SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Ciil Kama Kore 

Maxamed Hirad
San Diego California
Xagar2000@aol.com


cayn kalaa wuxuu yahay      cidaha reer woqooyigu
gaalo cidhib tirkeediyo         iska caabbin  mooyee
goormaa la caabuday oo       qabuurahoodii la cafiyey

cududdii daraawiishee          cadowgii kufaartii
carradeena soo galay            caalamkoo markhaatiya
cishriin sano la dirireen        goormaa la caasiyey

ciilkii sheekh Bashiir iyo      codkii Faarax Oomaar
gaalo waxay casilayeen         goormaa la caasiyey
calankeenii curadka ahaa       goormaa la caasiyey

suldaankii cisiga weynaa           cabdillaahi geenii
ma ina cali waraabaa              ka caweeya beertii
Tima cadde cokiisii                 ma Faqash bow cimaamadan
           waa maxay celceliskani             carsaanyada sideedii
caku dunidan carartaye           calagyadu u taliyaan  

Beelaha gobolada waqooyi waxa safka hore ay kaga jireen dhaqdhaqaaqii xorriyad doonka Soomaaliyeed. Waxa taa dalliil u ah halgankii dheeraa ee daraawiishta, kii axsaabta siyaasiga ahi hormoodka ka haayeen ee billaabmay horraantii sannadihii 40 aad kii ee qarnigii la soo dhaafay iyo kuwii Sh. Bashiir iyo Faarax Oomaar. Doonitsa xorriyadda shacabka Soomaaliyeed kaalintaas waafiga ah ee ay kaga jireen beelaha Waqooyi ee Soomaaliya waa mid ay ka marag kacayso taariikhdu. Sidoo kale waxa ay kaalin mug leh ka qaateen xorriyadda Jabuuti iyo kuwii lagu taageeray Soomaali Galbeed.

Dadkaas taariikhda Soomaalida baalka dahabka kaga jiray kaalintee ayay maanta oo Soomaali burburtay kaga jiraan? Waa su’aal muhiim ah oo malaha dad badani isweydiinayaan. Waxa haddaba aan maqaalkan kooban isku dayi doonnaa bal in aan yara iftiimiyo kuwa horkacaya qolyaha ku taammaya in ay kala gooyaan Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed.

Tan iyo intii uu dhaqdhaqaaqii SNM gacanta ku dhigay gobolada galbeedka ee Waqooyiga Soomaaliya waxa ku guuleystay in ay hoggaanka qabaa’ilka Isaaqa qabtaan qolyo xag jira oo uu qalbigooda buuxiyay nac iyo xumaan ay u qaadeen Soomaali inteeda kale. Waxa ay dadkii wanaagsanaa ee u dhashay Hargeysa iyo inta la haybta ah ay ku jujuubeen in la naco asalka ay ka soo jeedaan ee Soomaalinimada ah. Waxa ay ka dhigeen wax la isku caayo erayada ay ka mid yihiin Soomaaliweyn, Federal iyo Xamar baa nalagu celinayaa. Waxa ay dadweynaha ku beerlaxowsadaan waa dadkii inna laayey iyo adduunku Koonfur sanka ayuu ka qabsaday ee innagu yaynaan ku dhex milmin.

Ragga maanta hogaamiya siyaasadda mashruucaas lagu asturay magaca Somaliland waa kuwa cuqdadi qalbigooda dhaamisay ee ku hadaaqa erayada ay ka mid yihiin wiilka Xamar ku dhashay waxa iga xiga kan xabashiga ah. Waa kuwa dadweyne Soomaaliyeed u dhiibay cadowgoodii oo dhaafsaday iyaga oo malahooda leh waxa ay hore u dhigaysaa hamigooga ah ka go’idda Soomaaliya. Waa kuwa uu ku tilmaamay syaasiga Cusmaan Jaamac (Cusmaan Kalluun) oo laftiisu ka soo jeedda degaanka Burco Ciil kama korayaal aan ka badin waa nala laayey.

Bal akhristow barbardhig kuwaas awooweyaashoodii ahaa Faarax Oomaar, Sh Bashiir, Maxamed Xaaji Ismaaciil (Barkhad Cas) iyo raggii kale ee badnaa ee u soo halgamay xorriyadda Soomaaliyeed. Bal xusuuso halka uu ka taagnaa Alle ha u naxariistee Faarax Oomaar markii uu lahaa dalkaygu iyo dadkaygu ka yar wax la kala gooyo. Bal xusuuso Sh. Bashiir maalintii la dilay ee maydkiisa bannaanka la dhigay halka uu ka taagnaa Soomaalinimada. Ciil kama korayaasha maanta hor kacaya mashruuca loo bixiyay Somaliland  sida Ismaaciil Faqash, Cawil iyo Ina Cali Waraabe waxa ay qabaan in aanay Soomaali waxba la wadaagin. In laga tarxiilo Hargeysa iyo magaalooyinka kale Soomaalida aan haybtoodu ka soo jeedin degaankaas. Waa kuwa ku kallifay wadaadadii Islaamka ahaa ee reer Hargeysa in ay sannad walba u duceeyaan askarta Ingiriiska ee ku xabaalan Hargeysa, islamarkaana ina ay siyaartaan qubuurahooda. Bal is barbardhig Barkhad Cas maalinta uu ku geeraarayay Aan Ooyee Albaabka ii Xidha isaga oo diiddanaa in uu soo dhaweeyo  mid ka mid ah qoyska reer boqorka Ingiriiska oo booqasho ku timi Hargeysa iyo Adna Aadan Dhakhtar oo ku hadaaqaysa Boqoraddu  waa hooyadayo annaguna waxaanu nahay agoontii uu ka tegay ingiriisku. Waa mucjiso!

Waxa iyana mucjiso labaad noqotay meeye hal abuuradii iyo abwaanadii caanka ahaa  ee reer Waqooyi Galbeed sida Cabdi Qays iyo Gaariye? Maxay tolow uga aamuseen arrinkan dhaqanka Soomaali ku cusub ee ay tolkood la yimaadeen? Mise iyagaaba la qaba! Abwaanadii hore sida Tima Cadde, Xaaji Aadan Af Qalooc iyo Barkhad Cas hadday maanta nool yihiin kollay lama soo mariyeen fikirkaas asal nacaybka ku abtirsada ee kuwa maangaabka ahi horkacayaan.

Waa yaabka yaabkii ! Waa calaamo hor leh oo uu Ilaahay Soomaalida ku soo kordhiyay. Waa kuwaa maanta qolyaha u tafaxaydan kala goynta Soomaaliyi diyaarka u ah in ay xabbad ula yimaadaan kuwa diiddan in la kala gooyo Soomaaliya sida reer Laas Caanood oo kale. Bal maxay reer Laas Caanood ku raacaan fikirkaas asal diidka ah ee ay qabqablayaasha ka yihiin Ciil kama korayaasha  u tafaxaytay in ay Soomaali god ku hubsadaan? Gabadh Soomaaliyeed oo su’aashaas ka jawaabtay ayaa tilmaantay in aanay  suuro gal ahayn in ay marna talo la wadaagto qolyaha aaminsan arrimahan soo socda: 

  1. Waxay tidhi dooni maayo in aan raaco ninka Soomaalina ka cararay shisheeyahana qaraabaystay
  2. Dooni maayo in aan raaco ninka shacab Soomaaliyeed ka tarxiilay Hargeysa iyo Burco sidaan ku maqli jiray Carabaha
  3. Dooni maayo in aan raaco kuwa siyaarana qubuuraha gaaladii awooweyaashayo guumeystay, Ilaahayna u baryaya in uu jannadii ka waraabiyo
  4. Dooni maayo in aan raaco kuwa maalin walba ku xidhxidhaya Hargeysa dad laga raacay haybtooda oo keliya, qaarna loo dhiibay Axmaaro
  5. Dooni maayo in aan raaco ninka ku dhiiran had iyo jeer ceebaynta Soomaali iyo ammaanta cadowga iyo kuwa asalkooda karaahiyaystay.

Shantaa hal ee gabadhaasi sheegtay iyo qaar kale oo badan oo dhammaantood gar ah bay u horseedeen shacbigii sharafta lahaa ee galbeedka waqooyiga Soomaaliya nimankaas majaaniinta ah ee shaydaanku u gacan haadiyay. Hayb sooc iyo nacayb aan Soomaalida kale la wadaagin bay ku abuureen shacbigoodii. Duulaanka ay maanta ku soo qaadeen Laas Caanoodna way ku jabayaan sababtoo ah gardarrada Ilaahay hore ayuu u nacay.

Haddaba akhristayaasha sharafta leh waxaan usoo jeedinayaa in ay Ilaahay u baryaan in walaalohoodaas habowga la geliyay Rabbiga awoodda lehi ka dul qaado shayaadiintan hogaanka u qabatay. Aamiin 

Gabagogabadii maqaalka waxaan ku soo gunaanadayaa maansadan gaaban 

Hal baa geela cunis iyo     cabaad lagu necbaadaa
Ama qaar cadhoobaa       la cagaajiyaayoo
cid la' loo eryaayoo          ciyaaladu uleeyaan

dadka ceebihiisana       qaar baa cadhoodoo
mudanaha cid ugu xiga      cidhibtiyo boqnaha jara
misnah abid cataw iyo       ciil qab weligii daynayn

caynkaa waxaa u eg           isaaqii colaad iyo
cadownimada beeraye      casar weerar qaadaye
madaafiic cartamaysiyo     caarad dhuubta qaataye

ciidan dowladeed iyo           caruur iyo cirrooliyo
cashiiriyo mid caabuda       cawl giirta kaga dhigay
miyaa haatan caaqibo          nagu soo cawaansaday

cayn kalaa wuxuu yahay      cidaha reer woqooyigu
gaalo cidhib tirkeediyo         iska cabin  mooyee
goormaa la caabuday oo       qabuurahoodii la cafiye

cududdii daraawiishee          cadowgii kufaartii
carradeena soo galay            caalamkoo markhaatiya
cishriin sano la dirireen        goormaa la caasiyey

ciilkii sheekh Bashiir iyo      codkii Faarax Oomaar
gaalo waxay casilayeen         goormaa la caasiyey
calankeenii curadka ahaa       goormaa la caasiyey

suldaanii cisiga weynaa           cabdillaahi geenii
ma Ina Cali Waraabaa              ka caweeya beertii
Tima Cadde cokiisii                 ma Faqash bow cimaamadan
waa maxay celceliskani         carsaanyada sideedii
caku dunidan carartaye           calagyadu u taliyaan

Maxamed Hirad
San Diego California
Xagar2000@hotmail.com
  

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD