SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dixdhagaxeed

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com

Ilaa iyo inta aynu taariikhda ku hayno, tolalka Soomaaliyeed waxaa ka dhex aloosnaan jiray loollan iyo colaado aan macne iyo dhamaad midna lahayn, kuwaas oo ay qabyaaladda, damaca , dhaca iyo wixii la mid ahi sabab u ahaan jireen, soona noqnoqon jiray. Loollankaas iyo colaadahaasi waxay ahaayeen qaar xattaa dawladihii xilligii xornimada ka dambeeyay la dhisay ay si rasmi ah u afjari waayeen; in kastoo ay tii u dambaysay sii hurisayba, tolalkii Soomaaliyeed ee ay ahayd inay giddigood wada ilaalisona ay qaarna garab iyo gaashaan u noqotay, qaarna fogeysey.

Colaadaha iyo legdenka ka dhasha loollanka ka dhexayn jiray tolalku waxay ahaayeen qaar kol-kol halkooda lagu xalliyo lana joojiyo iyagoon khasaare iyo dhib la sheegi karo midna keenin. Mararka qaarkoodna waxay sababi jireen in ay tolalka qaarkood si aan qiyaas lahayn oo laga xumaado isugu rogmadaan, dhaca iyo dooxatada oo badata iyo nabadgelyada oo dhexdooda ku yaraata; taasoo keeni jirtey in ninba ninka uu arko uu bixin waayo.

Falalkaas murugada leh ee Soomaalida ka dhex dhici jiray, walina ardigeeda meelo ka mid ah ka sii jira ayuu Alle ha u naxariistee abwaankii caanka ahaa ee curinta murtida hibada dhabta ah u lahaa ee Cabdillaahi Suldaan "Timacadde" in badan joojintooda bulsho-weynta Soomaaliyeed ka waanshey, hase ahaatee dheg loo dhigi waayey. Cabdilaahi waxa uu ka mid yahay abwaannada Soomaaliyeed ee suugaantooda heerka sare ah aadka loo jecel yahay kuwa ugu horreeya, haddii aanu ahaynba ka koowaad. Gabayadii iyo geeraarradii faraha badnaa ee uu abwaanku danta ummadda kaga hadlay waxaa ka mid ah tixda caanka ah ee aynu "Dixdhagaxeed" ama " Dugsi ma leh Qabyaaladi..." u naqaanno.

"Dixdhagaxeed" waxay ka hadlaysaa isla mawduuca ay tixo badan oo uu abwaanku tirshey ka hadlaan, sida faa'iidooyinka ay leeyihiin "wadajirka iyo wax wada qabsiga" iyo ka hadhitaanka falalka maroora ee ay qabyaaladdoo lagu dhaqmaa ka mid tahay, dulmigu ka mid yahay, dhacu ka mid yahay; kuwaas oo ah waxyaalaha dadkeena dib u dhigay. Bal eeg beydadkan :

  • " Dadka waxaan ogeysiinayaa dawgu suu yahaye.
  • Dulmi iyo dhac waa waxa kharribey degelladeeniiye.
  • Soomaalidaay daya wanaag idinka doorsoonye."

Colaadaha iyo dulmiga waagii beryaba la soo sheegaa waxay sababeen in ay dad badani "halkii loo badnaa" iyo "aakhiro" u guuraan , sidaasna ay Soomaalidu qowmiyadaha kale kaga tiro yaraato. Bal mar kale akhri beydadkan:

  • "Dab markuu bakhtiyoba meel kalaa dogob ka qiiqaaye.
  • Dubbe madaxa way iskala dhacdaa daa'in abidkeede.
  • ' Waagii dillaacaba naxdin dihinbaa la sheegaaye. [1]' "
  • & "Dadka kama ay yaraateenee way is dabar-jaraysaaye."

Meel kale "Dixdhagaxeed" waxay inoogu sheegaysaa in inta tol-tol loo dirirayo,ama duullaamo aan macne lahayn la humayo amaba dulmigu si kale u socdo in aanay Soomaalidu waligeed dhogor-goynayn ama doogsanayn oo xattaa inta yar ee aafada dirirtu leedahay ka bedbaaddaa ay halis u tahay inuu cadawga dibadda oo malaha daadka la sheegayo ahi uu si fudud mareegaha ugu furo mar haddii ay iyadu cid walba isu wiiqday. Bal haddana midhadhkan kale ee aynu isla tixda ka soo qaadannay eeg:

" Dirdir laysu laayiyo intaan weerar daba joogno. 'Debec yaa lahaayeey intaynu isugu duulayno [2]' Oo ay dumarku weerkii sitaan danabbadii waayey. Uu sida dareemada u yaal meydku dibaddiina. Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane." & " Goortay iswada dooxataa daad u soo geliye."

Tixda "Dixdhagaxeed" waxaan filayaa inay tahay tixda ugu caansan ee qabyaaladdu waxa ay tahay si weyn loogu sheegay ee ilaa maanta aynu xusuusannahay, waligeedna la xasuusnaan doono. Waxaa ku jira halqabsigii caanka ahaa ee macnaha weyn xambaarsanaa kaas oo aynu wada naqaanno, hase ahaatee aan maskaxda dad badan u dhaadhicin. Halqabsigaas oo keligii wacyi-gelin ugu filan cid kasta oo rabta inay iyadoon meerisyo badan maskaxda gelin ogaato xaqiiqada dhabta ah ee qabyaaladda ayaa ah kan, " Dugsi ma leh qabyaaladi,waxay dumiso mooyaane."

Waxaa fiican isku soo dhowaansho bulshada dhexdeeda ah in la helo; jidka fiican oo aan la moogaan; in guud ahaan waxii ummadda nacfi u leh si laysla oggol yahay loogu guntado iyo in waxyaalahii bulshada horey u soo wareemay ka feejignaantooda hiyiga lagu hayo, si aan dib dambe loogu qatalmin.

Waxaynu maqaalkan kooban ee bulshada lagu wacyi-gelinayo ku soo oodeynaa beydadkan :

" Waxii horey usoo daashaday bay degeshaneysaaye. Doc hadday u wada jeedsatoo ay duunka ka heshiiso. Dadka kama ay yaraateenee ways dabar-jaraysaaye. Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela'e. Nin ka duday distoorkiyo waxyigu diintii ka carrowye. Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane."

___________________

Xusuus :

A) Akhristuhu waa inuu aad ula socdaa in aanay tuducyada kor ku qorani isugu xigin sidii caadiga ahayd ee ay tixda ugu jireen.

B) 1 & 2 , Samo-ka-talis, India, 1997.

Axmed Iid Aadan
ahmediid@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 30, 2004


»BBC: LAMA RAACIN RAADKII RAAGE IYO MAXAMED C/LAHI [Sahal]
»
QORMADA KU TOOSI QARANKA QABYAALADNA KU DIID [Garaad]
»Mudaaharaadyo Looga Soohorjeedo Qaraarada Allah [Dr. Taqi]
»MAXAAD KA TAQAAN GEN.  MORGAN [Xasan]
»
Khayr:::: Maqaalkii Shaafici
»
Caddow: Xabbad Caaraddeed & Cood  Jago kuma Raadinayo [c/waxid]

»Ma Dooneysaa Nabad iib ah? [Booqashadii Jawhar]
»DOONTII WAXBARASHADA: Maansadii 20aad ee Doodwanaag
»
DULQAAD: Maansadii 21aad ee doodwanaag

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com
 
Allah Is Great
TAARIIKHDA ISLAAMKA
Silsiladda Taariikhda Islaamka
Hordhac | 1aad | 2aad

Qore:Shiikh C/risaaq Macalim
Codka Muslimiinta US ayaa u Batay Dhanka Kerry
Qormadii Xasan Jaamici...
Guji...
USA: Maroodiga (R) oo la filayo inuu dameerka (D) si xun ugu durduriyo: Wardheere

 



HTML CD