SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

 
CALOOSHII WAX BOOBTA DIBBAY CIRIB XUMAATAA
(HAB DHAQANKA NIDAMKA MPAGATHI)
 
W/Q: Mursal Max,ed Max,uud (Garaad)
 Email: stethy1@yahoo.com
 

Nov 21, 2004

 
     Ciid mubaarak, alxamdulilaah Ramadaankii waa inoo dhamaaday. saaxiibayaal waxaan filayaa in aanan ka soo muuqanin masraxa Saxaafadda bishii ugu danbaysay, sababtuna waxay ahayd in aanan ku degdegin habsiinta iyo mucaaradida Dowladda cusub iyo bishii barakaysnayd oo nasiino iyo cibaado lagu jiray. sidaas darteed markale iy isku soo noqosho wanaagsan.
 
    Hadii aan guda galo Qormadaydda aad  ayaan ugu baahi qabney in aan dib u hananno xoriyaddeenii aan baylihiney 14 sanno ka hor, lana helo nidaam wax ka qabta dadka soomaaliyeed ee kula il daran gudaha dalka cuduradda, gaajadda, tacliinla'aanta iyo deganaansha la'aanta iyo sidoo kale kuwa ku dayacan meelo badan oo dunidda ah oo anaaneyna jirin cid u doodaa. rajadda arinkaasina waxay ku xirnayd inta bdan shirkii mudada dheer uga soconayey soomaalidda wadanka kenya, oo ugu danbeeyntiina lagusoo afjarey dhismaha gole sharci dejin oo ka kooban 275 mudane, gudoomiye barlamaan iyo ku xigeenadiisa. waxaana ka danbeeyey in si rasmi ah loogu dhaariyo c/aahi yuusuf madaxweynaha 5-ta sanno ee soo socota 14 ikii Octobar.
 
 
       Arintaasi aad ayeey kor ugu qaadey niyadda guud ahaan Umadda soomaaliyeed ee Nabadda iyo horumarka jecel, hase yeeshee in badan ayaan ku farxin ninka ku soo baxay jagadda ugu sareeysa dalka, waayo beey leeyihiin waa nin ku caan baxay xusuuqa dadka, isagoo afkiisana ka qirtey in uu yahay ninkii ugu horeeyey ee Qaranka Soomaaliyeed xabad kala hortaga! Dadka naqdiya Odayga waxay ku doodaan in askariga soomaali aaney dooran, taas bedelkeedase ay doorteen 180 shaqsi oo la ogyahay sida markooodii horeba ay ku soo galeen barlamanaka iyo sida markii danbeba ay afka ugu buuxsheen Dowladdo aan jeclayn horumarka somalia si odaygu ugu soo baxo. Hadii dooda nuucaas ihi ay dhab tahay waxaa la oran karaa kuwaasi ma,ahan xildhibaano ee waa khaa'inu wadaniin dhaafsaday beeso xaaraan aha aayaha Dadkooda iyo Dalkoodaba. 
  
      Sikastaba ha ahaatee C/laahi yuusuf wuxuu ku sheegay xafladdii caleemo saarkiisa in wuxuu horay u ahaaba, haatan iyo wixii ka danbeeya looga tashaddo Nin Nabadeed, isla markaasna ay xaaraan tahay in Xabad loo adeegsado Goboladda waqooyi! hadalkaasi wuxuu ugu yaraan yididiilo ku beeray  dadka aan jeclayn Madaxweynaha, balse ay wax walba kala wayntahay Qaranimadda sharafka iyo karaamadda ay leedahay. sidaas aawadeedna waa qasab in la aqbalo shirkii mudada dheer laga dhursugayey mirihii ka soobaxay, si looga gudbo waqtiga adag ee xiliga kala guurka.
 
    Tan aan doonayo in aan toosha ku ifiyo ee iila muhiimsan qormadaydda waxa weeye in Raga ku jira nidaamka Mpagath ay doonayaan in ay qaadaan wadadii fashilka, taas oo dhabar jab ku ah waaga u dilaacay Umadda somaliyeed. sida aan ka wada dheehan karno  waxyaabaha soo socda ee ay ku kacayn.
 
1. in ay go,aamiyeen in wasiirka 1aad laga qaadan karo gudaha Barlamanka oo kaliya.
2. in sidoo kale xubnaha ka mid noqonaya xukuumadda laga dhexqaato gudaha Barlamanka.
3. in uu jiro Olole wayn oo lagu doonayo in looga weecsho caasimadda mugdisho,iyadoo C/laahina inbadan ka meer meeray in uu tagayo Xamar.
4. Goodis iyo hanjaabd joogto ah oo loo jeedinayo Culimadda somaliyeed, iyadoo laga hayo C/laahi "waxaad qarsato way ku qurunsadaane waxaa jira qaswadayaal aan damacsanahay in aan gacan bir ah ku qabano. Dhamaan qodobadaas kor ku xusan iyo kuwo kasii badanba waxay si cad uga hor imaanayaan dib u heshiisiintii looga fadhiyey Nidaamka cusub.
  
 
      Hadaba su'aasha is waydiinta lihi waxa weeye. Haddii si xal loo gaaro loo dhaafay Barlamankii, tiiyoo la ogyahay inta ay dhibaato gaysteen iyo inta madaxooda u go'day. Haddii wixii ay khalad sameeyeen laga dhigay xalay dhalay, oo Dagaal oogihii loogu bedelay Xildhibaan. Hadii Tanaasulkii ugu waynaa loo sameeyey, oo xitaa qaar ka mid ah Darawaladoodii iyo Ilaaladoodii loogu daray Golaha sharci dejinta, iyadoo ay suurta gal tahay in qaarkood aanay wax qorin. in ay hadana markale yiraahdaan cid aan inaga ahayn dalka wax ka noqon mayso oo ay wax walba isla doonayaan kaligood sow kuuma muuqanayso in ay ku dhaqaajiyeen wadadii fashilka?
 
    Si kastaba ha ahaatee kani waa jaaniskii ugu danbeeyey baan filayaa ee Shacabka Somaaliyeed, waayo cid isku howlaysa hada ka dib ma'ay jirayso, mar hadii loo qabtay shirkii dib u heshiiiinayd ee ugu mudada dheeraa. Khatarta jirtaahina markaan waxay tahay in somalia loo waayo oo ay u lunto as a nation ama qaran ahaan. xaaladaas qalaafsana ha ogaadaan in mas'uuliyadeeda ay dhabarka u ridan doonaan madaxdda mpagath, looguna buuxin doono buugooda madow baalasha yar ee ka harsan.
 
TALO SOO JEEDIN
    Waxaan jeclahay in aan si toosa ugu jeediyo taladaydda hogoonka mpagath. C/laahiyoow waxaa ku horyaala arin adag, hadii aad ka dhabayso sidii aad ku balan qaaday  in aad noqoto nin nabadeed markaasi waad ka dabaalan doontaa, taariikhdaadana waxaad ku soo afari doontaa qayb dahabiya oo si wayn laguugu xasuusto, kaana meeyrta midii hore. Dadka soomaaliyeedna ilaawshahoodu ma dheera oo waxay ku xirantahay in aad is waafajiso qolkaagaas iyo ficilkaaga. Sidaas darteed ku dhaqaaq dib u heshiisiin dhab ah adigoo ka bilaabaya cadaadis aad ku saarto Barlamanka in ay ka laabtaan go'aankii ay ku gaarayn in dhexdooda uun laga qaato xubnaha Dowladda. waa in sidoo kale aad ku soo darto golaha xukuumadda aqoonyahanka u taanaausalay kooxaha dagaalka ee aan gelin Barlamaanka, iyadoo looga faa'iidaysanayo laba ahmiyadood oo ay leeyihiin, oo kala ah aqoontooda oo loo siiyo jaanis ay wax ugu qabtaan dalka, iyo dib u heshiisiinta oo dakii lawada gaarsiiyo.  
 
      Arinta kale ee muhiimka ihi waxay tahay in aad ka laabato go'aankagii halka dhan ahaa ee aad ku dalbaneysay ciidamo shisheeye. waana in arinkaas wax laga waydiiyaa qayba bulshadda oo dhan,gaar ahaan 1.Golaha sharci dejinta waloow aanay irin sadaal ah in aay kaa hor istaagaan waxaad rabto, 2. Ragga hubaysan ee la doonayo in hub ka dhigista laga hirgelsho goobaha ay maamulaan, 3. Aqoonyahanka ku sugan gudaha dalka ee xog ogaalka u ah xaaladda jirta 4 iyo Culima udiinka somaaliyeed oo aan kaalintooda marnaba layska indho tiri karin.
   
    mr colneele hadii aad qaadatid talooyinkaas waxaan hubaa in ay tahay Talaabo geesinimo oo taariikhi ah oo loo qaaday xagga Dib u heshiisiinta iyo Dimoqraadiyadda. Hadiise aad igu gacan sayrto sida ay u badantahayba, maanka ku hay in ay caalamka ka sii idlaanayso kaligitalisnimo, aanayna jirin bulsho ogolaanaysa in ay u jajuubnaato shaqsi ama shaqsiyaad!!
 
 W/Q: Mursal Max'ed Max'uud (Garaad) Email: stethy1@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD