SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  KENYA

Doorashadii Madaxweynaha Dowlada KMG ah oo Dib loo Dhigay.

Canab Abdule canabmumtaz@yahoo.com
SomaliTalk.com | nairobi | Sept 18, 2004

 
Kulankii baarlamaanka ay iskugu yimaadeen  maanta ayaa laga soo saaray in dib loo dhigay Doorashadii madaxweynaha Dowlada KMG ah illaa Bisha dambe ee  Oktoobar 10 keeda, Doorashada madaxweynaha ayaa lagu waday in ay dhacdo maalinta arbacada ah 22/09/04 ee bishan.
 
Dib udhacan ayaa ka dambeeyay sida uu sheegay gudoomiyaha baarlamaanka KMG ah Shariif Xasan Sh Aadan waqtiga doorashada oo aad u dhawaaday iyo shaqada  hor taala baarlamaanka oo aad u badan sidaasna ay isku raaceen baarlamaanka in dib loo dhigo doorashada ilaa bisha dambe tobankeeda.
 
Waxaa kale oo uu gudoomiyaha Baarlamaanka intaasi ku daray in sidoo kale dib loo dhigay doorashadii gudoomiye ku xigeenada baarlamaanka lana dooran doono 21/09/04 ee bishan iyadoo lagu waday in maanta la doorto ku xigeenada gudoomiyaha baarlamaanka.
 
Baaqashada doorashada  madaxweynaha Jamhuuriyada federalka soomaaliya ayaa waxaa kale oo hakiyay dagaalada ka soconaya koofurta soomaaliya una baahan in la xaliyo ka hor  inta aan la dooran madaxweynaha.
 
waxa iskaga soo horjeeda laba hogaamiye siyasadeed oo mid ka mid ah (Barre Hiiraale) uu dhaartay kadibna uu dib ugu laabtay halkaas sidaasna ay dagaaladan ku bilowdeen,halka Gen morgan oo uu ka sii horeeyay. Qoraal ay IGAD ka soo saartay labadan hogaamiye ayay ku sheegtay in ay camaaraynayso dagaalkaas uguna baaqday labada dhinacba in ay joojiyaan dibna shirka ugu soo laabtaan.
Shirka hadda socda Nairobi waxaa isku soo agaasimey IGAD oo ka kooban dalalka Djibouti, Ethiopia, Eritrea, Kenya, Sudan & Uganda, waxaana uu markii hore (October 2002) ka bilowday magaalada Eldoret, kaddibna bishii Febraayo ee 2003 ayaa loo soo raray Mbagathi, Nairobi. (Soomaaliya waxay xubin ka tahay IGAD laakiin xubin-nimadeedu ma shaqaneyso waqtigan ilaa ay markale dawlad noqoto). Sannad guuradii labaad ayaa ku beegan bisha Oktoobar ee soo socota, taas oo ah tan lagu wado in la doorto madaxweyne.

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2004

Ugu Yaraan 15 Qof ayaa Ku Dhintay Dagaallo Ka Dhacay Aagga Kismaayo
Dagaalkan oo dhexmaray Gen. Moorgan iyo isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa... Guji....

Wasiirada A/Dibada IGAD oo ku sii jeeda Newyork
Si ay taageero ugu raadiyaan dawlada laga filayo shirka...
Guji

WARAYSI:: C/LAHI AXMED CADDOW
"Looma baahna ciidamo shisheeye waayo dagaal waa laga daalay" sidaas waxaa yiri Caddow oo...
Guji Sept 17

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
SOOMAALIDA LAGU LAAYEY QURBAHA: Ogoosto/Sept:::
»
34-jir lagu Diley K/Afrika:: Marxuum: C/shakuur Sh. Xasan
»16-jir lagu Diley K/Afrika:: Marxuum: Abdikadir Garanage
»61-jir lagu Diley Minneapolis:: Marxuum: Abdullahi Dalmar Ali
»Lix Soomaali ah oo Lagu Diley Nairobi [September 2004]
Dhammaan ka akhri halkan...

Qaabkii Dhaarinta ee  Baarlamaanka Soomaaliya
Warbixin muuqaal guud ka bixineysa shirka Kenya... Guji


Maxamed Dheere vs Xijaabka




HTML CD