SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Guushii xuriyada iyo fashilkii qaranimada 

C/waaxid C/lahi Shaafici
London      U.K
bukuraale@hotmail.com

Nov 21, 2004

 Dadka soomaalida dabeecad ahaan waa dad  neceb dulmiga, adoonsiga, iyo duleeysiga  waligoodna ma eeysan arag gumeeysi xoog ku qabsada dhulkooda kuna xukuma ka hor isticmaarkii reer galbeedka, gumeeysigaas iyo qaybintii shacabka soomaaliyeed ayaa galiyay  markii ugu horreeysay taariikhda, soomaalida dareen guud oo  wadaniyad, iyaga oo yeeshay hal ujeeddo, hal cadaw iyo hal yadadiil. 

waxeey halgan dheer usoo galeen sidii eey u hanan lahaayeen gobannimadooda, iyaga oo u huray naf iyo maalba, ugu danbeyntiina waxeey ku guuleeysteen  ineey helaan xaqa eey u leeyihiin ineey aayahooda ka tashadaan. 

Waxaase is weeydiin mudan maxeey soomaalidu mirihii halgankii xuriyadda-ee ahaa in la helo doowlad qaran oo ka shaqeeysa danaha dadka iyo dalkaba-ugu guul dareeysteen?  Yaase mas’uul ka ahaa marinhabaawgii ku yimid geeddi socodkii iyo fashilkii doowlad qaran oo casri ah? 

Sababta eey soomaalida u soo galeen halgaankii dheeraa ee xurriyad doonka ayaa waxuu ahaa ineey helaan doowlad ku saleeysan  caddalad, sinnaan, dhoowrista xuquuqda, karaamada qofka soomaaliga ah, iyo ilaalinta xurriyaadaka assasiga ah.  hase yeeshee shacabkii soomaalida weey ku hungoobeen  hashii maandeeq oo eey muddada dheer baadi goobayeen iyaga oo ka waayay  caanihii ey ka filayeen, ilmahiidiina ka dhigtay wax eey herti ku disho iyo wax eey cagta miriso. 

Taasi waxeey soomaalida ku abuurtay niyad jab xoog leh, waxeeyna ku noqotay filan waa in doowladnimmadii loo soo halgamay ee wabiyada dhiiga ah loo qubay, isu badashay gumeeysi cusub, waxaana ku habsaday dadkii  dulli aanan ku dhicin sida aan filayo taareekhooda, waayo ummadaan doowladnimmada lagu dulleeystay ka hor meeysan arag wax doowlad la yiraahdo, waxeeyna ahaayeen badaw xoola dhaqato ah uu ku dhisan qaab qabiil iyo oday dhaqameed, qabiil kastana sharaftiisa weey u dhoowrsaneeyd oo ma jiran qabiil ama qof kan kale gumeeysto. 

Waxaa dhacay in doowladdii la qabiileeyay oo la isku gumaaday, dhaqankii iyo xeerarkii qabiilka lala hoos galay qaranimadii, laguna tuntay xuquuqdii iyo karaamadii ilaaheey siiyay qofka soomaaliga ah.  Taa waxeey keentay in soomaalida daymo shaki ku jiro ku eegaan doowlad iyo waxii astaan u ahba, iyaga oo u arkay ineey tahay cadawgooda koowaad, ka dib markeey arkeen sida guracan oo eey u dhaqmayaaan raggii xukunka haayay. 

Dadka qaar ayaa xitaa waxeey shaki galiyeen guushii gobannimada iyo maalmihii qiimaha u lahaa shacabka soomaaliyeed sida 1-da Luuliyo.   Sanadkan bishii Luluiyo ayaa waxaan ka qeeyb galay dood cilmayeed cunwaankeedu  ahaa 1da Luuliyo ma maalin farxadbaa mise waa maalin murugo? !!! aniga oo aad u layaaban ciwaanka shirka la  siiyeey, ayaa waxaa hadana amakaag igu sii noqday dadka qaar oo ku doodayay in maalintaa eey aheeyd maalin murugo !oo sabab u aheeyd dhibkii soo garay umada oo dhan !. 

Madoonayo qoraalkeeygan inaan u kala garqaado raggii doodayay ama aan ka dhiibto fikardeeyda ee  waxa kaliya ee aan  u soo qaatay  waxeey tahay inaan ifiyo oo kaliya xaalka iyo jiha wareerka umadda heerka uu gaaray.   

Waxaa is dhex galay oo la kala saari waayay maamulkii, qarankii, shakhsigii iyo hantidii qaranka, waxeeyna doowladdii gacanta ku dhigtay dhamaan adeegyadii bulshada, dhaqaalaha, siyaasda ,militariga, amnigii, waxbarashadii, caafimaadkii ganacsigii iyo xitaa masraxii IWM, iyada oo shacabkii haba yaraatee aan looga tagin wax kaalin ah oo uga aadan ka qeeybqadashada dhismihii qaranka.  

  Arrintaan ayaa ka tarjameeysa sababta eey soomaalida har cad u bililiqeeysteen dhamaan xafiisyadii iyo xarumihii doowladda , ka dib markii xukuumaddii hore laga saaray muqdisho, waxaan aaminsanahay haddii  shacabka  dareemi lahaa 30kii sano oo eey  doowladdu jirtay macnaha iyo macaanka eey doowladnimada leedahay, ma dhecdeen ineey shacabka hantidooda gacantooda ku burburiyaan, laakiin waxeey dareemeen lana dareensiiyay in hantidaan dad gaar ah loogu adeegayo. 

Dhaqamada noocaan ah ma aha mid u gooni ah soomaalida, balse waxaa la wadaago dhamaam ummadaha ku hoos nool maamul militari oo kali talis ah, bal eeg waxa ka dhacay Ciraaq kadib markii uu dhacay maamulkii Sadaam, waxaad arkeeysay dadkii reer ciraaq oo boob ugu dhaqaaqay dhamaan  xarumihii doowladda, waxeeynu wada ognahay in Ciraaq eey aad nooga facweeyntahay eeyna tahay hooyada ilbaxnimada laga soo bilaabo tii  Ashuuriyiinta  &  Baabiliyada ilaa xadaaraddii  Islaamka. 

 Ciraaq kumanaan sano ma eeysan soo marin xaalad maamul la’aan ah, hadana waxeey awoodi waayeen shacabkii reer Ciraaq ineey kala saaraan maamulkii iyo hantidii qaran ee umada ka dhaxeeysay dhibkii nidaamkii militari ka soo gaaray aawgeed. 

Tijaabadii doowladnimada sidaa ayaa loogu guul dareeystay, qofka soomaaliga ah marka uu maqlo magaca doowlad ayaa waxaa maskaxdiisa ku soo dhaco dil, dhac, cubbirin, jirdil, cabsi iyo naxdin joogta ah, waxeeyna ka qaateen dooowladnimada iyo waxii astaan u ahba sawirkaa foosha xun oo eey ka bixiyeen hogaankii maamulka qabtay, duleeysiga isdaba jooga ahaa waa waxa halkaan ina dhigay ee qofka soomaaliga ah naftiisa u weeydiinayo maalintii qarnimada u soo hoyatay “iney tahay maalin murugo iyo inkale. 

Waxaan xasuustaa markii ugu horeeysay oo aan soo galay waddankaan ingiriiska , aniga oo maanka ku hayo cabsidii iyo xadgudubyadii eey booliska iyo guud ahaan ciidamada qaran u geeysan jireen shacabka, ayaa markii aan meel fog ka arko askari ama boolis ingiriis ah ayaan aad u naxi jiray, ilaa markii danbe aan ogaaday booliskani inuusan lamid aheeyn kii aan carabaha iyo soomaaliya ku soo arkay, hoowshiisana tahay u adeegidda nabadgalyada dadkiisa. Arintan ayaa ah cudur nafsaani ah oo ay wadaagaan dhamaan bulshooyinka ku hoos nool nidaamyada ku dhisan caburinta, cabsigalinta iyo argagixinta. 

Hadaba sawirkaa foosha xun oo eey soomaalidu ka qaateen doowladnimada, iyo tijaabadii qaraareeyd  ee ay soo mareen ayaa waxeey keentay in soomaalidii dib ugu hiloobaan noloshoodii hore, iyaga oo u arkay ineey ka dhib yartahay xanuunkii soo gaaray 30kii sano, waxeeyna u laabteen nolashii iyo nadaamkii ku dhisnaay qabiilka iyo hoggaan dhaqameedka, maadama doowladii eey ku guul dareeysatay ineey abuurto nidaam ka casri ah, qofka soomaaliga ahna kaga maarmo maskaxda guracan ee qabyaaladda.. 

Hadaba waxaa isweeydiin mudan sideen uga bixi karnaa xaaladdan jiha wareerka ah ?

Sideese lagu hali  karaa kalsooni dhaxmarto shacabka iyo doowladdiisa? 

Guulaha aaynu ku faanno ee tartiikhdeena ugu waaweeyn waxaa gaaray oo soo hooyay shacabka kaligii, laga soo billaabo halgankii xuriyada ilaa iyo maanta oo maamulkii burbaray, shacabka waxeey ku jiraan halgan aan kala go, laheeyn oo eey ku horumarinayaan dalkoodii kuna badbaadinayo jiritankooda. 

 Mar aan soomaaliya booqasho ku tagay 2002-kii  ayaa waxaan la kulmay waxyaabo badan oo aad ii farax galiyay, waxaa abuurmay muddaddii dagaalkii sokeeye socday bulsho rayid ah oo xoog badan, oo u qaabeeysan si casri ah , waxeeyna u istageen ineey dadkooda iyo dalkoodaba u adeegaan, waxeeyna shacabka fursad u siiyaan ineey helaan adeegyo badan oo aan badanaa la heli Karin dowlad la’aan sida waxbarasho, caafimaad, isgaarsiin iyo dhamaan adegyada kale ee bulshada, iyaga oo ka hawlgalayo duruuf aad u adag oo eeynu wada ognahay. 

Guulahaa joogtada ah ee uu mar walba soo hooyo shacabkaas geesiga ah ayaa waxaa miraheeda afka u dhigta dad daneeystayaal ah oo eey wadaniyadu iyo daacidnimadu ku yartahay, tusaale eeg halkgankii xurriyada iyo gumaadki kadanbeeyay, dadaalkii 14kii sano ee dagaalada sokeeye iyo abaal gudkii dagaal oogayaasha ee shirka neeyroobi. 

Musiibada iyo ayaan darrada dadka soomalida weeynaa !      Madaxweeynaha cusub ee lagu soo doortay keenya  wareeysi uu siiyay dhowaan ideecadda BBC-da laanteeda afka soomaaliga, ayaa waxuu sheegay ineey dagaal oogayaashu yahiin 10 qof oo qur ah tobankaana uu  doowladdiisa ka siin doona jagooyinka ugu sareeyo, aqristaha ayaan u daayay muuqaalka eey yeelan karto doowladdaas dagaal oogayaashu hayaan jagooyinka ugu sareeya !. 

 Gunaanidkii iyo Gabagabdi hadii la doonayo in la wanaajiyo sawirka xanuunka badan ee uu qafka soomaaliga ah ka haaysto tijaabadii doowladnimada waxaa lagama maarmaam ah marka hore in gacantiisa lagu caliyo xukunkii laga boobay, lagana qeeybgaliyo dhinac walba dhismaha qaranka, qofka soomaaliga ahna uu noqdo raasimaalka ugu muhiimsan oo ey doowladda ilaaliso, iyada oo qofka iyo xuquuqdiisaba laga dhigayo sheey muqaddas ah, islamarkaana ku dadaaleeysa sidii kor loogu  qaadi  lahaa dhinac walba oo noloshiisa ah loona daryeeli lahaa. 

 Xalka kama danbeeysta ah waxuu gacanta ugu jiraa shacabka ,oo haddii eeynan aheeyn dulqaadkii badnaa

ee uu sameeyay eeysan ku dhaceen ihaanooyinkii isdaba jooga ah ee ka soo gaaray xurriyadii uu soo hooyay , waxeey tahay riyadeeyda aan rajeynayo ineey mar un dhaboobi doonto, in uu shacabka soomaaliyeed hurdada ka kici doono, una istaagi doono xuquuqdiisa, karaamadiisa iyo xurriyaadkiisa guud, doonistiisana eey guuleeysan doonto, dhidibadana u aasi doono nidaam ku dhisan wada tashi, caddalad, is qadarin, iyo doowlad qaanuunka uu yahay waxa ugu sarreeya, shacabkuna uu yahay awoodda ugu sareeysa ee xaqa u leh inuu ka arimiyo danihiisa. 

C/waaxid C/lahi Shaafici

London      U.K

bukuraale@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD