SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - OIL

Yaa saxiixay Heshiiskii Batroolka ee Puntland iyo Consort?

Idaacadda Dawladda Britain wararka u faafisa ee "British Broacasting Corporation" ayaa Jimacadii [Jan 11, 2008] baahisey dood ku saabsan xaaladda Puntland.

Doodaas waxaa ka qayb galay aqoonyahanno, wasiirro, xildhibaan, siyaasiyiin iyo dadweyne ay ka mid yihiin Dr. Cabdiraxmaan Maxamuud Faroole oo wasiir hore ka ahaa Puntland, Jaamac Salaad oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Puntland, Cali Cabdi Awaare oo ah wasiir ka ah xukuumadda Gen. Cadde Muuse, Nuradiin Aaden Diiriye oo ka shaqayn jirey hay'adda ka hortagga aafooyinka ee Puntland, iyo dadweyne kale.

Cali Cabdi Awaare
Cali Cabdi Awaare, Wasiiru dowlaha xiriirka caalamiga ah ee DGPL..

Cali Cabdi Awaare oo ah wasiiru-dowlaha Iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Gen. Cadde Muuse oo joogey magaalada Dubay ayaa yiri: Maamul goboleedka Puntland oo ilaa markii la saasay 1998 waxa uu soo maray marxalado kala duwan, haddii aan usoo noqdo wixii ka dambeeyey 2005 markii la doortay madaxweyne Cadde Muuse, runtii isbedello badan ayaa ku yimid oo dhinaca maamulka wax laga qabtay ama ha noqoto dhinaca amniga ama dhinaca horumarka, waxyaabo badan ayaa la qabtay, ha noqoto airoporada oo haddeer gacanta lagu hayo, ha noqoto maxjarkii xoolaha oo isagana haddeer gacanta lagu hayo dad badana ay shaqo ka heleen, ha noqoto shirkadaha la rajaynayo in ay batrool soo saaraan, oo dadka waxyaabaha inta badan ay dhibaatadu ku imaaneyso ay tahay baahi iyo dhaqaale xumo ay jirta in shaqo abuur halkaas ay ka helaan ama Soomaaliya oo dhammi ka wada faa'iidaysan lahayd.

Dr. C/raxmaan Faroole oo jooga Australia oo hore u ahaanjirey Wasiirka Iskaashiga Caalimaga ah ee Puntland oo ka hadlayey amni xumada waxa keenay ayaa yiri: Ammaan xumadda faraha ka baxday waxaa u sabab ah maamulka oo hawshiisii gabay, oo gacanta ka baxday, ..... waxaa laga tirsanayaa caddaalad xumo, musuq maasuq, waxaa laga tirsanyaa in ay intifaacsadaan wax soo saar aan jirin oo been ah oo dadka lagu maaweeliyo iyo heshiisyo sharci darro ah oo ay saxiixeen oo dadku uusan aqbal sanayn , Soomaaliya oo dhanna aan laga ogolayn, sharcina aan ahayn in ay fuliyaan oo midda hadda Cali [Cabdi Awaare] ka hadlaayo ah, intaas markii dawladdii laga waayey, ciidamadii ammaankuna ay noqdeen ciidammo aan mushahar qaadan oo baahidoodii la haqab tiri waayey".

Cali Cabdi Awaare oo la weydiiyey waxa uu arrimahaas kaga jawaabayo ayaa yiri "majirto cid dawladda aragtideeda ka soo horjeedda".

Dr. Faroole ayaa yiri "Xog ogaalna waan ahay, oo muddadii u dambeysey oo aan dawladda ku jirey bishii Agoosto 2005 markii Cadde Muuse uu heshiiskii sharci darrada ah uu ku saxiixay Dubai, intii ka dambeyseyna aan aniga iyo isagu isku hayney golaha wasaarada, kaddibna aan anigu sidaas dawladda uga baxay, waxaa weeye arrintaas oo keliya ayuu kumashquulay, waxa kale oo dhan maaweelo weeye, taasna nabadgelya xumada salkeeda u noqotay, iyo dakhligii dawladda oo meeshii nabadgeyada wax lagaga qaban lahaa, anigu meel uu aadey hadda aanan sheegi karin...

Dr. Faroole
Wasiirkii hore ee xiriirka caalamiga iyo qorshaynta DGPL Dr. Cabdiraxmaan Faroole

Weriyaha Idaacadda "British Broacasting Corporation" ayaa Dr. C/raxmaan Faroole weydiiyey "Heshiiskaas la saxiixay ee aad ka carrootay waa heshiiskee" waxa uu kaga jawaabey "waa heshiiskii  lagu saxiixay bishii Agoosto 2005 magaalada Dubai oo uu la saxiixday qolo la yiraahdo Consort Private Limited oo Maldives ka diiwaan gashay, oo niman Dullaallo ah wateen in khayraadka dabiiciga ah oo dhan ee Puntland ee badda iyo dhulka hoostiisa ku jira kaas weye,... kan aan iskuseegnay, ee...." Halkaas markii uu marayey ayaa waxa hadalka ka joojiyey oo ka soo dhex galay weriyaha idacadda British Broacasting Corporation, waxaana uu weriyuhu yiri "haddii laga tago heshiiskaas in uu sharci darro ahaa iyo in kale, doodda marka dhankaa laga wareejiyo ee loo wareejiyo ra'yiga Cadde ee ah in Soomaalida dhibaatadeedu in ay tahay saboolnimada, taas iyada maxaad ka qabtaa." Waxa uu ku jawaabey: "waytahay waddan haddii khayraad loo helaayo waa sax in khayraad loo raadsho, laakiin dariiqa uu u maray iyo waxa uu saxiixay ayaan midna u cuntamin. Dariiqa uu u maray waa khaldan, khayraadka dabiiciga ah waa wadaag, dalka oo dhan ayaa iska leh, dawlad dhexe ayaa ka jirta meesha, madax ayey leedahay, baarlamaan ayey leedahay, wax lagu heshiiyo oo khayraadka ah oo wax qaybsi ah, oo dawladda dhexe qayb leedahay oo Dowlad goboleeddu qayb leedahay oo degaanku qayb leeyahay buu ku imaan kartaa...."

Xildhibaan Jaamac Salaad oo jooga Boosaaso oo ra'yigiisa la weydiiyey ayaa yiri: Ma qabo siyaasiyiin kursi doonaya oo dalka in ay khalkhal ka abuurto in ay jirto, waxaan aaminsanahay in ay jirto maamul xumi xukuummada kusalaysan.

Gen CaddeGen. Cadde Muuse oo Qiray in Afduubkii hore ee Weriyaha Faransiiska la bixiyey $100,000
waa sida ay werisey hay'adda wararka Reuters....

Burcaddii Markabka afduubtay oo wax laga weydiiyey Cali Cabdi Awaare waxa uu sheegay in ay ahaayeen Burcad badeed isa soo bahaysatay oo ay Maraykankana is daba ordaayeen 4-cisho, Maraykanka oo 7-markab iyo maraakiibtiisii dagaalka iyo kuwii diyaaradaha oo raadaaradiisi iyo qalab kiisi, annagu ma haysano raadaaro iyo qalab aanu ku arki karno, saddex markab ayaa dawladdu geysey oo kuwii yaryarka ahaa ah.

Dr. Faroole oo arrintaas ka jawaabayey ayaa yiri: "midda hadda socota oo jirta waxaa weeye, wasiirkuna [Awaare] uu inkirayo waxaa weeye, Haddii maamulku tuur leeyahay iyo tootin iyo qaallo, tu kale in aad toosisaa waa tu aan jirin, haddii adigu maamul xumo gacanta aad kula jirtid, jirri ama tuug iyo xaggaa laga soo qabtay iyo ciidamo ayaa wadey iyo koonfur ayey ka yimaadeen, ma shaqayneyso, dekedda Boosaaso ayey ka degeen iyagoo lacagtii qaatay, maalintii ku xigteyna ku kaley afduubeen.

C/Raxmaan Faroole oo toos farriin ugu dirayey Cadde Muuse waxa uu yiri: "Ninka odayga ahaa anigu waxaan ahay ninkii latartamay, oo codkiisii isaga siiyey uu xafiiska ku fariistay, awalna suura geliyey in isbedel ka dhaco dalka, waxaan leeyahay wax aan dadka kale oran karin, Haddii meeshii ammaankeeda aadan sugi karin, halka sano ee ku hartay aadan sugi karin, ammaan darradu in aysan sidii Muqdisho oo kale dhicin magaaladii ugu muhiimsanayd sida dorraad iyo shalay xalay oo kale ka dhacday aan magaalada dhexdeeda carruurta dhexeeda la isku xabadayn ee meesha isaga bedel oo dadkii lahaa u yeer oo u celi, wixii laguu dhiibtey haddii aadan ka bixi karin."

Faysal oo jooga Boosaaso ayaa yiri: "arrimahan hadda dhacaaya waxaa u sabab ah maamul xumo, ay ka mid tahay shacabkii oo dawladdii waxay ka filaayeen ka waayey, xagga dhaqaalaha iyo xagga horumarinta iyo dhinac walba dawladdii ayaa hawsheedii gabtay. Xamar ayaa laga hagaaya waxba kama jiraan, dadku maamulka ayey saluugeen, sida uu Faroole tilmaamayey dawladdu haddii ay hawsheedii gudan weydey in ay dadweynaha u soo celiso inta aan cebi ka iman."

Cali Cabdi Awaare oo ka hadlay saxiixa heshiiska batroolka ayaa yiri: "maamulka iyo shacabku waa isku xiran yihiin, waxaa ayaan darro ah in qof damac siyasadeed lihi dadku haka kaceen iyo arrimahaas kolley qof siyaasi ah iyo qof mas'uul  mid dhadhankeed leh ma aha. Arrinta C/raxmaan dhawr jeer uu ka hadlayey oo ahayd heshiisyada khaladka ahayd, annaga heshiiska C/raxmaan iyo odaygu iyagaa heshiiska markii horeba soo wada galay oo soo saxiixay, oo wax ka ogaa, ilaa Nairobi uu u tegey oo ilaa Dubai u tegey, in uu kiritikaareeyo wax hore u jirey...." Hadalka isaga oo aan dhamaystirin waxaa ka soo dhex galay oo ka kala gooyey weriyaha idaacadda "British Broacasting Corporation" oo barnaamijka qaybinyayey... markaas ayaa waxaa hadalkii sii watay Awaare oo yiri "Dadka haddii ilo dhaqaale loo abuuro nabad gelyada ayey qayb ka tahay, dhaqaalaha la helaa nabad gelyada ayey qayb ka tahay, waxaa loo baahan yahay in aan dadka la kiritikaarayn ee shaqo loo abuuro, dhaqaale loo abuuro, nabad gelyaduna dawladdu dhinaceeda Booliska iyo agabkiisii iyo qalabkiisii iyo wax walba waa u dhan yihiin, waana la wadaa waana shaqaynayaan boolisku, booliska Soomaaliya ayaa Carmo lagu tabaraa iska daa kii Puntland-e'.."

Consort limited waa shirkaddii lagu asaasay Maldives oo markaas loo saxiixay lahaanshada xuquuqda baaritaanka macdanta iyo batroolka gebi ahaan Puntland. Kaddib waxaa saamiyadii shirkadaas lagu wareejiyeyshirkadda Range oo iyaduna shirkado kale heshiisyo kula gashay.

Haddaab su'aasha is weydiinta leh waxay tahay yaa saxiixay heshiiska Puntland iyo Consort?

Akhristayaasha ayaan u dhaafnay in ayaan fikradooda ka dhiibtaan, wixii macluumaad ay hayaana si toos ah u soo tebiyaan ee la xiriira heshiisyadaas: (si toos ah ayaad fikradaada u dhiiban kartaa.. eg linkiga hoose ee DoodFuran.)..

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 15, 2008


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com