SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Sideey isu qaldeen walaalaha Hargeeysa ee hadda soo miyirsanaya!
A.Dirir
burashadley@hotmail.com

Waxaa dhab ah in Somaalidu ay is xan ogtahay oo qolo walbana wax lagu sifeeyo, matalan beelaha Waqooyiga ayaa waxaa lagu lamaaniya fudeydka waana tan la yiraahdo,"Isaaq sal fududaa ee wuxuu sugayey muu dhowro". Tusaalana waxaa u ah sidii ay ugu degdegeen goosashada iyagoo taagtoodu dhameyn in ay xad ayan laheyn tegi karaan.Khaladkaasna inkastoo dadka qaarkiis ay garanayeen intaasi socon karin sida Cigaal iyo Tuur oo markii dambe garawsaday in Somaalidu la kala goyn karin ayaa hadana dadkii shacbiga iska ahaa wali waxay ugu dhegan tahay dawlad baanu nahay.Goosashaduna markeedii horeba kuma jirin dastuurkii SNM ee waxaa ku khasbay Mingistu oo isagiiba  dalkiisii kaga cararay.

Siyaasiyiintuna , taas waxayba ka dhigteen arrin ay adeegsadaan si ay jeebka ugu shubtaan canshuuraha yar ee soo xarooda. Ilaa iyo maantana , dhabihii uu Cigaal wax ku cuni jiray ayaa sii socota iyadoo tuuganimadaas la sheegayna cid ishortaagtay ayan jirin, walina uu Riyaale lacag haaraan ah uu urursado inta goori goor tahay ee Dawladda cusucb ay arrimihiisa soo galaangelin.

Waxaa la wada xasuustaa in Itoobiya dhowr jeer ay ku celcelisay in ay taageersan tahay midnimada Somaalida & walibana in ciidamo la geeyo, sidaas oo kale ayey Jabuuti  iyo wadamada kaleba ayey qabaan .

Xaqiiqdaas oo jirtana waxaad arkeeysa kuwo iyagu been aan jirin dadkooda kula dhex wareegaya oo u sheegaya war raad aan laheyn ay ku masabidanayaan dawladaha iyagoo leh:-
 
* Shirkii Keenya anaga kuma jirin oo beentaasna caruurta xataa aan ogolaan karin inkastoo dad   waaweyn ay iska dhaadhiciyeen.
 
*Sheegashada dimoqraadiyadda, waxaan ognahay in Riyaale oo cadaabay reerka SNM uu jagadaas  ku helay oo qura markii reerkii SNM ay dagaaladii qabiilka ahaa isku naceen, kana cabsadeen  in haddii Sillanyo  guuleysta uuna madaxweyne noqdo in dagaal kii hore ka daran kana cawaaqib  xun uu dhici doono, sidaas darteedna in dantu u tahay in si kumeel gaar ah ninkaan daafaha ah uu  meesha iska fadhiyo.
 
*Xad-tegidda, taas hadaad u fiirsato waa maaweelo , sidaasna waxaan u iri markaan arkay iyagoo   marar badan dadka masaakiinta ah ku shuqlinaya mar kasta oo duruufo adag ay Riyaale ka hor  yimaadaan.Waxaana la xasuusta markii uu Siilaanyo ku hanjabay in uusan ogolaaneynin in kuwii uu la dagaalamay ee Riyaale, Qaybe, Ismaciil in maanta xukumaan ayaa waxaa la ogyaahay jawaaabtii Cawil uu ka bixiyey . Wakhtigaasna Cawil wuxuu ku tilmaamay Siilaanyo nin qeyral mas'uul ah oo markii magaalooyinka ay SNM soo gashay ku soo cararay London ee uu khamriga ku cabi jiray.Cawil sida aan wada xasuusano aflagaadadaas ee caanka ku yihiin reer waqooyiga qaarkiis kuma ekaanin ee wuxuuba ku sii daray in uu hayo cadeymo sheegaya in Siilaanyo uu dialy rag saraakiil ahaa oo ka tirsanaa SNM, lana keeni doono maxkamad.Waxaa la garan karaa in Cawil uusan keeni karin maxkamad Cawil oo bar madow wajiga kaga taalo ee kabo qaadka u ahaa Siyaad Bare sida dad badan ay ogyihiin,tasina waxay abuurtay in dadkii lagu jiheeyo xadka ayaan tageeynaa oo baajisay isku dhac.Waxay soo socotana , markii Inj. Moxamed Xaashi uu qiray xoolaha uu Riyaale dhacay iyo in dhacaas uu sii socdaba, ayaa markaanna Riyaale mar kale uu karkii xadka isticmaalay.Waxaas oo dhan waxaaba ka sii dambeeyey shirkii ay lahaayeen naga khuseeyo iyo Abdullahi Yusuf lama dooran karaba in ay beenoowday.
 
Haddaba, dadkii oo ku soo jeesan raba guulwadayaashii Siyaad ayaa mar sadexaad si dadkii loo indho tiro waxaa dagaal lagu soo qaaday P/land oo jabkii ka raacayna la ogaa.
Maanatana , wax weyn baa isbedalay mana joogno wakhtii uu Shekh Madar ku been dhaartay ,'Wallee Garoowaan geli", sidoo kale waxaa shiiqay hadalladii ninka toloobay ee la yiraahdo Fu'aad Adan Cade, sabatuna waxay tahay waxaad moodaa xoogaa in runta runteedii loo dhow yahay iyadoo lagu garan karo sababaha hoos ku qoran:-
 
1.Markii bayuurta ay ka raacday dadkii dawladnimada loogu soo sheekeey boholaha Hargaga, qaar badan laga qabtay.
2.Markii ay waqooyigu ay dileen maxaabiistii la qabtay , walibana Hargeeysa ay dhuumaaleeysi ku noqdeen kuwii ka soo jeeday Hartiga  sidi YUHUUDII oo ceebtaasna ay qirteen .
3. Markii Saleebaan Gaal uu ku soo hungoobay  Burco, laguna yiri anaga iyo Habar yoonis baad dab na galisaye mar kale noo celin meeysid.
4. Markii  H. yoonis iyo beelaha kale ee degga Waqooyiga ay cadeeyeen in ayan ku jirin dagaalka gardarrada ah Riyaale. 
5.markii uu ka baqay Riyaale in cunaqabateyn lagu soo roggo sidii uu u sheegay Wasiirkii Ingiriiska.
6.Iyagoo ay  yaraaty rajadii aheyd in qabqablayaasha Xamar oo indho ku gaaraadlayaasha ah ay carqaladeyn doonaan dawladda oo dhamaantood taageersan.
7. Iyadoo aduunka oo dhan uu ictiraafay dawaldda madaxda uu ka yahay ninkii berri horeyba cidlada iska mariyey S/land intuu madaxada ka ahaa Puntland.
 
Gabagabadiina, waa Illahay mahadii haddii ay bilaabeen in ay wax gartaan walaalaha Hargeeysa si Somaalida loo kala badbaadiyo, taasoo aad ka dhadhansan karto in meel fog ayan jirin.Hadalkeeygiina waxaan kaga baxay hadal maanta lagu soo qoray Jamhuuriya ee Hagi Abdi Waraabe uu ku yiri si aan dawladnimo aheyn,"Cabdullahi Yusuf weligii wuxuu doonayey madaxweyne, dee maanta wuu hayaa Madaxweynenimadii oo isaga ayey dani ugu jirtaa in uu ka baydho wadadii hore {ee dagaal oogenimada} oo uu nabadda u leexdo. Waxaanan leeyahay cabdullahi Ysusufow waxba ha warwareegine in Somalli aad nabd ka dhexdhaliso ayey dani kugu jirtaa. Heshiis walaalnimo mooyaane cidna qoor-qabadwaxba lagaga qaadi maayo".
 
Marka waxaan soo aragnay kuwo badan oo ka af adag walaalaha waqooyi sida qanyare , Caato, Muse Suudi oo Illahay sacabka xabadka u mariyey oo mar qura isbdelay , sidaas darteedna  kuweena waqooyina sidaas oo kale ayaan Illaah uga baryey, ee Allaha aqbalo
 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD