SOMALITALK.COM DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
 
Daabaco Boggan | Print

Gacan Yarayaasha Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo si bahdilaad ah ula-dhaqma Xildhabaanada iyo dadka kale oo soo Booqda Xaafiiska Madaxweyne Cbdullaahi Yuusuf.
 

A. Maxmed . Jaamac

 Nairobi Kenya.

Nov 21, 2004

 
Waxaa mudooyin-kaanba isa-soo tarayey cabashooyin is-daba joog ah oo ka imaanayey xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah iyo dadka kale ee ayagu ka dan yeesha xaafiiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
 
Cabashooyinkaan ayaa inta badan u badan bah-dilaad iyo ixtiraam darro ay Xildhibaanada iyo dadka ee Soomaaliyeed-ba kala kulmaan gacanyarayaasha Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf oo ayagu u dhaqma sidii dad  aan xilkas aheyn marka la eego dhacdooyinka iyo falalka illaa hadda ay ka marqaati furyaan xildhibaanada iyo dad kale ee caadiga ah ee soo booqday Xaafiiska Madaxweynaha oo ayaga lagu samaayey falalkaas damiir xumida ah iyo ixtiraam-darada iskugu jira.
 
Mid ka mid ah Xildhibaanadda Baarlamaanka KMG ah ayaa ii sheegay inuu mudo saddex saac ah sugayey in la siiyo balan uu madaxweynaha ku arko dabadeedna loogu jawaabay yaad sugaysay, Hogaamiye dhaqameed codsaday in aan lamagacaabin ayaa ii sheegay in uu isku dayey inuu arko Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf balse uu af-lagaado kala kulmay mid ka mid ah gacanyarayaasha xaafiiska madaxweynaha taas oo uu ku tilmaamay dhacdo aan waligiis soo marin.
 
Sida ay xaqiijinayaan illo lagu kalsoon yahay gacanyaraashaan ayaa ayagu caadeystay in qof kasta oo dani ka gasho xaafiiska madaxweynaha ay mariyaan cinqaab ay ayagu dajisteen cinqaabtaas oo ah in qofka loo la dhaqmo si bah-dilaad ah ayadoo wajiga loo badalo qofka haddii uu su`aal waydiiyana loogu jawaabo si ay xurmo darro ka muuqato amaba laga dhaqaaqo qofkii oo hadlaya deetana albaabka laga xirto inkastoo ay jiraan dad ay si gaar ah usoo dhaweystaan dadkaas oo lahu tilmamay dad ay dano gaar ah qaar kood ka leeyihiin taas oo muujinaysa inaan loo sinayn xaafiika Madaxweynaha  marka la eego sharciga ay degsadeen gacanyarayaashaan.
 
Shaqsiyaadka gacanyarayaasha  ah  ee Madaxweynaha ka ag-dhaw ayaa waxaa ka mid ah sida ay sheegayaan Xildhibaanada iyo dad kale ee ayagu ka cabanaya qaab dhaqanka gacanyarayaasha Madaxweynaha, nimanka kala ah C/risaaq Durqun, Daahir Jabriil, Cabdullaahi Dheere, Xijaar,  iyo shaqsiyaad kale oo aan lamagacaabin, xildhibaan codsaday innaan magaciisa la sheegin ayaa ku tilmaamay kooxdaan maafiyo sumcadda ka dilaysa xaafiiska madaxaweynaha  ayna haboon tahay in si deg deg ah wax looga qabto inkastoo si guud looga wada cabanayo raggaan ayaa haddana waxaa si gaar ah farta loogu fiiqayaa ninka lagu magacaabo C/risaaq Durqun oo ay ka muuqato isla-weyni ku dhisan axmaq-nimo iyo ilbaxnimo xumo waana ninka ugu ixtiraam daradda yar dadka soo booqda xaafiika Madaxweynaha asagoo dadka ula hadla si ay yasnimo ka muuqato.
 
Sidoo Kale shaqsiyaadka iyo dadka ayagu  ka shaqeeyay hay`addaha caalamiga ah ayaa ka cabanaya maamulo xumo iyo baratkool  la`aan ay kala kulmaan xaafiiska Madaxweynaha waxayna aad u tilmaamayaan inaysan gacanyaraasha madaxaweynuhu ka jawaabin taleefoonada ay dadka siiyaan amaba aysan fulin haddii ay balan kuu qabtaan mid ka mid ah raggaas ayaa leh  " waxaa dhici karta adigoo saddex casho balan raadinayey inay kaa hormariyaan xog-haye koowaad  oo ka socda safaarad dowlad  shisheeye ah waxaad moodaa inay si gaar ah u caabudaan dadka cad ayna siiyaan xurmo aysan siin muwaadiniintii doortay Madaxweyne Cabdulllaahi Yuusuf"
 
Aqristayaal halkaan kuma koobi karno cabashada laga sheeganayo  gacan-yarayaasha Xaafiiska Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf waxaanad og-tihiin in horay dad Soomaaliyeed u dhaliileen in ay xaafiiska Madaxweynaha  wali ku hareeraysan yihiin wiilal uqaba xaafiisku inuu yahay xaafiiska PuntLand oo aan dareensanayn inuu  Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf ugud-bay madaxweyne Qaran oo matala dhamaan shacabka Soomaaliyeed, uuna muwaadin kasta xaq u leeyahay inuu helo xurmadda iyo tixgalinta uu xaqa u leeyahay waliba waxaa intaas dheer in xildhibaanadu leeyihiin Xurmo dheeri ah maadama ay huwan yihiin mataalaaddii shacabka Soomaaliyeed ayna yihiin kuwii gacantooda ku doortay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf.
 
Ugu dambeyntii waxaan hadalkayga ku soo gabagabeynayaa inay haboon tahay in xaafiiska madaxweynaha loo muujiyo xaafiis madaxweyne Qaran ayna dadka maamulaya ka muuqaataa aqoon u dhiganta hab maamuuska Sida loo maamulo xaafiis madaxweyne oo ah muraayadda mujtamac kasta waxaana rajaynayaa in is-badal deg deg ah arrintaas laga sameyn doono waqtiyadda soo socda ayna yaraan doonto cabashooyinka harqiyey bartamaha magaalada Nairobi.
 
 Waxaan idin xasuusinayaa in dhamaan dadka aan la kulmay ee ayagu muujinaya cabashooyinkaan ay tibaaxayaan inay ku qanacsan yihiin inuusan Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf raali ka aheyn waxa ka dhacaya xaafiiskiia balse ay tahay arrin ku kooban nimankaan ayagu si qaldan ula dhaqma dadka soo booqda xaafiiska Madaxweynaha.
 
  A. Maxmed . Jaamac
 Nairobi Kenya.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 21, 2004

Silsiladda Taariikhda Islaamka:
Qaybtan oo Labo Toddobaadle ah waxay kamid noqday qormooyinka ugu xiisaha badan ee kusoo baxa SomaliTalk, waxana ay maanta ku saabsan tahay "Nabiga (scw) Oo La Amray u Istaagidda Gudbinta Dacwada"..
Qore: Shiikh C/risaaq Macalim Abshir

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

Xagee ayey ku Danbeysay Samsam
warbixin Dhab ah oo ka Timi Hargeysa
Guji

Xaalada Caafimaad Ee SamSam Axmed Ducaale Oo Laga Dayrinayo
Xuseen Dalmar oo kamid ah ahaa askartii ilaalada Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ayaa sheegay in... Guji Nov 19

»Dhibka SamSam Lagula kacay waa Tijaabo bilow ah..
»Talo ku Socota Sasam Axmed Ducaale Abtigeed...

MADAXWEYNE C/LAAHI LAGU DOORAYEE  HA DILIN
“Fulay xantii mamooga, waxaad igu xamataan nin dagaal inaan ahay, wixii hadda ka danbeeya oday nabadeed ayaan ahay”...
Faalladii Fahad Yaasiin...

SHILALKA BAABUURTA MAREYKANKA XILLIGA CIIDAHA: "hal qof ayaa ku dhinta shil baabuur 30-kii daqiiqaba" ka akhri warbixintii Cabdiweli Haybe..

"Bush iyo Xisbigiisa Jamhuuriga waa Guulaysteen Laakiin Caqabado ayaa weli hor yaal" Wardheere - Waraysi Somalitalk..



HTML CD