SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RA'YI
Radiyo Muqdishu: Idaajaa! Somalitalk: C/raxman Elay!

Radiyo Mogadishu baa waxaa astaan u ahaa inuu faafiyo dacaayadaha qabiilka markaas uu kacaanku rabo inay Soomalida kale ku kacdo. Dacaayadaha waxaa loo adeegsan jiray Suugaan maldahan!

Dadka hormuudka u ahaa, waxaa ka mid ahaa hobaladii Waabari, Idaajaa, iwm.

Habeenka uu Siyaad Barre ku qarwo qabiil Soomaliyeed, waxaa galabtaas laga dareemi jiray Radiyo Muqdishu. Qabiilada qaar sugaanta ku wajahan lalama gaban jirin, waana la cadeysan jiray in la cirib tiri doono:

  • Labadeenna siifood
  • Tii Saawir noqotaa
  • Sinji guura weeyaan

Qiyaas Radiyihii qaranka oo looga dhaaranayo qabaa'il Soomaliyeed! Qiyaas Soomalidii reer guuraaga aheyd ee dhaqanka u leheyd qabiilka markaa ay u tiriyaan inuu liicsanyahay sidii shinidii ku loolami jiray cirib tirkooda, si uusan qabiilkaas mar kale u soo kicin! Qiyaas dawlad dhan oo radiyihii qaranka uga dhaaraneysa inay baa'bin doonta oo sinjigeeda tir-tiri doonto!!??

Haddii Qabaa'il kale uu rabo inuu Siyaad Barre u digo, oo ayn hilmaamin abaalkii loo galay, Radiyo Muqdishu waxaa laga soo saari jiray;

  • Dadka kii aad kurisee
  • Isagoo kuududay banaan
  • Ka soo kicisayee
  • kaba aad u galisee
  • Waran kugu Gilgilayee
  • Waxan ahay Kacaanoo
  • Sidaas kuma kufaaye
  • ................
  • Kas gaabkoow ogoow!

Haddii Siyaad uu dareemo in qeybaha bulshada qaar, ay niyad jab ka muujiyaan sida shacaka qaar loo takooray, Waabari ba waxay u qaadi jireen, si aan loogu diir nixin:

  • Da bay meeli bugtaa
  • Bugtaa, Bugtaa
  • Dad bay meeli bugtaa
  • Aan barannee
  • Noo kala baar oo
  • Bayaan u caddee?

Haddii Siyaad Barre uu rabo, in Qabiil habacsanaan laga dareemay la toosiyo, Idaajaa baa Galabtaas Suugaan lagu daan daansanayo qabiilkaas radiyo Muqdishu ka soo saari jiray, Suugaan lagu toosinayo, laguna xasuusinayo sidii ay taariikh ka madaxbanaan qabaa'ilka loo tirinayo inay u diir naxeen, u lahaan jireen!

Haddii la rabo taariikhda qabiil in si khaldan loo muujiyo, Idaajaa baa soo bandhigi jiray maqaallo ay cinwaan u yihiin: Kumuu ahaa Boqor Cismaan?

Suugaanta Soomalida ee Radiyo Muqdishu waxay ku saleysneyd, In Siyaad Barre loo muujiyo inuu yahay Darwiishkii labaad, Wixii Darwiishkii hore ka soo horjeedayna ay kanna ka horimanayaan oo ay gumeysi raac yihiin, istaahila in la cirib tiro. Waxaa kaloo la isku dayay in loo muujiyo Siyaad Barre inuu hoos ka hogaaminayay SYL! Waloow ay runta sidaas ka fogeyd, Laakiin Idaajaa wuxuu ku shaqeynayay ku celceli - iyadaa run loo qaadan doonaay. Dad badanna waaba rumeysteen; in qabaa'ilka qaar ay Yuhud ka soo jeedaan ama la halmaalaan. Qar Daarod sheegtana ayn runtii Darod aheyn! Kuwa Dir sheegtana ayn Dir aheyn, iwm!

Ku soo bood 2000 iyo hudhodhooda!?

Muxuu sameyn lahaa, C/Raxman Elay Haddii Gen. ceydiid uu Madaxweyne rasmiya ka noqon lahaa Soomaliya. Sideebuu u isticmaali lahaa radiyha Dawladda Soomalida!?

Maalma dhaxdeer ah, C/Raxman Elay baa Boorka Soomalidu isku qariso ee qabiil diidka asoo isku qarinaya wax badan ka hadli jiray; Takoorka Midgaha www.somalitalk.com/quursi Haddase ujeeddo kale la soo baxay;
http://www.somalitalk.com/quursi/gabay1.html ,
http://www.somalitalk.com/quursi/gabay3.html ,
http://www.somalitalk.com/2005/apr/4apr605.html .
Markiise taageerayaasha Cisman Cato ay aloole ballaaran oo looga soo horjeedo Dawladda aan cagaha badneyn rajadeeduna fiicneyn, hadana hurmuud u noqday qoraalada lagu aflagaadeynayo dadka uu isleeyahay waxay horistaageen shiriarkii ay wateen, qabaa'ilka ay ka soo jeedaan!?

Dhamaan qoraaladisii u danbeeyay, waxaa si cad ugu xardhan, ujeedada guracan iyo qabiil weerarka ay wataan!? Ma Soomali baa af soomaali iyo ujeedada qoraalka loo maldahi karaa!?

Arinta aan ka shifno:

Shirarkii looga soo horjeeday Dawladda ee lagu qabanayay Magaalooyinka mataanaha ee Minneapolis iyo St. Paul, waxaa qaban qaabiyay wakiilada Cismaan Cato. Shirarkooda waxaa isku dayay inay hor istaagaan, Taageerayaasha dawladda ka dhalatay Kenya.

Waxaase intuba u dhaxeeya, dad Soomaaliyeed oo qabaa'il kala duwan ka soo jeeda, laakiin kooxiba dhan u xaglineyso. Qoraayaasha Soomalida badankood laba taariikh oo aad looga deyriyay bay daba socdaan. Taariikh madoow, waxaa suugaanta ku daray Abwaan Ali Sugulle, oo Dawladdii shacabka madaxweynayaashooda midba markii uu ama lumiyay doorashaddi hees u qaaday kii kalana markii la dilay hees qabrigiisi ka dul qaaday. Laakiin markii Kacaanku dhsahay, daba dhilifnimo ku caan baxay.

Waa meeshaas meesha ay Abdicasisi Dakharre iyo Xadraawi ku durayeen Ali Sugulle, Sangub, Idaajaa iyo wixii la halmaala.

Waabari iyo Ali Sugulle Aden Cadde waxay u qaadeen;

  • Shimirayahow Heesa
  • hees Wanaagsan Heesa
  • mar kalana waxay u qaadeen:
  • Ubaxii baxayoow
  • Sawdigan abaarsaday

Abdirshid Ali Sharmarke, oo meyd ah waxay u qaadeen; ....

  • Qabri kula wareegoow
  • Ilaahay wuxuu qoray
  • bajin waa quraankuye

Suugaanta Soomalida waa sida af-Soomaliga, waxaana haboon in marka la soo xiganayo, sidii ay ku timi oo aan laga been sheegin la raaciyo, haddii kale wali waxaan garaaceynaa durbaanadii Aw Jama iyo Idaa Jaa.

C/raxman Elay, sidii taageerayaashii Kacaanki Oktoobar iyo shaqaalihiisii warbaahinta ka qajili waa inuusan qabiilna ku weerarin Suugaan, isagoo ujeeddo Siyaasadeed leh, waloow umaddu ka fiira dheertahay, raadka dhada ee la xar xardhay. Soomalitalkna awalba loogama fadhiyan tayo ay mu baarto waxa khaldan iyo waxa saxa ah.

Haddii aan Taariikhda Soomalida wax ka baraneyno, C/REaxman Elay shaarka Sooamlidu kolba dhan u xirataan buu awalba qabay, hadda wuxuu aflgaadeynayaa, shakhsi kastoo ka horyimaada danaha uu taageersanyahay, qabiilka ay ka soo jeedaan. barina waa kuwo horleh!?

Sidii Waabari ee subaxna qabiilka ku doogay banaan cad, galabtiina qaadayay;

Dad bay meeli bugtaa

C/raxman Elay, maalinna maxasta iyo magaratada ha kala hadlo; Iimaha takoorka ee midgaha Maalinta ku xigtana, shakhsi ay shir isku laayeen, qabiilkiisa si cad iyo si maldahanba ha u weero. Sidii radiyo Muqdishana, Soomalitalk, ha nagu sii deyso C/Raxman Elay oo miiran!

U fiirsada maanta waa aflagaadada Qabiil hebel, iyo Difaaca Dr. galeyr. Barito waa cayda Dr. galeyr iyo qabiil horleh. Maadama waxa isaga hogaaminya ay yihiin shucuur qabiil!?

Nasiib wanaag, Soomalida uma dhuumanayo C/raxman Elay oo kale. Maxaa yeelay waan u soo joognay

Faarax Dhibic
fdhibic@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

»GABAY:1:: Quudhsi Diid [Ayax Dhowre]
»GABAY:2:: Ayax Teg Eelna Reeb  [Ayax Dhowre]
»GABAY:3:: Qayla dhaan ha dhiirado [M. A. Sangub]
»GABAY:4:: Gacal Takoor [Axmed Asad]

Faafin: SomaliTalk.com |  April 6, 2005


Waraysi Samsam iyo Codsasho Caawinaad Soomaalino...
iyo Shirkadda Dahabshiil oo Sanduuq Mucaawino u Furtay Samsam...
Samsam waxa ay shaaca ka qaaday in ay dacwadeeda u gudbineyso Maxkamadaha Aduunka ee Caalamiga ah, waxana ay...
Guji...

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 

© www.SomaliTalk.com

SEARCH

 



HTML CD