SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XODAY

DOODDII BARLAMAANKA DURUUS BAA KU JIRTA

 
Waxa wax lala yaabo, in badanna lala murugoodo ah in “xulkii qaranka soomalaiyeed” iyo “gar-wadeenkii siyaasaddu” ay maanta kuraas madaxa iskala dhacaan, iyagoo weliba jooga aqal ay marti ku yihiin.

Dawladda Kenya waxay kuraasta u dhigtay in xubnaha Barlamanku ku wada xaajoodaan, xalna ugu raadiyaan dalkooda “madhaleyska” noqday. Waxay masuuliinta Kenyaatigu moodayeen in ay hoolka shirka ka dhammeeyeen waxyaabaha dagaalka loo adeegsankaro sida ulaha iyo middiyaha. Hase yeeshee “xulkii qaranka” ayaa kuraastii loogu dhigay in ay ku fariistaan kuna wada xaajoodaan waxay u rogeen hub ay madaxa iskaga garaacaan. Hadday ogyihiin malaha dhulka fariista ayay oran lahaayeen!

Waa ayaan darro in golihii ugu sarreeyey ee ay shacabka soomaaliyeed ku hanwaynaayeen in uu xal iyo dib-u-heshiisiin  u keeno, in ay iyagii u baahdaan wax kala jiid-jiida. 

Majara habaabin ula kac ah:

Dadka soomaaliyeed dhammaantood waxay ogaayeen in fadhigan uu  Barlamaanku isku laayey looga doodi lahaa keenista iyo keenis la’aanta ciidammo ka socda dawladaha safka hore. Waxaase layaab iyo khiyaano aan geed loogu soo gabban noqotay markii Raysalwasaaraha iyo kooxda u ololaynaysay in ciidammada safka hore la keeno; ay saaka soo kallaheen iyagoo indhaha soo xanjaystay, oo waliba doonaya in ay Barlamaanka iyo Somali oo dhanna indhaha faashad kaga dhajiyaan. Waxay soo bandhigeen qorshe ka duwan kii la sugayey, waxayna soo jeediyeen in Barlamaanku u codeeyo “ciidammo Carbeed iyo kuwo Afrikaan ah!” iyadoo aan la kala qaadin safka hore iyo saf danbe toona. Taas waxay guruubka Cali M Geeddi uga dan lahaayeen in loo ansixiyo in ciidammo ka socda Ethiopia la keeno dalka, iyadoo aan lagaba doodin. Sow khiyaano ma ahan in laga boodo wixii la sugayey oo laga doodo wax aan meeshaba oollin?! 

Dulqaad yarida taageerayaasha Dawladda:

Barlamaannada adduunka waxaa lagu yaqaan in mooshin la keeno si looga doodo, qolada mooshinka wadata iyo kuwa ka soo hor jeedaba waxay diyaar u yihiin in ay aqbalaan waxa codbixintaasi ku dhammaato. Haddii aan la aqbalayna macne ma samaynayso in loo codeeyo go’aan aan la aqbali doonin. Waana intaas falsafadda uu barlamaanba ku dhisanyahay.

DSC03282Minneapolis:: Shir Lagu Taageerayey Go'aankii Baarlamaanka DFKMG
Kulankaas oo ku dhammaaday buuq, waxaana goobtii kulanka yimid booliska oo...
Guji...

Markii shalay kooxdii uu hoggaaminayey R.Wasaaruhu laga tiro batay, ama ay arkeen in haddii la codeeyo laga rayn doono, waxay ku habboonayd in ay oggolaadaan cod qaadista, ama ay ugu yaraan si nabadgelyo ku jirto wax u mucaaradaan. Waxaase nasiibdarro noqotay in R.Wasaarihii oo ah madaxa ugu sarreeya ee xukuumaddu uu isku dayey in uu hor istaago “dimoqraadiyaddii” uu afka ka sheegijirey.

Waa ceeb waana wax ka soo hor jeeda falsafadda “barlamaan” iyo nuxurka “dimoqraadiyadda[1]” in buuq iyo rabshad lagu abuuro madal lagu wada xaajoonayo, waana fal-danbiyeed in dagaal iyo gacan ka hadal wax lagu raadiyo, lakiin maxaanu samaynaa haddii “madaxdii dawladu” ay yihin kuwa falkaas ku kacaya?.

Haddii arrin sidaas u sahlan “ciidan dal shisheeye in la keeno” sidaas la isugu laayey, maxaa laga sugayaa “dawladdan inoo curatay” markii ay dhex gasho hawlaha badan ee masiiriga ah ee horyaalla??? 

Garwadeenkeedi baa sidaas ah!

Shacabka soomalaiyeed markii uu tobannaan sano is dilayey, oo uu dareemay baahida loo qabo nabadda iyo dib-u-heshiinta ayuu taageero buuxda oo aan horay loo arkin siiyey dawladda Cabdullahi iyo Geeddi. Wuxuuna shacabku sugayey in uu Barlamaanku xalliyo dhibaatadii 15ka sano lagu kala irdhaday.

Waxaase la illaawey in meesha dhibaatadu ka jirto iyo cidda soomaaliyi ka dhaqaaqi la’dahayba ay yihiin kooxdan ceebowdey ee dadka guryohooda isku dilaya. Soomaalidu waxay ku maahmaahaan “Ruqo ninkii lahaa dabada hayo ma kacdo”.

  • Waxaa dhab ah in jiilka maanta jooga aanay u muuqan kuwii ummadda badbaadin lahaa.
  • Waxaa dhab ah in aynu nahay bulsho gablantay.
  • Waxaa dhab ah in aynu waddo khaldan cagta saarnay.
  • Waxaa dhab ah in aynu nahay qaran jabay iyo qolo laga adkaaday.

Maxaa Barlamaanka ka khaldan?

Waa su’aal u baahan in ay xubnaha barlamanku is waydiiyaan, jawaabna u helaan. Muxuu Barlamaanka soomaalidu isu laayey?

Anigu waxaan is leeyahay arrimaha soo socda ayaa ka khaldan xubnaha Barlamaanka: 

o       Waxaan jirin aragti siyaasadeed oo ka timid gudaha Barlamaanka, waxa golaha lagaga doodayana waa siyaasado ay dawlado kale soo dhiibeen. Waxaana taas tusaale ugu filan waraysigii uu shalay R.Wasaaruhu siiyey BBCda, oo dhammaantiisba ka tarjumayey quusta iyo rajo xumada meesha taalla iyo sida xukuumadda Geeddi aanay u lahayn aragti siyaasadeed oo la jaanqaadi karta marxaladda qallafsan ee uu dalku marayo.

o       Nin walba wuxuu rabaa in uu fikraddiisa -oo kaliya- marsiiyo, maskaxdiisana kuma jirto “haddii lagaa diido maxaad yeelaysaa?”.  Wuxuuna si ootamaatik ah ugu gacan sayrayaa aragti walba oo tiisa aan ahayn, waana halka ay soomaalidu ka dhahaan “Cadyohow ama ku cunay ama ku ciideeyey”.

o       Waxay ahayd in l kala saaro Xukuumadda iyo Barlamaanka, haddase waxaa golihii Barlamaanka dhex fadhiya dhammaan golihii xukuumadda macaa R. Wasaareheedii, waana shirqool ay markii horeba ugu tala galeen in aanay mucaardo ku imaanin. Laakiin “meeshii wax ka socdaan dameeraa weylo dhala!” oo waa taas ay waxba u socon waayeen.

o       Rajo xumo: Haddii qofku, kooxdu ama bulshadu aanay lahayn wax ay rajeynayso ama ku naaloonayso waxaa caado u noqota is qabqabsi iyo is xagxagasho, waxayna ku danbaysaa in qofkaasi isagu is dilo ama uu dadka kale laayo, waana taas waxa shalyto Barlamaanka ka dhex dhacay. Bal dhageyso sida uu R.Wasaaruhu u hiifayo oo u haaraamayo Shariif Xasanka Barlamaanka. 

Danaha qaran ee somaaliya yarad ma loo bixin karaa?

Dhibaatada meesha taalla baa ah in Madaxwaynaha iyo R.Wasaarihiisuba ay meesha ku yimaadeen “Barakada Ethiopia” isla markaana ay doonayaan in ay u abaal gudaan. Marar badan oo ay shalay ugu danbeysey, oo labada nin la waydiiyey sababta ay ugu adkaysanaay in ciidammo ka socda dawladaha deriska ah la keeno dalka, ayay waxay ku jawaabeen: “Dawladaha deriska ahi iyaga ayaa shirka dib-u-heshiisiinta soo wadey, intaasna soo gaarsiiyey, wayna na caawiyeen, haddaba abaalkoodu ma noqonkaro in la yiraahdo ha noo imaanina”.

     Haddaba waxaa masuuliinta ka maqan laba arrimood oo kala ah:

1.     In soomaaliya aanay gaarin xilligii ay bixin lahayd “deymeheeda siyaasadeed” ama ay dawladihii soo taageeray “abaalkoodii” siin lahayd. Dalku wuxuu ku jiraa xaalad gaar ah oo u baahan in hawluhu sida ay u kala horreeyaan loo kala hor mariyo. Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “majo dhooqo midba mar baa la siibaa” “oodo dhacmeed siday u kala sarreeyaan baa loo qaadaa” “sidaad u jabtid ayaa loo dhutiyaa”.

Haddaba marka hore waxaad dhammaystirtaan hawlaha dibu heshiisiinta, dhisa oo hawl geliya hay’adihii dawladda, “deymaha siyaasadeed” ee la idinku leeyahayna u daaya xukuumadaha dabadiin imaan doona. Shacabka soomaaliyeedna ka abaal dhici maayo ciddii abaal u gashay.  

2.     Haddii aad gacan iyo abaal u haysaan dawladaha deriska ah oo ay ka shaqeeyeen sidii aad u qabanlahaydeen xilalka dalka ugu sarreeya, waxaa caadi ah in ay idinka idiinku muuqato wax weyn oo mudan in laga abaal gudo. Haddaba ha illaawina in abaalkaasi aanu gaarsiisnayn in “ dawladahaas yarad loo siiyo danaha qaranka soomaaliyeed”. Danaha ummaddu ma ahan erayga “thank you”. Taas waxaan uga jeedaa in dadka diidan ciidamada safka hore, ay ku doodayaan in arrintaasi khatar galinayso “ammaanka qaranka” iyadoo dawladahaasi si toos ah iyo si dadbanba ay ugu lug leeyihiin dhibaatada gudaha soomaalia, si caadiyana ula kala jiraan kooxaha aad idinku qaar hoggaaminaysaan. Cabdullaahi Yuusuf wuu ogyahay in hubka somaalia yaalla dhammaantiis uu ka yimid dawladda Ethiopia, Geeddina taas ma mooga. 

Cabdisamad Xoday
Email: Hoday30@hotmail.com
LINK: www.Somalitalk.com/xoday

[1] Waa haddii dimoqraadiyadda loola jeedo wada tashi iyo si xorriyad ah in wax lagu dhammaysto.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»Dhex-dhexaadin  Fahad Iyo Asad... | C/Shakuur

»Muusa-nnowga Fahad Iyo Ciidamada Itoobiya | Asad

URURADA ISLAAMIGA AH IYO CIIDAMADA SHISHEEYE | fahad

Faafin: SomaliTalk.com | Mar 21, 2005

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD