SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

SPM-ta Jen. Moorgan Vs Dooxatada Jubba

Jabarti Osman
jabarti2020@hotmail.com

Waxaan dhamaan ka dharagsanahay taariikhda ay soo martay Gobolada Koonfureen ee Soomaaliya intii ay burburtay dowladii Keligii taliska ahayd ee Ina Siyaad Barre, kadib waxii dhacay waa lawada ogyahay, haday ahaan lahayd xasuuq shacab aan hubaysnayn, kufsi, dhac, iyo dhulbalaarsiba. 

Ficiladaas cida gaysatay iyo dadka loogaystayba waa markhaanti ma doonto aan cidna la waydiinayn maxaa yeelaay mid shaahid u soo arkay iyo mid sheeko ku maqlayba waynu wada ogsoonahay. 

Hadaba qormadaydaan maanta waxay ku saabsan tahay oo qudha Kismaayo, ama Jubbada Hoose.  Deegaankani waa deegaan ka tirsan Soomaaliya, waa deegaan muran ka bixi waayay sanadihii dagaalada xasuuqa maxaysatadu ay ka dhaceen Koonfurta Soomaaliya (sidaad ka aragteen qormooyinkaygii hore anigu dagaal sokeeye uguma yeero wixii ka dhacay koonfur ee waxaan ugu yeeraa xasuuqii loogaystay shacabka maxaysatada ah ee Soomaaliyeed iyo Kufsigii loogaystay Qaranimadii iyo Qowmiyadii Soomaaliyeed). 

Aduunyada waxaa ugu danbaysay dhulkalaboob ka dhaca qarnigii 18aad, sidoo kale dhul la yiraahdo cidina ma laha waxaa ugu danbaysay isla qarnigaas, walow aan ognahay in dhulkasta oo reer Galbeedku ku habsadeen oo boobeen ay shacab Ilaah ku abuuray dhulkaasi ugu tageen sida Austaralia, ama North America-ba.  Sidaa awgeed ma mirto maanta dunida wax la yiraahdo dhulka cidina ma laha, ee dhulkasta iyo magaalo kasta ama dal baa leh ama dad baa leh, xiligii boobka iyo dhacuna wuu dhamaaday. 

Hadaba hadalkaygaasi wuxuu meesha ka saarayaa dadka caadada ka dhigtay Kismaayo waa dhul soomaaliyeed oo loo siman yahay, haa oo Kismaayo waa dhul Soomaaliyeed laakiin waxaan leeyahay looma sina ee waa magaalo lawada ogyahay qabiilada dega , sidaa awgeed kuwa ku andacooda eraygaani dhalasho iyo dhaqasho midna kismaayo kuma abtirsan karaan, mana sheegan karaan. 

Waxaynu wada ognahay in markii dagaalada xasuuqa ahi ka dhaceen Soomaaliya ama Koonfur waxay dagaaladaasi sababeen in dhamaan shacabkii maxaysatada ahaa ay bara kacaan oo ka baqoolaan guryahoodii, hantidoonii iyo magaalooyinkii ay qarniyada ku noolaayeen iyagoo bal doorbiday inay aadaan meel kasta oo ay amni iyo difaac ku heli karaan, taasina waxay noqotay in uu qof walbaa u baqoolo meesha ama deegaanka uu qabiilkiisu ugu awooda badan yahay sidaa awgeed ayaa ninka u asal ayaan ka soo jeeday waqooyi uu aaday Ama hargeysa ama Burco ama Boorame,. Midka u dhashay Puntland uu ama aaday Garoowe, gaalkacayo, boosaaso, badhan ama Laascaanood.  Kii asal ahaan u dhashay Soomaali Galbeedna uu aaday ama Wardheer, jigjiga, goday, dirirdhabe ama qalaafe. Sidaa awgeed ayaa ninkii u dhashay Waamona aaday Kismaayo, jilib, jamaame, kamsuuma, ama afmadow. 

Hadaba waxaa iswaydiin mudan waxa ay qolyahay u dhashay Caabudwaaq, dhuusa mareeb, cadaado, ceelbuur, iyo gabahaaray,  isugu dhajinayaan Muqdisho, Marka , Baraawe, Daafeed, Jilib iyo Kismaayo.  Miyaysan jirin deegaano ay ka yimaadeen oo dhaqan iyo Dhalasho u leeyihiin.  Maxaase sababay inay ku andacoodaan in dhulkaasi loo siman yahay. 

Waa marka koowaade Soomaaliya waxaa ka dhacay dulmi iyo xasuuq, waxaa ka dhacay boob aan ku ekaan hanti laakiin uu ku jiro mid dhulboobnimo, sidaa awgeed ficilooyinkii foosha xumaa ee ka dhacay koonfur cid baa gaysatay cidbaana loogaystay, daalim iyo madluum baana dadkii u qaybsamay, hadaba dadkii la dulmay weeye kuwa qaxay oo bara kacay oo u cararay meel kasta oo ay amni ku heli karaan dadkaasi waa kuwii la weeraray, hadaba waxaa jira kuwo weerar ah waa kuwa xasuuqa iyo dulmiga gaystaye, sidaa awgeed ayay iyagu ugu habsadeen goobihii ay ka bara kiciyeen shacabka maxaysatada ah ee aan hubaysnay. 

Waa taasi tan sababtay in Walaalaha Galgaduud ee ku xulafoobay dulmiga iyo dhulbalaarsigu ay xooga ugu haystaan deegaamada aysan dhalasho iyo dhaqan midna u lahayn, waa taasi tan sababtay in Kooxda Dooxatada Dooxada Jubba ay baada, dilka iyo dhaca ugu hayaan har iyo habeenba shacabka nabada jecel ee reer Waamo. 

Dulmigaasi waxaa ugu danbeeyay xasuuqii ay ka gaysteen Jilib, Xaalufinta Dhirta Jubooyinka, Dhoofinta Warshadihii Shacabku lahaa iyo ugu danbayn Baada ay ku hayaan ganacsatada Reer Kismaayo oo sababtay in ay ganacsatadaasi iridaha u xidhaan goobihii ganacsiga ee Kismaayo. 

Waxaa kaloo iswaydiin Mudan USC-dii ku andacoon jirtay taliska Keligiis Taliska ah ee Siyaad barre ayaanu tuurnay sowkuwaan iyagii iyo haraagaa Afwayne U xulafoobay maaha Tiritirista intii ka soo badbaaday sodankii sanno ee xarigii iyo toogashadii ina Siyaad Barre iyo 15 kii Sano ee Xasuuqii Mooryaanta. 

Intaas hadaa uga gudbo Dooxatada Dooxada Jubba , hadafkooda iyo ficilooyinkooda iyo hadalada ay ku hadaaqtamaanba, waxaa iyana xusin mudan in aan wax ka sheego SPM-ta Moorgan iyo waxa uu u taagan yahay. 

Moorgan waa Janan Soomaaliyeed deegaan wuxuu ku ahaa sida ay reer Xamarku yiraahdaan ciyaal xamar jajab, ku biiray ciidamada Soomaliya horaankii 70-meeyadii kadib markuu ka baxay Dugsiga sare ee Carabta ee Muqdisho.  Wuxuu ahaa Sarkaal firfircoon, wuxuu ahaa nin sportiga jecel. Qoys ahaan wuxuu calaf u yeeshay inuu guursado Ina Siyaad Barre oo uu ilaa maanta qabo caruurna u dhashay, Qabiil ahaan Waa nin Darood ah , Kablalax ah , Harti ah, Majeerteen ah, oo Cabiraxiim Ibraahiim ka sii ah. 

Wuxuu soo kala qabtay jagooyin badan sida unuu madax ka noqday qaytii 21aad iyo 2aad oo kala ahaa qaybtii dhuuso mareeb ee gobalada dhexe iyo hargaysa ee gobolada waqooyi.  Ugu danbays xiligii kala guurka wuxuu ahaa wasiirkii wasaarada Gaashaandhiga ee Soomaaliya. 

Moorgan taariikhdiisu waa ninba siduu u arko iyo dhinacuu ka eego, laakiin waxaa waxaa la yiri taariikhdu been ma sheegtee dadka un baa ka been sheega taariikhda, sidaa awgeed Moorgan dadka Soomaaliyeed qaar sida Reer Waqooyiga waxay ugu yeeraan butcher-kii Hargeysa oo ay ula danleeyihiin inuu ka talinayay waqooyi waa markii SNM-tu ay weerarka ku soo qaaday Burco iyo Hargeisee.  Waxaa kale oo jira dad aad u fara badan oo Moorgan u arka janan dhalinyaro ah, geesi ah, aan harin oo haaban, kaas oo malaayiin qof u ah geesigii Mooryaan ka hor istaagay inay Guumaystaan shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan koonfurta oo sida Jubbada dhexe, Jubbada hoose, Baay, Bakool iyo Gedo, Waa Geesigii Caydiid ka carsaday Baardheere iyo Baydhabo, Mooryaantana mar kastoo ay soo weerarto ama qabsato Kismaayo iyo nawaaxigeeda aan uga harayn dibna uga qabsanayay, Moorgan dad badan ayaa u arka Rajada keliya ee Ay leeyihiin waa markaan ka hadlayo maatada ku nool Kismaayo, Jilib, baraawe, marka, Qoryoolay, Afgooye iyo Walawayn.   

Intii uu halgankiisa isdifaaca ah ku jiray waa 14kii sano ee la soo dhaafaye Jen. Moorgan dad uu xasuuqay, dad uu dhacay iyo dad uu dulmay midna laguma hayo deegaamadaasi, balse markasta waa nin wada hadal iyo isku soo dhawaansho aaminsan, isagoo had iyo goor doona nabad ku wada noolaanshaha dadka dhul iyo dhaqan wadaaga ah ee reer Waamo iyo Gobolada ay dariska yihiinbee.  Muyuusan Moorgan ahayn kii qaar reer Tolkiis ahi ay ku ceebaynayeen oo ku caynayeen inuu yahay nin dad isku wad ah oo had iyo goor soo dhaweeya qabiilada deegaan wadaaga ah sida Hartiga iyo Absamaha, sida Sheekhaasha iyo Gaal jecelka sida Tunida iyo Biyo maalka.   

Maantana waxaan oran karnaa waa nin Wada abaabul nabadayn waa hadii Dowlad loo dhan yahay ay ka soo baxdo Nairoobiye hadii kalese waa nin hogaaminaya kumanyaal dhalinyaro ah oo reer Waamo ah kuwaas tababar iyo kala danbay milateri leh kuwaas oo had iyo goor ilaalinaya xeerka Ciidan ee Caalamku isku waafaqsan yahay oo ah, inaysan fara xumayn wax maato ah inay difaacaan mooyee , laakiin la dagaalama Daalimiinta gardarada iyo gafafka ka wada deegamada Waamo. 

Hadaba intaanan gabagabayn qormadaydaan waxaa xusid mudan laba dhacdo oo soo ifbaxayn dhorkaan berri oo abaabulka dib ugu noqonsho ee ay reer Waamo iyo Hogaankooda SPM ay wadaan taas oo ah: 

1-     Cuna qabatayn ku sheega ay IGAD ku soo rogtay Jen. Moorgan.  Arintaasi waxay dad badan la noqotay wax lagu qoslo, sababtoo ah, 

a)      Morgan waa nin isaga iyo Dhalinyaraduu hogaaminayaaba ay si nabad ah ugu socdaan kusoo noqoshada goboladii xooga looga soo bara kiciyay .

b)      Intii Shirka Geedi Socodka Nabadu ka socday Kenya meel uu Moorgan weeraray iyo ciduu dulmayna lama sheegin mana jirto. 

Hadaba hadii qoryaha isugu yeeray IGAD ay yihiin kuwo cadaalad ku salaysan, isla markaana ilaalinaya amniga Soomaaliya iyo sidii aan dagaal danbe uga qarxin miyaysan ahayn inay qaataan talaabooyin lagu cuna qabataynayo cidkasta oo ka soo harjeesata shirka isla markaana samaysan ficilooyin carqaladaynaya nabada soomaaliya sida: 

1)      inay talaabo ka qaado oo qaadacaad iyo cunaqatayn ku soo rogto kuwa isugu yeeray Somaliland kuwaas oo diiday kasoo qaybgalka shirka, xidhxidhay dhamaan cidii sir Soomaali u dhantahay ka qaybgasha, xidhxidhay suxufiyiinta ku sugan deegaankaas ee ka hadla Nabadaynta Soomaaliya, sow maahayn inay Riyaale ka bilaabaan.

2)      Sidoo kale sow maahayn inay xidhxidhaan ama cunaqabatay ku sameeyayaan kuwa xasuuqa ku haya shacabka Soomaaliyeed sida Dooxatada Jubba iyo Walaalaha Galgaduud oo xasuuqka u gaystay shacabka nabada jecel ee reer Jilib gaar ahaan Qabiilka Shiikhaasha, ficilkaan oo dhacay intii shirku socday, iskaba daa baada iyo xooga iyo xaalufinta ka socoda Jubooyinka.

3)      Miyaysan ahayn inay cunaqabatayn ku soo rogaan kuwa xooga ku haysta oo dagaalada ka wada shabeelada hoose waa sida Indho Cade iyo Ina Ilqayte oo si cad u diidan shirka balan qaadayna inay dagaal la geli doonaan dhamaan wixii halkaas ka soo baxa iyo dowlad meeshaas lagu soo dhisoba.

4)      Ka warama Cumar finishka xasuuqa ka gaystay dhanaane ee shacabka Biyo maalka ah ku haya, ficilkaan oo dhacay intii shirku socday.

5)      Ka warama Yalaxowga intuu shirka ka soo baxo yimaada (Muuq-disho) si uu dagaal u sameeyo oo u dilo reer tolkiis.

6)      Ka warama Bashiir raagaha muqdhiso ka wada dagaalada kaasoo shir jaraa’id ku cadeeyay inuu ka soo horjeedo nabad iyo dowlad dhalata.

7)      Ka warama Barre Hiiraalaha Xildhibaan isku sheega ah ee intuu shirka dhuuntay dagaalka raba inuu ka abaabulo jubooyinka. 

Hadaba maanaa waalan mise cadan baa laga heesayaa, aaway cadaaladii, ma maskiin un baa garbo lagu socdo leh, mise timir lafbaa ku jirtee meesha laaluush iyo eex baa ka socota.  Soomaalidu waxay tiraahdaa fiqi tolkii kama jana tago marka Moorgan walaa itoobiya walaa Kenya cuna qabatayn ay ku soo rogtaa midna wax u dhimi mayso, deegaamo uu dhalasho iyo dhaqan uleeyahay baana buuxa oo uu nabad iyo sharaf ku dhul mushaaxi karo, caalamkana siduu doono ayuu ugu socon ama ugu dhex safrin,  marka waxaa ila haboon inay go’aankoodaa ka noqdaan maxaa yeelay Jen. Moorgan wuxuu saxiixan oo ka go’aan ah in nabad wax lagu soo dabaalo, wuxuu diyaar u yahay inuu taageero oo la shaqeeyo dowladkasta oo ka soo baxda shirka, wuxuu si buuxda caalamka ugu sheegay inuu taageersan yahay shirka.  Teeda kale maxaa moorgan laga rabaa xildhibaan xil qaadayba maahee, isagoon ku jirin baarlamaanka ayuuba u heelan yahay inuu taageero go’aamadooda, marka gabagabadii waxay iila muuqataa in hal xaaraan ahi aysan nirig xalaala dhalin marka shirku haduu ku socdo go’aamadaan cadaalada ka fog waxaan filayaa wax weyn oo ka soo baxidoonaaba inaysan jirin. 

Jabarti Osman
jabarti2020@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2004


»IDOORO AAN KUDAAYE HADDII KALE WAA KAA DULYAARMEYSA 
»Shariif, Sheikh mise Qaadwale? [Xirsi]
»BURHAANTAADU BAAS IYO BARWAAQO MID UUN BAY NOQON [AC]
»Cabdiwaaxid Khaliif iyo Cabdillaahi Yusuf [Cawl]
»Shacbiga: Shariifkii beey sharaxdeen; Shiikhii beey iska shub, dheheen


Qaabkii ay u Dhacday Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG
Warbixintii Axmed Muuse..
Guji... Sept 16

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
 
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Waa taxane Asbuuc kasta Insha Allah oo uu soo tebin doono Shiikh C/risaaq Macalim Abshir:
Hordhac | Qaybta 1aad

Kulan Diineedkii 4aad ee Soomaalida W/ Ameerika oo Ku Dhamaaday Guul
Caawa waxa si guul ah ku soo gabagaboobey mu'tamarkii saddexda maalmood ka socdey Minneapolis, kaas oo.. Guji...



RIYAALE vs SAXAAFADDA.. GUJI


Maxamed Dheere vs Xijaabka




HTML CD