SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

waano ku saabsan qorayaasha iyo akhristayaasha WEBSITES -ka

Aadan Nuur , HARGEYSA
shalqane@hotmail.com

Waxa mahad iska leh Allah,midka inna abuuray,inna irsaaqay ee inna hanuuniyey,Nabad gelyo iyo naxariisina korkiisa ha ahaato Nebigeeni Muxamed iyo saxaabadiisii iyo qofkii hanuunkiisii raaca.

Intaa ka dib waxaan aad u jeclaystey inaan qoraal gaaban oo waano ah ugu soo gudbiyo walaalahayga wax qora iyo akristayaasha labadaba, taasoo aan u arkay lagama maarmaan.
sidaad ogtihiin saxaafaddu waxay ka mid tahay AALADAHA iyo waddooyinka beni-Aadamka lagu xumayn karo ama lagu hagaajin karo,sidaynu wada ogsoonahayna,maanta labaduba way is dhinac socdaan,mujtamacaadkuna waxay isugu jiraan kuwo dhinaca xumaha iyo naarta dadka u jiidaya iyo kuwo dhinaca wanaagga iyo khayrka u jiidaya,waxa jira xadiis uu soo werinayo abu-hurayra oo saxiixu muslim ku soo baxay ,tarjumaadisu waxay tahay =qofkii ku baaqa hanuun wuxuu leeyahay ajar le'eg kan ay helayaan kuwa sameeyey wanaagaa iyadoon iyagana waxba laga nuqsaaminayn,qofkii ku baaqa baadinnimo wuxuu leeyahay dembi le'eg kan ay sameeyeen dadkii kaga dayday xumaantaa.= waxa iyana jirta axaadiis kaloo badan oo sidaa tilmaamaysa,iyo Aayado quraan ah waxa soo qadan karnaa aayad ku jirta suuratu YAASIIN (12) waxaa Rabbi ku lee yahay ANNAGA AYAA NOOLAYN KUWA DHINTAY WAXAANUNA QORI DOONAA WAXAY SAMEEYEEN IYO RAADADKOODII.

 waxay culimadu ku fasireen in ay socon doonaan camalada dadka laga bartay xumaan iyo samaanba loona qori doono iyaga oo mootan, haddii kun qof ay wax ka barteen kun ayaa iyana loo qori doonaa shar ama khayr kii doono halaga bartee waxa kaloo ku dayashada ku jira wixii lagaa arkoo adoo samaynaya ee lagu dhaqmo.

GEBAGEBO

waxan ku soo geba-gebaynayaa oo aan kula talinayaa dadka wax qoraya iyo kuwa akhristaaba inay ogaadaan in wixii ay dadka baraan meel u taallo ha badsadeen ama ha yaraysteene waxa ku badan WEBSITES-ka qoraallo badan oo halis bulshada ku haya ,
ha ahaadeen kuwo isku dir iyo kala fogeyn iyo colaad ah, kuwo been abuur iyo qadaf iyo cay ah,kuwo xaqiraad ah, kuwo akhlaaq xumo dadka baraya iyo kuwo xumaatooyin kale xambaarsan waana kuwa aan u jeedo inay ku xisaabtamaan dadka qorayaa kana fiirsadaan

TAWFIIQDA ALLAH HA INNA WAAFAJIYO

Aadan Nuur , HARGEYSA
shalqane@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 6, 2004

Magacyada Wasiirada DFKMG

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
C/FATAAX
Taariikhda War-Isgaarsiinta: Waa barnaamij taxane ah Guji
CADDAANI
Han-yaraanta Iyo Hibashada Hargeysa Ayaa Haleeshay SamSam Yar.. Guji 
FAHAD
Xaaladda Samsam iyo Damiirka Shacabka Somaliland Guji
GAALERI
gaaleriC/Shakuur (Gaaleri): Dhibkii isoo Gaara Ma'uliyadeeda Waxaa Leh Col. Cabdi .. Guji..
DIRIDHABA
diridhabaSam-Sam Waxay i xasuusisay 25 cisho oo ayaanu ku jiray Xabsiga dhexe ee Hargeysa Guji
C/WAAXID
cabdiwaaxidDhibaatada Gaartay Samsam Dadweynaha Caadiga ah Shuqul kuma laha Guji

 



HTML CD