SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ma waxgarad baa dacar lalaqooshtaa? mise wax magarad baa malab lala qooshtaa?       (Taqi)

 

 llaah awooda sare leh muusan simin kuwa aqoonta usaaxiibkaa iyo kuwa aan usaxiibka aheen. Farqigooda waa sida mugdiga iyo iftiinka adiga iyo anigaba shaki noogamo jiro.

 

Sheekadii “ dhibanaha aan dhalan”ee kusaabsaneed jaceelka iyo dhibaatada gumeestaha ee uu qoray maxamed  jamac cowl (Alaa yarxam) waxaa kujirtay xigmadan, markii Billan Aw-jaamac ay kubaratameen guurkeeda inna adeerkeed Ali iyo Dalal, waxay  kula googaa caladeesatay dhoor su,aal ina adeer Ali iyadoo baaresa heerka garaadka caqligiisa waxayna kutiyi waxaad iisheegtaa 3 dumarka ku ceebaa  raga ku,amaanaa? Ali jawaab saxaa muusan uhelin, su,aashedii 2aad oo aheed rag gogashii iyo haruur iidaankii waa maxay? iyana jawaab waafiyaa wuu uwaayey  Bilan markay ogaatay caqli gaabnida inna adeerkeed oo lahaa xoolo balse aan wax lala wadaagi karin ayey dooratay inay nafsadeda uhibeeso Dalal oon laheen  wax xoolaa  misana agoonaa  iyadoo usheegtay Ali “ in intay wax magarad  malab laqooshan laheed ay udhaanto inay wax garad dacar lalaqooshato”

 

Shirka Somalida ee Kenya kasocdo marxalado kala duwan ayuu soomaray iyadoo qeebaha bulsho ee Somali wada joogaan tusaale ahaan  hogaamiye kooxeedyo, ugaasyo, aqoonyahano, haween, culumo iyo caamo xisbi kamoqan majiro qolowalbaa maslaxo ayey baadi goobayaan,  3da tiir dhexaad ee dowladi kushaqeeso mid kamidaa ayaa ladhisay oo ah gudoomaha baarlamaanka iyadoo jegadaas isku sootaageen  dad xilkasaa iyo kuwa xeeso hayo, maadaamo hal shaqsi jegadaas qaban qof unbaa nasiib uyeeshay hadba daruuftii ladoono lagu doortee, waloow ay cadeen kan wax dooran iyo kan ladooran midka fikirkiisu saliim yahay uu caafimaad qabo – maadaamo lacag iyo madaxtinimo laysku xiran, halka aduun weenaha kale aqoon iyo madaximo wadajiraan.

 

Dalka Iraq nin kunoolaan  jiray ayaa  ismooday   inuu yahay  haruur markasuu bilaabay inuu kabaqo shinbiraha maadaamo ay aad ujecel yihiin cunista haruurka –eheladiisii ayaa bilaabeen inay daweeyaan waxayna ugeeyeen dhamaan wixii dhaqtar ee dalka joogay balse waa lagu guuldareestay oo mar alle markuu arko shinbiro wuu kacararaa si,aysan ucunin; maalin ayaa nin kucaan baxay cilmi nafsiga loogeey si uu ninkii jiranaa uqanciyo wuxuuna kuyiri adigu waxaad tahay ruux aadami sideedoo kale shinbiruhu wax kuyeeli maayaan  ee jooji cabsida iyo qeelada badan waatan aniga may icunaan? ninkii xanuun sanaa ayaa kuyiri dhaqtarkii aniga waxaad iisheegtay inaan ahay ruux aadamiyaa waana kaaqaatay fikrikaas ee intaad baxdo ood lahadasho usheeg  shinbiraha  inaan aheen haruur si ay iiga leexadaan aysan ii cunin – dhaqtarkii aadbuu  uyaabay waayo suuragal umo ahan inuu lahadlo shinbiro oo luqadiisa fahmimaayaan- marka  tollow waa cidma cidda hogaamiye kooxeedyada wax usheegi oo oran tartanmadii waa la,idinka guuleestay ee iska sabra 4 sano kadib isu soo sharaxa –taasi waxay kaxigaan qori caaradiis oo luqada kaliyaa ay fahmayaa waa in dagaalkii lagu jabiyey oo dad badan looga laayey tikniko farabadana looga gubay –sidee c/hi Ahmed caddow uu ugu hanbalyey maalinta carta c/qasim kuguuleestay. Lagamo filaayo qabqablayaasha inay sidaa sameeyaan.

 

 Shiiq A/man Hussen (Abuu xamsa) Allaha karaali noqdee -oo umada Somali utarjumay buug badan  midka midaa wuxuu  kusheegay xigmad caalamiyaa oo lagukala garto dadka kuwooda liita iyo diracaa.-waana tan xigmadii -bari ayaa 3 kaluun oo kuciyarayo wabiye sheeda ka,arkay nin kaluumeestaa, rag  karoonihii markiiba waa kadhuuntay oo meesha isaga tagay, 2dii kale iyagoo dheelaya ayey shabakadii kudhaceen, midkii raga ahaa wuxuu kufekeray qaab uu kubaxsado wuxuuna iska yeelay wax baqtiyaa, kaluumeestihii ayaa iska tuuray isagoo leh “ sideen oran wax baqti iyadoo malaay meelkastaa buuxo” markii latuuray ayuu biyihii kubooday horayna udabaashay –kaluumeestihii ayaa aad uga carooday  xeelada uu kaluunka uga baxsaday; kaluunkii 3aad oo ahaa kii ugu liitay markuu arkay inuu kudhexjiro shabakada ayuu marba dhan ucararaa isagoo iskudayaayo inuu shabakada meel uga baxsado basle kaluumeestihii oo xeeladii hore lacareesan ayaa gacana kudhigay halkaasna kuqashay.

 

shirka Kenya kasocdo wuxuu  hadda maraayaa fursadihii ugu danbeeyey  misana waxaa kuniyad jabin dad badan oo caqili iyo aqoon usaaxiib oo markoodii hore shirka olale xoogan kawaday inay xiligan iskaga tageen – iyo dowlado arimaha Somali lafdhabar u,ahaa oo hadda iskaga gaabiyey sida dalka Masar –dadka somali ee goobta iskaga hayaamay waxaa tusaale usooqaadan karnaa Dr Ali Qaliif Galeer – marar badan ayuu jaamacadiisa isakaga sootagay, si uu arimaha dalkeena hooyo kaalintiisa uga qaato balse xiligii dadkoo idil islahayeen taloow Galeer tii carta prime minister  helee tan president ayaa kamudan iyo su,aalo lamida, ayuu maalin cadeey arimada dalka faraha kala baxay ilaayo hada wax sabab uu sheegay majiraan –dhanka kale Ali Qalif oo qura arimaha dalkeena kamo ayaamineen ee dad ka, cadaaladsan, wadaniyadsan, aqoon badan ayaa joogay goobta shirka – balse dhamaantood xiligan  mamuuqdan oo rag horleh ayaa soobaxay iyadoo qabqable uu fursad fiican helay marka natiijada shirka wax yar ayaa kadhiman cirib wanaagsan ilaah hanoogu dhameeyo aamiin aamiin.-

 

waayaabe hadii Galeer umuuqday kaluunkii 1aad oo meesha iskaga cararay c/qasim iyo c/hi caddow ma,oran karnaa shabakada ayey kaluumeestihii ugu jiraan ninkii ragaana waa kii kasoobaxo oo xeelad isticmaalo. Kan looga guuleesto oo meesha kuharo oo wax magarad malab laqooshtaa isna uu yahay kan dad ugu liito. Jawaabta aqristahaa udaayey. 

Dr.Taqi Bashiir
<taqibashiir@hotmail.com>

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
»
QORMADA KU TOOSI QARANKA QABYAALADNA KU DIID [Garaad]
»Mudaaharaadyo Looga Soohorjeedo Qaraarada Allah [Dr. Taqi]
»MAXAAD KA TAQAAN GEN.  MORGAN [Xasan]
»
Khayr:::: Maqaalkii Shaafici
»
Caddow: Xabbad Caaraddeed & Cood  Jago kuma Raadinayo [c/waxid]

»Ma Dooneysaa Nabad iib ah? [Booqashadii Jawhar]
»DOONTII WAXBARASHADA: Maansadii 20aad ee Doodwanaag
»
DULQAAD: Maansadii 21aad ee doodwanaag

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD