SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

  • Xildhibaanada dowlada C/nuur Darmaan oo loo qaybiyey axdiga …

  • Jen.Morgan oo Lacag madaxii-sa la dul dhigay….

  • Maxamed dheere "waan jecleyn in Shiikh Aadan Madoobe uu noqdo gudoomiyaha baarlamaanka balse …

  • C/llaahi Yuusuf oo soo jeediyay in awooda loo qaybsado …

  • Maxamed Cumar Dhalxa oo loo doortey gudoomiye ku xigeenka koowaad

  • Hay’ada ANPPCAN oo soo dhaweysey maalinta nabadda …

  • Dugsiga Al-Faatix oo lagu qabtey maalinta nabadda adduunka

  • SOHRIDEN iyo maalinta nabadda adduunka …

  • Hay’adda INXA oo xustay munaasabadda 21 september…

  • Tababar ku saabsan xalinta khilaaf-aadka oo hotel Daameey ka furmay…

  • Hay’adaho qaabilsan dhinaca xuquuqda aadanaha oo ka hadlay maalinta nabadda…

Waxaa isku soo dubariday
amiin  yuusuf <amiinkhasaaro@hotmail.com>

SomaliTalk.com | Muqdisho, Soomaaliya | Sept 22, 2004

Xildhibaanada dowlada C/nuur Darmaan oo loo qaybiyey axdiga …

Maalintii shalay ahayd ayaa kulan balaaran isugu yimid xildhibaanada dowlada C/nuur Darmaan waxaana shir gudoominayay Mustaf Mukhtaar Guudoow. Xildhibaandii shalay ka soo xaadiray madasha shirka ayaa markiiba loo qaybiyay axdi qarameedka dowlada C/nuur Darmaan 5-sano ee soo socota kaasoo ka kooban 31-qodob oo taabanaya dhinacyada siyaasada gudaha iyo dibada, dhaqaalaha, Caafimaadka, waxbarshada, dib u dhiska, ganacsiga, dib u heshiisiinta iyo weliba dhinaca sharciga, iyadoo xildhibaanada la siiyay waqti ay uga soo munaaqashoodaan qodobada uu ka koobanyahay axdigaasi hadii ay wax ku dari lahaayeen iyo hadii ay wax ka jari lahaayeen intaba. Xildhibaanada qaarkood oo aan waraysanay waxay sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin in la soo dadajiyo samayntii axdigan.

Jen.Morgan oo Lacag madaxii-sa la dul dhigay….

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo waxay sheegayaan in afhayeen u hadlay Isbaheysiga dooxada Jibba waxa uu shaaca ka qaaday in cidii soo sheegta meel uu ku sugan yahay Gen.Maxamed Saciid Xirsi Moorgan lacag gaaraysa 10’000$.

Afhayeenka oo lagu magacaabo Bile Dheere ayaa waxa uu shir jaraa’id uu ku qabtay magaalada Kismaayo ku sheegay in Jan.Morgan uu dambi ka galay shacabka Soomaaliyeed isagoo sheegay in waqtigii Siyaad Barre iyo intii ay socdeen dagaalada sokeeye uu laayay kumanaan kun oo rayid ah oo aan waxba galabsan.

Wuxuu sheegay afhayeenka in intii uu socday dagaalkii Jubooyinka ee maalmihii la soo dhaafay uu Jen.Morgan tuulooyin ka tirsan Jubooyinka uu ku laayay dad rayid ah isla markaana uu ku gubay guryo fara badan iyo hanti.

Dhinaca kale afhayeen u hadalay dhinaca Moorgan ayaa wararkaani ku tilmaamay kuwo sal iyo raad toona lahayn oo uu sheegay inay ku dheehantahay fuleynim, wuxuu sheegay in ciidamada Janaral Moorgan ay weli ku sugan yihiin meelo ka mid ah gobolada Jubbooyinka balse ma uusan carabaabin halka ay ku sugan yihiin waxaana warkaan ka soo xiganay idaacada IQK.

Maxamed dheere "waan jecleyn in Shiikh Aadan Madoobe uu noqdo gudoomiyaha baarlamaanka balse …

Maxamed Cumar Maxmed (M.Dheere) oo ah Gudoomiyaha Siyaasada ee Gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in dhinacooda ay soo dhaweyna-yaan doorashadii Gudoomiyaha Barlamaanka oo ee uu ku guuleystay Shariif Xasan.

"Waan dooneynay in uu ku guuleeysto doorashada Gudoomiyaha Barlamanaka Sh. Aadan Madoobe, laakiin taasi ma noqon" ayuu yiri Maxmed Dheere oo sheegay in wixii haatan ka dambeeya ay halgan u galayaan doorashada Madaxti-nimda Soomaaliya.

Maxamed Dheere waxa uu sheegay in loo baahanyahay in beesha caalamka ay isha ku hayaan doorashada Madaxwenenimda Soomaaliya wuxuuna sheegay in tartanka madaxweynenimada Soomaaliya uu rajo wanaagsan ka qabo.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in golaha SRRC ay ka go’an tahay inay ku guuleystaan xilka Madaxweynenimada Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf oo soo jeediyay in awooda loo qaybsado …

C/llaahi Yuusuf Axmed oo u sharxan jagada Madaxweynen-imada Soomaaliya ayaa shalay waxa uu soo jeediyay in loo baahanyahay in jagooyinka gudoomiye ku xigeennada baarlamaanka Soomaaliya ay helaan dadka laga tirada badan yahay.

C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay in arintaasi ay noqon karto inay isku dheeli tiranto awooda wax qaysiga beelaha Soomaaliyeed isagoo sheegay in arintaani uu qorayo axdiga KMG-ka ee dowlada federal-ka.

C/llaahi Yuusuf waxa uu sheegay inuu rajo wanaagsan ka qabo inuu ku guuleysto xilka madaxweynenimada Soomaaliya rag uu ka midyahay C/llaahi Yuusuf, Xuseen Caydiid, Max’ed Dheere iyo rag kale oo ka tirsan SRRC waxay sheegeen in mid ka mid ah haduu ku guuleysto jagada madaxwenenimada Soomaaliya ay siin doonaan codka isla markaana ay heli doonaan jagada ra’iisul wasaaraha, balse lama oga inay weli ku qanacsanyihiin siyaasiyiinta kale.

Hay’ada ANPPCAN oo soo dhaweysey maalinta nabadda …

Hay’ada u dooda xuquuqda caruurta ee ANPPCAN qaybteeda Soomaaliya ayaa maalintii shalay ahayd waxay si buuxda uga qaybqaadatay soo dhaweynta iyo weyneynta maalitna nabada aduunka ee ku beegnayd maalintii shalay ahayd.

Caruur aad u fara badan oo ay hay’adu u qaybisay dhar isku eg ayaa socod dheer ku soo maray inta u dhexeysa Black sea iyo Tirabuunka oo ay ka socdeen Banaanbaxyo Nabadeed, waxayna si aad ah u soo dhaweynayeen maalinta nabada Adduunka. "caruurtu waxay xaq u leeyihiin inay muujiyaan isla markaana ay gudbiyaan afkaartooda" sidaa waxaa yiri xariiriyaha hay’adda ANPPCAN Samsam C/llaahi Cabdi oo intaasi raacisay in hay’adu isku diyaarinayso inay xareyso caruurta darbiyo jiifka ah isla markaana helaan xaqooda caruurnimo ayna la sinnaadaan caruurta adduunka.

Dugsiga Al-Faatix oo lagu qabtey maalinta nabadda adduunka

Maalintii shalay ahayd oo ku beegnayd 21-September oo ah maalinta nabada adduunka ayaa waxaa xaflad ku saabsan xuskaasi lagu qabtay dugsiga hoose dhexe sare ee Al-Faatix, waxaana soo qabanqaabiyay xafladaasi Somali Youth Summil (YES), UN.Habitat iyo hay’ada Diaconie, waxaana ugu horeyntii halkaasi warbixin ka soo jeediyay C/llaahi Ibraahim wuxuuna sheegay in nabadu ay tahay mida ugu muhiimsan oo lagu heli karo waxbarsho. Waxaa kaloo ka hadlay afhayeenka Somali Youth Summit Yuusuf Cabdi Maxamed (Bile) oo ah afhayeenka Somali Students Association wuxuuna u mahad celiyay ha’adihii gacan ka siiyay qabshada xuska wuxuuna sheegay in nabadu ay tahay mida ay waxwalba ku imaan karaan oo dhinaca horumarka ah isagoo sheegay in si gaar ah ay ugu oomantahay nabada. Xubnihii kale ee ka hadlay waxaa ka mid ahaa Fardowso Maxmed Maxamuud, C/fataax Axmed Cilmi iyo Faa’iso Cabdi Jaamac oo ah madaxa xafiiska Somali Youth Sammit waxayna dhamaantood ka dhawaajiyeen in nabadu tahay midda lagu gaari karo hormar iyo barwaaqo waxayna u soo jeediyeen shacabka Soomaaliy-eed in ay ka shaqeeyaan nabadda.

SOHRIDEN iyo maalinta nabadda adduunka …

Shalay oo ahayd maalintii nabada adduunka ayaa hay’ada isku xirka difaacayaasha xuquuqda aadanaha Soomaaliyeed (SOHRIDEN) ayaa iyadoo kala qayb qaadaneysa ummadda Soomaaliyeed ayaa soo saartay baaq ku wajahan xurmeynta iyo dhowrida nabada. Hay’ada SOHRIDEN waxay ugu baaqeysaa dagaalada sokeeye ee soo cusboonaaday gaar ahaan gobolada jubbooyinka iyo gobolada Mudug kana qaybqaataana dhowrida nabada iyo xuquuqda aadanaha, khilaafkoodana ku dhameeyaan wada hadal iyo afgarad, sidoo kale ha’ada waxay ugu baaqaysaa baarlamaanka cusub iyo dowlada la rajayanayo inay u istaagaan dhowrida nabada iyo xuquuqda aadanaha. Ugu dambeyntii hay’ada waxay u rajaysay shacabaka Soomaaliyeed in sanadkaan sanadkiisa ay ku gaaraan nabada iyo xasilooni, waxaana qoraalkaan ku saxiixnaa gudoomyaha hay’ada Axmed Maxmed Cali (Kiimiko)

Hay’adda INXA oo xustay munaasabadda 21 september…

Waxaa shalay oo ahayd maalinta nabadda aduunka oo looga dabaaldagayey meelo badan oo ka tirsan caalamka , ayaa waxaa shalay lagu qabtay xarunta hay’adda isku xirka nabadda ito xuquuqda aadanaha ee INXA munaasabad wayn oo lagu soo xusayey maalintaas, waxaana munaasabaddaas ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan hay’adda INXA macalimiin wax ka dhigta dugsiyada wax barashada, aqoonyahano saraakiil wax garad iyo martisharaf kale oo aad u fara badan.

Ugu horeyntii waxaa munaasabadaas furay xiriiriyaha hay’adda INXA Cumar Maxamed Cabdi (cumar dhagey) waxa uuna ka waramay qiimaha ay leedahay maalintaan waxa uuna halkaas ka aqriyey warqad ka kooban labo bog oo ku saabsanayd qiimaha iyo faa’iidada ay u leedahay dadka ku nol caalamka gaar ahaan dadka soomaalida, dadkii goobjooga ka ahaa munasabadaas oo aad u fara badnaa isla markaana ay ka muuqatay qiiro ay u qaban in un mar nabad la helo ayaa waxaa halkaas qudbad aad u dheer ka jeediyey General Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa saraakiishii ciidamada xooga dalka soomaaliyeed waxa uuna halkaas ka sheegay in muddadii 14-ka sano ahayd ee dagaalka habeen lagu jiifan nabadgalyo aanan lagu soo toosin nabad.

Gen. Maxamed Cabdi waxa uu sheegay in aduunku uu maanta noqday halxaafad oo uu la xanuunsanayo hadii ay la soo gudboonaadaan wax yar oo dhibaato ah isla markaana uu la caafimaadayo hadii wax yar oo nabadgalyo ama wanaag ah laga sameeyo.waxaana halkaas ka kala hadlay prof.Caalin, Cabdi wehliye, prof. Maxamed cali daahir waxaana halkaas gabo qiiro badan oo ka hadlaya nabadda ka tiriyey abwaan Muxiyadiin Gabayre.

Tababar ku saabsan xalinta khilaaf-aadka oo hotel Daameey ka furmay…

Tababar ay ka qayb qaadanayaan 30-xubnood oo ka kala socda qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa shalay lagu qabtay hotel Daameey ee magaalada Muqdisho tababarkaan oo socon doona mudo saddex maalmood ah ayaa waxaa lagu baran doonaa xalinta khilaafaadka iyo qaababka loo adeegsado xalinta khilaafaadka waxaana soo qabanqaabiyay xarunta dimoqraadiyada iyo xuquuqda aadanaha (Center for Democracy and Human Rights) (CDHR) ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Tababarkaan waxaa furay duqa magaalada Ibraahim Cumar Sabriye (Shaaweeye) oo isagu tibaaxay in loo baahanyahay in la yareeyo khilaafaadka si umada u hesho nabad iyo xasilooni, waxaa kaloo goobjoog ka ahaa madax ka kala socotay Jaamacada Muqdisho, xarunta dr.Ismaaciil Jimcaale, Tubta Nabadda Soomaalieed iyo Ururka Takhaatiirta Soomaaliyeed (UTS).

Hay’adaho qaabilsan dhinaca xuquuqda aadanaha oo ka hadlay maalinta nabadda…

Hay’ada nabada iyo xuquuqda aadanaha ee Elman iyo xarunta Dr.Ismaaciil Jimcaale ee xuquuqda Aadanaha aya ka hadlay maalinta nabada aduunka. Waxayna sheegeen in 21-ka September ay ku soo aaday xili shacabka Soomaaliyeed ay haysato dhibaato dhinaca nabad galayada, dagaalo sokeeye.

Hay’ada Elman ayaa ugu baaqday hogaamiyeyaasha kooxaha inay xurmeeyaan maalinta nabda adduunka maadaama ay yihiin kuwo xadgudubyo badan ka gaystay dalka welibana ay sii socdaan xadgudubyadaasi.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale waxay soo jeedisay in kooxaha maleeshiyooyinka ay dhigaan hubka isla markaana la taageero shirka dib u heshiisiina Kenya, waxay kaloo ugu baaqday shacabka in la joojiyo dagaalada iyo colaadaha, waxay kaloo u soo jeedisay dadka loo doortay xilalka qaran iyo kuwa loo dooran doonaba in shacabkooda ay ugu shaqeeyaan cadaalad, waxana labada qoraal ku kala saxiixnaa Maryan Xuseen Owreeye iyo Cali Sh.Yaasiin (Cali Fadhaa)

Maxamed Cumar Dhalxa oo loo doortey gudoomiye ku xigeenka koowaad

Waxaa xaley dhacdey doorashadii gudoomiye ku xigeenka 1aad ee golaha baarlamaanka soomaaliyeed waxaa isugu soo harey laba xildhibaan oo kala ah Maxamed Cumar Dhalxa iyo Maxamed xaashi Gaani waxay soo reebeen laba xidhibaan oo iyana la kala yiraahdo cabdi gasaawe iyo Cabdulaahi faax

Wareegii hore labada xidhibaan waa isku dhawaayeen Dhalxa wuxuu helay 57 halka Gaani uu ka helay 56 wareegii labaad ayey mar kale isu soo dhawaadeen labada xildhibaan waxay yeesheen Dhalxa 87 Gaanina 67

In kastoo waqti dambe ay gaartey doorashada hadana waxaa ku guuleystey Maxamed cumar Dhalxa oo noqdey gudoomiye ku xigeenka 1 aad ee golaha baalamaanka wuxuuna helay 160 cod waxaa kaloo loo tartamey gudoomiye ku xigeenka labaad waxaana ku guuleystey……..

Prof. Dhalxa oo Loo Doortay Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Baarlamaanka
Guddoomiye kuxigeenka labaadna waxaa loo doortay... Guji Sept 22

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 22, 2004


SOMALITALK JAWHAR:: WARAYSI GABAR SOOMAALIYEED OO QABTA CUDURKA AIDS-ka
»Reerkii ay ka dhalatay gabdhaas oo go’aan la yaab leh ka gaaray iyo war naga soo gaarey Jawhar waraysiga ka dib Guji

Gudoomiyaha baarlamaanka oo ugu baaqay dadka Soomaliyeed Nabad
Munaasabadan oo ay ka soo qayb galeen madax ka kala socotay Baarlamaanka KMG, Qaramada Midoobay iyo Guji

Xoghayaha Guud ee Dhaqdhaqaaqa Nabadda oo Soomaalida ugu baaqay Nabadda
Maalinta nabadda Adduunka awgeed... Guji... Sept 21

Biraha iskaraabka ah oo Laga Qaaday Xayiraadii, Lagana Dhoofinkaro Bosaso
iyo Shirweynihii Sanadlaha Shabakada WAWA oo lagu soo Gababeeyey Boosaaso...
Guji...

Gudoomiyaha Baarlamanka oo ku baaqay in la Joojiyo Dagaalada K/Soomaaliya
dhinacyada ku dagaalamaya dalka gudahiisa waa in ay joojiyaan dagaalada ka socda kismaayo iyo... Guji..

Doorashadii Madaxweynaha Dowlada KMG ah oo Dib loo Dhigay
Shirkii maanta ee Baarlamaanka Soomaalida ee ku shiraya Kenya ayaa laga soo saaray in... Guji

WARAYSI:: C/LAHI AXMED CADDOW
"Looma baahna ciidamo shisheeye waayo dagaal waa laga daalay" sidaas waxaa yiri Caddow oo...
Guji Sept 17

Qaabkii ay u Dhacday Doorashadii Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG
Warbixintii Axmed Muuse..
Guji... Sept 16

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim

 



HTML CD