SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Mustaqbalkii Ubadkeena oo  la Marooqsaday

hashi
Email: madaalaha@yahoo.co.uk

Nov 21, 2004

Aqristooy marooqsiga ulama jeedo mid beeleed sida in badan laga yaabo ineey durbaba uqaataan balse aqri baaqiga.

 Waxaa qof kasta oo soomaali ah lana socda taariikhda wadankiisa uu ogyahay siraaca ku dhisan diinta dalka iyo dadkaba ee soojireenka ah  kana dhexeeyey itoobiya iyo dalkeena somaliya laga soo bilaabo imaamkii axmed  gureey ilaa iyo hada oo ummada soomaaliyeed shishacii lagu qalayey eey usaarantahay maamulka itoobiya ee Zenaawi iyagoo adeegsanaya inta kula jaalka ah u xaqiijinta danahooda gumeeysi ee ku fadhida siyaasada iyo istiraatiijiyada fog ee uu dhigay macalinkii mingiste, loolankaas aan soo sheegay oo u dhexeeya somaliya iyo itoobiya ayaa ah sida kan udhexeeya yuhuuda iyo falastiiniyiinta waa su aale aqristoow suurtagal ma tahay in falstiiniyiintu udhiibtaan taladooda yuhuuda loolankuna halkaas ku dhamaado???. 

Waxaa nasiib daro ah in maanta c/laahi yuusuf oo aan ognahay xiriirkiisa indha la aanta ah ee uula leeyahay cadowga somaliya eey taladii gacanta u geliyeen kuwa aan daneeyneeyn, dareemeeyn  mustaqbalka caruurta somaaliyeed ee mugdiga sii galaya shalay markuu lahaa anigu itoobiyaan ayaan hay figrada dhulka ka dhexeeya somaliya iyo itoobiya waa figrad gaboowdayna aaneeyba ka war qabin kuwa umada ineey metelaan iska dhigaya  sidoo kale waxaa raisul wasaare looga soo magacaabay xaga adis ababa mr geedi oo ahaa ninkii inta badan hogaamiye kooxeedyada koofurta soomaliya ineey abuurto itoobiya suurta geliyey kana shaqeeyey in uu kuxiro itoobiya iyagoon aqoon wax xirir ahna la laheeyn  sida maxamed dheere hiloowle,qalaad iyo rag kale  oobadan waa nin gacan yare u ah itoobiya isaguna waxaase shacabka lagu maaweelinayaa oo lagu qaldayaa awood qeeybsiga qabiilka maxaase ku hoos laaban ???.

Xubnaha wasiirada la soomagacaabi doono ayaan la magacaabi Karin ilaa safiirka itoobiy u fadhiya Nairobi uu soo ogolaado oo uu ka dhex arko ragiisii, waxaa sidoo kale nasiib daro ah in kaalintii dheelitirka siyaasada geeska afrika eey kulaheeyd jabuuti eey baa ba' do in kastoo abaalki iyo wax qabadkii walalaha reer jabuuti ee carta laga dhigay hal bacaad lagu lisay hadana jabuuti ma aheeyn ineey sidaas uga harto mustaqbalka somaliya iyadoo aragta danaha Itoobiya kadib markii eey xagal daacisay dowladii carte lagu soodhisay oo taageero ka heeysatay wadamada caalamka carabta iyo islaamka,itoobiya  waxeey Nairobi ku diyaarisay dastuur kaasoo eey ku qornaayeen in afka soomaaliga loo qeeybiyo maay iyo maxaa tiri in diin kale lagu faafin karo somaliya in carabigu yahay luuqada 3aad iyo in badan ookale taasoo dagaalkii uula galay c/qaasim uu ku guuleeystay in la bedelo qodobadaas oodhan laakiin faanoole fari kama qodna oo waxaa ku haray dasturkaas in cid aan ku jirin baarlamaanka( ooka kooban ita badan hogaamiye kooxeedyo aan wax cilmi iyo khibrad ah laheeyn iyo macalin dugsi yeedyo –malcaamad- aan siyaasad waxba shaqo kulaheeyn) eeysan dowlada wax xil ah ka qaban Karin taasoo eey ka horeeysay fogeeyntii dadkii aqoon yahanka soomaaliyeed ahaa oo shirka loodiiday sida c/risaaq xaaji xuseen waxaa   shirka   itoobiya ka ceeyrisay cali khaliif oo aad uga soo horjeeday istiraatiijiyada itoobiya safiirki itoobiya qaramada midoobay ufadhiyey c/majiid iyo zenaawina si kulul u weeraray iyo c/qaasim oo ugu danbeeystii daaqada laga saaray kadib markuu 4 sano hortaagnaa intaas oo idil waa sidii eey ugu suurta geli laheeyd itoobiya ineey ku guuleysato riyadeeda ah in soomaliya eey noqoto zoon ka mid ah zoonanka itoobiya hoostaga iyadoo cid aqoon leh kana madax banaan aaneey marna door kuyeelaneeyn geedi socodkaas iyo halka alagu hayo talada soomaalida iyadoo soo dhoweeysaneeysa kuwa u shaqeeya iyo in aan fahmi Karin qiyaanoyinkeeda oo kaliya . 

Itoobiya iyada oo heeysata soona diyaarsatay fursadahaas aan soo sheegay oo idil aheeydna tan eey ka socon la dahay nabada soomaaliya hadana waxaa horyaal shacabka soomaliyeed labadaran mid dooro :

Waa tan horee hadii eey ku hirgasho riyada itoobiya sidaan oo dowladaan Pro-itoobiyada ah eey socoto waxaa sidaas ku lumay mustaqbalki umada soomaaliyed iyo halgankii xornima doonka oo eey halyey yaal badan ku naf waayeen kuna dhamaday sidi cadowgu rabay inta wax fahmeeysa ama wadaniyada ku jirtana banaanka ayey wareegi doonaan oo wadanka cag sooma dhigi doonaan inta aan argtidaas laheeyna waxaa lagu maaweelin doonaa sida hadaba la hadal hayo in qabiil wax lagu qeeybsanayo laakiin qabiilada kala duwan cida ka imaaneeysaa waa pro-itoobiya dhamantood dad badana khatartaas ma arkaan ee waxeey u riyaaqayaan in beeshooda xubin hebel  la siiyey ama shaqsi hebel uu madax yahay oo kaliya oo aaneey jirin aragti ka danbeeysa oo eey u muuqato qatarta mustaqbalka ku soo fool leh dadka iyo dalka intaba   .

Tan labaad hadii eey socon weeyso sida ifa- faalaha hada umuuqdaan waayo mucaaraddada gudaha iyo gobolada dalka iyo u dhabar jeedinta wadamada carabta oo marka laga reebo yaman(oo dullaal ka raadsaneeysa lacagta dib udhiska culeeyska qaxootiga in laga dul qaadana door bideeysa maadaama eey kubiireeyso khaliijka 2005) u muujiyey diidmo madaxweeynaha  sida masaarida oo siyaasada soomaalidu ka saameyneeyso biyaha niilka isla markaana ah wadanka ugumuhiimsan carabta xaga hogaaminteeda,milatari ahaan iyo xiriirkeeda ameerika  afrikana ku jirta una aragta madaxda la wareegtay dalka somaliya ineey yihiin kuwa aad uga fog iyada ayaa madaxweeynaha marar badan u diiday dal ku galkii tegitaankiisii tacsidii carafaadna aaneey cidina kusoodhoweeyn wadanka marka laga reebo safiirka somaliya u fadhiyey qaahira  taasoo uuka hadlay madaxweynaha laftiisa mar uu siiyey wareeysi jariidad sharqal awsad oo uu  u sheegay in dhibaatadu ka taagantahay itoobiya iyo masar dhexdoda iyaguna eey ku dhex baa ba' ayaan, caamir muusa oo ku xiray in dowladu nabadeeyso dalka furto garoonka diyaaradaha  muqdisho islamarkaana kasbato kalsoonida shacabka oo dhan si jaamacada carabta taageeradeeda loo helo    iyo madaxweeynaha oo aan xisaabtaba horay ugu darsan in itoobiya eey keento uun soomaaliya miinooyin, bambooyin iyo risaas ee aaney dhaqaale uheli karin somaliya xiriir ficana aan la laheeyn wadamada carabta   oo soomaaliye eey ka tirsan tahay dhaqaale ahaana aaneey ka maarmin waxaa sidookale aan waxba ka soo naasa cadaan safaradii iyo booqashadii wafdiga madaxweeynaha ee wadamada sucuudiga qadar iyo imaaraadka ooshuruudo kuxiray dhamaantood dhaqaale eey bixiyaan iyo aqoonsi intaba  iyadoo eeey jiraan kooxo mucaarad ah oo wada hadalo dowlada lagu diidanyahay iyo qoraalaba siiyey wadamada carabta sida c/nuur darmaan ooka qeeybgalay aaskii sheikh zayid isago somaliya ka socda lana hadlay wiilka dhaxalka la wareegay  iyo muqtar guudoow oo jaamacada carabta qoraal u diray labadaas nin oo iyaguna maamul sheegta.

dagaal kaas diblomaasiyaded ayaadhiirin gelin doona in badan oo hada aashuunka ku adimeeysa sidii tii carte kudhacday oo kale oo itoobiya laga wici jiray inta mucaaradkaa aya muuqata in inta mucaaradkaa laga wici doono liibiya,qaahira iyo meelokale oo carbeed su' aashuse waxeey tahay hadii sidaaas wax ku dhamaadaan oo

eey lunto 5 sano ookale shir kalana dib leeysugu yeero waaba hadii fursadaas la helee magaalada kambala ee ugandha iyadaa harsane waayo cida qasaarada qabtaahi oo nasiibka daran ((SHACABKA SOOMAALIYEED EE NASIIBKA DARAN)) sow laba daran mid doorro maaha??  

Ugu danbeeystii waxaan ugu baaqayaa umada inteeda indheer garadka ah jecel mustaqbalka dadlkooda dadkooda iyo ubadkooda aqoon yahanada waxgaradka culumaa udiinka iyo inta wax qortaba iney arintaas fiiro gaar ah u yeeshaan kana dhiidhiyaan waayo maanta ayuu dalkaagu kuubaahanyahahay hogaamiye kooxeedyadu ratigii u rarnaa halkaas aan arkeeyno ayey ku fureen cida laga doonayo ineey kala wareegaan waa inta aan soo xusay iyo intii dareen nadiifa ku danbeeyo oo ka fog caadifad qabiil qof jecleeysi iyo dano gaara oo meelna cid geeyneeyn si loo badbadiyo mustaqbalka ubadka soomaalliyeed. 

Walaahu waliyu toowfiiq.

Muuqaalka Meles Zenaawi oo ku riixaya c/laahi iyo geedi gaari taayaro danbe aan  laheeyn  

By :   hashi
Email: madaalaha@yahoo.co.uk

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD