ee Soomaaliyeed, Nuuruddiin
Faarax, dabadeedna uu ku tilmaamay inuu Nuuruddiin yahay mid
ka mid ah qoraayaasha ugu fiican Afrika. Anaaba lafteyda
"Secret" akhriyey oo uu Caasigu, Salmaan Rushdi, ku
tilmaamay sheekooyinka sanadka - 1998, midkii ugu fiicnaa
inuu yahay. Waxaa isweydiin mudan Salmaan Rushdi sow ka mid
ma aha akhristayaasha buugaagta qoraayaasha caalamka? Sow
Naaqid iyo qoraa laftiisu ma ahan? Sow xor uma aha
aragtidiisa ku aaddan buugaagta sheekooyinka? Midda kale
muxuu qoraaga maqaalka u xusuusan waayey in sida aan Salmaan
Rushdi u necebnahay ay Masiixiyiintu u necebyihiin Cusaama
Binu Laaddan? Qoraaga taariikhyahanka ah ee reer
Waashingtoon, William Blum, buuggiisa lagu magac aaba" Rogue
State" waxaa soo akhriyey Cusaama Binu Laadan, maalintii
Sabtida, bishii Janaayo 21-keedii 2006. Afar iyo labaatan
saacadood kaddib markuu Binu Laadan ugu baaqay in dadka
dalka Mareykan ay buugga akhristaan, waxaa la iibsaday
kummanaan nuqul oo buugga kamid ah.
Waxaan dhihi karnaa wey ka
badnaayeen inta maalintaa kaliya la iibsaday intii la
iibsaday ilaa iyo intii buugga la qoray 2000. Waxaan ku
doodi karnaa dhaliishan iney tahay mid aad iyo aad weyd u ah
oon qoraaga lagu ceebeyn karin. Midsa waan ku ceebeyn karnaa
hindisaaga, Nuuruddiin Faarax, hadduu dharka - xijaabka ku
jeesjeesay oy sida la sheegay arrintu tahay. Laakiin waxaa
kaloo in la xasuusta mudan Jalbaabka iyo shukada uu
Nuuruddiin wax ka sheegay ka hor 1980-kii Soomaaliya mala
laga xiran jiray? Markaan dhaqanka ka hadleyna sow
gabdhaheenna mey xiran jirin boqor iyo dhacle? Sow ma
habboona dhaqankeennii hore iyo midka maanta - dhanka
dharqaadka haweenka Soomaaliyeed iney aad u kala duwan
yihiin dadka oo diinta fahmay awgeed?
Haddaba sow markale ma
habboona inaan dhuuxna dulucda hadlaaga - theme of the
speaker, waayoo waxaa in loo kuurgala mudan macnaha kalmadda,
macnaha jumlada iyo macnaha hadlaaga. Cilmi ahaanna waa
lagama maarmaan in sidaas la sameeya.
Ma laga yaabaa inuu qoraaga waa Faaraxe, ula jeeday
dhaqankeennii hore ka mid ma aheyn shukada iyo jalbaabka?
Waxaa xusid mudan in Carabtii jaahiliga ay gabdhahooda afka
qarsan jireen. Waxaa kaloo mudan Afqaanku iney hiddahooda ka
mid tahay qaabka ay dharka u qaataan. Markale waxaa haboon
inaan xusuusanna iney aayadda quraanka ah na fartay inaan
gabdhaheenna asturna oon dhar culus u xirna basle ay qaabkaa
ugu tola na dhihin. Macnaha jalbaab culimada iskuma
waafaqsana laakiin waxaa laysku waafaqsan yahay in dumarka
la astura oo dhar culus loo xira waana waajib diini ah.
Waxaanse Nuuruddiin
laftiisa ku oran lahaa inuu xusuusta in haddii annaga iyo
Sacuudiga iyo Afghaanku aan dumarkeenna isku si ugu labisna
iney shey diini ah tahay oo aan Muslimiin walaala ah nahay
sida uu Xasan Dhooye tilmaamay. Waxaan idin xusuusinayaa
inaan lafteyda ka mid ahay dadka buugaagta qoraaga dhaqan
ahaan ka biyadiiday. Soomaali badan ayaana sidaas qabtaa.
Maalin maalmaha ka mid ah ayaa buugga lagu magac-aaba
"Secret" oo ah buuggii qoraaga uu ku galay liiska laureate,
ay iga qaadday Dr. Fardow Macalin Dawaaraa (Siyaasiga Faarax
Macalin walaashii) maalin kaddibna ay taleefoon ii soo
dirtay oy igu tidhi, "Goormaan buugga kuu keenaa?" Markaan
weydiiyey sida dagdagga ah ee ay u soo celineysana ayey ku
andacootay inuu buuggu yahay mid aan ka turjumeynin dhaqanka
iyo anshaxa Soomaaliyeed waa sida ay hadalka u dhigtaye.
Waxaa arrinkaasi ku waafaqday gabadh asal ahaan dalka
Indhiya ka soo jeedda balse ay hooyadeed Soomaali tahay oo
iyana buugga iga qaadday soona akhrisay lafteedana
dhalliishay. Waxaan ka wadaa qoraaga ma ceeb la'a laakiin
Salmaan Rushdi ma raacin karnaa ayey suaashu iskugu
biyashubaneysaa?
Qore: Abwaan Maxamed Cabdiqaadir Daauud (Stanza).
ayaandhalad5@hotmail.com

