Ururka P.E.D.O oo Hogaan
Cusub Doortey
Mustaqbal kasta ee
ummadi ama bulsho leedahay waxa uu ku hora maraa
Taariikhna ku yeeshaa waa Asaaskiisa iyo heerkiisa wax
barasho, Akhlaaqeed,Deemeed, iyo dhaqanka suuban ee uu
leeyahay.
Hadaba waxaa wax lagu farxo
isla markaasna lagu tilmaami karo guulo waa wayn oo ay
gareen dhamaan ardayda reer Puntland iyo Shacabkoda in si
wayn looga hirgaliyey wadaankaan Pakistaan iyo Meelo kale oo
ka mida calamka Ururka Hurumarinta Waxbarashda ee
Puntlaland.
Ururkaan oo marka magacisa
lasoo gaabsho loo yaqaan P.E.D.O ayaa ah urur aradeyeed oo
had iyo jeeraale ku howlan sidii uu wax uga badali lahaa
baahida joogtada ah ee dhinaca waxbarashda iyo wiliba
arimaha bulshada.
Hadaba waxaa ka bilaamay
magalada karachi ee dalka pakistan tariikhdu markayk ahayd
25/09/04 dorashada labada golle ee ururka aradayda reer
puntland ee ku dhaqan dalkaan Pakistan.
Dorashadaan oo aad muudo
hadaba in ay u dhacday qaab aad u wanaagsan isla markasna si
wanaag san loosoo abaabulay, ayaa jagada hogaanka ururka ay
ku tartamayeen illaa 4 Musharax halkasoo mid kastiba usoo
gudbinayey tariikh nololeedkisa iyo heerkisa waxbarasho
gudiga qabanqabada Dorashada.
Musharaxinta ku tartamayey
jagadaa hogaanka ururka horomarinta wax barashada ayaa guud
ahaan lagu tilmaami kara musharixiin ay ka go’an tahay in ay
wax qabad mujiyaan isla markaasna shucuur wadani nimo ka
muuqatay wajiyadoda. Musharixintan oo kala ahaaa:
-
Ismacil Farax
-
Maxamed Ali Farax
-
A/rahman Farax Ali ( Sudeysi )
-
Maxamed Abdinur Ahmed
Guud ahaan dorashadaan oo u
dhacday si aad u fudud isla markaasna kalsooni buuxda ay ka
muuqatay musharax kasta ayaa ka hor intaysan
bilaaban dorashada
mushurixinta u tartamaayay hoganka ururka, ayaa waxaa
warqado tanasulaad ah kasoo gudbeen sadex kamida
musharixinta jagada gudoomiye nimada ururka.
Arintaan oo aad loo soo
dhaweyeey ayaa hadaba gudiga qaban qabada u howl galeen
arimohoodi dorashada iyo qaabkii kalsonida loosiin lahaa
gudoomiyaha isagu isu soo tagay jagada hogaanka ururka
ardayda ee Pakistan.
Sadexda Musharax ee
tanaasulaadka sameeyey ayaa mid waliba ka jeediyey hadalo
aad u wanag san oo kalsonidisa kusiinaayey Musharaxa isagu
kusoo haray jagada hogaanka ururka P.E.D.O
Guud ahaanba jawiga
doorashada ayaa modaa in uu ahaa mid aad u fudud isla
markaasna kalsooni dheeraada lagu wada qabay mudanaha ku
guulaystay jagada hogaanka ururka P.E.D.O.
Ugu danbayntii gudiga
qaban qaabada dorashada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in
mudane A/raxman Farah Ali (Sudeysi) uu ku guulaystay jagada
hogaanka ururka horumarinta wax barashada reer puntland (P.E.D.O).
Waraysi badan oo aan
layeenay xubnaha ururka iyo wiliba qaar kamida
tartamayaashii jagada hogaanka ururka ayaa waxay noo shegeen
in ay aad usoo dhawaynayaan dorashadaan iyo qaabka ay
udhacday kuna tilmaamay hogaanka cusub ee ururka in uu yahay
nin howl kara isla markaasna aqoon dherada u leh howla
nocaan oo kale ah.
Sida la ogsoon yahay
ururkaan oo aad u daboolay bahida wax barashada ayaa modaa
in dad badani is waydiin karaan meelaha uu ka howl galo
ururkani, hadaba ururkani waxa uu ka hawl galaa wadamadaan
hoos ku xusan.
- ¨ Uk, United
Kindom
- ¨ USA United
State of America
- ¨ UAE Unite Arab
Emarates
- ¨ Malayzia
- ¨ Kenya
- ¨ India
- ¨ Pakistan
- ¨ Syria
- ¨ Egypt
- ¨ Suudaan
- ¨ Filand
- ¨ Somalia
- ¨ Kuwait
Iyo wadamakale oo aanaanu
hada meesha ku xusin balse uu ururku ku raja waynyahay inuu
xafiisya ku yeesho mustaqbalka soo socda ee dhow.
Waxaa
diyaarshay.
Mohamed Abdinur Ahmed
Mob:
+923003567173
Email:
Mohamed_zeki@hotmail.com
Karachi Pakistan