SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Gaashaanle Sare Aljazeera

Axmed iid obsiiye
madawayn@hotmail.com

Muuqaalku wuxuu ahaa  mid caadi ah …..tobonaan kun oo ka tirsan ciidamada maraykanka oo ay la socdaan kaarayaal iyo diyaaradaha dagaalka noocyadoodii ugu danbeeyay ,balse waxa aanan dagaalka ciraaq mid aan caadi ahayn ka dhigayay boqolaal saxafi oo saaran taangiyada dushooda oo si toos ah uga soo tabinayay badhtamaha dhacdada wararkii ugu danbeeyay ee dagaalkii ugu horeeyay qarnigan 21aad.

 saxafiyiintaasi kumay eekaanin inay soo gudbiyaan aragtida maraykanka oo kaliya e waxay buux dhaafiyeen hoteelada waaweyn ee magaalooyinka ciraaq oo dhan ,waxaa aan arintaa caadi aan ka dhigayn waxay tahay iyadoon hore loo arag iskaashigan u dhexeeya ciidan iyo saxaafada.

 saraakiisha militariga oo inta badan sas ka qaba saxafiyiinta ayaa u arka saxaafada inay tahay “hadal badan iyo sir faafay” taas oo keentay in dagaalkiii ciraaq ee 91 kii dhamaan warbaahinta loo diido inay warar ka soo diraan goobaha dagaalka oo uu ciidanku siin jiray saxaafada sawirada laga soo duubay goobaha dagaalka ,

waxaa shakigaa weyn keenay tijaabadii xanuunka badnayd ee uu maraykanku soo maray dagaalkii Vietnam, iyadoo sawirada iyo wararka ay saxafiyiintu ka soo diraan dalkaas oo tusaysay gumaadka daran ee ay ciidamada maraykanku u gaysteen dalkaas ay keeneen in kacdoon aad u balaadhan uu ka qarxo dalka maraykanka keenayna ugu danbayntii in maraykanku uuka soo baxo Vietnam.

Hase yeeshee dagaalkan ciraaq waa ka badalnaa kuwii hore labada dhinac waxay go’aansadeen inay adeegsadaan saxaafada asbaabo dhawr ah darteed:

1-dhanka maraykanku wuxuu rabay inay saxaafadu soo tabiso sawiro ay ka muuqanayaan ciraaqiyiin ruxaya calanka maraykanka soo dhawaynayana ciidamada iyadoo taasi ay jawaab u noqon karto qaramada midoobay iyo dawladaha qaarkood oo diiday in ay ka qayb galaan dagaalka kuna  tilmaamay mid sharci daro ah, fariintu waxay ahayd”dagaalku wuxuu ahaa mid dan u ah shicibka ciraaq”

2-dhanka ciraaq wuxuu rabay in caalamku gaar ahaan shicibka maraykanka iyo ingiriisku ay arkaan boqolaal ciidan oo ka tirsan labadaas dal oo maydkooda ay jiidayaan ciraaqiyiintu taas oo keeni karta sidii soomalai iyo Vietnam in maraykanka culays ka saarmo dhanka gudaha oo keena inuu iskaga baxo dalka ciraaq.

Xisaabaadka labada dhinac waxay keentay inay caalamka ay kala jiitaan labo dhinac  dhinac ay hogaaminayso kanalka  FOX NEWS  iyo koox ay hor kacayso  AL JAZIIRA waxay labaduba kala taagnaayeen  labo dhinac oo aad u kala  fog .

FOX NEWS oo ay iska leeyihiin kooxa garabka midig ah oo xag jir ah waxay inta badan ka waramaysay guulaha ay gaadheen ciidamada maraykanku ,dhanka kaleALJAZEERA ayaa soo jiidatay indhaha daawadayaasha muslimiinta ah iyo kuwa ka soo horjeeday dagaalka iyadoo tabinaysa jabka ku dhacay maraykanka iyo awooda ay leeyihiin ciraaqiyiintu.

 markii uu dagaalku maalmo yar socday waxaa muuqatay in ay ciraaqiyiintu si wanaagsan uga faa’iidaysteen warbaahinta ,cidna ma ilaawi karto max’ed siciid al saxaaf wasiirkii warfaafinta ee ciraaq oo dharkiisii militariga ahaa gashan isagoo xaqiraya  G .W.BUSH qaamuuska af carabigana ka soo baxsanaya kalimado markiiba caan ka noqotay dadweynaha dhexdooda sida AL-CULUUJ oo ah gaalada. waxay taasi keentay inay umada muslimiinta ah ay ka dhaadhiciso in dagaalka shaki la’aan ay ku guulaysan doonaan ciidamada ciraaq dhanka ,soomaalida kamay maqnayn ciyaartan u dhaxaysa kooxaha warbaahinta iyagoo markuu dagaalku bilaabayba ay inta badan soomaalidu ay ku biireen kooxda ALJAZIIRA  sababo badan awgeed:

 Ta koowaad   soomaalida oo aaminsan in ay warbaahinta reer galbeedka ay run sheeg ayna ahayn ayna u xaglinayso maraykanka

Mida labaad waa ALJAZIIRA  oo warinaysay akhbaarta ay soomaalidu rabeen, khasab ma ahayn inay wararkaasi beenoobaan ama rumoobaan. idaacadaha maxaliga  ah ee ka jira dalka gaar ahaan muqdisho ayaa tartan weyn u galay sidii ay  u soo jiidan lahaayeen  dadweynaha ku nool caasimadii soomaaliya iyagoo tabinaya warar ay markastaba guushu ku raacaysay ciraaqiyiinta marka ay ka hadlayaan guul ay gaadheen maraykanku waxay raacin jireen hadalo ay ka mid yihiin       ” iyagoo sheeganaya” iyo ” ma jirto cid madax banaan oo xaqiijinaysa warkaas ” waxay taasi keentay inay dadka qaarkood ay rumaysan waayeen in baqdaad la qabsaday balse waxay ahayd maalin ay runtu ka weynayd kuturikuteen.

Hadii dib loo eego kaalintii ay warbaahintu ay ka qadatay dagaalka ciraaq waxaa la odhan karaa waxay ahayd mid labada dhinac u kala janjeedha oo muu jirin cod dhexdhexaad ah taasna waxay keentay fashil maxaa dhacay:

1-dhanka aljaziira waxay ilawday in ay meesha ku hirdimayaan ciidanka ugu awooda badan uguna  dhaqaalaha badan caalamka lana dagaalamayo dal aduunyada sadexaad ah 10 sano in ka badana cunaqabatayn saarnayd dadkiisuna ayna raali ka ahayn sadaam xusayn

2-fox news waxay ilawday in ay ciraaqiyiintu ay neceb yihiin sadaam xuseen balse taas ay micneheedu ahayn inay soo dhawaynayaan in maraykanku uu qabsado dalkooda

anigoo maqaalakan qoraya waxaa iga ag furan al jazeera waxaana waramaya wariye u jooga  magaalada faaluuja oo tilmaamaya in ciidamada maraykanka khasaaro loo geeyay…………akhristayaal dagaalkii warbaahintu wali waa socdaaa.

Axmed iid obsiiye
madawayn@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD