SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - USA

Reer Yurub oo goob joogayaal ama kormeerayaal ka noqon doona doorashada madaxweynaha maraykanka Nov 2

Dadka maraykanka oo aaminsanaa inay haystaan demoqraadiyadda adduunka ugu fiican iyo doorashooyinka ugu cadaaldsan ama ugu xorsan ayaa ku baraarugay sanadkan asagoo ay muraaqibiin ka socda reer  yurub ilaalinayaan doorashada madaxweynaha maraykanka markii u horeysay taariikhda maraykanka.  Arrintaas oo beri ahaan jirtay lama filaan waxay soo baxday fadeexadii ka dhacday gobolka Florida waqtigii doorashada Bush iyo Al Gore taasoo ku dhamaatay inay maxkamadda sare soo dhexgasho iyo dad badan oo ka shakiyey habka qolada wakiilada  wax doorta Electoral Collegeku u shaqeeyaan ama wax u doortaan  mararka qaar yeelan karta dal daloolo. 

Waa qoladee qolada yurub ka imaanaysaa? 

Waa wakiilo ka socda ururka reer yurub ee la yiraahdo Organization for Security and Cooperation in Europe gaar ahaan xafiiskooda la yiraahdo Office for Democratic Institutions and Human Rights kuwaas oo degan magaalada Vienna dalka Austria.  Ururkan oo ay xubno ka yihiin 55 dal oo ay badankood yurub iyo North America ku yaalaan ama ka ag dhow ayaa ku hawlan ilaalin doorashooyinka . 

Maxaa keenay inay doorashada madaxweynaha ee maraykanka ilaaliyaan sanadkan ? 

Doorashadii ka dhacday dalka maraykanka gaar ahaan Florida sanadkii 2000 ka dib waxaa soo baxay cabashooyin badan oo sheegaya in dadka laga badan yahay sida qaar  maraykanka  madow ah iyo qaar latino ahba loo geystay cago juglayn iyo cabsi gelin badan si looga hor istaagayo inay codkooda la baxaan inkastoo aan la xaqiijin.  Arrintaas waxaa ay dhalisay xubnaha madow ee congresska maraykanka ku jira inay isu xilqaameen inaan waxaas mar danbe dhicin. 

  Xildhibaanadaasi waxay ticraaceen taariikhda oo ku cad in waqti yar ka hor  dadka madow meelaha qaar loo diidi jirey maraka qaarkood inay codkooda la baxaan.   

Taariikhda fog ee dadka madowna waxaa ku cad xad gudubyadii loo geystey.  Haddaba  xildhibaanadaas madow oo ay horkacayso gabadha congresska ka mid ah ee layiraahdo  Eddie Berenice Johnson ee laga soo doorto gobolka Texas.  Eddie waxaa ay warqad codsi ah markii hore u qoratay xoghayaha guud ee qaramada midoobay Koffi Annan ayadoo ka codsatay in UN  u soo dirto dalka maraykanka  goob joogayaal doorasho (observers).  Koffi waa ka diiday asagoo aan jeclayn in xiriirka UN iyo USA xumaado.  

 Ka dib xildhibaanadu waxay baaritaan ku soo heshay in USA ka mid tahay saxiixayaasha yurub ee OSCE.  Ka dib waxay la aaday Collin Powel kaasoo arrintaa kala tashadau madaxweyne Bush sidaas ayaa lagu  casuumay OSCE inay soo dirto muraaqibiin.   

Dadka qaar waxay aaminsan yihiin Bush sabata uu u ogolaaday inay ka weytahay saxiixidda iyo ilaalin shuruucda caalamiga ee ay tahay haddii uu diido inay dhaawac siyaasadeed arrintan u keeni lahayd.  Afhayeen  u hadlay Collin Powel ayaa yiri  “Waxaan ka mid nahay saxiixayaasha OSCE waxaan aaminsan nahay in la iska kaashado dimoqraadiyadda mana aha markii u horeysay ee OSCE  dad u soo dirsadaan waxay noo yimaadeen doorashadii 2000 ka dib iyo 2002.  Laakiin hadda waa markii u horeysey ee ay u yimaadan doorasho madaxweyne”.  Af hayeenku waxaa kale oo uu yiri “doorashada keliya iskama kaashanno ee Yurub waa saaxiibadeen waxaana naga dhaxeeya heshiis difaac oo waa la wada ogaa in 911 ka dib ay noo soo direen diyaarado ilaaliya hawada maraykanka”.  

 OSCE si kastaba ha ku yimaadaane dad weynaha maraykanka oo aan doorashdooda weligeed shisheeye ilaalin ayay arrintan rumaysan waa ku noqotay iyo amakaag. Qaarkood waxay yiraahdeen weli sidaas uma xumin oo heerkaas waan dhaanaa. Qaarkood waxay yiraahdeen ma haddaan u ekaanay dunida saddexaad ee aan ilaalin jirnay kuwana waxay yiraahdeen waxaa looga gol leeyahay dacaayad iyo siyaasad ee ma ilaalin karaan doorashad maraykanka waayo dhulkeenu waa weyn yahay..

Maxamuud Nuur Wardheere

Minnesota, USA

mnwardere@yahoo.com 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 4, 2004


BBCda Af-Soomaaliga Oo Dhex Dhexaadnimadii Ka Guday! [Faarax]
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD