Maxkamad Maraykan ah oo Soo Cusboonaysiisay Dacwad Ka Dhan ah Ra'iisul
Wasaarihii Hore ee Soomaaliya, Maxamed Cali Samatar....
USA | Janaayo 10, 2009
ALEXANDRIA, Va. — Maxkamadda Dhexe ee Rafcaanka ayaa soo
cusboonaysiisay dacwad madani ah (Lawsuit) ku saabsan xuquuqul Insaanka oo ka
dhan ah ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo lagu eedeeyey dilal iyo
xadgudubyo.

Siyaad Barre oo la hadlaya Cali Samatar | Oct 21, 1983
|
Maxkamadda Rafcaanka ee Richmond ee loo yaqaan (4th U.S. Circuit Court) ayaa
Khamiistii (Jan 8, 2009) waxay xeerisey in mudacayaashu (dhibanaayaashu) ay
dacwad ku oogi karaan Maxamed Cali Samatar oo ku nool magaalaada Fairfax,
Va., kaas oo ahaan jirey wasiirka Gaashaan dhigga iyo Ra'iisul wasaaraha
Soomaaliya sanadihii 1980-naadkii iyo horaantii 1990-naadkii xilligii Siyaad
Barre, sida ay weriyeen warbaahinta Maraykanku.
Dacwadda madaniga ah waxay Maxamed Cali Samatar ku eedayneysaa in uu
masuul ka ahaa dilaal, kufsi iyo ciqaab, ay ku jiraan biyo-ku-hafin, uu u
geystey dadkiisa xilligii uu awoodda haystey, gaar ahaan beelaha aan jaalka la
ahayn, ayey qortay AP.
Sannadkii 2004 ayaa dacwaddan waxaa la geeyey maxkamadda dhexe ee magaalada
Alexandria, Va., ayadoo la cuskanayo xeerka Maraykanka ee Difaacidda Dadka
Dhibanayaasha ah ee La ciqaabay (Torture Victim Protection Act). Laakiin
sannadkii 2007 ayaa dacwadaas waxaa tuuray ama diidey Qareenka Degmada ee
magaciisa la yiraahdo Judge Leonie Brinkema isagoo xeeriyey in Maxamed Cali
Samatar uu xaq u leeyahay difaacid (caaganaan) isagoo cuskaday Qaanuunka kale oo
Maraykanka oo ah xeerka loo yaqaan Foreign Sovereign Immunities Act.
Laakiin Maxkamadda Rafcaanka (4th U.S. Circuit) ayaa Jan 8, 2009 xeerisey in
Qaanuunkaasi uusan khusayn shakhsiyaadka, balse uu khuseeyo Dawladaha iyo
hay'adahoose (wakiiladooda).
Xeerkaas waxaa ku kala qaysan Maxkamadaha Dhexe ee Rafcaanka ee Federaalka.
Tusaale ahaan Maxkamadda Rafcaanka California ee loo yaqaan (9th U.S.
Circuit Court) waxay xeerisaa in shakhsiyaadku ay xaq u leeyihiin xeerkaas ama
ay soo hoos gelayaan xeerkaasi in uu kaafi yeelo - waa xeerka Foreign
Sovereign Immunities Act.
Qareenka Maxamed Cali Samatar, oo magaciisa la yiraahdo Fred B. Goldberg,
waxa uu Jimcadii (Jan 9, 2009) sheegay in uu damacsan yahay in dacwaddaas
Rafcaan ka dalbado - waxa uu weydiiyey Maxkamadda 4th Circuit in mar-labaad la
dhegeysto ama uu rafcaanka u dirayo Maxkamadda Sare ee Maraykanka ee loo yaqaan
U.S. Supreme Court. Maadaama ay jirto kala fikir duwanaan la xiriirta
xeerkaas oo ay ku kala qaysan yihiin Maxkamadaha Dhexe ee Maraykanku ayaa waxay
arrinta ka dhigeysaa in ay maxkamadda Sare ee Supreme Court ay aqbasho in
ay dhegeysto rafcaanka, ayuu yiri qareenku. Cali Samatar waraysi ma siin AP.
Pamela Merchant - oo ah madaxa sare xarunta
Justice & Accountability oo fadhigeedu yahay San Francisco, oo ah tan
dacwadda soo oogtey iyadoo kawakiil ah dhawr Soomaali ah oo mudaciin ah, ayaa
sheegtay in ay macne samayneyso in Cali Samatar oo Maaraykanka ku noolaa muddo
10 sano ah in lagu oogo sharciga Maraykanka.
"Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xaqiijinayo in kuwa ku xad gudba xuquuqul
Insaanka oo gabbaad u yimaada Maraykanka in maxkamadaha Maraykanku ay ku soo
oggaan wixii ay masuulka ka ahaayeen," ayey tiri.
Xeerintii (Jan 8, 2009) ee maxkamadda Rafcaanku waxa uu ahaa mid ay
qareemadii maxkamaddaasi (4th Circuit) isku raaceen. Qareen Judge William B.
Traxler, (oo uu magacaabay Bill Clinton) waxaa fikirkiisa ku raacay Judge Robert
B. King, (oo uu magacaabay Clinton). Judge Allyson Kay Duncan (oo uu magacaabay
George W. Bush) waxa uu qoray fikir taas raacsan oo qodob yar uun kaga duwan,
ayey tiri AP.
Maxkamadda Rafcaanku waxay Jan 8, 2009 daabacday Xeerin ka kooban 23 bog.
Waxaana ku astaaysan dadka dacwadda oogaya oo kala ah BASHE ABDI YOUSUF,
AZIZ DERIA, iyo 4-Qof oo kale iyo nin sarkaal ah oo
magacyadooda la qariyey. Waxaana is-difaacaya oo lagu mudacayaa MOHAMED ALI
SAMANTAR.
Faafin: SomaliTalk.com | Jan 10, 2009 + warbaahinta...
Qoraaladii 2004 ee dacwadda hoos ka akhri...
Ra'iisul
Wasaarihii Hore ee Soomaaliya,
Mohamed Ali Samatar, oo hadda Kunool Maraykanka oo Dacwad Lagu Soo oogey
- Waxaa
dacwad taas la mid ah lagu soo oogey
Yusuf Abdi Ali (oo ku magac dheer Tokeh
"Tuke")
USA | November
12, 2004
ALEXANDRIA, Va. Warar ay November 12, 2004 faafiyeen warbaahinta Maraykanku ayaa
shaaca ka qaaday in dacwad lagu soo oogey ra'iisul wasaarihii hore ee
Soomaaliya, Mohamed Ali Samatar, oo hadda ku nool magaalada Fairfax, ee gobolka
Virginia
ee dalka Maraykanka, dacwadaas oo sida warku sheegay ah mid la xiriirta 'fal-dembiyeed
dagaal' [War Crime], kuwaas oo dhacay intii uu cali Samatar ahaa Wasiirka
Difaaca iyo Ra'uusul wasaaraha Soomaaliya.
Mohamed Ali Samatar waxa uu madaxweyne kuxigeen iyo wasiirka Difaaca ee
Soomaaliya ahaa 1980 ilaa 1987, kaddibna ra'iisul wasaare 1987 ilaa 1990,
xiligaas oo ay dalka ka talineysey xukuumada maxamed Siyaad barre.
Bashe Abdi
Yousuf, oo hadda ku nool Atlanta, Georgia, oo kamid ah dadka dacwada oogaya
waxa uu yiri" Sannadkii 1982 ayaa la igu soo eedeeyay in aan ku kacay
khiyaamo qaran [high
treason]
waxaana la igu xukumay 20 sano". Markii la xirayna laba jeer ayaa koronto
lagu dhegiyey "electric shock" iyo in laba jeer uu miyiri beelay
kadib markii inta sanka la qabtay afka biyo laga qulaamiyey, waa sida
dacwada ku qorane. Waxaana uu Bashe yiri 'Waxaan rajaynaya in dacwadani
[Lawsuit] ay dhambaal u dirto dadka dembiga ka galay xuquuqda aadamiga iyo
in ay mas'uul k anoqdaan cawaaqibkeeda iyo in Maraykanku uusan magan gelin
dadka ku kacay falal dembiyeedka dhanka ka ah xuquuqda aadamiga". Waxana uu
intaas ku daray "Anigu dhibaatadaas waa ka soo badbaadey laakiin waxaa jira
dad badan oo aan kasoo sabata bixin". Bashe waxa uu hadda haystaa dhalasha
Maraykanka. Bashe waxa uu dacwada ku oogayaa Cali Samatar, waxaa kale oo
mudiciyiinta ka mid ah ugu yaraan shan qof oo kale oo magacyadooda la
qariyey.
Waxaa kale oo
dacwad lagu soo oogey
Yusuf Abdi Ali (oo ku magac dheer Tokeh
"Tuke") oo asaguna ku nool ALEXANDRIA, VA. waxana uu ahaa sarkaal sare oo ka
tirsan ciidankii soomaaliya oo lagu soo eedeeyay in ciidankii uu madaxda ka
ahaa ay geysteel falal ay ka mid yihiin dilal, ciqaabo iyo jir-dil ama
garaacid. Taas oo warku sheegay in dadka la garaacay ay ku jirtey qof dumar
ah oo uur leh oo sidii loo garaacayey ilmihii soo tuurtay, qoftaas dumarka
ah oo xabsi la geliyey muddo lix sano ah ayaa kamid ah dadka hadda dacwada
kusoo oogey sarkaalka.
Yusuf Cabdi
Cali waxa uu ahaa taliyaah qaybta 5aad ee ciidankii Qalabka sidey ee
Soomaaliya 1984 ilaa
1989.
Yusuf Cabid
waxaa laga saaray Dalka Canada October 1992. Waxana uu sannadkii 1993
dalbaday deganaanshaha Maraykanka. Waa loo diidey waxana uu Kenya ku laabtay
1994. Laakiin waxaa loo ogolaaday in uu kusoo laabto USA sannadkii 1996,
halkaas oo ay degan tahay xaaskiisa oo haysata dhalasho maraykan ah. Waa
sida ku cad qolaalka dacwada.
Wargeyska
seattlepi waxa uu sheegay in
aan looga jawaabin telefoon uu wargeysku u diray guriga Cali Samatar. Cabdi
Calina waxa uu diidey in uu wargeyska war u sheego ilaa uu la hadlayo qareen,
waa sida wargeysku qoraye.
Waxaa dacwadan
maxkamada ka diiwaan geliyay "Center
for Justice and Accountability" oo u dooda xuquuda aadamiga. Waxaana
dacwada la diiwaan geliyay: 10 Nov 2004.
- Dacwada
dhanka ka ah cali Samatar: oo ka kooban 36 bog
Ka akhri Halkan.. Guji.. [PDF]
- Dacwada
dhanka ka ah Yusuf Cabdi 'Tokeh' oo ka kooban 27 bog
ka eeg halkan... Guji [PDF]
- XUSUUS:
Si aad qoraalada PDF-ka ah u akhridid waxaad u baahan tahay
acrobat reader.. [waa haddii uusan computerkaaga horay ugu jirin
Adobe Acrobat]
ISHA SAWIRADA:
seattlepi
| CJA
Faafin:
SomaliTalk.com | 12/11/2004
|