SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - XORIYO
 
Daabaco Boggan | Print

Barnamujka caawa Radio Xoriyo ka baxaya waxuu ka kooban yahay.

  • Dagaalo dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya.
  • Roobab Ogadenya ka da’ay laakiin aan lagu doogsanin
  • Xukuumadda Itoobiya oo mucaaradka ugu baaqday inay doorashada ka qayb galaan.
  • Itoobiya oo heshiis Qaad loogu dhoofinayo Puntland la gashay  maamulkaasi Puntland.
  • Hay'ada NASA oo tijaabisay Diyaarad 10 jeer ka dheeraysa guuxeeda.

·        Barnaamuj gaar ah oo aanu kaga hadlayno taariikhdii Halyaygii reer Falastiin Yasir Carafaad iyo suugaan halgameed 

Dagaalo dhex maray ciidamada cadawga Itoobiya iyo ciidamada wadaniga xoreeynta Ogaadeenya. 

Sida uu noo soo tabiyay wariyaha RX ee gobolka qoraxay, waxaa si aan kala go' lahayn u socda dagaal  kulul oo ay kula jiraan Ciidamada Wadaniga Xoreeynta Ogaadeenya, ciidamada cadowga dhegaha la'a ee gumeysiga Itoobiya. Dagaaladii ugu dambeeyey ee wariyaha RX naga soo gaadhay waxaa ka mid ah: 

15/10/2004 iska hor imaad dagaal oo ku dhex maray ciidamada xoreynta Ogadenya iyo ciidamada cadawga Itoobiya meesha la yiraahdo Koora oo ka tirsan degmada Haar-Cad ee gabalka Qoraxay, ayaa ciidamada cadowga Itoobiya lagaga dilay 3 askri, 2 kalena waxaa loogu gaystay dhaawac. 

Sidoo kale 18/10/2004 dagaal gaadma ah oo ay ciidanka wadaniga xoreeynta Ogaadeenya ee aaga Dhagax-Buur ka hawl-gala, ay ku qaadeen ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa meessh lagu magacaabo Gola-Dheerti oo ka tirsan Degmada Dh/Buur ayaa ciidamada cadawga Itoobiya lagaga dilay 4 askari, waxaana la dhaawacay 4 kale oo mid ka mid ahi lasheegayo in dhaawicaas  aad ula liito. Dagaalkan ayuu taliyaha qaybta Dhagax-Buur ku sheegay mid aad loogu jabiyay ciidamada gumaysiga Itoobiya isla markaasna rasaas badan lagaga furtay.

Dagaaladaas is daba jooga ah awgood, waxaa ku dhacay ciidanka cadowga Itoobiya argagax taas oo dhalisay inay markasta amar diidaan qaarna badana ayba ka  baxsadaan qaybihii ay ka tirsanaayeen.  

Roobab Ogadenya ka da’ay laakiin aan lagu doogsanin 

Roobabkii Dayrta ayaa la sheegay inay ka da’een gobollada Ogadenya, laakiin gobollada intooda badan waxaa wali ka jirta cunto la’aan keentay macaluul, sidaasna waxaa sheegay Ururka Badbaadada Carruurta. 

Guud ahaan gobollada Ogadenya waxaa ka jirta cunto yari. Qiimaha xooluhuna aad ayay u dhacsan yihiin, macaluusha awgeed, laakiin suuqyada qaarkood qiimaha xolaha ayaa kor u soo kacaya, sidaasna waxaa lagu sheegay warbixin uu soo saaray Uruka Badbaadada Carruurta sagaalkii bishan Nofember 2004. 

Warbixintan waxaa kaloo lagu sheegay in qiimaha masagadu uu intiisii caadiga ahaa ka sarreeyo, taasoo dhibaato cunto la’aan ah soo gaadhsiisay dadka dan-yarta ah ee reer Ogadenya. Nafaqa darrada ayaa iyaduna wali fara ba’an ku hayso gobollo badan oo Ogadenya ka mid ah.

 Roobkii Gu’ga ee bishii May ka di’i lahaa dalka Ogadenya sannadkan ayaa la waayay, halka roobkii Dayrtuna dib uu u dhacay, taas ayaana keentay dhibaatada macluusha ah ee Ogadenya ka jirta. In kastoo Ogadenya lagu tiriyo meelaha uu roobku ugu yar yahay Qaaradda Afrika, haddana waxaa dhibaatada sabab u ah siyaasada macaluulinta ah ee taliska Itoobiya uu ku hayo Ogadenya. 

Xukuumadda Itoobiya oo mucaaradka ugu baaqday inay doorashada ka qayb galaan 

Xukuumadda¨katalisa Itoobiya ayaa mar kale xisbiyada mucaaradka ah ee hubaysan ugu baaqday inay hubka dhigaan oo ka qayb galaan doorashada la qabanayo bisha May ee sannadka denbe. Ururka haysta talada dalka Itoobiya ee EPRDF ayaa isagoo siyaasadiisa ka iibinaya bulshada caalamka sheegay in awoodda siyaasadeed lagu gaadhi karo oo kaliya sanaadiiqda doorashada. 

Xukuumadda Itoobiya waxay baaqan u jeedisay jabhadaha hubaysan ee kala ah OLF (Oromo Liberation Front), EPRP (Ethiopian People's Revolutionary Party) iyo AESM (All Ethiopian Socialist Movement). 

Ururka OLF ayaa isagoo baaqan ka jawaabaya sheegay inuu wadaxaajood diyaar u yahay, balse aanu wali diyaar u ahayn inuu hubka dhigo. Ururka OLF wuxuu marar badan caddeeyay mawqifkiisa ku aaddan wadaxaajoodka iyo ka noqoshada halganka hubaysan, wuxuuna horraantii bishan qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu diyaar u yaahay inuu wadaxaajood shuruud la’aan la galo taliska EPRDF haddii uu wadaxaajoodka goobjoog ka noqonayo daraf seddexaad.

 Itoobiya oo heshiis Qaad loogu dhoofinayo Puntland la gashay  maamulkaas Puntland 

Sharikad ay leeyihiin saraakiil ka tirsan xukuumadda Itoobiya oo lagu magacaabo Biftu-Dinsho ayaa maamulka Puntland la saxiixatay heshiis ay gobollada Puntland ugu dhoofinayso Qaad uu qiimihiisu maalin walba dhan yahay 270.000 oo doollar, waana markii ugu horraysay ee sharikad Itoobiya laga leeyahay ay heshiis ganacsi la gasho maamulka Puntland.

 Sharikada Biftu-Dinsho ayaa filaysa in heshiiskan uu ka soo galo dakhli gaadhaya 800 oo milyan oo doollarka Maraykanka ah, waxayna heshiiskan 3 Nofember 2004 la gashay sharikad lagu magacaabo SOMEHT oo laga leeyahay magaalada Garowe.

Labada dhinaca waxay ku heshiiyeen in sharikada Biftu-Dinsho ay maalin walba Puntland u dhoofiso Qaad uu miisaankiisu dhan yahay 7000 kg. 

Wafti ganacsato ah oo uu hooggaaminayo wasiirka ganacsiga iyo warshadaha ee maamulka Puntland Cabdi Nuur Cilmi ayaa toddobaadkii hore tegay dalka Itoobiya, kaasoo u socday sidii uu u ballaadhin lahaa ganacsiga Itoobiya iyo Puntland ka dhexeeya, iyadoo loo sii marayo sharikada Biftu-Dinsho oo xidhiidh dhaw la leh ururka ka taliya dalka Itoobiya ee TPLF. 

Sharikada Biftu-Dinsho waxaa la asaasay sannadkii 1994, waxaana saamiyadeeda isku leh shan nin oo uu ka mid yahay wasiirka khayraadka biyaha ee xukuumadda Itoobiya Shferaw Jarso. 

Qaadka ay sharikadan Itoobiyaanka ahi keenayso gobollada Puntland waxaa keeni doono diyaarado ay leedahay Sharikada Dayuuradaha ee Jabuuti, oo sheegtay inay hadda sharikadan kula jirto wadaxaajood loogu gogol-xaadhayo heshiis arrintaas ku saabsan.isagoo  Qaadkan maalin walba laga qaadi doono magaalada Diri Dhabo. 

Hay'ada NASA oo tijaabisay Diyaarad 10 jeer ka dheeraysa guuxeeda.  

Hay'ada cilmi baarista dhanka duulimaadka ee NASA oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegtay in ay ku guuleysteen tijaabada diyaarad aad u dheeraysa oo 10 jeer ka dheeraysa guuxeeda.

Diyaaradan ayaa la sheegay in saacadii ay jareyso 11.000 km taasoo ka dhigaysa diyaarada adduunka ugu dheeraysa illaa iyo hada.

Diyaaradan ayaa lagu qiyaasay in ay Nus saac u socon karto inta u dhaxeysa magaalooyinka London oo qaarada Yurub ah iyo magaalada New York ee dalka Maraykanka. Waxayna isaga kala gooshi kartaa Dalka Austraaliya iyo Yurub muddo hal saac iyo badh ah.

Diyaaradan ayaa lagu waddaa inay ka qeyb qaadato qorshooyinka ay NASA ku rabto in ay kusii hormariso duulimaadka samada sare ay ku tagaan.

Tijaabada dayuuradan ayaa lagu sameeyey hawada gobalka Kalifoorniya ee dalka Maraykanka ayadoo ay diyaaradan sii qaaday diyaarad nooca B52ga ah kadibna markii ay hawada gashay halkaa laga soo tuuray diyaarada cusub oo ka furatay diyaarada weyn ee siday, ayadoo markaa si xawaare sare ah diyaaradaasi ku martay dhul aad u dheer kadibna kusoo dhacday halkii loogu tala galay oo ahayd badda. 

C/Nuur Sh. Maxamed

 radioxoriyo@ogaden.com 
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 31 MB ee dhererkeedu yahay 9820 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD