SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - FAALLO
 
Daabaco Boggan | Print

 Dhalinyarada Soomaaliyeed  waa in ay  Uguntada Badbaadinta Qaranka Hooyada iyo Dhalaanka    

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com
SomaliTalk, Nairobi, Kenya

Nov 21, 2004

Guud ahaan dhaliyaradu waa mustaqbalka iyo hurumarka wadanka iyo jiilka danbe ee saldhig unoqda Burbur Horumar iyo Farxad iyo Wanaagba , 

Sida aan kawada dharagsanahay xoriyada aanu maanta harsaneeyno waxaa keenay geesiyaal mudanayaal Boqoradii S.Y.L oo kala ahaa Muwaadiniintan aana marna ilaawi doonin  qalbigeena iyo maskaxdeenana ku wayn waa kuwaan magacyadi Dahabka iyo Dheemanka Nooga Qaalisanaa  

  1. Yaasiin Xaaji Cismaan
  2. Xaaji Maxamad Xuseen
  3. Cabdulqaadir Shiikh Sakhaawodiin
  4. Khaliif Huudow Macallin
  5. Maxamad Cismaan Baarbe.
  6. Cismaan Geedi Raage
  7. Maxamad Faarax Hilowle
  8. Dheere Xaaji Dheere
  9. Sayidiin Xirsi Nuur
  10. Maxamad Cabdalla Xayeesi
  11. Maxamad Cali Nuur
  12. Cali Xasan Maxamad "Verdura
  13. Daahir Xaaji Cismaan

Waa geesiyaal naftooda maalkooda waqtigooda uhuray Xoreenta Dalkooda iyo ku hagida Umadooda mustaqbal iyo nolol iftiin badan laakiin dadaalkoodii waxaa ku dheelay Halgankoodii rag lamood aan rag aheen una baratamaya qabiil iyo dano gaar ahaaneed, 

Ujedadeeyda ma aheen in aan maqaalkan uga hadlo halgankii iyo gobonimo doonkii Geesiyadii S.Y.L balse maadaama ay ahaayeen furayaashii gobonimada iyo ragii dhibka badan usoomaray helitaanka Maandeeq aana rabo in aan ka hadlo dhalinyarada ayaan ka soo qatay magacyada iyo umahd celin aan rabay in ay dadku mar kale xasuustaan geesiyaalkii horseeday Xoriyada Soomaaliya, 

Hadaan usoo gudbo dhalinyarada maanta iyo mustaqbalka Soomaaliya runti ad ayeey iigu adagtahay in aan ku sii dheeraado qoraalkan aan doonayo in aan uga faaloodo dhalinyarada sababo jira aawadood ,

Balse dhalinyada Soomaaliyeed maanta waxaa horyaala fursado badan iyadoo dhalinyarada Soomaaliyeed Sanadihii colaadaha iyo dagaalada Sokeeye ay ahaayeen Kuwo ku mustaqbal waayay dhinaca Aqoonta Siyaasada Caafaimaadka Dhaqaalaha iyo dhinac walba oo loo kaco, 

Dhalinyaradu aa horseedayaalka horumarka iyo Badbaadiyaalka Bulshadooda waana Hagayaasha maanta iyo bari

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa ay Lumiyeen kuna guul dareesteen in ay mideeyaan Figradooda Caqligooda Siyaasadooda ayna ka faa”iidaystaan Khayraadka Dhulkooda Dahabiga ah  bal eeg Badeena oo ah bada ugu dheer Afrika dhul beereedka Soomaaliyeed iyadoo ciideenu tahay Ciida ugu hodonsan Aduunka aan ku noolnahay,

Dadka Soomaaliyeed oo ah Isku Af isku Diin Isku Dhaqan ayeey dhalinyarada Soomaaliyeed ku guul daraysteen in ay ku mideeyaan hal Afkaar oo ah Nabad kuwada loolaansho, 

Dhalinyarada Soomaaliyeed waxa ay ku dadaaleen Tahriibka Qabiilka oo lagu faano ayna u haysteen in qabiilku yahay aalada koowaad ee lagu gaaro gruul, 

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Yurub iyo Ameerika ayaa ku caanbaxay in aysan waqtigooda qaaliga ah ka faaiidaysan iyaga oo tuban goobaha fadhi kudirirada ah iyo goobaha lagu iibiya qaadka halkii ay uga dareeri lahaayeen Jaamacadaha iyo goobaha wax barashada aqoontooda waa luuqada looga hadlo wadanka ay joogaan oo ma dhaafsana iyadoo dad badani ka sugayeen in ay dalka Soomaaliya ku soo laabtaan iyaga oo Aqoon ku filan leh kana qayb qaata Dib udhiska Dalkooda hooyo ee Hodonka ah balse uma muuqdaan kuwo wax uteri kara bulshada Dhibaatadu daashatay ee Soomaaliyeed iyadoo dhalinyaradaa maqan Xilka kaliya ee uga banana Soomaaliya yahay in ay waardiye ka noqdaan Safaaradaha Ajaanibta ah ee ay luuqadooda yaqaanaan marka ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya ileen Aqoon kale ma jirtee, 

Waxaa jira dhalinyaro fara ku tirisa oo goobo ganacsi kuleh Qurbaha iyo dhalinyara Boqolkiiba Hal ah oo wax ka barta Jaamacadaha Goobaha ay joogaan  

Baaq waxaan u dirayaa
bulshadeydan laayacan
maansadaan burqaneysee
baacuggiyo dareemaha
aan beerka ka alkumay
bilaash ooma curinine
waa iga baroordiiq
barbaartii dalkeygiyo
beel wada hurdeysaan
beerlaxawsanaayaa
bishaariyo bilkheyr dhaha. 

Gabaygan oo ah gabay ka hadlaya qabyaalada ayaan qormadeena maanta ku soo qaadan doonaa anagoo hadba tuduc daalacan doona,

 Dhalinyarada ku sugan Soomaaliya ayaa waxaa ay ku kalliftey dhibaatadii ka timid dowlad la’aanta baahdey wax yaabo badan oo aan cidina ku soo koobi Karin qormo maalmeed iyo bog saxaafadeed balse hadi aan hal iyo labo ka soo qaato waxaa ka mida dhibaatooyinka ay dhalinyarada soomaaliyeed dhgaxleen Qabiilka Isticmaalka Qaatka Maleshiyada Isbaarada Dilka iyo Nidaamka Iskoriska  oo ku baahay goobo badan oo Soomaaliya ka mid ah , 

Hadaba dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa maanta la gudboon in ay sameeyaan taxadar saaida iyadoo soomaalidu ku mahmaahdo Raad Arooryaad Dib looma raaco waxaana looga fadhiyaa dhalinyarada Soomaaliyeed Dadaal iyo Taxadar way si aysan unoqon Wiilki Abwaankii Ismaacil Mire ku Sheegay Gabayga isagoo leh  

Barbaar waxaad ahaataba mar baad beyddan kulantaane
Dhashu waa bishaare haddaad eebbahey barido
Oo uu boqolle wiil kuu dhashood beerka kaga rayso
Waxaad biilka siisaba hadduu turuqyo buuraaado
Bogga laga wereenyow hadduu bili haween yeesho
Hadduu baaqdo goortii uu kaco boohin kugu reebye
Buuryaqabka inaad dayrisaad kaga boqsootaye
Baddu hadday ayaan kaa liqdana kaama ba'o ciilku 

Waxa aan filayaa in qof waliba jecel yahay in wiilkiisa noqdo mid waxtara una shaqeeya qaranka iyo Bulshada Soomaaliyeed, 

Dhalinyaro waxaa nala gudboon daryeelka bulshadaan iyo uguntashada kheyraadka dhulkeena ka buuxa eeg badeena eeg Dhulkeena Soow uma baahna in aan Beeraheena iyo badeena kaluunka ka buuxa soona celino Umadeenii kala haajirtay  

Nimanyahoow bahdeennii
wey kala baqooshoo
baallaha adduunkaan
baayhoof ku wada nahay
basanbaaska nagu dhacay
waa balo lixaadweyn
badihii dalkeennee 

Hadii aan Badeena iimaansano meelna dhigano tahriibka iyo uoradka wadamada shisheeye wabiyadeena iyo beeraheenana aan u soo jeesano in aan Bacrimino runtii sida loogu ordo barwaaqo sooranka iyo Ameerika Soomaaliya loogu soo ordayaa  

kheyraadku buuxay
baamishoon la'aan bey
shisheeyuhu baljiiraan
maraakiib ka buuxshaan
si uu baaqi uga harin
xeebti babaca-dheereed
boolushoon ku dhaafaan
bad-joogtina burburiyaan
annaguna barkumataal
baaba'a qaxootigaa
bur naloo halbeegaa
barbaarteenni qarankana
waa waxey bada la quuseen
wuxuu booba laayiyo 

dabcan waxaan filaya Caasimadaha adunka waxaa laga cunaa Qudaarteena Hilibkeena Caanaheena iyo Saliideene Ceeriin iyadoon wax abaala nalooga hayn fiiri Dhuxusha iyo Ugaarta Soomaaliya Takadaha Caalamka waa iska Buux, 

aqoonyahankii aaway dhalinyaradii aaway aaway Culumadii Aaway haweenkii aaway umadii Soomaalliyeed  

Aqoonyahanadoow
baxa booqda goboladoo idil
beesha waxaad u sheegtaan
boqornimada qarannimo
baahida calanka loo qaba
iyo gacal is-biirsada.

Hablihii bahdeenoow
kuwii laiga beeroow
ama laila beeree
badni ila wadaagoow
barbarkiinna naga kaboo
bixiyoo juhdiga hura
daaweeya boogaha
iyo beerkutaalada
noo beernuglaadoo
kaalaya ila baroortaay
qabiilkana ka bayraay

idinkaa boggiinniyo
dhabta nagu barbaarshee
bi'iwaayinoow kaca
Baxsan gabadha-soomaal
booyaas intaa tahay
Yurub barafka kugu dili
anna aan baroorani
wallee waa bayuur culus.

Waxaan filayaa in dhalinyarada Soomaaliyeed waajib badan saranyahay loogana baahan yahay baadi goob iyi in ay dalbaan nabadd  hadaba dhalinyara waxa idin saran mas uuliyad ah in aad isku keentaan dhamaan Shantii Soomaaliyeed Jabiiti Waqiiyiga Soomaaliya Soomaali Galbeed iyo Waqooyiga Bari Ee Kenya Enef Dhii waxaana idinku dhaafayaa Gabaygii Saxiibkeey  

Shantaa waan dhildhilee miyaan meel ka kaladhaafay?
 Haddaan dhumucda qeexiye dhab ugu sii fiirso.
Dhanqansuulka Soomaali helay amasa dhooqeynta.
Markaan dhab u sii xogsadaan dhirif-dillaacaaye.
Dhul ninkiisi oo dhoofayoo dibad u dhuuntaagi.
 Midna ay qabyaaladi dhibtoo dhugata-liicaayo.
 Wallee abid dhiggii lama tartama dheef ma saanyada dheh.
 Inaad dhagax-dixeed wada tihiin Ina Sudaan dheegye [Timacadde]
 Anna ma aan dhadhamin inaad guusha dhugataane.
 Ka dhugbaxa qabyaaladi waa sun iyo dhuunkaale.

Axmed Muuse Cabdulle(Idaawaqaca)
Axmeddheere65@hotmail.com
SomaliTalk, Nairobi, Kenya

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD