SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dugsiga Maxamuud Cali mise Qabuuraha Maxamuud Cali?

Maxamed  Xirsi

HerMoham@aol.com

Murtida Soomaalida waxaa ka mid ah: 

  1. Waayeel waayo? Waa innagoon is yeel-yeelayn
  2. An wax qalanno mindiyahana qarsanno
  3. beentaada hore runtaada dambay u daran tahay

Iyo kuwo badan oo kale oo dhammaantood cabbiraya marka laga leexanayo dariiqa saxa ah ee ay hawli ku habboonaan lahayd. 

Waxaa run biyo kama dhibcaan ah, in aysan Soomaaliya dib ugu dhismi doonin, qarankeediina ku soo noqonayn riyo, khiyaali iyo boogo laga dhayayo xaadda kore kaliya. 

Sidoo kale kuma dhismayso car, wir, anigaa iri, anigaa weyn, anigaa mudan, anigaa badan, anigaa xoog leh, anigaa xoraystay, anigaa haysanaya, anigaa goosanaya, aniga, aniga, annaga, annaga, iwm. 

Sidoo kale, Soomaaliya kuma dhismayso been, munaafaqnimo, af, uur iyo ficil is khilaafsan iyo “an roornoo jabinno”: tani waxay la mid tahay qisadii 3dii nin oo midkood ahaa indhoole, midna curyaan, midna qaawanaa hase yeeshee 3duba ahaa beenaaleyaal sidaasna ku ahaa saaxiibbo.   

Maalin ayaa iyagoo meel wada fadhiya oo gaajaysan ayaa midkood wuxuu kuwii kale u sheegay inuu arko biciid (neef ugaar ah) oo taagan meel u dhow, hase yeeshee been ah.  kuwii kale waxay iyaguna u cammireen beentii:

o       kii indhaha la’aa ayaa ka daba hadlay oo yiri “arkaayoo giiran” (waan arkaa oo midabkiisu waa cawl);

o       kii curyaanka ahaa ayaa ku xigsadey oo yiri: “an roornoo jabinno”;

o       kii qaawanaa ayaa ugu dambayn isna yiri: “armaa layna furtaa”  

Haddii ay daacad inaga tahay dib u soo noolaynta Soomaaliya waa in aynnu la imaanno geesinnimo iyo daacadnimo (geesinnimadu maaha tii wax dilidda!).   

Waa in aynnu boogaha dhaawacmay hoos ka dawaynno oo ee aynnaan dusha kaliya ka dhayin ama ka daboolin.

Dhaawacyaddu waxay ku yaalliin quluubta badi dadkeenna waana in halkaas laga bilaabo dawaynta. 

Dhowr qodob oo an dawo bilow ah ka dhigi lahaa waxaa ka mid ah: 

1.      in ay dad badan oo Soomaali ahi la yimaadaan geesinnimo ah “qirasho dunuubtii ay ka galeen dad kale nooc kasta ha ahaadeen dunuubtaasiye: dil, dhac, kufsi iyo wixii la mid ah (sida aynnu wada ognahay, waxaa xadgudubyadaas ka qaybgalay dad kumaankun gaaraya oo qaar ka mid ahi ay dhinteen, sidaas darteedna way adagtahay in aynu shakhsi kasta ka filanno dembi qirasho iyo raalli galin, hase yeeshee, way fiicnaan lahayd in ay raalli galintu ku timaaddo magac urur, koox, kuwo waqtiyaashaas mas’uuliin ka ahaa xukuumado ama ururro oo maanta nool, magac gobo lama xitaa magac qabiil iwm) 

2.      in ay haddana dadkaasi raalli galin iyo cafis waydiistaan haddiiba ay garanayaan dadkii ay u gaysteen xadgudubka iyo Somali weyn intaba 

3.      in ay dadka haysta hanti uu dad kale leeyahay ay dib ugu celiyaan dadkii lahaa sida ugu dhaqsaha badan iyagoon sugin in xoog ama sharci looga qaado (marka aan sidaas leeyahay, waan ogahay anaaninnimada aadanaha iyo in ay taasi adagtahay, hase yeeshee way dhici kartaa in ay dadka qaarkiis ku soo degto raxmadi oo ay markaas iska celiyaan waxa aysan lahayn oo waxaa muhiim ah in ay cidi bilowdo)

4.      in iyadoo la kaashanayo caqliga suubban iyo caqiidada Diinta Islaamka oo uu Allaah inagu mannaystay aynnu tirtirno dhaqan xumada an aasaaska lahayn oo ah in aynnu dadkeenna qaarkiis yasno, ka faanno, u faanno, dhacno, xaqdino iwm, taasoo loo baahan yahay in aynnu nacaladno oo karahno taasna aynnu ka dhigno qodobbada aasaaska u ah dhismaha Soomaaliyada cusub. 

5.      in meelihii dalka Soomaaliya oo ay ka dhaceen kuwii ugu darnaa dilka iyo burburintu ay noqdaan meelo loo sameeyo xayndaab oo aan marna la dhisin si ay taariikh ugu noqoto jiilasha inaga dambeeyaa si ay uga digtoonaadaan wixii inagu dhacay. 

6.      meelahaasi waa in ay ka mid noqdaan goobaha khaaska ah oo ama uu ka dhacay xasuuq dad badan oo aan dagaal ku jirin markii la laynayey, ama goobaha danta guud, gaar ahaan dhismayaashii Dawladdii Soomaaliya kuwii ugu sii muhiimsanaa.  

Goobaha lagu xasuuqay dadka aan dagaallamayn

Meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa lagu laayey dad Soomaaliyeed.  

Meelahaas waxaa laysku raacsan yahay in ay u badan yihiin Muqdishu iyo Hargaysa oo kala ahaa magaalo madaxdii 1aad iyo tii 2aad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya walow ay jiraan goobo kale oo lagu laayey dad rayid ah.  

Dilalka rayidka oo u dhacay sida arxan darrada ah waxaan ka dhigi lahaa labo xilli oo kala ah:

  • waqtigii xukunkii kali taliska ee askarta ee 1969-1990
  • iyo xilligii ay nagu tumatay lo’ gisidu oo laga soo bilaabo 1991 ilaa maanta

goobaha loogu xusuusto sida naxdinta badan marxaladdii taliskii ina Siyaad Barre waxaa ka mid ah:

  • dadkii lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee Muqdishu una badnaa dad ka soo jeeda Soomaalida Gobollada Waqoobi Galbeed
  • goobta loo yaqaan “Skoola Boliisiya (Police Academy)” oo iyadu ahayd kawaanka caadiga ah ee dad aan waxba galabsan
  • dadkii lagu xasuuqay tuulooyin ka tirsan Gobollada Mudug iyo Nugaal, gaar ahaan tuulooyinka Jalam, Roox, iyo Abaarey.
  • dad aad u tiro badan oo lagu xasuuqay Hargaysa oo noqotay meesha uu rejiimkaasi u adeegsadey inuu ku duqeeyo diyaarado
  • ardaydii lagu xasuuqay Burco iyagoo samaynaya mudaharaad caadi ah

goobaha ayaguna lagu xasuuqay dadka marxaladdii qolada aan u bixiyey “LO’ GISIDA” oo ah Caydiid, Cali Mahdi, Cabdullaahi Yuusuf, Jees, Moorgan iyo wixii la mid ah: 

  • Goobo badan oo ka mid ah Muqdishu haba ugu darnaadeen waqtigii ay USC Xamar ka saaraysey kali taliye Maxamed Siyaad Barre iyo waqtigii ay isla USC hoos isugu noqotay oo u kala baxday koox raacsan janan Caydiid iyo Cali Mahdi, waqtiyaashaas oo shacab badan laysugu keenay goobo loo bixiyey “barta ama baraha kawaanka dadka ” oo dadka loogu layn jirey koox koox
  • Mismaanyo oo uu Axmed Cumar Jees si axmaqnimo ah ugu gumaaday odayaal iyo aqoonyahan badan hal habeen ka dib markii laga soo raafay guryahoodii
  • Baydhabo
  • Gaalkacyo
  • Luuq & Buulo Xaawo

GOOBTA isku fuuqsatay dhammaan goobahaas kore ama ugu xanuunka badnayd waxay ahayd xasuuqii ka dhacay Dugsiga Hoose-Dhexe ee lagu magacaabo MAXAMUUD CALI kuna yaal agagaarka suuqa loo yaqaan Siinay ee Degmada Wardhiigley ee Muqdishu. 

Goobtaas waxaa isku saacad lagu xasuuqay rag tiradooda lagu sheegay 75 oo lagu haystey Dugsiga dhexdiisa laguna gumaaday dhammaantood.   

Falkaas waxashnimada ah waxaa gaystay mooryaan ka amar qaadanayse nimankii samaystay summaddii USC oo ay hoggaaminayeen janan Caydiid iyo Cali Mahdi. 

Haddaba, talooyinka aan soo jeedinayo waxaa ka mid ah:

o       In ugu yaraan dhowr ka mid ah goobahaasi ay noqdaan meelo la xiro ama la xayndaabo ka dibna noqda meelo taariikhi ah oo calaamad u noqda halaaggii ay soo martay Soomaaliya, saa sarteedna ka cibrad qaadasho, khibrad, ka hortag belaayo la mid ah wixii dhacay intaba ay u noqoto jiilasha dambe iyo taariikh qoreyaasha Soomaaliyeed, kuwa shisheeye iyo gaar ahaan ardayda Soomaaliyeed. 

Goobahaas aan soo taxay maaha in ay ku idil yihiin meelaha lagu gumaaday dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, hase yeeshee waxaan u soo qaatay tusaale ahaan, waxaanna aad u jeclaan lahaa in la sameeyo baaritaan oo ciddii haysa macluumaad kuwaas la mid ahi ay ku soo bandhigto Shabakadaha Internetka Soomaaliyeed si ay uga faa’iidaystaan dadka kaydiya taariikhda iyo da’yarteenna oo badi xiiso u qaba in ay ogaadaan wixii dhacay, gaar ahaan kuwa ku nool dibedaha oo ilaa 25 jirradoodu aysan si fiican u ogayn wixii ka soo eryey dalkoodii. 

Haddaba, goobaha aan ku talinayo in la xayndaabo ama laga xiro isticmaalka dadwaynaha waxaa ka mid ah: 

1.      Gabi ahaan Dugsiga Maxamuud Cali (waa in magaca Dugsigaan loo baddalo QABUURAHA MAXAMUUD CALI gabi ahaanna lagu wareejiyo darbi ama silig iwm)

2.      Xeebta Jasiira halkii lagu xasuuqay ragga

3.      goobaha lagu laayey dad badan oo rayid ah ee ay ka mid yihiin: Hargaysa (waxaa bilow lagu daydo ah diyaaradda dagaalka oo laga dhigay taallo xusuus ah Hargaysa); Kismaanyo; Burco, Mudug, Nugaal, Baydhabo, Luuq, Buulo Xaawo, iyo meelaha kale oo la ogaado in ay ka dhaceen xasuuq

4.      dhammaan goobahaas waa in lagu qoro magacyadii dadkii lagu xasuuqay iyo wixii kale oo lagu calaamadayn lahaa sida: noocyadii hub oo loo adeegsadey, waqtigii la gumaaday iyo ciddii lahayd mas’uuliyadda sida: rejiimkii Siyaad Barre, USC iwm. 

Rajo rajo yar ayaan ka qabaa in layga qaato talooyinka kore, Soomaalidana hore loogama baran dad qaata aaraa’da nasteexada ah ee danta guud, hase yeeshee rajo yaridu waxay dhaantaa rajo la’aanta, waxaanna hubaa, haddii dhegaha laga furaysto talooyinka lama huraanka ah in hawlaha socda ee loogu magac daray nabadaynta iyo dib u dhiska Soomaaliya ay yihiin:

o       Xoog Doofaar Lagu Cayriyey,

o       Hal Bacaad Lagu Lisay iyo

o       Weel Hoos Ka Daloola Oo Wax Lagu Shubayo

 

Waxaan ku soo xirayaa tixdan jacburka ah: 

  • DADKAAN LA HADLAYAA INA ODOOW                       DIIRRIMAAD MA LEHE

  • ANAA DAALAYEE SHOW QALBIGU                                DHAGAX DIXEED WEEYE

  • ANIGAABA DAALIYE DHEGUU                                         UMA DALOOLAANE

  • WAXAAN DUXI KA RAACAYN AYAA                             LOO DEGDEGAYAAYE

  • WAXAY DIINTU FARIBAAN CIDIBA                                HOOS U DAYAHAYNE       

  •  

  • WIXII DARAN OGOOWEEY                                               WAXBAA KAAGA SII DARANE

  • INKASTOON DAGAAL IYO HALAAG                               DAAYAC SOO ARAGNAY

  • INKASTUU DALKII MEEL KASTABA                               DHIIGGAYAGU DAATAY

  • DIBINDAABYO GEBIGIIS DALKII                         MEELNA LAMA DEYNE

  • DUKUN-DAAKUN BAY NAGA DHIGEEN                        DUUMO WADA LAYSAY

  • WAXAAN UGA DAN LEEYAHAYNA WAA                      DAWLADNIMO BEENA

  • SOOMAALIDAY U DARAN TAHAY                             HADDAAN LAYS DAFIRAHAYNE

  • CADOWGAY DANTIIS TAHAY                               QOFKII DAACADAA GARANE

  • DUGSI LAGAMA HELO                                        AQAL HADDUU WADA DALOOLAAYE

  • DANTIIS MOOGE WUU KA HOR DELFAA                       CALALLO DUUGOOBEY

  • DARBI JIIF HORTEED WAXAD AHAYD                            NIMAN DADAALAYNE

  • DULLI ADAN IS BADIN                                                       KUGUMA DHACO DAA’IN ABIDKAAYE

  • WAXAY DABA SOCDAAN                                     WAA WAXAAN DUXI KA RAACAYNE

  • DAGAAL-OOGE DIGIFKAA KA DARAN                          WAQAY DUFOOBAANE (dabo dhilifka)

  • KUWA DAGAAL KU NAAXAA                                          IYANA NOOGA SII DARANE

  • WAR KA DAAYA WAXAD DOORATEEN             WAYNA DILAYAANE

  • DAGAAL OOGE WAA WIXI DORRAAD                            DAQARKAN NOO GAYSTEY

  • WAA WAXAN DUQOW IYO CIYAAL                               DUMARNA DHAAFAYNIN

  • WAA WIXI DHAMMAAN AQALLADII                              SAQAFKA DIIRAAYEY

  • WAA WAXA CADAAWUHU DIRSADO                             SIDA U DOONAABA

  • WAR KA DAAYA WAXAD DOORATEEN                         WAYNA DILAYAANE

  • WAA WAXAN DARIIQII ALLIYO                           DIINTA GARANAYNE

  • WAA WAXA DUQOWDII DALKIYO                                  DHAQANKI DOORSHEENE

  • WAA WAXAN DARYEELAYN                                            AGOON AMA DICIIFKIIYE

  • WAR KA DAAYA WAXAD DOORATEEN             WAYNA DILAYAANE

  • DAGAAL OOGE WAA CADOW KA DARAN                    DAMAL CADAABEEDE

  • WAR KA DAAYA WAXAD DOORATEEN             WAYNA DILAYAANE                                 

Maxamed  Xirsi

HerMoham@aol.com

 Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD