SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MARKABKA SHIRKADDA TOWFIIQ EE LAGUQABSADAY JIIFLE, EYL
 

EIl  Investment and Development  centre.

Waxaan la yaabnay markaan Maqallay in la haysto markab ay leedahay ama u rarnaa SHIRKADDA CAANKA AH EE TAWFIIQ COMPANY, una socday dakeda Ceel Macaan ee  koofurta soomaliya  isagoo marki horana  alaab ku dajiyay  dakada Magaalada Bosaso,ay qabsaddeen  Dhallin yaro kuna qabsadeen meesha loo yaqaan, JIIFLE, ee ka tirsan degmada eyl,iyagoo ku andacoonaya inuu siday hub loo wado muqdisho ,dadaal badan ka dib dhallin yaradii waxay ogaadeen inuusan jirin wax huba oo markabku sido waxay kaloo ogaadeen  markabku inuu u raranyahay shirkadda caanka ah ee madaxa ka ahaan jiray alle ha u Naxariistee marxuum coll.  Faarax max’ed Saciid (faarax dheere)oo sannadkii 2001dii uu maamulka c/lahi yusuf ku dileen Garoowe, waxaa wax lala yaabo noqotay ka dib markii ay sii daayeen,dhallin yaradii markabku,inuu Saddex alifle,saciid max’ed xirsi, ku andacoodo inuu hub ka uriyay markabka,aana la sii dayn doonin,hadaba anagoo ah urur  wadaniya oo ay asaaseen wax garadka&dhallin yaro reer Eyl ah kana danqaday waxa uu ku Andacooday Saajin saciid dheere , waxaa kaloo wax laga danqado ah Mar aan la xiriiray  c/lahi yusuf,wuxuu yiri aniga warkaan waxaa isoo gaarsiiyay saciid dheere.haddana  waa naloo xaqiijiyay inaysan hawshaasi waxba ka jirin ,waana sii daynaynaa  Markabka aad ayaana uga xunnahay in Ganacsatada xoolahooda waxaan la hubin lagu xannibo!!!

Hadaba maxay tahay dadka bora bugaandada wada waxay ka faaiidayaan,waxaan u aragnaa anagoo ah ururka wadaniga ah ee EIl  Investment and Development  centre.inay wadaan dad cadaw u ah mustaqbalka shirkada,saajinka waxaan leenahay waa markii saddexaad ee aad sheegto waxaadan hubin,ee tallaabooyinkaaga gadaal u eeg…!!!!!! 

Waxaa Soo Diyaariyay Haashim Hagi Ahmed.
Eil Investment & development Centre
 lakyleros@hotmail.com

 Faafin: SomaliTalk.com | Oct 5, 2004

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere
Ma Hungowday Himiladii Hargaysa?
Faalladii Asad Cadaani Ibraahim... Guji..
Somaliland Dal Dhisan iyo Dad Jihaysan
Faalladii
(diridhaba)... Guji..

 



HTML CD