SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Soomaalyeey Ciidamada shisheeye ma inoo danba?

Mire Hersi

Mire18@hotmail.com

  

 

Assalaamu Calaykum Dhamaan shacabka Soomaaliyeed ee Nabada Jecel 

 

 

Walaalayaal ugu horeyn alle S.W. ayaa mahad iska leh Nabi Maxamedna naxariis iyo nabad gelyo dushiisa ha ahaato inagana dardaarankeenu waa cabsida alle s.w. si aan aduun iyo aakhiraba u liibaano.

 

Bini’aadamka alle abuuray waa shantaas farood oo waa kala fikrado  qofwaliba si ayuu wax u arkaa waxaan rabaa in aan bal is barbardhigo fikrada oranaysa ciidamo shisheeye in la keeno wadankeena iyo in aanan la keenin.

 

Sidaad lawada socotaan wadankeenu waxaa dawlad la’aan uu ahaa mudo 14sano ah waxaa dhacay shirar badan oo loogu raadinayo dhibaata dheeraatay oo Soomaalina xal u weyday shirkii ugu danbeeyey ee Kenya lagu qabtay oo socday mudo labo sano ah oo ay dhexdhexaadinayeen gaalo cid ka mudaharaadayna ma jirin bal maxay ku dhacday in aan min culumo, aqoonyahan, akhyaar ama dhamaan shacabka Soomaaliyeed ku qanacsanaayeen qabqablahooda iyo qabiilkooda lawada taageeray aanan wali laga mudaharaadin dhibaatada qabqablayaasha ay soomaliya ku hayaan markaan leeyahay taageernay waxaan u wadaa badankeen laga yaabo in ay jiraan inyar oo ka xun balse ogaada hadii qabiilkaagu inta badan xumaanta ay isku raaceen waxna aysan u ogalay cidaan qabiilkooda ahayn sidee macquul ku tahay in qabiilkaagu qabiil kale hubka ka dhigo ama uu ka ogalaado in uu la shaqeeyo kolay macquul kama ah soomalida hada nool.

 

Waxaad ogaataa sida aad u xalisan weyday in aad ka heshiisaan  arimaha idin dhexyaalay idinkoo isku diin ah, isku midab ah, isku dhaqan iyo isku af ah ayna noqotay in gaalo cadaw idiin ah idin heshiisiiso mudo 14sano ah ayay walaalkay macquul u ahayn  in aad dhamaystirataan hawsha inta ka hartay oo ah in ugu horayn hubka laga aruuriyo waxmagartada iyo calooshood u shaqeystayaasha oo ay kawada mid yihiin qabqable iyo ganacsato aan dal iyo dadba dan ka laheyn ee ah cabdu diinaar wa dirham.

 

Marka waxaan arigtidayda ku soo gabagabaynayaa sedex qodob oo kala ah:

 

1-     Culumada, aqoonyahanada iyo inta diidan in ciidamada shisheeye la keeno waad ku mahadsan tihiin aragtidiina balse hada booskiina ma banaana marbuu banaanaa soomaalina meel idiinkuma xirxirno waxaan rabnaa dawlad iyo kala danbeyn hadii aad wax qabanaysaan 14sano ayaan dayac ka dharagnay soomaaliya waxaa hada laga helaa wax walboo aduunka ka mamnuuc ah min qaad ilaa daroogo xaqiiqda hadaan laga fogaanayn dariskaaga yac ma dhihi kartid iska daa soomaali oo dhan marka walaalayaaloow ciidamo shisheeye waa loo baahan yahay halaga shaqeeyo shuruudhii ay ku shaqayn lahaayeen iyo sidii loola shaqeyn lahaa.

2-     Dawlada la doortay waxaan leeyahay la tashi sameeya oo danaha umada fiirsha hadii kale waxa dawlada carta qabsaday iyo tii ka horaysayba waad u soo joogteen in wax ladunsho ayaana ka sahlan in wax la dhiso mida kale waxaa la idin ka qabaa cabsi oo wax in aad dumisaan ayaa la idinku bartay ee waxaad dhistaan cidna ma arag inaad dawladhii hore ka liidataan ayaa lawada filayaa hadaydaan cadayn la imaan waxaad kaloo ogaataan shacabka soomaaliyeed waa shacab xamaasada iyo dagaalku u sahlan yahay ee iska ilaaliya wax allaale iyo wixii xiisad dhalin kara taas macnaheedu ma ahan in aydaan dan uga tagayn xiisad darted wixii danta shacabku ku jirto waa uwada joognaa waana ka wada shaqeynaynaa balse ogaada in aan talaabada aad qaadayso wakiiladeena golaha shacabka lagala tashto kaligiis talisna kuli talis ayaan ka jecelnahay.

 

 

3-     Ugu dabayntii waxaan la hadlayaa shacabka soomaaliyeed oo ku rafaaday dhibaatada wadankooda haysata walaalayaal “kuli fidno cinda geel waa inaga” maxaa yeelay waxaan dan moodnay qabiil markaasuu nala galay gole qurmay oo la isku keen dhiidhiibay runtiina mudo 14sano ah ayaan dhibanayn ee xumaan waan ka dharagnayee ee aan wanaaga isku raacno oo aan ahaano umad dantooda si iskuduuban uga wada shaqeeya hadii kale qabqable iyo balaayo ka daran ayaa hal hal inoo fiiqanaya sida aad usoo joogteenba marka walaalyaal fari fool ma dhaqdo danteenana inaga ayaa ka tashan karna aan wanaaga ka shaqeyno iyo isku duubnaanta oo ah mida aan kaga badbaadi karno dhamaanteen wixii na qabsaday 14kii sano ee la soo dhaafay dardaarankeenu waa midnimo iyo in uu alle inaga wada dhigo inta wanaaga iska qaadata aaamiin.

 

 

By Mire Hersi

Mire18@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD